saddexiddigle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexiddigle
-ha: (magac, lab, keli) sarkaalka derajadiisu u dhexayso labaxiddigle iyo gaashaanle. Dh: saddexle, dhamme.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexadhigle
-ha: (magac, lab, keli) askari sita derejada u dhexaysa labaxadhigle iyo xiddigle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamme
-ha: (magac, lab, keli) sarkaalka derajadiisu u dhexayso labaxiddigle iyo gaashaanle. Dh: kabtan, saddexle, saddexiddigle.
dhamme -ha: (magac, lab, keli) qori lagu dagaallami jiray magacii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashaanle
-ha: (magac, lab, keli) sarkaal sita derejada la qaato kolka saddexiddigle laga dallaco; sarkaalka derajadiisu u dhexayso saddexiddigle iyo gaashaanle dhexe. Dh: afarle.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Saddexdulle
Nooc ka tirsan scofeyaasha birta ee leh saddex dhaban iyo saddex duud oo is le'eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaxiddigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Sargaal ciidan oo darajadiisu tahay laba xiddig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labaxiddigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Sargaal ciidan oo darajadiisu tahay laba xiddig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaxiddigle
-ha: (magac, lab, keli) derejo uu qaato askari xiddigle ka soo dallacay; sarkaalka derajadiisu u dhexayso xiddigle iyo saddexiddigle. Duhur waa labaxiddigle buuxa. Dh: labaale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laba xiddigle
m. n., [compound] first lieutenant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laba-xiddigle
-laba-xiddiglaha: (n) lieutenant (luutenanti)', first lieutenant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laba_xiddigle
de: first lieutenant
lx: laba xiddigle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: laba_xiddigle
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddex alifle
m. n. sergeant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddex'alifle
-ha: (magac, lab, keli) derejada uu qaato askariga lab'alifle ka soo dallaca ee aan saajinna gaadhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddex_alifle
de: sergeant
initial: s
lx: saddex alifle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: saddex_alifle
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saddex Qotinle
Triode
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddex-madaxle
m.l (-layaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Muruq saddex madax leh, gaar ahaan saddexsuullaha cududda oo ku yaal cududda xaggeeda dambe wuxuuna fidiyaa dhudhunka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saddex-madaxle
m.l (-layaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Muruq saddex madax leh, gaar ahaan saddexsuullaha cududda oo ku yaal cududda xaggeeda dambe wuxuuna fidiyaa dhudhunka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexqadid
m.f.dh eeg saddexqad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexgeesle
-ha: (magac, lab, keli) shaxan saddex gees leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexsuulle
(Saddexsuulla-ha)
Muruq salka saddex madax ku leh, sida muruqa weyn oo cududda kore docdeeda hoose mara oo kolkuu isku soo rooro gacantu fidsanto oo kala baxdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexsuulle
m.l (-layaal, m.l/dh) Muruq salka saddex madax ku leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexsuulle
m. n. triceps (muscle)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexsuulle
-ha: (magac, lab, keli) muruq saddex madax salka hoose ku leh, sida muruqa weyn ee cududda kore docdeeda hoose mara oo kolkuu isku soo rooro gacantu fidsanto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexsuulle
de: triceps (muscle)
initial: s
lx: saddexsuulle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: saddexsuulle
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saddex tibxaale
Trinomial
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maddiiddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Haweeney maddiiddo ku akhrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maddiiddee
v. perform a magic ceremony to get one's way with someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maddiiddee
-yey I maddiiddeysay: (v) hypnotize (hip-netaayz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddiiddee
(fal) sixir oo maddiiddo u samee. Nin waalan uumbaa naag ii maddiiddee yidhaa. Dh: sixir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maddiiddee
de: perform a magic ceremony to get one's way with s.o. rw: ma + diid
lx: maddiiddee
pd: (maddiiddeeyey)
ps: v2b=tr
key: maddiiddee
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saddexagal
Triangle
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexagal
m. n. triangle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexagal
-ka: (magac, lab, keli) shaxan joometeriga ka mid ah oo saddex xaglood leh; jaantus saddex geesle, ka kooban saddex xarriijood oo la isku xidhay bar kulankooda, qaab u eg saanbuuse, marka uu yahay xagal toosan qiyaastiisu tahay 90°, nooc ka mida tiringo meteriga xisaabta. Sawir saddexagal leh xagal toosan. Dh: saddexgeesle, seddexgees.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexagal
cf: xagal
de: triangle
initial: s
lx: saddexagal
pd: (-ka ~ /sha)
ps: n2-m/f
key: saddexagal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexeeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Laba wiil oo isku hooyo iyo aabbe ah, wiil saddexaad oo waalidkood dhalay oo ku soo kordha. 2. Arrin, dood iyo wixi lamida oo laba qof isku hayaan qof aan loo baahnayn oo soo dhex gala siina fidneeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexeeye
m. n. anything making a third ~ bringing the total to three
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexeeye
-ha: (magac, lab, keli) mid labo saddex ka dhiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexeeye
de: anything making a third ~ bringing the total to three
initial: s
lx: saddexeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: saddexeeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexeysi
m.l la-mid: saddexeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexgees
(Saddexgees-ka)
1. Kor siman oo ka samaysan ama leh saddex dhinac iyo saddex gees ama xaglood.
2. Ableyda jaadkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexgees
m.l (-syo, m.dh) 1. Shaxan saddex dhinac leh. 2. S. ah: nooc ablayda ka mid ah oo daabkeedu xaggiisa sare saddex ganood ku leeyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saddexgees
m.l (-syo, m.dh) 1. Shaxan saddex dhinac leh. 2. S. ah: nooc ablayda ka mid ah oo daabkeedu xaggiisa sare saddex ganood ku leeyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexgees
m. n. triangle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saddexgees
-ka: (n) triangle (tareey-angal)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saddexgees
Triangolo
Triangle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexgees
-ka: (magac, lab, keli) wax kor siman oo ka samaysan ama leh saddex dhinac iyo saddex gees ama xagalood. Dh: saddexagal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexgees
de: triangle
initial: s
lx: saddexgees
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: saddexgees
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siddisiddi
-da: (magac, dhedig, keli) erey la yidhaahdo kolka wax la diiddan yahay oo lala yaabo. Dh: madhacdo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labamidigle
-labamidiglaha: (n) ambidextrous (ambe dhakistes) man who can use both hands equally; two right-handed man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labamidigle
-ha: (magac, lab, keli) qof gacantiisa midig iyo tiisa bidix isku si wax ugu qabsada, isku sina ugu wada adeegta. Somatar waa labamidigle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexboqol
tiro saddex meelood oo min bogol ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labammidigle
(Labammidigla-ha)
1. Qof gacanta midig iyo tan bidix isku si wax ugu qabta, ugu adeegta.
2. Qof gurran, guud ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labammidigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof labada gacmood isku si wax ugu qabta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labammidigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof labada gacmood isku si wax ugu qabta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labammidigle
m. n., [compound] ambidextrous person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labammidigle
de: ambidextrous person
lx: labammidigle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: labammidigle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaxadhigle
-ha: (magac, lab, keli) askari sita derejada u dhexaysa xadhigle iyo saddexadhigle: wuxuu ka mid yahay saraakiilxigeennada. Jigre waa askari labaxadhigle ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddex-xagal
m.l (-llo, m.dh) Shaxan saddex gees leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saddex-xagal
m.l (-llo, m.dh) Shaxan saddex gees leh.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
SADDEX-XAGAL
Triangolo
Triangle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galxiddigaale
(Galxiddigaala-ha)
Galka biya-dhacu sameeyo; garbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galxiddigaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Haro aad u weyn oo biyo badani ku jiraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galxiddigaale
m. n. pool below a waterfall
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galxiddigaale
de: pool below a waterfall
lx: galxiddigaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: galxiddigaale
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexagalley
f. n. triangular geometric figure
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexagalley
de: triangular geometric figure
initial: s
lx: saddexagalley
pd: (-da)
ps: n1-f
key: saddexagalley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexgeesley
-da: (magac, dhedig, keli) toorrey daabkeedu saddexgees oo gaagaaban xagga dambe ku leeyahay. Saddexgeesley buu tuuggu sitaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexsuulley
(Saddexsuulley-da)
Qarandi; xabaalaquf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexsuulley
m.dh Xaalaquf, qarandi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexsuulley
f. n. African anteater species, aardvark
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexsuulley
-da: (magac, dhedig. keli) eeg saddexsuulay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexsuulley
cf: qarandi; xabaalaquf
de: African anteater sp., aardvark
initial: s
lx: saddexsuulley
pd: (-da)
ps: n-f
key: saddexsuulley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddex-xagalley
m.l (xisaab) Dariiqo sahamin ah oo la dhisayo shabaq saddex-xagallo ah, oo suurto geliya in lagu sawiro khariidad toobograafiyeed qiyaas weyn leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saddex-xagalley
m.l (xisaab) Dariiqo sahamin ah oo la dhisayo shabaq saddex-xagallo ah, oo suurto geliya in lagu sawiro khariidad toobograafiyeed qiyaas weyn leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexdakhalley
-da: (magac, dhedig, keli) doonni dakhallo badan iyo dhawr shiraac lahaan jirtey, nooc doonyaha ka mid ah oo saddex dakhal leh. Dh: xaryan.