sabatabbixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabatabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: samatabbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabatabbixid
m.dh la-mid: samatabbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabatabbixin
m.dh la-mid: samatabbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabatabbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) halis iyo cabsi cid ka saarid, khatar cid ka bixin. Dadkii baabuurku la gaddoomay sabatabbixin degdeg ah ayay heleen. Dh: samatabbixin, badbaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samatabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid halis ah ka badbaadin. la-mid: sabatabbixi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
samatabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid halis ah ka badbaadin. m.f.dh, samatabbixin. la-mid: sabatabbixi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samatabbixi
v. save, rescue
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
samatabbixi
-yey / say: (v) save (seeyv) from danger; ~ badbaadi, nabadgeli. —Syn: rescue, reclaim, redeem, deliver
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samatabbixi
de: save, rescue
initial: s
lx: samatabbixi
pd: (samatabbixiyey)
ps: v2a=tr
key: samatabbixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samatabbixid
(Samatabbixid-da)
Samatabbax helid; ka korid; baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samatabbixid
m.f.dh eeg samatabbax². la-mid: sabatabbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samatabbixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg samatabbax.
samatabbixid -da: (magac, dhedig, keli) halis iyo cabsi laga nabadgalay. Samatabixidda Eebbaa haya. Dh: badbaadid, nabadgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samatabbixin
m.f.dh eeg samatabbixi. la-mid: sabatabixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samatabbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ka bixin cabsi iyo halis haysatay ama ka badbaadin. Dh: nabadgelin. Li: qusur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabatabbax
(Sabatabbax-a)
Samatabbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabatabbax
sabatabbax¹: m.l la-mid: samatabbax¹.
sabatabbax²: f.mg1 (-xay, -xday: -bixi) la-mid: samatabbax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabatabbax
m. n., [abstract] safety, security
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabatabbax
-a: (magac, lab, keli) cabsi iyo halis ka bixid, khatar ka badbaadid. Sabatabbax Eebbe uga beri dadkii garraqmay. Dh: samatabbax, badbaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabatabbax
de: safety, security
initial: s
lx: sabatabbax
pd: (-a)
ps: n2a-m-abs
see: samatabbax
key: sabatabbax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samatabixi
(fal) 'awood Eebbe' cid kale, halis ka badbaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samatabbixiye
-ha: (magac, lab, keli) ka wax badbaadiya. Samatabbixyow i badbaadi. Dh: Alleh, Eebbe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samatobbixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg samatabbaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Miile (kal) siin (qof).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaasabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Dhibaato iyo rafaad jiilaal keenay cid ka samatabixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaasabbixi
v. dawdle, take one's time
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaasabbixi
de: dawdle, take one's time
lx: gaasabbixi
pd: (gaasabbixiyey)
ps: v2a=
key: gaasabbixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samatabbax
(Samatabbax-a)
Cabsida iyo halista oo laga nabadgalo; (ama sabatabbax).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samatabbax
samatabbax¹: m.l Ka nabad gelidda halis iyo cabsi laga nabad galo. la-mid: sabatabbax¹.
samatabbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Wax halis ah ka nabad gelin. 2. Wax halis ah ka nabad gelid. la-mid: sabatabbax².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
samatabbax
samatabbax¹: m.l Ka nabad gelidda halis iyo cabsi laga nabad galo. la-mid: sabatabbax.
samatabbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Wax halis ah ka nabad gelin. 2. Wax halis ah ka nabad gelid. m.f.dh, samatabbixid. la-mid: sabatabbax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samatabbax
m. n., [abstract] safety, security
samatabbax v. be safe ~ secure
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
samatabbax
-ay / day: (v) survive (sar-vaayv) from danger; remain alive or be safe ~ badbaad —Syn: outlive, outlast.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samatabbax
-a: (magac, lab, keli) dhib la soo maray oo wanaag ka dambeeyay, laga badbaaday dad iyo xoolaba. Allaw samatabbax iyo badbaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samatabixid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsida iyo halista ka nabadgelid; sabatabbaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samatabixin
-ta: (magac, dhedig, keli) halis ka badbaadin; sabatabbaxin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samatabbax_1
a: sabatabbax
de: safety, security
hm: 1
initial: s
lx: samatabbax
pd: (-a)
ps: n2a-m-abs
key: samatabbax_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samatabbax_2
de: be safe ~ secure
hm: 2
initial: s
lx: samatabbax
pd: (samatabbaxay)
ps: v1=intr
key: samatabbax_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabbi'i
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax ciribtirid. 2. Raad, calaamad iyo wixi lamida oo meel ku yaal tirtirid. Tusaale: “Rooble ayaa wixii sabuuradda ku qornaa baabbi'iyay”. 3. Sharci burin. 4. Sharaf awood iyo wixi lamida ee qof leeyahay waxyeeleyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baabbi'i
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax ciribtirid. 2. Raad, calaamad iyo wixi lamida oo meel ku yaal tirtirid. Tusaale: Rooble ayaa wixii sabuuradda ku qornaa baabbi'iyay. 3. Sharci burin. 4. Sharaf awood iyo wixi lamida ee qof leeyahay waxyeeleyn. m.f.dh, baabbi'in.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabbi'i
v. remove, erase, eliminate, eradicate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baabbi'i
-yey / say: (v) eliminate (ilimineeyt), eradicate (i-raadi-keeyt); decimate (dhe-simeeyt); destroy (dis-trooy) ~ baabi'i, tirtir. Ex: baabbi'i dhammaan mucaaradka siyaasiga; eliminate all political opposition. Syn:, liquidate, purge, corrode
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabbi'i
(fal) wax jira tirtir oo wax masaxan ka dhig. Qoraalku waa foolxun yahaye baabi'i, Dh: tirtir, masax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baabbi'i
de: remove, erase, eliminate, eradicate Alt sp: baabi'i
lx: baabbi'i
pd: (baabbi'iyey)
ps: v2a=tr
key: baabbi'i
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barabixi
(fal) cid kale, barada uu ku soo koray ka saar. Dh: barakici, qixi. Li: deji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof socdaal gelaya waxa uu u baahanyahay siin. 2. Cid safraysa sagootiyid. 3. Xoolo foofaya agaasimid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ambabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof socdaal gelaya waxa uu u baahanyahay siin. 2. Cid safraysa sagootiyid. 3. Xoolo foofaya agaasimid. m.f.dh, ambabbixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ambabbixi
v., [compound] see off, bid someone farewell
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ambabbixi
-yey / say: (v) help someone for his / her departure ~ sagooti
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ambabbixi
a: anbabbixi
de: see off, bid s.o. farewell
lx: ambabbixi
pd: (ambabbixiyey)
ps: v2a=cmp
key: ambabbixi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anbabbixi
v., [compound] send on a journey, see someone off, bid farewell
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anbabbixi
-yey / say: (v) help someone for his departure ~ sagooti, ambabbixi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anbabbixi
a: ambabbixi
de: send on a journey, see s.o. off, bid farewell
lx: anbabbixi
pd: (anbabbixiyey)
ps: v2a=cmp
key: anbabbixi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafabixi
(fal) curadka xoolo sii, oo gooni deji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasabixi
(fal) daryeel gooni ah sii. Dh: tababar, dhaqaalee, daryeel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabaabsii
v.caus: shrink, be reduced, be inadequate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabaabsii
de: shrink, be reduced, be inadequate
lx: gabaabsii
pd: (gabaabsiiyey)
ps: v2a=caus
key: gabaabsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax isku jirey kala saarid. 2. Badar shiidan budo iyo jariir u kala saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax isku jirey kala saarid. 2. Badar shiidan budo iyo jariir u kala saarid. m.f.dh, kalabbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Ka n.: Cid waxyeello ka badbaadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabadbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Ka n.: Cid waxyeello ka badbaadin. m.f.dh, nabadbixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabadbixi
v. save, rescue
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabadbixi
de: save, rescue With preposition ka 'from'
lx: nabadbixi
pd: (nabadbixiyey)
ps: v2a=tr
key: nabadbixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) U q.: cashar qur'aan aan weli la gaarin cid u sii akhrin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Samatabax
Ka nabadgal, aan keenin dhaawac lama filaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax la wada yaqaan ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaacbixi
v. reveal, make something public
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaacbixi
de: reveal, make s.t. public
initial: s
lx: shaacbixi
pd: (shaacbixiyey)
ps: v2a=tr
key: shaacbixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabatabbo
m.dh Weel baaquli u eg oo ka samaysan argeeg, dushana aleel looga sharxay oo subagga, oodkaca iyo wixi lamida lagu shubto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barabbixid
m.f.dh eeg barabbax². la-mid: barabbax¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dababbixid
m.f.dh eeg dababbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dababbixid
-da: (magac, dhedig, keli) shuban dartii, qofka oo calooshu jilicdo ama socoto. Dh: shubmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galtibbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof galtinimo ka saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galtibbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof galtinimo ka saarid. m.f.dh, galtibbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samatobbax
-a: (magac, lab, keli) eeg samatabbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afartambixi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: afartanbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afartanbixi
f.g2 (-iyay, isay) Naag dhashay ummulnimo ka bixin. la-mid: afartambixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afartanbixi
(fal) xaflad afartanbax ah u samee; afartanka cisho sugsii oo gaadhsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafabbixid
(Gaafabbixid-da)
Wiilasha cidda, siiba curadka, inta loo guursho oo xoolo la siiyo, cidda ka dhexbixid oo gaar u degid; carruurta hadba kii kora oo guursada oo isku fillaada oo gaar u dega.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafabbixid
m.f.dh eeg gaafabbax². la-mid: gaafabbax¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafabbixin
(Gaafabbixin-ta)
Gaafabbax ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafabbixin
m.f.dh eeg gaafabbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaasabbixid
m.f.dh eeg gaasabbax². la-mid: gaasabbax¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaasabbixin
(Gaasabbixin-ta)
Si gaar ah u korin, u dhaqaalayn; u kaadin; dedejin la'aan; horutibyeyn la'aan; baxnaanin; u sugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaasabbixin
m.f.dh eeg gasabbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaabbixid
m.f.dh eeg galaabbax². la-mid: galaabbixis, galoobbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaabbixis
m.dh la-mid: galaabbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afartambixid
m.dh la-mid: afartanbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afartambixin
m.dh la-mid: afartanbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afartanbixid
m.f.dh eeg afartanbax². la-mid: afartambax¹, afartambixid, afartanbax¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afartanbixin
m.f.dh eeg afartanbixi. la-mid: afartambixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afartanbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) afartan cisho ka dib, xafladayn; afartanka cisho ee umusha ka danbaysa sugsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalaabbixid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba meel gelid oo ka bixid; booqashooyin is daba joog ah samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farakalabbixid
m.dh Faro ka faraha laga qado; dayrin. la-mid: aadidda cid arakalabbax (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadsii
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: abaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abataqid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal isdhaafdhaaf ah ku hadlid. Dh: habataqid, hadaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abataqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abataqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaalixi
(fal) xad adoon waxba ka tegeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambabixi
(fal) wax uu ku ambabbaxo sii; sahay uu ku socdaalo sii. Ambabixi agoomaha, uurkoogu madhan yahay.
ambabixi: (fal) sagooti oo sii dhowee; nabadgelyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbabixi
(fal) cid kale, socdaal u diiyaari oo sahay uu ku jidmaro sii. Dh: ambabixi.
anbabixi: (fal) cid kale oo socdaalaysa, sii sabootiyid. Dh: ambabixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barabbax
(Barabbax-a)
1. Barada lagu koray oo laga tago; barakac.
2. Aqalkabbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barabbax
barabbax¹: m.l la-mid: barabbixid.
barabbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Barada lagu koray ka bixid; barakac.