saddexagal qumman
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saddexagal qumman
right angled triangle, Right triangle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deris
deris¹: m.l (-syo/-rsaan, m.dh) Dad degsiimada is xiga oo isu dhaw.
deris²: m.l (-syo, m.dh) 1. (xisaab) Mid ka mid ah dhinacyada saddexagal ee sammeeya xagal la isa siiyey. Marka laga hadlayo saddexagal qumman deris waa dhinaca u dhexeeya xagasha la isa siiyey iyo midda qumman. Marka laga hadlayo tirigonoometeri saamiga dhinaca deriska ah uu sammeeyo dhererrada dhinacyada kale waxa loo adeegsadaa in lagu qeexo fansaarada xaglaha kosayn iyo tanjanka. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees. 2. (xisaab) Waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac. 3. (xisaab) Laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah.
deris³: f.g/mg1 (-rsay, -ristay; -rsi) 1. (f.g) Wax barashadooda ka baaraan degid. 2. (f.mg) Cid jaar la noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kosayn
m.l 1. (xisaab) Fansaan tirigonoomeeteri ee xagal. Kosayska xagal + (cos+) ee saddexagal qumman waa saamiga dhinaca la deriska ah xagasha + iyo shakaalka. 2. Absiisaha bar ku taalla goobo halbeeg ah marka laga hadlayo habdhiska kulannada laydi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tanjent
m.l 1. (xisaab) Fansaar tirignoometari ee xagal. Tanjentka xagasha + e saddexagal qumman waa saamiga ay sammeeyaan dhererrada dhinaca horjeedaha ah iyo kan deriska la ah xagasha. Qeexdani waxa lagu dabbaqaa xaglaha u dhexeya 0 iyo 90° oo keliya. 2. (xisaab) Guud ahaan, mark a laga hadlaayo kulannada kaartis oo unuygu yahay o, tanjentku waa xagasha u dhexeey-sa dhidibka-x iyo xarriiqda oB oo ay sammeeyaan kulanka-x iyo kulanka-y ee barta B (x,y).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deris
deris¹: m.l (-syo/-rsaan, m.dh) Dad degsiimada is xiga oo isu dhaw.
deris²: m.l (derisyo, m.dh) 1. (xisaab) Mid ka mid ah dhinacyada saddexagal ee sammeeya xagal la isa siiyey. Marka laga hadlayo saddexagal qumman deris waa dhinaca u dhexeeya xagasha la isa siiyey iyo midda qumman. Marka laga hadlayo tirigonoometeri saamiga dhinaca deriska ah uu sammeeyo dhererrada dhinacyada kale waxa loo adeegsadaa in lagu qeexo fansaarada xaglaha kosayn iyo tanjanka. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees. 2. (xisaab) Waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac. 3. (xisaab) Laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah. m.f.dh, dersid.
deris³: f.g/mg1 (-rsay, -ristay; -rsi) 1. (f.g) Wax barashadooda ka baaraan degid. 2. (f.mg) Cid jaar la noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kosayn
m.l 1. (xisaab) Fansaan tirigonoomeeteri ee xagal. Kosayska xagal + (cos+) ee saddexagal qumman waa saamiga dhinaca la deriska ah xagasha + iyo shakaalka. 2. Absiisaha bar ku taalla goobo halbeeg ah marka laga hadlayo habdhiska kulannada laydi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tanjent
m.l 1. (xisaab) Fansaar tirignoometari ee xagal. Tanjentka xagasha + e saddexagal qumman waa saamiga ay sammeeyaan dhererrada dhinaca horjeedaha ah iyo kan deriska la ah xagasha. Qeexdani waxa lagu dabbaqaa xaglaha u dhexeya 0 iyo 90° oo keliya. 2. (xisaab) Guud ahaan, mark a laga hadlaayo kulannada kaartis oo unuygu yahay o, tanjentku waa xagasha u dhexeeysa dhidibka-x iyo xarriiqda oB oo ay sammeeyaan kulanka-x iyo kulanka-y ee barta B (x,y).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Right triangle
Saddexagal qumman
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Triangle, right angled
Saddexagal qumman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deris
-ka: (magac, lab, keli) dadka aad is ag deggan tihiin. Haddaad janno dooni deriskaaga ilaali. Dh: jaar.
deris-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah dhinacyada saddexagal ee sammeeya xagal la isa siiyey. Marka laga hadlayo saddexagal qumman deris waa dhinaca u dhexeeya xagasha la isa siiyey iyo midda qumman. Marka laga hadlayo tirigonoometeri saamiga dhinaca deriska ah uu sammeeyo dhererrada dhinacyada kale waxa loo adeegsadaa in lagu qeexo fansaarada xaglaha kosayn iyo tanjanka. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees.
deris-ka: (magac, lab, keli) waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac.
deris-ka: (magac, lab, keli) laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saddexagal fiiqan
Acute triangle, Acute-angled triangle
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saddexagal midab
Colour Triangle
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saddexagalo isu eg
Similar triangles
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddex-xagal labaale
m.l (xisaab) Saddex-xagal leh laba dhinac oo isle'eq iyo laba xaglood oo isleeq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saddex-xagal labaale
m.l (xisaab) Saddex-xagal leh laba dhinac oo isle'eq iyo laba xaglood oo isleeq.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saddexagal janjeedha
Oblique triang1e
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Samaxaad sugan
Absolute permitivity
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddex iyo toban
num: thirteen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saddex iyo toban
thirteen; number 13