sabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabo
(Saba-da)
1. Dhul kooban oo ceel ama guri ku wareegsan; heelad; agagaar; sabad.
2. Dabayl kulul oo xagaaga dhacda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabo
sabo¹: m.dh 1. Dabayl kulul oo xagaaga dhacda. 2. (-ooyin, m.l) Dhul kooban oo ceel ama guri ku wareegsan heelad.
sabo²: m.dh (juqraafi) Degaan gaar ah oo uu noole ku noolaado, tusaale ahaan: balliyada, webiyada, ayda iyo wixi lamida.
sabo³: f.g/mg3 (-btay, -batay) 1. (f.g) Cid wax dani ugu jirto, cid kale si ay u fuliso hadal ku qancin. 2. (f.mg) Degan, ceel, iyo wixi lamida agagaarkooda tuurid (xoolo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabo
sabo¹: m.dh (juqraafi) Degaan gaar ah oo uu noole ku noolaado, tusaale ahaan: balliyada, webiyada, ayda iyo wixi lamida.
sabo²: f.g/mg3 (-btay, -batay) 1. (f.g) Cid wax dani ugu jirto, cid kale si ay u fuliso hadal ku qancin. 2. (f.mg) Degan, ceel, iyo wixi lamida agagaarkooda tuurid (xoolo). m.f.dh, sabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabo
f. n. ground surrounding a well ~ settlement
sabo [feminine] n. hot wind (that blows during the cool season)
sabo v. flatter someone for one's own advantage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabo
-sabtay / sabatay: (v) influence someone for one's own advantage; take advantage of someone ignorance ~ sasabo, sirsiro
sabo -sabada: (n) the sidewalk of the wells ~ sabada ceelka, heelad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabo
(fal) 'xoolo' sabo ceel joogso. Geelashii oo sabanaya ayuu colku na galay.
sabo -da: (magac, dhedig, keli) dhul kooban oo ceel ama guri ku wareegsan. Xoolaha sabada ku soo hor. Dh: heelad; sabad.
sabo -da: (magac, dhedig, keli) duleedka reerka; aradka reerka. Sabada ayuu soo barqo joojiyay lo'dii. Dh: duleed, kambal.
sabo -da: (magac, dhedig, keli) meesha uu noole ka helo quudkiisa, hoy iyo tarangal ba.
sabo -da: (magac, dhedig, keli) marka xoolaha la waraabinayo halka ay istaagaan.
sabo -da: (magac, dhedig, keli) dabayl kulul oo xagaaga dhacda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabo
f.g3 (-btay, -batay) Cudur, gaajo, roob iyo wixi lamida berrin wada gaarid. la-mid: saabso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saabo
v. spread over, cover
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabo
(fal) saab u yeelo ama u samayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saabo
de: spread over, cover
initial: s
lx: saabo
nt: saabasho (/da) [vn-f]
pd: (saabtay)
ps: v3b=
key: saabo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sabot
sabot, n.m. - kab loox ka samaysan; qaraafiic; qoobka fardaha, dameeraha iwm
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayr
(Cayr-ta)
(qof) aan xoolo iyo hanti kale midna lahayn; sabool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayrayn
(Cayrayn-ta)
Cayr ka dhigid; sabool ka dhigid; dhicid; mooradduugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabakannaax
(Dabakannaax-a)
Qof busaarad iyo saboolnimo ku koray oo ku weynaadey oo waa danbe hodmay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deegid
(Deegid-da)
Xoolo-beelid; cayroobid; sabool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faqiir
(Faqiir-ka)
Qof aad u xoolo yar ama aan lahaynba; miskiin; sabool; cayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faqri
(Faqri-ga)
Xoolo la'aan; miskiinnimo; saboolnimo; cayrnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heel
(Heel-ka)
Inta ceel, degmo, magaalo, kd., u ogog leh; agagaar; sabo; fagaag; heelad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heelad
(Heelad-ka)
Guriga ama ceelka, kd., meesha ay ku fadhiyaan dhulka yar oo ku wareegsan; fagaag; sabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahaysato
(Mahaysata-da)
(dad) Aan wax haysan; sabool; cayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miskiin
(Miskiin-ka)
Qof aan maal lahayn; qof cayr ah; sabool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saabbir
(Saabbir-ka)
Nolol adag ku nool; sabool; cayr; miskiin; faqiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabansabdho
(Sabansabdha-da)
1. Geed weynaada oo laf adag oo wax lagu dhiso.
2. Wax yar oo la isku sabo; callaal; sandareerto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabool
(Sabool-ka)
(qof) aad u xoolo yar; miskiin; faqiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saboolnimo
(Saboolnima-da)
Sabool ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabooloobid
(Sabooloobid-da)
Sabool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xantiir
(Xantiir-ka)
Qof aan waxba haysan; sabool; cayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alji
m.l.u (-iyo, m.dh) (baayoloji) Qayb badan oo ka duwan dhirta yar yar, hase yeeshee cagaariye leh (footoosintasis) cuntadiisa ku samaysan kara, kuna nool sabo biyood iyo dhulka saxansaxada leh. Geedkani waxa uu noqon karaa hal unugley ama unugyo badane. Isaga oo yeelan kara qaababkan: miiqaq, wareegsan ama saxan u eg. Aljiga hadda looma aqoonsana koox ablaablayneed, inkastaoo mararka qaarkood la raaciyo noolayaasha hoose ee boqortooyada borotista. Inta badan haddaba, kooxaha boqortooyadan waxa loo aqoonsanyahay qaybaha abla-ablayneed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryaddoon
m.l (-nno, m.dh) Qof sabool ah oo kaalmo raadsasho ku jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beel
beel¹: m.dh (-lo, m.l) Cid ama reero badan oo meel wada deggan; duddo; qeyro.
beel²: m.dh.u Koox dabeeci ahaan sabo ku wada uuman, oo isugu jira sinjiyo dhir iyo xayawaanba leh.
beel³: f.g1 (-eelay, -eeshay) Hanti ama wax kale oo hore loo lahaa tirmid; waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabakannaax
m.l (-xyo, m.dh) Qof busaarad iyo saboolnimo ku koray, oo waa dambe hodmay. la-mid: dibkannaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sab
(Sab-ta)
(waayadii hore) dad gaar ah oo aad loo liidi jirey oo la moodi jirey inay Soomaalinnimada ka baxsan yihiin; aan aji ahayn; boon; gun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sab
sab¹: m.dh 1. Qolo raacatada Soomaaliyeed u liidi jirtay dawla'aan. 2. Cunto badan oo allabbari loogu talaggalay; dayaafad.
sab²: f.g1 (-bay, -btay) Carruur, haween iyo wixi lamida wax ku raalli gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sab
sab¹: m.dh 1. Qolo raacatada Soomaaliyeed u liidi jirtay dawla'aan. 2. Cunto badan oo allabbari loogu talaggalay; dayaafad.
sab²: f.g1 (-bay, -btay) Carruur, haween iyo wixi lamida wax ku raalli gelin. m.f.dh, sabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sab
f. n., [collective] low caste, group of people of low status, outcasts
sab [feminine] n. traditional ceremonial feast
sab v. deceive, flatter, trick in order to calm down someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sab
-ta: (n) feast (fust); sacrifice (sakra faays); especially feast for praying; a ritual slaughter of an animal ~ duco, alabari, waliimo
sab -ta:(n) inferior person, low-caste person ~ gun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sab
(fal) qof wax uu maagganyahay ka sabsab, ku qanci, qof wax uu saluugganyahay ku sasab. Dh: sabaalee, sasab.
sab-ta: (magac, dhedig, keli) Alla bari ama duco la kariyay raashin. Maanta sab ayay xaafaddu leedahay: Dh: Allabari. Li: habaartan.
sab -ta: (magac, dhedig, keli) dad xun oo aan wanaagsanayn, dad an nasab ahayn.
sab-ta: (magac, dhedig, keli) dad si dawla'aan ah loo takooro. Sab sababta loo yasi sadar iyo sabab midna looma hayo.
sab -ta: (magac, dhedig, keli) sooryo ama casuumad ballaadhan oo cunto la isa siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabo
(Aaba-ha)
Tixgelis; danayn; aabayeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabo
m.l Dareen naxariis, rabitaan iyo xurmayn leh oo qof qof kale u hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aabo
m. n., [abstract] consideration, attention, care; thoughtfulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabo
-ha: (magac, lab, keli) dareen naxariis, muhasho iyo xurmayn weheliyaan oo qof qof kale u hayo.
aabo -ha: (magac, lab, keli) eeg aabbe.
aabo -da: (magacwadareed) dhallinyarta caado ahaan wiilka arooska ah raacda ee la socota inta aanu aroosbixin. Dh: mixiisyo, minxiisyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aabo
de: consideration, attention, care; thoughtfulness
lx: aabo
pd: (/ha)
ps: n0-m-abs
key: aabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabo
(Caba-da)
1. (Weel) Dhadhan la kahdo, sida kan biyuhu yeeshaan kolka weel caanood lagu soo dhaansho.
2. Weelka jaadkaas ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabo
cabo¹: m.dh Biyo, weel caanood lagu shubay oo yeeshay dhadhan la karhado.
cabo²: f.mg3 (-btay, -batay) Erayo calaacal ah dhihid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabo
f.mg3 (-btay, -batay) Ereyo calaacal ah dhihid. m.f.dh, cabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabo
v. complain, reproach
cabo [feminine] n., [collective] sour smell in an unrinsed milk container
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabo
cabtay/cabatay: (v) complain (kom-palayn); complain against ~ cawday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabo
(fal) dhib qof ku gaadhsiiyay cid kale kaga ashtakoo; eed sheego. Dh: ashtakee, ashkatee.
cabo -da: (magac, dhedig, keli) biyuhu urta iyo dhadhanka ay yeeshaan, marka haanta caanaha lagu dhaansado. Dh: caancaanni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabo
(Daba-da)
1. Lafdhabarta (xiriirka) nafleydu afka ay ku dhammaato, oo mid dheer, sida tan lo'da iyo mid gaaban, sida tan riyahaba, leh.
2. Dhammaad; af.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabo
dabo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xubin dhuuban, dheer, laalaadda oo lafdhabarta ku dhammaato. 2. Meesha ay nafleyda ka saxarooto; futo. 3. Sal. 4. Gadaal. 5. Dabadeed: kaddib.
dabo²: f.g3 (-btay, -batay) 1. Ugaar, kalluun iyo wixi lamida dabin ku qabasho. 2. Timo tidcasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabo
dabo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xubin dhuuban, dheer, laalaadda oo lafdhabarta ku dhammaato. 2. Meesha ay nafleyda ka saxarooto; futo. 3. Sal. 4. Gadaal. 5. Dabadeed: kaddib.
dabo²: f.g3 (-btay, -batay) 1. Ugaar, kalluun iyo wixi lamida dabin ku qabasho. 2. Timo tidcasho. m.f.dh, dabasho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DABO
(Dabo) May Euphorbia glochidiata Pax. Euphorbiaceae.
S Sporobolus nervosus Hochst. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabo
-dabada: (n) 1. butt (hart); bum (bam); anus (eenes); ass (aas); buttocks (batakis) ~ Ex: dabo dharbaax; slap on the buttocks; spank (spaangk) 2. backside (baaksaydh); rear (rzyer); back end ~ gadaal. 3. tail (teeyl) ~ sayn 4.
dabo -dabtay / dabatay: (v) hunt by trapping; catch (kaj). 5. ka dabo imow: (expression) go after someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabo
(fal) timo tidco ama sooho. Dabo timaha oo cidna ha sugin.
dabo: (fal) ugaadh dabin u dhigo. Dabo oo dubo ugaadha dibad laguma gaajoodo.
dabo: (fal) neef yar oo qaan ah, caano ku bukoo. Nayshii falanfalxadii bay ku dabatay. Dh: daabo.
dabo-da: (magac, dhedig, keli) halka ay lafdhabartu ku dhammaato ee xayawaanka qaarkii oo badkood dheeraata badhna gaabata. Lo'du dabadeeday daqsiga iskaga celisaa.
dabo-da: (magac, dhedig, keli) meesha wax uu ku idlaadaan. Arrin aan hor iyo dabo toona lahayn bay noo dhiibeen. Dh: billow, af.
dabo-da: (magac, dhedig, keli) meesha ka mid ah jirka noolaha ee xaarku ka soo baxo. Dabo iyo dhul is hurran, Dh: futo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HABO
(Habo) N. Limonium somalorum (Vierh) Hutch & Bruce. Plumbaginaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg habaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jabo
(Jaba-da)
1. Xaabo ama qoryo yaryar oo qallalan.
2. Berrin waa hore laga guurey oo ooddii jabtay oo isku dhacday; jabad; degel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabo
m.dh 1. Xaabo amo qoryo yaryar oo qallalan. 2. Berrin waa hore laga guurey oo ooddii jabtay oo isku dhacday; jabad; degel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jabo
f. n. firewood, kindling
jabo [feminine] n. abandoned camp-site
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabo
-da: (magac, dhedig, keli) xaabo amo qoryo yaryar oo qallalan.
jabo -da: (magac, dhedig, keli) berrin waa hore laga guurey oo ooddii jabtay oo isku dhacday: jabad; degel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabo
f.g/mg3 (-btay, -batay) 1. (f.g) Wax jabay kabniin ku samaysasho. 2. (f.mg) Ka k.: dhibaato cid ku dhacday ka barbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabo
m. n., pl. shoes, footwear
kabo v. recover, recuperate; set (of broken bone)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabo
-kabaha: [Plural of kab -ta] shoes (shuus); footwear (fuutweer)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labo
(Laba-da)
Tirada kowda iyo saddexda u dhexaysa; mid iyo mid laysku daray; (2). (ama laba).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labo
labo¹: m.dh.t 1. Tirada kowda iyo saddexda u dhexeysa; “2”. 2. Labadaba. Tusaale: “Labadaba way fiicanyihiin”.
labo²: f.g3 (-btay, -batay) Wax qasasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labo
labo¹: m.dh.t 1. Tirada kowda iyo saddexda u dhexeysa; '2'. 2. Labadaba. Tusaale: Labadaba way fiicanyihiin.
labo²: f.g3 (-btay, -batay) Wax qasasho. m.f.dh, labasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labo
num. two; both
labo v. stir something for oneself, mix something for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labo
-labada: (n) two (tuu); couple (kapol) ~ lammo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labo
-da: (magac, dhedig, keli) tirada u dhaxaysa kow iyo sadddex. Labo biyo hoostood iska herdiday iyagaa is og. Dh: lamma, 2, II.
labo: -da: (magac, dhedig, keli) tirada kowda iyo saddexda u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabo
(Qaba-da)
Geed leh caano iyo qodxo iyo sooh wanaagsan oo weelal iyo alaabo kale oo badan laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabo
qabo¹: m.dh 1. (botani) Geed leh caano, qodxo iyo sooh wanaagsan oo weelal iyo alaabo kaleba laga sameysto. 2. Weelasha caanaha lagu shubto inta aan weli la xoolayn. 3. Weel qabo ka samaysan.
qabo²: f.g/mg3 (-btay, -batay) 1. (f.g) Wax gacan ku dhigid. 2. (f.g) Dhul, dad iyo wixi lamida hub ku hanasho. 3. (f.g) Cid fal xun ku kici lahayd ka celin. 4. (f.g) Shaqo fulin. 5. (f. g) Meel aadid. 6. (f.mg) Is q.: arrin iyo wixi lamida oo lagu kici lahaa ka harid. 7. (f.mg) Laba qof ama ka qabsad badan iska hor imaasho. 8. (f.mg) Is q.: laf jabtay xiriirsamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabo
qabo¹: m.dh 1. (botani) Geed leh caano, qodxo iyo sooh wanaagsan oo weelal iyo alaabo kaleba laga sameysto. 2. Weelasha caanaha lagu shubto inta aan weli la xoolayn. 3. Weel qabo ka samaysan.
qabo²: f.g3 (-btay, -batay) 1. (f.g) Wax gacan ku dhigid. 2. (f.g) Dhul, dad iyo wixi lamida hub ku hanasho. 3. (f.g) Cid fal xun ku kici lahayd ka celin. 4. (f.g) Shaqo fulin. 5. (f.g) Meel aadid. 6. (f.mg) Is q.: arrin iyo wixi lamida oo lagu kici lahaa ka harid. 7. (f.mg) Laba qof ama ka badan iska hor imaasho. 8. (f.mg) Is q.: laf jabtay xiriirsamid. m.f.dh, qabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabo
v. catch hold of, detain, arrest; hold; take; seize; do; go to; be married to; intervene in
qabo [feminine] n., [collective] euphorbia tree
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QABO
[KABO, GABO] Euphorbia longispina 04
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QABO
(Gabo) C Euphorbia longispina Chiov. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabo
-qabtay / qabatay / qabteen / qabanay: (v) 1. catch (kaaj); capture (kap-jar); seize (siiz); overtake (over-teeyk). Ex: bannooniga qabo; catch the ball 2. hold up (hooldh ap); grasp (garaasp). 3. do (dhuu); Ex: shaqo fiican buu qabtay; he did good work.
kala qabo: (v) 1. separate and keep apart. 2. break up a fighting ~ kala celi
u qabo: (v) 1. assist (a-siist); help (heelp) 2. hold for someone; reserve (ri-zeerv)
qabo -qabada: (n) name of a plant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabo
(fal) jooji oo socodka u diid.
qabo: (fal) bedbaadi oo ka jooji. Ilmaha dabka ka qabo.
qabo: (fal) ku dheg oo gacanta ku hay. Kitaabka ii qabo.
qabo: (fal) soco oo teg. Baabuur raac oo miyiga qabo. Dh: aad, ambabbax.
qabo: (fal) hawl fuli oo samee. Nin kastoowba shaqadaada qabo. Dh: yeel, fal.
qabo -da: (magac, dhedig, keli) haan weyn oo ballaadhan; weelasha caanaha lagu shubto inta aan weli la isticmaalin. Intuu haanta qabada ah qaarka sari bannaan yahay, daarkuna qabyada yahay.
qabo -da: (magac, dhedig, keli) geed weelasha laga tosho oo caano iyo qodax leh. Intuu haanta qabada ah qaarka sari bannaan yahay daarkuna gabyada yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabo
(Raba-ha)
(keli: rab) xiddigaha cirirka oo toddobada ah, tan shanaad (rab hore) iyo tan lixaad (rab danbe).
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saba
name-f eastern wind, Zephyr
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabi
-ga: (n) infant (in-fanti); child (jaaldhi) ~ sebi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabi
-ga: (magac, lab, keli) ilmo aan caqli lehayn. Sabi sirtaada looma sheego. Dh: dhallaan, sebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saco
(Saca-ha)
(xiddigo) Cuntubyada xiddigaha kuwa ugu cadcad mid ka mid ah; waxay ku yaalliin lixaha iyo cadaadka agtooda, meel aan diillincaanoodda ka fogeyn; waxaa lagu sheegaa ninkii diley hashii Nebi Saalax oo cirka lagu salbay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saco
m.l 1. Koox xiddigo ah, cadcad oo ku yaal lixaha iyo cadaadda agtooda, meel aan diillincaanoodda ka fogayn. 2. Koox lo' ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saco
-ha: (magacwadareed) cutubyada xiddigaha ka mid ah, kuwa ugu cadcad, waxay ku yaalliin meel aan diillincaanoodka ka fogayn oo laxaha iyo cadaadka agtooda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sado
° (Sada-da)
Sedo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sado
m.dh Canshuur la siiyo boqorrada. la-mid: sedo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sado
f. n. praise, tribute
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sado
magac loo baxsho gabadh nasiib iyo liibaan ku dhalatay ama xilli barwaaqo horseedday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sado
-da: (magac, dhedig, keli) nimco; barwaaqe: guul. Sado Eebbe ku siiyay saacad layska ma qaado. Dh: barwaaqo. Li: saranseer.
sado -da: (magac, dhedig, keli) deeq ama hadiyad la siiyo boqor ama cid madax ah.
sado -da: (magac, dhedig, keli) suldad ama awood iyo xukun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sado
a: sedo
de: praise, tribute
initial: s
lx: sado
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safo
f.g/mg3 (-ftay, -fatay) 1. (f.g) Wax saf gelin. 2. (f.mg) Qof saf gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
safo
f.g/mg3 (-ftay, -fatay) 1. (f.g) Wax saf gelin. 2. (f.mg) Qof saf gelid. m.f.dh, safasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safo
v. stand in line; be lined up, form a queue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safo
(fal) safka gal; safka istaag.
safo: (fal) (la ~) cid kale, meel kala soo jeeso; cid kale u hiili.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safo
de: stand in line; be lined up, form a queue
initial: s
lx: safo
pd: (saftay)
ps: v3b=intr
key: safo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saho
f.g3 (-hday, -hatay) 1. Mindi iyo wixi lamida af u yeelasho. 2. Ku s.: wax ku xoqasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saho
v. rub against; sharpen, whet
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saho
de: rub against; [ext.] sharpen, whet
initial: s
lx: saho
pd: (sahday)
ps: v3b=tr
key: saho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sako
(Saka-da)
1. Sadaqo maalka iyo xoolaha ka waajibta oo sano walba laga bixiyo.
2. Bilaha dayaxa oo Muslinku tirsado, bisha ugu horraysa; Dago; (ama Seko).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sako
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Saddaqo maalka iyo xoolaha ku waajibta oo sanad walba laga bixiyo. 2. Bilaha dayaxa oo muslinku tirsado, bisha ugu horreysa oo xoolaha saddaqo ku waajibta laga bixiyo dago. la-mid: seko.