sadaqay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqay
(fal) sadaqo u bixi. xoolahaaga inta aad sadaqaysay baa sahay kuu ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sadaqayn
(Sadaqayn-ta)
Sadaqo u bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadaqayn
m.f.dh eeg sadaqee. la-mid: sadaqays, saddaqayn, saddaqays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadaqays
m.l la-mid: sadaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadqay
(fal) neef, gawrac oo sadaqo u niyood.
sadqay: (fal) u qal neefka balaayo xijaab: Alle dartii u qal; duco u niyoo. Reerka u sadqay. Dh: sadqee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sadaqad
f. n. charity, alms
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqad
-da: (magac, dhedig, keli) deeq dar Alle loo bixiyo. Dh: sadaqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sadaqad
a: sadaqo
bw: Arabic
de: charity, alms
initial: s
lx: sadaqad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: sadaqad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawrtayn
(Dhawrtayn-ta)
Dhawrto ahaan wax u bixin; sadaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawrtaysad
(Dhawrtaysad-ka)
Dhawrto bixis; sadaqaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawrtaysasho
(Dhawrtaysasha-da)
1. Dhawrto dadka ka uruursasho, raadsasho; baryootan.
2. Dhawrto u baxsasho; sadaqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawrtaysi
(Dhawrtaysi-ga)
Dhawrtaysasho; sadaqaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sadaqaysasho
(Sadaqaysasha-da)
Sadaqo u baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadaqaysasho
m.f.dh eeg sadaqayso. la-mid: sadaqaysad, sadaqaysi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
patron
/peytran/ (n) 1. macaamiil (qofka si joogta ah meel wax uga gata) 2. qofka maal ahaan u taageera qaddiyad ama arrin qiima leh (qofka wax sadaqaysta).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryaysad
-ka: (magac, lab, keli) dad wax waydiisasho oo baryootamid. Dh: tuugsi, sadaqaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqaday
(fal) sadaqad u bixi; maal sako ka bixi, sadaqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sadaqaysi
(Sadaqaysi-ga)
Sadaqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadaqaysi
m.l la-mid: sadaqaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg sadaqaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sadaqayso
v.auto: give (as alms) in order to gain God's favor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sadaqayso
sadaqaystay / sadaqaysatay: (v) give assistance as charity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqayso
(fal) xoolo, sadaqad u baxso; dar Ilaah u baxso. Sadaqayso, maalkaaga sahay aakhiro kuu noqone.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sadaqayso
de: give (as alms) in order to gain God's favor
initial: s
lx: sadaqayso
pd: (sadaqaystay)
ps: v3b=auto
key: sadaqayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddaqayn
m.dh la-mid: sadaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddaqays
m.l la-mid: sadaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandaqad
-da: (magac, dhedig, keli) aqal ka samaysan jiingad iyo qoryo.
sandaqad -da: (magac, dhedig, keli) qof sanka ka hadla kibir awgii. Dh: cawaandinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqay
(Daqay-da)
Hilib muruq ah oo ku yaal dhabarka dhinacyadiisa oo u dhexeeya miskaha iyo feeraha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqay
m.l/dh (-yo, m.dh) Muruq ku yaal laf dhabarta labadeeda dhinac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daqay
m.l/dh (-yo, m.dh) Muruq ku yaal laf dhabarta labadeeda dhinac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqay
f. n. muscle of the back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqay
-da: (magac, dhedig, keli) hilib muruq ah oo ku yaalla dhabarka dhinacyadiisa una dhexeeya miskaha iyo feedhaha. Dh: sarar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqay
de: muscle of the back
lx: daqay
pd: (-da)
ps: n1-f
key: daqay
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saaqa
name-f she who pervaded. Lit: the one whose mother lost her sensations after this child is delivered; she who goes unconscious at birthing. Cf: Isaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Saaqa
magac loo baxsho gabadh qurux siyaado ah leh oo ciddii aragtaa saaqanto ama hooyadeed fooshu saaqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sadaq
(Sadaq-a)
Gogol ulo yaryar oo dhuudhuuban ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadaq
m.l (-qyo, m.dh) Gogol ulo yaryar, dhuudhuuban oo isku xirxiran ka samay-san.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sadaq
m. n. mat made of wickerwork
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaq
-a: (magac, lab, keli) gogol laga sameeyo qoryaha dhuudhuuban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sadaq
cf: gogol
de: mat made of wicker-work
initial: s
lx: sadaq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: sadaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saakay
fk. la-mid: saaka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saakay
(adv) this morning ~ saaka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saakay
-da: (magac, dhedig, keli) subaxan hadda la joogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalay
(fal) xayawaan saalo dhig. Lo' saalaysay oon baa haya. Dh: saalood, saalee
saalay: (fal) saalo dhig: saalood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqan
saaqan: m.dh (fiisikis) Isbeddelka ku dhaca xaaladda walax ayna sababtay badad xoog.
saaqan¹: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) Wax wareersan noqosho.
saaqan²: f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Wax wareersan ahaansho. 2. Qof, wax la saaqay ahaansho. la-mid: saaqsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saaqan
m.dh (fiisikis) Isbeddelka ku dhaca xaaladda walax ayna sababtay badad xoog.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saaqan
Induction
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaqan
v. pervade, be spread all over one's body ~ being
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqan
(fal) mid dareen wada saameeyay.
saaqan: (fal) qof yalaalugo dareemaya.
saaqan: (tilmaame) mid wareersan.
saaqan -ta: (magac, dhedig, keli) isbeddelka ku dhaca xaaladda walax ayna sababtay badad xoog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaqan
de: pervade, be spread all over one's body ~ being
initial: s
lx: saaqan
pd: (saaqmay)
ps: v1=intr
key: saaqan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sadaqo
(Sadaqa-da)
Xoolo ama wax kale oo Ilaah horti loo bixiyo: dhawrto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadaqo
m.dh (-ooyin, m.l) Wax Alle dartii loo baxsho. la-mid: saddaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sadaqo
m.dh (-ooyin, m.l) Wax Alle dartii loo baxsho. la-mid: saddaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sadaqo
f. n. alms, charity, contribution to the poor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sadaqo
-sadaqada: (n) charity (jaa-rati); alms (aamez); alms-giving; donation (doo-neey-shin); dole (dhool)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqo
-da: (magac, dhedig, keli) maal loo bixiyo Alle dartii si aakhiro loogu helo ajar. Sadaqo waa in la siiyo masaakiinta.
sadaqo -da: (magac, dhedig, keli) xoolo ama wax kale oo Ilaah dartiis loo bixiyo; dhawrto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sadaqo
bw: Arabic
de: alms, charity, contribution to the poor
initial: s
lx: sadaqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sadaqo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sadaqo
صَدَقَة، زَكَاة حَسَنَةً
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadhay
(fal) wasakh ku saydhi; xajiin u yeel. Warshadda qiiqeedaa sadheeyay hawadii. Dh: sadhee, saray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqay
(fal) shaqo qabo; xooji; shaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sababay
(fal) sabab u yeel. Sababee abbaartaada, hadalkana sar weedhiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadaqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Sadaqo bixin. la-mid: saddaqee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sadaqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Sadaqo bixin. m.f.dh, sadaqayn. la-mid: saddaqee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sadaqee
v. give something to the poor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sadaqee
-yey saqadeysay: (v) pay as charity
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sadaqee
de: give s.t. to the poor
initial: s
lx: sadaqee
pd: (sadaqeeyey)
ps: v2b=tr
key: sadaqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadqayn
m.f.dh eeg sadqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef gawricid oo sadaqo u niyood. Dh: sadqays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadqays
-ka: (magac, lab, keli) eeg sadqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salabay
(fal) qalabee; qalabka u dhammee.
salabay: (fal) fiiq; xaadh; salabo mari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sadaqad u bixin; sadaqays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqadays
-ka: (magac, lab, keli) sadaqadayn, sadaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sadaqaysad
(Sadaqaysad-ka)
Sadaqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadaqaysad
m.l la-mid: sadaqaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sadaqaysad
vl. n. alms-giving
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqaysad
-ka: (magac, lab, keli) sadaqad la bixid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sadaqaysad
a: sadaqaysasho (/da) [vn-f], sadaqaysi (ga) [vn-m]
de: alms-giving
initial: s
lx: sadaqaysad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: sadaqaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddaqayso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: sadaqayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaqlay
(fal) kolba wax jilicsan, ha kaa soo dhaco. badhaqlayn -ta: (magac, dhedig, keli) kolba wax jilicsan, soo ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badyaray
-da: (magac, dhedig, keli) bad aan weyneyn. Badyarayda Casal ee Jabuuti waa meel dalxiiska loo tego. Li: bad, badweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaray
(fal) eeg faddaadday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo, kala soorid oo gadaf u yeelid. Dh: mulukayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlay
(fal) socod aan kala go' lahayn samee. Dh: habaqlee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadalhay
v. talk about, mention, name someone ~ something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalhay
(fal) war ama sheeko hore loo ogaa, sii wadwad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadalhay
a: hadalhee (hadalheeyey) [v2b=tr]
de: talk about, mention, name s.o. ~ s.t.
lx: hadalhay
pd: (hadalhayey)
ps: v2a=tr
key: hadalhay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqay
(fal) horay u harbi ama u riix.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jabaqayn
Sounding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaqlay
-da: (magac, dhedig, keli) kalagoyska tagoogta iyo calaacashu halka ay iska galaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaqayd
m.l Maro laba qayd ka kooban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladqabay
(fal) «soo heshiisii labo dhinac oo xurgufi u dhaxayso. Aabbo ladqabay xurguftii labada reer. Dh: dhexdhexaadi, maslax, ladqabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo neef madax u ah u yeelid oo horkaxayn. Saca u weyn ayaa madaxayn loo kaxaystaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandaqad
-da: (magac, dhedig, keli) gobolka kolkaa la joogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardabay
(fal) khiyaamo iyo daba mar samee. Nin ku aaminay mardabay ha is odhan. Dh: mardabee, khiyaamee, dabamar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashaqay
(fal) dhibaato iyo mixnad ku rid. Aabbahaagii ku dhalay mashay ha is odhan. Dh: kadeed, dhib, lur. Li: raaxee.
mashaqay: (fal) nimco iyo barwaaqo mashquulisa ku rid. Dadka lacag ku mashagay. Dh: maashee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nafaqayn
(Nafaqayn-ta)
Nafaqo siin, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafaqayn
m.f.dh eeg nafaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto tayo leh siin, dheefsiinta. Nafaqaynta ciyaalku waxay ka hortagtaa tabardarrida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaqays
-ka: (magac, lab, keli) eeg nafaqayn.