sabeenxidh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabeenxidh
-ka: (magac, lab, keli) raalligelinta qof gef lagu sameeyo la raali geliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabeenxir
sabeenxir¹: m.l Raali gelinta qof gef lagu sameeyo la raali geliyo. la-mid: subeenxir¹
sabeenxir²: f.g1 (-ray, -rtay) Qof lagu sameeyey gef raali gelin. la-mid: subeenxir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabeenxir
sabeenxir¹: m.l Raali gelinta qof gef lagu sameeyo la raali geliyo. la-mid: subeenxir.
sabeenxir²: f.g1 (-ray, -rtay) Qof lagu sameeyey gef raali gelin. m.f.dh, sabeenxirid. la-mid: subeenxir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabeenxir
-ka: (magac, lab, keli) eeg sabeenxidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabeenxirid
m.f.dh eeg sabeenxir². la-mid: su- beenxirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxeexid
-da: (magac, dhedig, keli) saxeex u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subeenxir
subeenxir¹: m.l la-mid: sabeenxir¹
subeenxir²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: sabeenxir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mareegaxidh
-ka: (magac, lab, keli) xidhxidhidda ama diyaarinta mareegta maqasha lagu xidhxidho. Mareegaxidhka anu ma aqaane Ceebla' u dhiiba. Dh: mareegxidhid.
mareegaxidh -ka: (magac, lab, keli) halka mareegta lagu xidho. Mareegaxidhkii wuu qoyaye maqasha geedka geeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subeenxirid
m.dh la-mid: sabeenxirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abeerid
-da: (magac, dhedig, keli) abeer aad u naaxay oo an curan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabxidh
-ka: (magac, lab, keli) hab ay ciidamadu cadawga iskaga difaacaan; qaab loo dagaallamo. Aaggii cadawga dabxidh baan ku samaynay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheexid
(Sheexid-da)
Sheex iska garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheexid
m.f.dh eeg sheex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheexid
-da: (magac, dhedig, keli) ceebta iyo wixii qaldan iskaga fogaanshaha iyo ka xishoodka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabeebid
(Cabeebid-da)
Cabeeb ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabeebid
m.f.dh eeg cabeeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabeebid
-da: (magac, dhedig, keli) cabeeb ku dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labeebid
-da: (magac, dhedig, keli) labeeb noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labeensi
m.l la-mid: labeensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safeexad
m.dh (-dyo, m.dh) la-mid: faseexad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safeexad
-da: (magac, dhedig, keli) walax yar oo aad afbadan timaha la iskaga xiiro iyo wixii la mid ah, waxna lagu jaro. Safeexad dukaanka ka soo iibi timaha an kaa xiiree. Dh: sakiin, makiinad.
safeexad -da: (magac, dhedig, keli) bir yar oo bagafsan; faseexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sudeexid
(Sudeexid-da)
Si oogadu iska garato oo dammaad ku jiro, sida qof laqanyaysan noqosho; liidaanyo iska garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sudeexid
m.f.dh eeg sudeex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudeexid
-da: (magac, dhedig, keli) si oogadu iska garato oo dammaad ku jiro, sida qof laqanyaysan. noqosho; liidaanyo iska garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeebid
m.f.dh eeg xabeeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebid
-da: (magac, dhedig, keli) xabeeb yeelasho. Dh: xabeebis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabjeexid
-da: (magac, dhedig, keli) seexadka dabka geerkiisa. Dabjeexid ayaanu samaynaa xilliyada dheelka badani soo dhaco.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Habeenimo
la nuit.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeeniso
m.dh eeg habeeno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labeensad
m.l la-mid: labeensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadxidh
-ka: (magac, lab, keli) nabadday dhinacyada is haya ce gar la hayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarbeebid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sarbeeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaxeexid
(Shaxeexid-da)
Wax qof wax ku waayo ku hadlid, ama falankeed qabasho; seejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaxeexid
m.f.dh eeg shaxeex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxeexid
-da: (magac, dhedig, keli) wax uu qof wax ku waayo ku hadlid ama faltankeeda qabasho; seejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeembadh
-ka: (magac, lab, keli) saqda dhexe ee habeenkii. Dh: habeenbar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habeennimo
(Habeennima-da)
Habeen gudihi; habeen ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeennimo
m.dh.fk Waqti habeen ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habeennimo
m.dh.fk Waqti habeen ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habeennimo
f. n. night, nightfall; darkness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habeennimo
-habeennimada: (adv) during the night; overnight (oovarnaayt) ~ isla habaynkaas, habaynnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeennimo
-da: (magac, dhedig, keli) milay habeen ah. Habeennimo ayaa xafladda arooska loo ballamay. Li: dharaarnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habeennimo
de: night, nightfall; darkness
lx: habeennimo
pd: (/da)
ps: n6-f
xe: before nightfall
xv: habeennimada horteeda
key: habeennimo
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habkulxidh
m.l (fiisikis) Hab kul daynaamikaad oo dhaca ama dhammaysyirma iyada oo aanu kul soo gelin kana bixin. Guud ahaan, isbeddelka kul-xidh waxa uu keenaa kor u-kaca ama hoos u-dhaca heerkulka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habkulxidh
-ka: (magac, lab, keli) hab kul daynaamikaad oo dhaca ama dhammaystirma iyada oo aanu kul soo gelin kana bixin. Guud ahaan, isbeddelka kul-xidh waxa uu keenaa kor'ukaca ama hoos'udhaca heerkulka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeenkahadh
-ka: (magac, lab, keli) hooska ay yeeshaan walxuhu subaxnimada hore.
habeenkahadh -ka: (magac, lab, keli) nabad ku waabberiisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mareegxidhid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mareegaxidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hab-kulxidh
m.l (fiisikis) Hab kul daynaa-mikaad oo dhaca ama dhammaysyirma iyada oo aanu kul soo gelin kana bixin. Guud ahaan, isbeddelka kul-xidh waxa uu keenaa kor u- kaca ama hoos u-dhaca heerkulka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeensasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel habeen u dhalasho.
habeensasho-da: (magac, dhedig, keli) intaanad hawshii ama socodkii aad rabtay qaban, gabbalkii kuu dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labeensasho
m.f.dh eeg labeenso. la-mid: labeensad, labeensi.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mareeg xidhan
Closed circuit