saddamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddamid
m.f.dh eeg saddan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaddamid
m.dh la-mid: aadaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baddalmid
m.dh la-mid: beddelmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baddalmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhalanrogmid oo wixii wax ka duwan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku mammanaan oo aad u danayn. Dh: mamid. daddaamin -ta: (magac, dhedig, keli) cid wax ku mamsiin oo jecleysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addimid
(Addimid-da)
Aadaanka salaadda ku dhawaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addimid
m.f.dh eeg addin². la-mid: addimaad, addin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addimid
-da: (magac, dhedig, keli) salaadda faralka ah dadka ugu baaqid. Dh: eedaamid, aadaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadaamid
m.f.dh eeg aadaan². la-mid: aadaan¹, aaddamid, aaddaan¹, eedaamid, eedaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadaamid
-da: (magac, dhedig, keli) salaadka oo ah cibaado si gaar ah loo guto, ku baaqid. Dh: addimid, addimaad, eedaamid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baddalid
(Baddalid-da)
Beddelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baddalid
m.dh la-mid: beddelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baddalid
-da: (magac, dhedig, keli) doorin oo wixii wax aan ahayn ku beddelis. Baddalidda shaqaalaha waa laga fiirsadaa. Dh: beddelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faydamid
-da: (magac, dhedig, keli) xaydmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaamid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dul wareejin oo ku hareeraysnaan. Dh: goobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardamid
(Hardamid-da)
Hardi isla dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardamid
m.f.dh eeg hardan². la-mid: hardan¹, hertamid, hertan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardamid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa ku dagaallamid. Dagaalka wananku waa haradamid. Dh: hirdamid, herdamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huddamid
(Huddamid-da)
Socod tabar yar socosho; luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huddamid
m.f.dh eeg huddan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huddamid
-da: (magac, dhedig, keli) socod tabar yar socosho. Dh: tukubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddamin
-ka: (magac, lab, keli) eeg maddan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naddarid
-da: (magac, dhedig, keli) doorsoomid diimis iyo saaruq noqsho. Nadaridda biyaha ayay kaneecadu ka dhalataa. Dh: ajoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddarid
m.f.dh eeg qaddar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddarid
-da: (magac, dhedig, keli) 'Ilaahay. cilmigiisa hore wax ugu xukumid.
qaddarid -da: (magac, dhedig. keli) qaddar noqosho. Hadhuudhku imika uunbuu qaddariddi u horraysay bilaabay. Dh: qaddaris.
qaddarid-da: (magac, dhedig, keli) wax in ka mid ah qiyaasid ama xaddidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddimid
m.f.dh eeg qaddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddimid
-da: (magac, dhedig, keli) wax shinkiisii ka horraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaldamid
m.f.dh eeg qaldan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldamid
-da: (magac, dhedig, keli) gef iyo wax aan sax ahayn samayn. Qaldamiddu waa dabeecadda Aadanaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salaamid
(Salaamid-da)
Salaan ku dhihid; bariidin; nabdaadin; gacanqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaamid
m.f.dh eeg salaan².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
salaamid
-da: (n) the act of greeting (giriiting)-, salutation (saal-yu-teey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaamid
-da: (magac, dhedig, keli) bariidin; hadallo salaamo ah ku dhihid, Dh: nabdaadin, gacanqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salgamid
m.f.dh eeg salgan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salgamid
-da: (magac, dhedig, keli) saldhig la'aansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandahid
-da: (magac, dhedig, keli) sogordahid ama qarin. Dh: dadid. Li: caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waddacid
(Waddacid-da)
1. Anbabbixin; sagootiyid.
2. (bad) hab badda hirarkeeda loogu cayaaro oo loogu tabeeyo oo loo raaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddacid
m.f.dh eeg waddac². la-mid: waddac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddacid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale. anbabbixin; sagootiyid.
waddacid-da: (magac, dhedig, keli) hab badda hirarkeeda loogu ciyaaro oo si tabaysan laysugu raaciyo. Waddacidda waa la bartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waddarid
(Waddarid-da)
Si xoog badan wax u dilid, nafta uga qabasho, (ama wedderid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddarid
m.f.dh eeg waddar². la-mid: waddar¹, wedder¹, wedderid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddarid
-da: (magac, dhedig, keli) majarahabaabin; ambin; luggoyn.
waddarid -da: (magac, dhedig, keli) si xoog badan wax u dilid; aad wax u xasuuqid. Yaan waddarid lagugu dilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taraddamid
(Taraddamid-da)
1. Walaacid; laballaaboobid; shakiyid; tallamid.
2. Is-feer-roorid; tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraddamid
m.f.dh eeg taraddan². la-mid: taraddan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraddamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhici doona ka sii murugoodid oo ka walaacid. Taraddamida iyo deyrada badan inaga daa waxba dhici maayaane. Dh: walaacid, laballaaboobid, shakiyid, tallamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaddihid
m.f.dh eeg asaddah². la-mid: asaddah¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaddihid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan kala caddayn ama lagu wareero noqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhtamid
-da: (magac, dhedig, keli) kala badhid; meesha kala badha wax dhigid ama gaadhid. Dh: bartamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badraamid
-da: (magac, dhedig, keli) kibrid iyo isla weyni. Inan fiican buu ahaaye, badraamid buu bilaabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaamid
-da: (magac, dhedig, keli) miisaan saaritaan. Waa la soo miisay subagga bardaamid uma baahna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaamad
m.dh la-mid: caddaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaamad
-da: (magac, dhedig, keli) dubnadda teeda aan dhibcaha lahayn ee haddii ay kuu soo hadho kontonka dhibcood lagaa qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddibmid
m.f.dh eeg caddiban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddibmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato gaadhid; kadeedmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddilmid
m.f.dh eeg caddilan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddilmid
-da: (magac, dhedig, keli) labo isle'eg oo isku dhigma ahaan. Dh: caddillaan. caddilmid -da: (magac, dhedig, keli) wax xumaaday ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaamin
m.dh la-mid: dandaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalmid
m.f.dh eeg daldalan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalmid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka soo Julmasho oo ka soo laadlaadsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardarmid
m.f.dh eeg dardaran¹. la-mid: berbermid, derdermid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dardaran oo maanka wax ka gaadheen ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeddamid
-da: (magac, dhedig, keli) dabada ka kaxaynta xoolo fara badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhamid
(Dhadhamid-da)
Dhadhan yeelasho; dhadhan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhamid
m.f.dh eeg dhadhan². la-mid: dhadhemid, dhandhamid, dhandhemid, dhedhemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhandhan yeelasho oo macaan ama qadhaadh mid ahaan. Dh: dhandhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooddamid
-da: (magac, dhedig, keli) dood ka qayb qaadasho. Hadduuse maanta dooddamo senguhu waan dagaal geliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaamid
m.f.dh eeg gaadaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddoomid
m.dh la-mid: geddoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddoomid
-da: (magac, dhedig, keli) rogmashada shey, dhanka kale u qallibmo. Doonida waxa gaddoomidda ugu wacan miisaankii oo dhan u batay. Dh: qalibmid.
gaddoomid -da: (magac, dhedig, keli) soo laabasho: dib u noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaydhamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax lagu siiyay, saluugid ama yaraysi.
gaydhamid -da: (magac, dhedig, keli) cartanka iyo xaamxaamashada dagaal. Dh: cartan, geydhan. gaydhamitaan -ka: (magac, lab, keli) cartanka iyo xaamxaamashada dagaal iyo herdan ku salaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddaarid
-da: (magac, dhedig keli) hadhuudh iyo wax la mid ah, biyo u galid oo dhadhan iyo urba isbeddelid.
haddaarid -da: (magac, dhedig keli) caajis iyo daal dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydalmid
m.f.dh eeg haydalan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laacdamid
(Laacdamid-da)
Laacdan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laacdamid
m.f.dh eeg laacdan². la-mid: laactamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laacdamid
-da: (magac, dhedig, keli) si haleelis la'aan ah u ciyaarid; laacdan ciyaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddaamad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhedig oo adeegto ah. Qaddaamadda ayaa aqalka masaxda. Dh: khaddaamad, shaaqiyad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawdhamid
-da: (magac, dhedig, keli) baahi darteed la qaylin. Dh: yoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadgamid
m.dh la-mid: raadqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadgamid
-da: (magac, dhedig, keli) raadka si farsamo ah u qarsoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sii sheegid, wax soo fool leh ka sii warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaddambe
fk. Maalinta berri iyo saakuun u dhexeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saaddambe
fk. Maalinta berri iyo saakuun u dhexeysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaddambe
n. phr., time: day after tomorrow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saaddambe
(pronoun) after tomorrow ~ saakuun
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaddambe
a: saa dambe
de: day after tomorrow
initial: s
lx: saaddambe
pd: (saaddanbe)
ps: np-time
key: saaddambe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saangamid
m.f.dh eeg saangan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sacsacmid
m.f.dh eeg sacsacan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadcaalid
m.dh la-mid: socdaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadcaalid
-da: (magac, dhedig, keli) safrid; ambabbixid; socdaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardhabid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo la horayo kala celin ama dib u celin. Sardhabiddii adhigaan ku daalay. Dh: horid, sardhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saylaamid
m.f.dh eeg saylaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharqamid
(Sharqamid-da)
Shanqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqamid
m.dh la-mid: sanqarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharqamid
-da: (magac, dhedig, keli) sanqadh samayn. Dh: sanqadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaydaamid
m.f.dh eeg xaydaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dayr u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexqadid
m.f.dh eeg saddexqad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adami
m.l Nafley ugaarsiga ku nool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adami
-ga: (magac, lab, keli) nafley ugaadhsiga inta kale ku nool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damid
(Damid-da)
Dhammaansho; soo yaraansho.