sadiiq
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sadiiq
name-m trustworthy, friend; one who keeps his word; righteousness
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sadiiqa
name-f trustworthy, friend; one who keeps her word; righteousness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliiq
-a: (magac, lab, keli) cudur ku dhaca feedhaha oo loo yaqaan qaaxo ama tiibii (TB).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhiiq
-a: (magac, lab, keli) dalagga midhaha ah, gaar ahaan bariiska qubka ama galka dusha kaga dahaadhan. Badhiiqa ka huf bariiska. Dh: bariiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadiibo
m.dh (-ooyin, m.l) Bir yar oo qadhabi ah oo ragga gadhmadowga ah cirradu ku siibsiibo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sardiin
* (Sardiin-ka)
Huduf; baaqe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sardiin
m.l.u Huduf; baaqe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sardiin
m.l.u Huduf; baaqe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sardiin
m. n., [collective] sardine; canned sardines
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardiin
-ta: (magac, dhedig, keli) huduf ama baaqe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sardiin
cf: baaqe, huduf {Eng}
de: sardine; canned sardines
initial: s
lx: sardiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: sardiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqiiq
(Shaqiiq-a)
Cudur madaxa qabta oo wixii qabaa ilkaha isku lisaan oo jirriqsadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqiiq
m.l Cudur madaxa qabta oo wixii qabaa ilkaha isku lisaan oo jirriqsadaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaqiiq
m.l Cudur madaxa qabta oo wixii qabaa ilkaha isku lisaan oo jirriqsadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqiiq
m. n. neuralgia, disease that causes someone to grind one's teeth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqiiq
-ga: (magac, lab, keli) cudur madaxa ku dhaca oo wixii qabaa ilkaha isku xoqaan, isku lisaan oo jirriqsadaan. Dh: qandho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqiiq
de: neuralgia, disease that causes s.o. to grind one's teeth
initial: s
lx: shaqiiq
pd: (-a)
ps: n-m
key: shaqiiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sindiiq
(Sindiiq-a)
Gaal; kaafir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sindiiq
m.l Qof diimo badan sheegta; gaal; kaafir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sindiiq
m. n. atheist, unbeliever, infidel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sindiiq
-a: (magac, lab, keli) qof xun oo gaal ah ama aan qirayn jiritaanka Ilaahay. Dh: kaafir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sindiiq
cf: gaal, kaafir
de: atheist, unbeliever, infidel
initial: s
lx: sindiiq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: sindiiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadiiqe
(Wadiiqa-ha)
Dhabbe yar oo ciriiryoon; (ama wadiiqo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadiiqe
m. n. narrow path
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadiiqe
de: narrow path
initial: w
lx: wadiiqe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: wadiiqe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadiiqo
(Wadiiqa-da)
Wadiiqe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadiiqo
m.dh (-ooyin, m.l) Jid yar, dhuuban oo gaaban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wadiiqo
m.dh (-ooyin, m.l) Jid yar, dhuuban oo gaaban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadiiqo
f. n. narrow path
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wadiiqo
-wadiiqada: (v) footpath (fuut-paath); pathway (paath-weey); way (weey)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadiiqo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wadiiqe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadiiqo
de: narrow path
initial: w
lx: wadiiqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: wadiiqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiq
(Diiq-a)
Doorada keeda lab; diyaad lab; diig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiq
diiq¹: m.l 1. la-mid: diig (-qaq, m.l) Digaagga kiisa lab. 2. Kalluun yaryar oo gudguduudan. 3. Ciriiri. 4. D. ah: si dhib leh.
diiq²: m.dh 1. Cunto, dhar iyo wixi lamida aan badnayn oo loo geeyo ummul, aroos, qof jirran iyo wixi lamida. 2. Allabbari dad isu keenaan. la-mid: diiqo.
diiq³: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Wax sii yaraansho, sii liciifid. 2. U d.: cid dhibaataysan wax ugu deeqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiq
diiq¹: m.l 1. la-mid: diig (-qaq, m.l) Digaagga kiisa lab. 2. Kalluun yaryar oo gudguduudan. 3. Ciriiri. 4. D. ah: si dhib leh.
diiq²: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Wax sii yaraansho, sii liciifid. 2. U d.: cid dhibaataysan wax ugu deeqid. m.f.dh, diiqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiq
v. give charity, give a gift
diiq m. n. cock, rooster
diiq m. n., loc. cramped place, narrow and uncomfortable position
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diiq
-a: (n) rooster (ruus-tar); cock (kok); male chicken
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Diiq
(I) Gallo;
(E) Cock
(S) Diiq (S. c. m.; Dig)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiq
(fal) aqal cusub oo aroos ah ama maqaam iyo meel culimo joogto, u gee hadyad waxtar leh. Dh: dhibaadi.
diiq-a: (magac, lab, keli) dareen xaalad cidhiidhi ah. Dh: cidhiidhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siiq
(Siiq-da)
Geed dheer oo webiyada ka baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siiq
m.dh Geed dheer oo webiyada agagaarkooda ka baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siiq
f. n. tall tree species, growing beside rivers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiq
-a: (magac, lab, keli) geed dheer oo webiyada ka baxa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siiq
de: tall tree sp., growing beside rivers
initial: s
lx: siiq
pd: (-da)
ps: n-f
key: siiq
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-adii
de: the [FEMININE PLURAL] Indicates known feminine noun
lx: -adii
ps: n2-f-pl-suf
xe: the shops
xv: dukaannadii
key: -adii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sadaq
(Sadaq-a)
Gogol ulo yaryar oo dhuudhuuban ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadaq
m.l (-qyo, m.dh) Gogol ulo yaryar, dhuudhuuban oo isku xirxiran ka samay-san.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sadaq
m. n. mat made of wickerwork
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaq
-a: (magac, lab, keli) gogol laga sameeyo qoryaha dhuudhuuban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sadaq
cf: gogol
de: mat made of wicker-work
initial: s
lx: sadaq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: sadaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadri
-ga: (magac, lab, keli) qalbiga ama niyadda. Dh: kal, laab.
sadri: (fal) sadarro u yeel kitaabka ama xaashida. u samay xarriijimo daabacan ama mastaradaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakii
-da: (magac, dhedig, keli) iin gasha lugaha co lagu dhasho oo kolka la socdo labada lugood is ku dhacaan oo is lisaan. Dh: sakiiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiq
f.mg1 (-qay, -qday) 1. Xumbo hoos u dhicid. 2. Wax buuran ama dabayl ka buuxdo yaraansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiiq
f.mg1 (-qay, -qday) 1. Xumbo hoos u dhicid. 2. Wax buuran ama dabayl ka buuxdo yaraansho. m.f.dh, shiiqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiiq
v. shrink, become deflated ~ smaller; melt (away)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiiq
-ay / day: (v) become smaller; contract (kon-tarak); shrink (shir-ingk) ~ shuuq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiq
(fal) iftiin iyo wax la mid ah, sidii hore ka yaraw; isku soo urur.
shiiq: (fal) xunbo iyo wixii la mid ah, soo yarow.
shiiq-a: (magac, lab, keli) soo yaraansho: gudhid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiiq
a: shuuq
de: shrink, become deflated ~ smaller; melt (away)
initial: s
lx: shiiq
pd: (shiiqay)
ps: v1=intr
key: shiiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sidii
(sidaan, -uu, -ay, -aad, kd.)
Taniyo inta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidii
fk. la-mid: si.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sidii
n. phr. or [adverb] in that way
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sidii
(adv) as (aaz); like (laayk); the same way. Ex: sidii Cali buu u heesay; he sung as Ali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidii
(falkaabee) tilmaama hab horay la iskugu ogaa. Shaqada sidii hore uun u qabo. Dh: habkii, qaabkii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sidii
de: in that way = si (da) + -ii
initial: s
lx: sidii
ps: np / adv
key: sidii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badiil
m.l (-llo, m.dh) Qalab loo adeegsado carro qaadidda oo ka kooban bir yar ballaaran, godan iyo daab la qabsado. la-mid: badeel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badiil
m.l (-llo, m.dh) Qalab loo adeegsado carro qaadidda oo ka kooban bir yar ballaaran, godan iyo daab la qabsado. la-mid: badeel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badiil
m. n. shovel; spade
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badiil
-ka: (n) shovel (sha-val); spade (ispeeydh)~ majarafad, manjarafad, badeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badiil
-ka: (magac, lab, keli) wax la tuurayo ama laga maarmayo waxa meeshiisa gala ee beddelkiisa la qaato. Dh: beddel.
badiil -ka: (magac, lab, keli) eeg badeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badiil
a: badeel {It}
de: shovel; spade
lx: badiil
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: badiil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariiq
(Bariiq-a)
Galka ku rogan iniinaha bariiska intaan la tumin; (ama biriiq).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariiq
m.l Qolofta ku dahaaran iniinyaha bariiska intaan la tumin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariiq
m. n. husk (of rice), grain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariiq
-a: (magac, lab, keli) galka ama qalka ku rogan iniinyaha bariiska oo madow oo laga hufoo laga haadiyo. Dh: bidhiiq, suqul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariiq
a: biriiq
de: husk (of rice), grain
lx: bariiq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: bariiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
batiiq
m.l la-mid: batiikh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BATIIQ
(Batig) S Cucumis melon L. Cucurbitaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiq
m.l Wax qadiin ah; wax qiimo leh; wax caan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiq
-a: (magac, lab, keli) wax qadiim ah oo waa hore jirri jiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadliq
m.l.kh D. ah: meel biyo badan oo dadka aan dabbaasha aqoon ku haftaan. la-mid: dadlaq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dadliq
m.l.kh D. ah: meel biyo badan oo dadka aan dabbaasha aqoon ku haftaan. la-mid: dadlaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadliq
-a: (magac, lab, keli) eeg dadlaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliiq
f.g1 (-qay, -qday) 1. Caw, maqaar iyo wixi lamida kala jeexid. 2. Ka d.: qof dhar, darajo iyo wixi lamida si sharaf darro ah uga qaadid. 3. Ka d.: mindi, seef iyo wixi lamida galka ka saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daliiq
f.g1 (-qay, -qday) 1. Caw, maqaar iyo wixi lamida kala jeexid. 2. Ka d.: qof dhar, darajo iyo wixi lamida si sharaf darro ah uga qaadid. 3. Ka d.: mindi, seef iyo wixi lamida galka ka saarid. m.f.dh, daliiqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daliiq
v. separate into fibers (straw, palm leaves, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daliiq
(fal) si aan ka dhergid iyo hanbo midna lahayn wax u cun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daliiq
de: separate into fibers (straw, palm leaves, etc.)
lx: daliiq
pd: (daliiqay)
ps: v1=tr
key: daliiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqiiq
(Daqiiq-a, Daqiiq-da)
Badarka la tumay oo laga dhigay budo; bur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqiiq
m.l/dh 1. Wax kasta oo aad loo shiido; budo. 2. Sarreen aad loo shiiday; bur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daqiiq
m.l/dh 1. Wax kasta oo aad loo shiido; budo. 2. Sarreen aad loo shiiday; bur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqiiq
m. n.-mass: flour, meal, powder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daqiiq
-da: (n) flour (faloor); powder (paw-dher); grounded maize ~ bur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqiiq
-da: (magac, dhedig, keli) badar la tumayoo budo laga dhigay. Dh: bur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqiiq
bw: Arabic
de: flour, meal, powder
lx: daqiiq
pd: (-a ~ -da)
ps: n2a-m/f-mass
key: daqiiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dariiq
(Dariiq-a)
Waddo, gudmo, jid, dhabbe, daw, marin, hilin, kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dariiq
m.l (-qyo, m.dh) 1. Waddo yar oo dadka iyo xooluhu qaadaan. 2.Bayd faal oo afartiisa hagood tahay min hal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dariiq
m.l (-qyo, m.dh) 1. Waddo yar oo dadka iyo xooluhu qaadaan. 2.Bayd faal oo afartiisa hagood tahay min hal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dariiq
m. n. path, small road, street
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dariiq
-a: (n) street (striit); road (rowdh) ~ waddo, jid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dariiq
mid ka mid ah minanka faalka Magiiganaha.
dariiq-a: (magac, lab, keli) meel dadkan duunyada iyo gaadiidku ba maraan. Dh: waddo, jid.