saddexdhudood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexdhudood
m.l (-dyo, m.dh) Maro weyn, cad oo haweenka reer miyigu xir-taan; saddexqayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexdhudood
-da: (magac, dhedig, keli) maro ballaadhan oo dumarku garaysan jireen iskuna duuduubi jireen oo hu' la xidho ahayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexlugood
m.l (-dyo, m.dh) Xarig ka samaysan saddex dhudood oo laysku soohay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexsaamood
m.l Ciddisiib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexshub
-ka: (magac, lab, keli) ceel saddex kaalmood ah oo qofba qofka kale u soo bidho weelka biyaha. Dh: Seddexshub.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Saddexdulle
Nooc ka tirsan scofeyaasha birta ee leh saddex dhaban iyo saddex duud oo is le'eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexqadid
m.f.dh eeg saddexqad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexabyo
-da: (magac, dhedig, keli) laba waran iyo gaashaan oo dagaalka loo qaadan jiray. Dh: saddexanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexanyo
(Saddexanya-da)
(hub) labada waran iyo gaashaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexanyo
m.dh 1. Nooc cawska ka mid ah. 2. Hub laba waran iyo gaashaan ka kooban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexanyo
f. n. equipment of two spears and shield
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexanyo
-da: (magac, dhedig, keli) hub ka kooban waran, billaawe iyo gaashaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexanyo
de: equipment of two spears and shield
initial: s
lx: saddexanyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: saddexanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Saddex ka dhigasho (wax).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexqayd
-da: (magac, dhedig, keli) maro saddex qayd ah oo isku tolan oo haweenku xidhaan. Dh: hululuf, marsiino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexqeyd
(Saddexqeyd-ka)
Maro haweenku marsado; marsiino; hululuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexqeyd
m.l (-dyo, m.dh) Maro haweenku waayadii hore qaadan jireen oo saddex qeyd oo isku tolan ka samaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexqeyd
m. n. Somali woman's clothing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexqeyd
cf: hululuf, marsiino
de: Somali woman's clothing
initial: s
lx: saddexqeyd
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: saddexqeyd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexboqol
tiro saddex meelood oo min bogol ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexeysad
m.l la-mid: saddexeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhaadhyood
-ka: (magac, lab, keli) kolka uu dhulku kulul yahay ee uu nooluhu milicda u adkaysan waayo, dhaqdhaqaaqa iyo ruxanka uu sameeyo iyo doonista in uu hadh galo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhhadhyood
-ka: (magac, lab, keli) noolaha marka ay hadhhadhyo hayso. Dh: hadhaadhyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhqadhyood
-ka: (magac, lab, keli) gariirid ilkaha la isla dhaco. Dh: qarqaryood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexsuulle
(Saddexsuulla-ha)
Muruq salka saddex madax ku leh, sida muruqa weyn oo cududda kore docdeeda hoose mara oo kolkuu isku soo rooro gacantu fidsanto oo kala baxdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexsuulle
m.l (-layaal, m.l/dh) Muruq salka saddex madax ku leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexsuulle
m. n. triceps (muscle)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexsuulle
-ha: (magac, lab, keli) muruq saddex madax salka hoose ku leh, sida muruqa weyn ee cududda kore docdeeda hoose mara oo kolkuu isku soo rooro gacantu fidsanto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexsuulle
de: triceps (muscle)
initial: s
lx: saddexsuulle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: saddexsuulle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexadhigle
-ha: (magac, lab, keli) askari sita derejada u dhexaysa labaxadhigle iyo xiddigle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexsuullay
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan habeenkii soo baxa oo dhulka hogag ka qoda. Godkan saddexsuullay baa qodday. Dh: qarandi, xabaalaquf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexsuulley
(Saddexsuulley-da)
Qarandi; xabaalaquf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexsuulley
m.dh Xaalaquf, qarandi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexsuulley
f. n. African anteater species, aardvark
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexsuulley
-da: (magac, dhedig. keli) eeg saddexsuulay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexsuulley
cf: qarandi; xabaalaquf
de: African anteater sp., aardvark
initial: s
lx: saddexsuulley
pd: (-da)
ps: n-f
key: saddexsuulley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexdakhalley
-da: (magac, dhedig, keli) doonni dakhallo badan iyo dhawr shiraac lahaan jirtey, nooc doonyaha ka mid ah oo saddex dakhal leh. Dh: xaryan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexdameecaad
-da: (magac, dhedig, keli) xiddigaha cirirka tan u danbaysa ee u dhexaysa Rabdanbe iyo Godinta. Dh: laxo.