sadbursiiyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadbursiiyo
-da: (magac, dhedig, keli) sad korodhdsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sedbursiimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaybsanayo oo qof loo badiyo. Dh: sedbursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadbursi
-ga: (magac, lab, keli) sed ka dhexeeya tiro dad ah inta badan qaadasashadiisa. Inta badan qaadad. Sadbursi waa damac sokeeyan isku naco. Dh: burso, biirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bursiimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bursi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursiino
m.dh Sed dheeraad ah oo laga qaato wax la qaybsanayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bursiino
f. n., [collective] quantity in addition, excess, extra
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bursiino
de: quantity in addition, excess, extra
lx: bursiino
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: bursiino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: samirsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarsii
(fal) sabir ku waani; samirsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sedbursi
m.l la-mid: sedbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sedbursi
-ga: (magac, lab, keli) intii sed kuu ahayd ka badsasho, qaybtaada ka biirso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sedburso
f.g3 (-saday, -satay) Wax la wada leeyahay qaybtii aad ku lahyd ka badan qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sedburso
f.g3 (-saday, -satay) Wax la wada leeyahay qaybtii aad ku lahyd ka badan qaadasho. m.f.dh, sedbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sedburso
(fal) «ka intii sedkaagu ahaa, ka badsa; dheeri qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabarsiin
m.dh la-mid: samirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) sabir ku adkayn; sabir ku waanin. Dh: samrin, samirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabarsiis
m.l la-mid: samirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarsiis
-ka: (magac, lab, keli) sabirsiin; samirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarsiiyo
-ha: (magac, lab, keli) cudurdaarro iyo sababo aan jirin oo la sheegto marka wax la diidayo. Dh: marmarsiinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sedbursasho
m.f.dh eeg sedburso. la-mid: sedbursad, sedbursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sedbursasho
-da: (magac, dhedig, keli) dheeri qaadasho; sedbursi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marmarsiinyo
(Marmarsiinya-ha)
Cudaddaar (ama marmarsiino).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marmarsiinyo
m.dh Sabab lagu caddeynayo wax dhacay; cudurdaar. la-mid: marmarsiino.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marmarsiinyo
m.dh Sabab lagu caddeynayo wax dhacay; cudurdaar. la-mid: marmarsiino.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marmarsiinyo
-marmarsiinyaha: (n) pretense of an excuse; pretext (piriitekist)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Marmarsiinyo
Scuse
Excuses
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarsiinyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg marmarsiino.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarsiiyoo
(fal) eeg marmarsiinyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarsiinyo
m.dh la-mid: qarqarsi¹, qarqarsiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanbogsiiye
-ha: (magac, lab, keli) geed gab yar oo naburada lagu dhayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aburriin
-ka: (magac, lab, keli) meesha uu masku galo ee god, qorrof ama geed iyo gebi ah. Maski aburriinkiisii ayuu ku noqday. Dh: bahalgaleen.
aburriin -ka: (magac, lab, keli) dhulka, meelaha qodaalka iyo beerista ku wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
affursii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: affuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afursiin
m.f.dh eeg afursii. la-mid: afurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afursiin
-ta: (magac, dhedig, keli) baad ama biyo. uu ku afuro siin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabsiiye
nickname-m he who frightens, scares, intimidator, endangerer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cabsiiye
magac loo baxsho wiil ay hooyadii fooshu ku adkaatay oo ay halis ku gashay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dugsiiya
name-f sheltered, weather-tight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dugsiiya
magac loo baxsho gabadh hooyadeed rajaynayso in ay ku nasato.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dugsiiye
name-m sheltered, weather-tight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dugsiiye
magac loo baxsho wiil dhashay hooyadii oo aan dhalin ama gabdho uun lahayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durriimo
-da: (magac, dhedig, keli) mudniin ku samayn. Dh: turqin, mudniin, irbadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsiimo
m.dh la-mid: harsimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) cuntada maalinta badhtamaheega la cuno. Dh: hadhimo, qado.
harsiimo -da: (magac, dhedig, keli) maalinta inteeda kulul. Dh: yoomeyoome, baaxadsoore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacbursi
m.l la-mid: jacburasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacburso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: jacburo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka burso
v. take in excess; take large amounts (more than one's share)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_burso
de: take in excess; take large amounts (more than one's share)
lx: ka burso
pd: (bursaday)
ps: v3a=
key: ka_burso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marsiino
(Marsiina-da)
Maro weyn oo haweenku xirtaan oo boqor loo qaato; hululuf; saddexqeyd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marsiino
m.dh (-ooyin, m.l) Maro weyn oo dumarku xirtaan oo boqor dhexda lagaga xiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marsiino
f. n. large robe (kind of Somali women's clothing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsiino
-da: (magac, dhedig, keli) maro weyn oo dumarku xidho oo inta garays loo yeelo dhexdana dhixidh darayamuus ah lagu adkeeyo shuhsubo iyo gol maydhaxda lagu gurtana loo sameeyo. Gabadh marsiino iyo dhacle xidhani waa gabadh summadii sidata. Dh: saddexqayd, guntiino.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marsiino
cf: hululuf, saddexqeyd
de: large robe (kind of Somali women's clothing)
lx: marsiino
pd: (/da)
ps: n6-f
key: marsiino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabburid
m.dh la-mid: sabrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sambuusi
m.l 1. Bur saddex gees leh oo hilib shiidan iyo qudaar basbaas leh gudaha uga jiraan oo lagu shiilo. 2. Guri saqafkiisu weji waliba saddex-gees u egyahay. la-mid: sambuus, sambuuse.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sambuusi
m.l 1. Bur saddex gees leh oo hilib shiidan iyo qudaar basbaas leh gudaha uga jiraan oo lagu shiilo. 2. Guri saqafkiisu weji waliba saddex-gees u egyahay. la-mid: sambuus, sambuuse.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sambuusi
f. n. samosa, three-cornered flour rolls
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sambuusi
a: sanbuusi
de: samosa, three-cornered flour rolls (stuffed with ground beef, onions, scallions, green pepper, etc.)
initial: s
lx: sambuusi
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: sambuusi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samirsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Qof samir gayeysiin. 2. Qof wax uu ku sabro siin ama u sheegid. la-mid: sabarsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samirsii
v.caus: counsel patience, help someone to be patient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
samirsii
-yey / say: (v) help someone to accept the situation with patience; be tolerant; be patient ~ samri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samirsii
(fal) qof dhib loo geystay, wax uu ku samro sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samirsii
de: counsel patience, help s.o. to be patient
initial: s
lx: samirsii
nt: samirsiin (ta) [vn-f], samirsiis (ka) [vn-m]
pd: (samirsiiyey)
ps: v2a=caus
key: samirsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanbuusi
(Sanbuusi-da)
Bur saddexgees ah, oo hilib geedeysani gudaha ugu jiro, oo si gaar ah, loo shiilo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanbuusi
m. n. spiced three-cornered flour roll
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanbuusi
-ga: (n) samosa (sa-moosa); Indian turnover (teen-o-ver) ~ sambuusi, sanbuus
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanbuusi
de: spiced three-cornered flour roll
initial: s
lx: sanbuusi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: sambuusi
key: sanbuusi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarriibo
f.g3 (-btay, -batay) Laan caleemo leh ilkaha ama gacanta iyada oo aan la sii dayn xoog ugu jiidasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarriibo
v. remove from, take out of for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriibo
(fal) sariib ka dhigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarriibo
de: remove from, take out of for oneself {S}
initial: s
lx: sarriibo
pd: (sarriibtay)
ps: v3b=tr
key: sarriibo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarriigo
f.g3 (-gtay, -gatay) 1. Sharaf iyo magac dhawrasho. 2. la-mid: sarriibo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sarriigo
f.g3 (-gtay, -gatay) 1. Sharaf iyo magac dhawrasho. 2. la-mid: sarriibo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarriigo
v. show self-respect ~ self-control; stop doing something out of shame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriigo
(fal) 'laan iyo wixii la mid ah, diirka kala bax.
sarriigo: (fal) dhawr sharafta oo xishoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarriigo
de: show self-respect ~ self-control; stop doing s.t. out of shame
initial: s
lx: sarriigo
nt: sarriigasho (/da) [vn-f]
pd: (sarriigtay)
ps: v3b=intr
key: sarriigo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suruciyo
m.dh Jirrooyinka dhimirka nooc ka mid ah oo dadka ka gariirsiiya. la-mid: suruciye.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
adversity
/adhveersiti/adversities; (n) xaalad aad u adag, nasiib darro ama dacdarro. e.g. His childhood was filled with adversity.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
adversity
n., xumaan, -ti, ayaan xumo, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
affursiin
m.dh la-mid: affurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabusiir
(Baabusiir-ka)
Baawasiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabusiir
m.l la-mid: bawaasiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabusiir
m. n. hemorrhoids
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabusiir
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg babaasiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baabusiir
bw: Arabic
de: hemorrhoids
lx: baabusiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: baawasiir
key: baabusiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) maalinta badhtankeeda ee kulaylka ah. Dh: harsiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaaniyo
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama dad ama xukun wax dhiba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samirsiin
(Samirsiin-ta)
Samir ku adkayn, ku waanin, farid; samrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samirsiin
m.f.dh eeg samirsii. la-mid: sabarsiin, sabarsiis, samirsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wax la yeelay, wax uu ku samro siin.
samirsiin -ta: (magac, dhedig, keli) samir ku adkayn, ku waanin, farid; samirsiis; illowsiin wixii dhib ku dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samirsiis
(Samirsiis-ka)
Samirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samirsiis
m.l la-mid: samirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samirsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg samirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sedbursad
m.f.l la-mid: sedbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sedbursad
-ka: (magac, lab, keli) dheeri qaadad. Dh: sedbursi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirsiimo
m.dh la-mid: abtirsiinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) taxanaha magacda dad nasab ahaan isku dhalay oo la garanayo. Abtirsiimadaydiyo, asalkaan ku dhaati na, waa Aadan iyo Nuux. Dh: abtirsiino, abtirsiinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abtirsiino
(Abtirsiina-da)
Abtiris (ama abtirsiimo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirsiino