saddexgeesta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexgeesta
(magac, dhedig, keli) ableyda nooc ka mid ah. Dh: amley, golxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexgees
(Saddexgees-ka)
1. Kor siman oo ka samaysan ama leh saddex dhinac iyo saddex gees ama xaglood.
2. Ableyda jaadkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexgees
m.l (-syo, m.dh) 1. Shaxan saddex dhinac leh. 2. S. ah: nooc ablayda ka mid ah oo daabkeedu xaggiisa sare saddex ganood ku leeyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexgees
m. n. triangle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saddexgees
-ka: (n) triangle (tareey-angal)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saddexgees
Triangolo
Triangle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexgees
-ka: (magac, lab, keli) wax kor siman oo ka samaysan ama leh saddex dhinac iyo saddex gees ama xagalood. Dh: saddexagal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexgees
de: triangle
initial: s
lx: saddexgees
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: saddexgees
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexgeesle
-ha: (magac, lab, keli) shaxan saddex gees leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexgeesley
-da: (magac, dhedig, keli) toorrey daabkeedu saddexgees oo gaagaaban xagga dambe ku leeyahay. Saddexgeesley buu tuuggu sitaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexeeya
Kan labo hore saddex ku ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexeeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Laba wiil oo isku hooyo iyo aabbe ah, wiil saddexaad oo waalidkood dhalay oo ku soo kordha. 2. Arrin, dood iyo wixi lamida oo laba qof isku hayaan qof aan loo baahnayn oo soo dhex gala siina fidneeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexeeye
m. n. anything making a third ~ bringing the total to three
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexeeye
-ha: (magac, lab, keli) mid labo saddex ka dhiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexeeye
de: anything making a third ~ bringing the total to three
initial: s
lx: saddexeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: saddexeeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexeysi
m.l la-mid: saddexeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Saddex ka dhigasho (wax).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexeysad
m.l la-mid: saddexeysasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Siddeedgeesle
Octagon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexdameecaad
-da: (magac, dhedig, keli) xiddigaha cirirka tan u danbaysa ee u dhexaysa Rabdanbe iyo Godinta. Dh: laxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexley
(Saddexley-da)
(cayaar) shirbada qaarkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexley
m.dh Cayaar jiib iyo jaan leh oo saddex goor la gooyo kana mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka sooma-liyeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexley
f. n. dance from the Borama area, performed by three couples
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexley
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar dhaqameed rag iyo dumar ba la wada ciyaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexley
de: dance from the Borama area, performed by three couples
initial: s
lx: saddexley
pd: (-da)
ps: n1-f
key: saddexley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexqeyd
(Saddexqeyd-ka)
Maro haweenku marsado; marsiino; hululuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexqeyd
m.l (-dyo, m.dh) Maro haweenku waayadii hore qaadan jireen oo saddex qeyd oo isku tolan ka samaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexqeyd
m. n. Somali woman's clothing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexqeyd
cf: hululuf, marsiino
de: Somali woman's clothing
initial: s
lx: saddexqeyd
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: saddexqeyd
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saddexagalayn
Triangulation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexagalley
f. n. triangular geometric figure
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexagalley
de: triangular geometric figure
initial: s
lx: saddexagalley
pd: (-da)
ps: n1-f
key: saddexagalley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexeysasho
m.f.dh eeg saddexeyso. la-mid: saddexeysad, saddexeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexjibbaar
saddexjibbaar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Tiro saddex jeer la isku dhuftay. 2. Tiro saddex jeer la isku dhuftay.
saddexjibbaar²: m.l Jibbaarka saddexaad ee tiro. Saddex jibbaarka “a” waa “axaxa = a3”.
saddexjibbaar³: f.g1 (-ray, -rtay) Tiro saddex jeer isku dhufasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saddexjibbaar
saddexjibbaar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Tiro saddex jeer la isku dhuftay. 2. Tiro saddex jeer la isku dhuftay.
saddexjibbaar²: m.l Jibbaarka saddexaad ee tiro. Saddex jibbaarka 'a' waa axaxa = a³.
saddexjibbaar³: f.g1 (-ray, -rtay) Tiro saddex jeer isku dhufasho. m.f.dh, saddexjibbaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexjibbaar
v., [compound] cube, raise to the third power {mathematics}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexjibbaar
-ka: (magac, lab, keli) jibbaarka saddexaad ee tiro. Saddex jibbaarka 'a' waa 'axaxa = 23'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexjibbaar
de: cube, raise to the third power {mathematics}
initial: s
lx: saddexjibbaar
pd: (saddexjibbaaray)
ps: v1=cmp
key: saddexjibbaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexnaansho
m.l/dh la-mid: saddexnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexsuullay
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan habeenkii soo baxa oo dhulka hogag ka qoda. Godkan saddexsuullay baa qodday. Dh: qarandi, xabaalaquf.