sabci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabci
f.mg2 (-iyay, -isay) Sacabbo isla dhicid. la-mid: sacbi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabci
f.mg2 (-iyay, -isay) Sacabbo isla dhicid. m.f.dh, sabcin. la-mid: sacbi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabci
v. clap, applaud
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabci
-yey / say: (v) clap (kalaap); applaud (ap-lood); root (ruut); cheer, especially by clapping the hands ~ sacabi, sacbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabci
(fal) sacabbada isku garaac oo sanqadh ka samay; sacab tun. U sacbi ardayga wanaagsan. Dh: sacabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabci
a: sacbi
de: clap, applaud
initial: s
lx: sabci
pd: (sabciyey)
ps: v2a=intr
key: sabci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabcin
(Sabcin-ta)
Labada sacab isku garaacid; sacab tumid; (ama sacbin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabcin
m.f.dh eeg sabci. la-mid: sabcis, sacbin, sacbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabcin
-ta: (magac, dhedig, keli) labada sacab isku garaacid; sacab tumid. Sacbin ku soo dhoweeya saajinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabcis
m.l la-mid: sabcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabcis
-ka: (magac, lab, keli) sacbin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabi
-ga: (n) infant (in-fanti); child (jaaldhi) ~ sebi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabi
-ga: (magac, lab, keli) ilmo aan caqli lehayn. Sabi sirtaada looma sheego. Dh: dhallaan, sebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabci
(Dabci-ga)
Dabeec, dabeecad, abuur, falfal; sansaati; dhalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabci
dabci¹: m.l Hab la dhaqanka dad ee qof leeyahay; baxaalli, abuur. la-mid: dabeec (1), dabeecad (1), dabeeco, dabiicad.
dabci²: f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: debci².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabci
m.l Hab la dhaqanka dad ee qof leeyahay; baxaalli, abuur. la-mid: dabeecad, dabeeco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabci
m. n. character, behavior, disposition
dabci v. weaken, relax, loosen, ease
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabci
-ga: (n) behaviour also behavior (b-iheey-viyar)-, character (kaaraktar)-, conduct (kon-dhakt)-, personality (peer-so-naalati)-, disposition (dis-pozi-shin) ~ dabeecad, akhlaaq
dabci -yey / say: (v) loose (luus); soften (soofan); relax (rilaks) ~ jilci
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabci
-ga: (magac, lab, keli) dhaqanka Eebbe ku abuuray ee u gaarka ah. Dabciga wanaagsani dadkuu kugu daraa. Dh: dabeeco, dabeecad, abuur, sansaan, falfal, dhalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaci
f.mg2 (-iyay, -isay) Wax soo socda saadaalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saaci
f.mg2 (-iyay, -isay) Wax soo socda saadaalin. m.f.dh, saacin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaci
v. expect good luck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaci
(fal) wax soo socda saadaalin. saacid -ka: (magac, lab, keli) taageer; garabsi; caawi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaci
de: expect good luck
initial: s
lx: saaci
nt: saacin (ta) [vn-f]
pd: (saaciyey)
ps: v2a=
key: saaci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid inay samirto gayeysiin. la-mid: samri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid inay samirto gayeysiin. m.f.dh, sabrin. la-mid: samri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabri
v. comfort, console
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sabri
name-m of patience; perseverance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabri
a: samri
de: comfort, console
initial: s
lx: sabri
pd: (sabriyey)
ps: v2a=tr
key: sabri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabti
(Sabti-da)
Maalinta Jamcaha iyo Axadda u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabti
m.l Maalinta jimcada iyo axadda u dhexeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabti
m.l Maalinta jimcada iyo axadda u dhexeysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sabti
f. n./m-time: Saturday (first day of the Somali week)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sabti
name-m Saturday. Lit: one born on a Saturday
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Sabti
-da: (n) Saturday (sa-tar-dheey)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sabti
-da: (magac, dhedig, keli) maalin ka mid ha ayaamaha toddobaadka oo u dhexaysa Jimcaha iyo Axadda; maalinta todobaadka ugu horraysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Sabti
bw: Arabic
cf: maalin
de: Saturday (first day of the Somali week)
initial: s
lx: Sabti
pd: (-da ~ -ga)
ps: n2a-f/m-time
key: Sabti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subci
f.mg2 (-iyay, -isay) Subac akhrin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
subci
f.mg2 (-iyay, -isay) Subac akhrin. m.f.dh, subcin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
subci
v. recite the Koran in a group
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
subci
-yey / say / yeen / nay: (v) conduct a group recitation of the Koran, each reciting one verse in sequence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subci
(fal) 'Quraan' si subac ah u akhri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
subci
de: recite the Koran in a group
initial: s
lx: subci
pd: (subciyey)
ps: v2a=intr
see: subac
key: subci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sacbin
(Sacbin-ta)
Sacab tumid, garaacid (ama sabcin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sacbi
f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: sabci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sacbin
m.dh la-mid: sabcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sacbis
m.l la-mid: sabcin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sacbi
f.mg2 la-mid: sabci.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sacabi
-yey -say: (v) clap (kalaap); applaud (ap-lood); root (ruut); cheer, especially by clapping the hands ~ sabci
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sacbi
-yey say: (v) clap (kalaap); applaud (ap-lood); root (ruut); cheer, especially by clapping the hands ~ sacabi, sabci
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
applaudire
v.tr. - sacbin, sabcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sacbis
-ka: (magac, lab, keli) sacbin; sabcis; sabcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sachin
-ta: (magac, dhedig, keli) sacab tumid; sacab garaacid; sabcin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sacbi
a: sabci; rw: sacab
de: clap, applaud
initial: s
lx: sacbi
pd: (sacbiyey)
ps: v2a=intr
key: sacbi
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SABCIIN
(Sabin) S Harrisonia abyssinica Oliv. Simaroubaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babcid
(Babcid-da)
Babac u dhigid ama ka dhigid: gudub u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babcid
m.f.dh eeg babac². la-mid: babac¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babcid
-da: (magac, dhedig, keli) walax gudub u dhigid ama janjeedhin. Babcidda ayaa looxa u wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabcid
m.dh la-mid: debcid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabcid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg daabicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabcin
m.dh la-mid: debcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabcin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan giijisnayn ama aan adkayn. Dabcinta suunku ragga qaar waa u caado. Dh: jilcin. Li: giijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabcid
m.f.dh eeg gabac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habcid
(Habcid-da)
(biyo) Habac noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habcid
m.f.dh eeg habac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habcid
-da: (magac, dhedig, keli) habac ama qof cagajiid ah noqosho. Dh: habacsanaan.
habcid-da: (magac, dhedig, keli) biyo habac ah oo ceel ku raagay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabbi
-ga: (magac, lab, keli) aan wax haysan. Saabbi sacab madhan sed ma siiyo. Dh: farammadhan, saabbir.
saabbi-ga: (magac, lab, keli) wax saafi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saacid
f.g1 (-day, -dday) Cid u kaalmayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saacid
f.g1 (-day, -dday) Cid u kaalmayn. m.f.dh, saacidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saacid
v. help
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saacid
-ayday/een/ nay: (v) help (help); aid (eeydh); assist (a-sist); support (sa-poort) ~ caawin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saacid
bw: Arabic
de: help
initial: s
lx: saacid
nt: saacid (ka) [vn-m]
pd: (saaciday)
ps: v1=
key: saacid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saacin
(Saacin-ta)
Saac wanaagsan, wax ama meel, ka doonid. ka sugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saacin
m.f.dh eeg saaci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saacin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ama meel, saac wanaagsan ka doonid, ka sugid. Saacin ku nool sabankan badatay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sabbia
s.f. - ciid, bacaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabiib
(Sabiib-ta)
Miraha canabka jaadadkooda jaad ka mid ah oo ad'adag oo aad loo jecel yahay; waxay ka baxdaa dhulalka Bari, badanaana, iyadoo engegan baa ganacsi la geliyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabiib
m.l/dh Miro canab oo la qallajiyey. la-mid: sibiib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabiib
m.l/dh Miro canab oo la qallajiyey. la-mid: sibiib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabiib
m. n., [collective] raisins
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabiib
-ka: (n) raisin (reey-zan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabiib
-ka: (magac, lab, keli) midho cinab ah oo la engejiyay oo muddo dheer la haysan karo oo aad u macaan. Wax la cuno sabiib baa ah, nin samaystay baa faan leh, waxaad haysataa saas ah.
sabiib-ta: (magac, dhedig, keli) midhaha cinabka jaadadkiisa jaad ka mid ah oo ad'adag oo baxa dhulalka kulaylaha ah, aalaa iyagoo dheecaanka laga miiray oo engegan ayaa laga ganacsadaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabiib
bw: Arabic
de: raisins
initial: s
lx: sabiib
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: sabiib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabiil
m.dh (-lo, m.l) Xubinta taranka ee xoolaha dheddig. la-mid: samiil.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabiil
m.dh (-lo, m.l) Xubinta taranka ee xoolaha dheddig. la-mid: samiil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabiil
f. n. vagina of an animal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabiil
-sabiisha: (n) female animal's genital organ; vagina (va-jeeyna); cunt (kant); pussy (pu-si)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabiil
-sha: (magac, dhedig, keli) xubinta taranka ee adhiga iyo lo'da.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabiil
de: vagina of an animal Contrast: qandhuur
initial: s
lx: sabiil
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: sabiil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabrid
(Sabrid-da)
Sabir yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabrid
m.f.dh eeg sabar². la-mid: sabburid, samrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabrid
-da: (magac, dhedig, keli) sabir yeelasho: samrid; dulqaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabrin
m.f.dh eeg sabri. la-mid: samrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabrin
-ta: (magac, dhedig, keli) quus iyo sabir gelin; sabirsiin; samrin; samirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarcid
(Sarcid-da)
1. Sarac sarac ka dhigid; safid.
2. () beerid; abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarcid
m.f.dh eeg sarac³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarcid
-da: (magac, dhedig, keli) beerid: falid: beeris.
sarcid-da: (magac, dhedig, keli) safid; falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaci
f.g2 (-iyay, -isay) War iyo wixi lamida faafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaaci
f.g2 (-iyay, -isay) War iyo wixi lamida faafin. m.f.dh, shaacin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaaci
v. spread, diffuse (news), propagate; divulge; cause to glare