sabbati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbati
-da: (magac, dhedig, keli) meel adag oo dirri ah. Waa dhul sabbati ah oo aan faa'ido Jahayn
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sabbat
sabbat, n.m. - maalin nasasho (diinta Yahuudda)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbata
m.dh la-mid: sabbato.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sabbath
/saabath/ (n) maalin nasasho (sida sabtida masiixiyiinta ama axadda yuhuudda).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
Sabbath
Sabti, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbato
m.dh Turub la ciyaaro oo qof hal mar wada helo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbato
-da: (magac, dhedig, keli) turub la ciyaaro oo qof hal mar wada helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbaati
(Gabbaati-ga)
(guur) yaradka ka hor xoolo ama wax kale oo yar oo la bixiyo oo la siiyo qofka ama ragga gabadha baxshey, amaba gabadha walaalkeed, ina'adeerkeed, kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaati
gabbaati¹: m.l Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursanayo oo yaradka ka horreeya.
gabbaati²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Hanti yar, markaas gabar la guursanayo, ka bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabbaati
m.l Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursanayo oo yaradka ka horreeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbaati
m. n. bride price, part of traditional bridewealth payment
gabbaati v. pay the traditional ~ required bride price
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabbaati
-da: (n) payment in the form of money or other valuable assets made to the bride's family; bride price ~ sooryo, yarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaati
-ga: (magac, lab, keli) eeg gabba'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbatee
f.g2 (-teeyay, -teysay) Cayaar turub hal mar wada helid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbatee
(fal) cayaar turub hal mar wada helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabti
(Sabti-da)
Maalinta Jamcaha iyo Axadda u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabti
m.l Maalinta jimcada iyo axadda u dhexeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabti
m.l Maalinta jimcada iyo axadda u dhexeysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sabti
f. n./m-time: Saturday (first day of the Somali week)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sabti
name-m Saturday. Lit: one born on a Saturday
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Sabti
-da: (n) Saturday (sa-tar-dheey)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sabti
-da: (magac, dhedig, keli) maalin ka mid ha ayaamaha toddobaadka oo u dhexaysa Jimcaha iyo Axadda; maalinta todobaadka ugu horraysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Sabti
bw: Arabic
cf: maalin
de: Saturday (first day of the Somali week)
initial: s
lx: Sabti
pd: (-da ~ -ga)
ps: n2a-f/m-time
key: Sabti
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sabato
s.m. - Sabti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbac
m.l la-mid: sambac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbac
-a: (magac, lab, keli) dhereg wixii jiraba la qaado. Dogon la sir, la sabbac, lagase teg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbad
-da: (magac, dhedig, keli) sibidh, jay iyo ciid la is ku qasay oo wax lagu dhiso. Sabbad buu ku shubay guriga guudkiisa. Dh: shub, sagbad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbay
(fal) biyo dushood' dulsaarnaw; biyo guudkood dabbaalo oo ha degin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakati
(Sakati-da)
Baqdin yar; keyrkeyr; wadnafug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakati
sakati¹: m.dh Cabsi yar shaki.
sakati²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Si yar u nixid; naxdin yar iyo shaki dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sakati
f. n. anxiety, concern, minor fear ~ worry
sakati v. worry, be concerned, have some minor fear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakati
(fal) shaki; wax ka baq; kayrkayr.
sakati -ga: (magac, lab, keli) baqdin yar oo aan weynayn. Dh: kayrkayr, shaki, wadnafuq.
sakati -ga: (magac, lab, keli) kala duwanaanshaha afkaaraha ama mawqifyada; is afgaranwaa. Dh: jaafaajiriq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxati
-da: (magac, dhedig, keli) tigaad aad u qurux badan oo rarada laga sameeyo oo buuraha ka baxda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbani
-da: (magac, dhedig, keli) waxba u adkaysi la'aan; samir iyo adkaysi la'aan. Dh: jilicsani, nugli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabaali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax sasabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabaali
v. comfort, calm down, console
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaali
(fal) wax qof uu diidanyahay ama saluugganyahay oggalaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabaali
de: comfort, calm down, console
initial: s
lx: sabaali
pd: (sabaaliyey)
ps: v2a=tr
key: sabaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaani
-da: (magac, dhedig, keli) malaa'iigta cadaabta, ilaalada cadaabta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbaad
m.l Kasoobax halis ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbaad
-ka: (magac, lab, keli) kasoobax halis ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabbaar
(Sabbaar-ka)
Sahay; jicsin; masruuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbaar
sabbaar¹: m.l Hadiyad qof axsaan laga filayo la siiyo.
sabbaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid ixsaan laga sugaayo hadiyad siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabbaar
m. n. living expenses, keep; provisions; small bribe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbaar
(fal) cid ixsaan laga sugaayo hadiyad siin.
sabbaar -ka: (magac, lab, keli) wax lagu jidmaro. Dh: sahay, jiscin.
sabbaar -ka: (magac, lab, keli) khiyaamo. Sabbaar buu ku dhacay. Dh: sir. Li: daacadnimo.
sabbaar -ka: (magac, lab, keli) hadiyad qof axsaan laga filayo la siiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabbaar
de: living expenses, keep; provisions; small bribe
initial: s
lx: sabbaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: sabbaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabbaax
(Sabbaax-a)
Quruuruxa xeebaha badda oo ka samaysma dhulmanaha burburay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbaax
m.l (-xyo, m.dh) 1. Ciid cad oo nadiif ah oo xeebaha badda laga helo. 2. S. ah: qof araggiisa la karahsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabbaax
m. n., [collective] pebbles, rock ~ shell fragments along the seashore
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbaax
-da: (magac, dhedig, keli) quruuraxa xeebta ee ka samaysma xaaxiga badda: dhulmo burburay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabbaax
de: pebbles, rock ~ shell fragments along the seashore
initial: s
lx: sabbaax
pd: (-a)
ps: n-m-col
key: sabbaax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabbakh
(Sabbakh-a)
Wax dhar ama wax kale lagu midabeeyo; renji; asal; carar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbakh
sabbakh¹: m.l Asal dharka lagu midabeeyo.
sabbakh²: f.g1 (-khay, -khday) Dhar midab u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabbakh
m. n. dye, tint, stain, coloring agent
sabbakh v. dye, tint, paint
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbakh
-a: (magac, lab, keli) wax dhar iyo wixii la mid ah lagu midabeeyo. Dh: asal, ranji, sibbaaq. sabbakhan: (tilmaame) sibbakh la mariyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabbayn
(Sabbayn-ta)
Biyo ama wax la mid ah, korkooda saarraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbayn
m.f.dh eeg sabbee. la-mid: sabbays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabbayn
-ta: (n) the act of floating (falowting)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sabbayn
Fluttuazione
Fluctuation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbayn
-ta: (magac, dhadig, keli) biyo ama wax la mid ah, dul saarnaan: sabbays; biyo guudkood dabbaalad: biyo ul dabbaalasho. Dh: salalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbays
m.l la-mid: sabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbays
-ka: (magac, lab, keli) sabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabooti
(fal) qof meel tegaya, nabadgelayee; ambabixi. Dh: sagooti.
sabooti -ga: (magac, lab, keli) qof meel tagaya sii nabadgelyayn. Dh: sagooti, anbabbixin, nabadgelyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safrati
-da: (magac, dhedig, keli) gaajada afur la'aantu keento.
safrati -ga: (magac, lab, keli) eeg safrad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanaati
-da: (magac, dhedig, kali) lacagaha la isticmaalo ee aan wargadda ahayn. Dh: dhururi, sunuud; qaddaadiic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbaji
f.mg2 (-iyay, -isay) Naasley dheddig oo dhalaysa xab bururin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sabbatical
/sabaatikal/ (adj) ee fasax (fasaxa la siiyo macallin iskool iyadoo mushaarkiisu u socdo).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sabbatique
sabbatique, adj. - la xidhiidha maalinta nasashada
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbaarid
m.f.dh eeg sabbaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) sabbaar qaadasho: jicsimasho: sahay qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbakhid
m.f.dh eeg sabbakh².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbakhid
-da: (magac, dhedig, keli) ranji ama asal marin. Dh: ranjiyid, aslid.
sabbakhid-da: (magac, dhedig, keli) ranji ama asal marin. Dh: ranjiyayn, aslid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbateyn
m.f.dh eeg sabbatee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cabbaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaali
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dabaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaali
(fal) biyo dabbaal ku dhexmari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaqid
m.dh la-mid: dabqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaqid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabbaqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbaysi
(Kabbaysi-ga)
Kabbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaysi
m.l la-mid: kabbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) caano labo qof midba mar cantuugayo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rabbaani
-ah: (adj) divine (di-vaayn); Godly (gaadh-li)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaysi
m.l la-mid: rabbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg rabbaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabaalin
m.f.dh eeg sabaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal sabaal ah ku dhihid. Dh: sabaalayn, sabaalis.
sabaalin ta: (magac, dhedig, keli) sabaalayn; sabaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg sabaalayn.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sabab-ta
raison, cause.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sababaan
-ka: (magac, lab, keli) geed calcen qoyan oo aan qoryo lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sababayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabab u yeelid. Dh: sababays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbaday
(fal) sabbad ku shub, dhis, sabbad ka dhig. Sabbaday saqafka agalka. Dh: shub, sagbadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabburid
m.dh la-mid: sabrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabootin
-ta: (magac, dhedig, keli) nabadgalyeynta iyo anba bixinta qof meel u dhoofaaya. Gob baa
sabootin laga helaa. Dh: anbabixin, sagootin. sabootiyid -da: (magac, dhedig, keli) sagootiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabsabid
(Sabsabid-da)
Sabsab wax ku yeelsiin (ama sasabid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabsabid
-da: (magac, dhedig, keli) sasabid; sabaalayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
scabbard
/skaabardh/ (n) galka toorreyda ama soorka.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
scabbard
n., gal, -ki.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sgarbato
agg. - asluubxun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shabbaax
(Shabbaax-a)
Nishaabtan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbaax
shabbaax¹: m.l 1. Dabridka toogta lagu barto. 2. Dabrid.
shabbaax²: f.g1 (-xay, -xday) 1. Dabridid toog ku barasho. 2. Dabrid shiish ku tartamid.