sabaradayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabarad ku garaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarayn
-ka: (magac, lab, keli) markab dagaal oo badda quusa. Dh: gujis, samarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaradayn
(Faaradayn-ta)
Faarad marin, ku sinsimid; raandayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaradayn
m.f.dh eeg faaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) loox, faarad marin.
faaradayn -ta: (magac, dhedig, keli) looxaan, faarad kaga shaqayn oo ku hagaajin. Dh: raandayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaarad qaarad u qaybin. Nimankii badmareennada ahaa ayaa qaaradaynta soo saaray. Dh: qaaradays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaalayn
-ta: (magac, dhadig, keli) cid sabaale ku wadid, sasab ku qancin. Sabaalayn buu qoys ku dhaqmaa. Dh: sasabaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabbad ku dhisid, ka dhigid; sabbadays; shubid; sagbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sadaqad u bixin; sadaqays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasaradayn
(Xasaradayn-ta)
Xasarad kula kicid; maagid; adyadeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaradayn
m.f.dh eeg xasaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xasarad cid kula kicid. Dh: maagid, adyadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbaaxadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabbaaxad ku samayn, ku dhufad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shataaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shataarad wax kaga qaadid. Dh: shataaradays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bisaarad ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabaqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sumad kuwa kale lagaga garto u yeelid. Daabaqadayn ku samee markaad iibsato adhiga. Dh: astaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabacaddayn
m.f.dh eeg kabacaddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabacaddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kabo baalash marin. Dh: baalashayn, casayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakamadayn
(Shakamadayn-ta)
Shakamad u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakamadayn
m.f.dh eeg shakamadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakamadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shakamad u yeelid; shakamadays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabarad
(Sabarad-da)
Ul xoog leh oo bir ah oo af fiiqan oo ceelasha iyo dhulka adag lagu qodo; sukuliye bir ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabarad
m.dh (-do, m.l) Tib bir ah oo dhinac fiiqan leh oo ceelasha iyo dhulka adag lagu qodo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabarad
f. n. crowbar, metal digging implement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabarad
-da: (n) crowbar (karoow-baar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarad
-da: (magac, dhedig, keli) qasabad dheer oo candhada kaga taalla baabbuurta oo wareegeedu keeno dhaqaaqa gaadhiga. Dhaqaaq ku ma jiro gaadhiga waayo sabaraddii baa jabtay.
sabarad -da: (magac, dhedig, keli) bir xoog badan oo af fiiqan oo ceelasha iyo dhulka adag lagu qodo; sakuliye bir ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabarad
bw: Arabic
cf: sukuliye
de: crowbar, metal dig-ging implement
initial: s
lx: sabarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: sabarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qalab kala duwan oo waxtar leh dhigid. Meel berriba aad ka guuraysaayi aaladayn uma baahna. Dh: hubayn.
aaladayn-ta: (magac, dhedig, keli) qalab millateri iyo awood u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaradeyn
m.f.dh eeg aaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaradeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) macawis ama gunti, geftin iyo cidhif u samayn.
aaradeyn -ta: (magac, dhedig, keli) macawis, daah iyo wax la mid ah, cidhifkiisa, liid maro ah ku sharraxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaarayn
(Abaarayn-ta)
Abaar ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarayn
m.f.dh eeg abaaree. la-mid: abaaraysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul iyo deegaan barwaaqo ahaa, xaalufin ama abaar ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafayn
m.f.dh (jooloji) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barafayn
m.f.dh (jool.) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barafayn
Freezing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigitaanka wax aad u qabaw oo dhagax oo kale ah. Barafaynta biyaha ka daa. Dh: qaboojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barakayn
(Barakayn-ta)
1. Barako u yeelid.
2. (Cunno, kd.) wax yar ka taabasho, ka cunid; sunnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakayn
m.f.dh eeg barakee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barakayn
vl. n. act of blessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigitaanka mid barakaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barakayn
de: act of blessing
lx: barakayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: barakayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaraday
(fal) looxaan, faarad mari oo ku sin. Albaabka faaraday. Dh: raanday, faaradee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabadayn
(Nabadayn-ta)
Nabad ka dhigid, ka dhexridid; nabadsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadayn
nabadayn¹: e.d Nabadgeliyo.
nabadayn²: m.f.dh eeg nabadee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabadayn
e.d Nabadgeliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) heshiis ka dhex ridid; nabad ka dhigid. Nabadaynta colaaddu waa Diin iyo dadnimo. Dh: heshiisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaraan
m.l (-nno, m.l) Libaax badeed madow oo halis ah. la-mid: neberoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabaraan
m. n., [collective] large black shark species, that is very dangerous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad libaaxbadeedka ka mid ah oo aad u weyn oo madaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabaraan
a: neberoon
de: large black shark sp., that is very dangerous
lx: nabaraan
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: nabaraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaalay
(fal) wax qof uu diidanyahay ama saluugganyahay oggalaysii; qof xanaaqsan raaligeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sababaan
-ka: (magac, lab, keli) geed calcen qoyan oo aan qoryo lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sababayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabab u yeelid. Dh: sababays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbaday
(fal) sabbad ku shub, dhis, sabbad ka dhig. Sabbaday saqafka agalka. Dh: shub, sagbadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samirsiin; samrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yabarayn
m.f.dh eeg yabaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yabarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) wadaaddo qaba wax u qabasho; ka cuudin. Yabarayntu waa dhagane Diin ma aha. Dh: yabarays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aba'abayn
-ta: (magac, dhedig, keli) talo ku meelgaadh ah oo mushkilo taagan lagu xalliyo.
aba'abayn-ta: (magac, dhedig, keli) hadaaqa ilmaha yar lagu aamusiiyo. Maandhow aba'abayn baan ku wadi ubadka reer Xooshe. Dh: abaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bardad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof qof kale garbis xoog leh ku jiidha. Markuu i garbiyey ayaan daafadayntiisii la dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damradayn
m.f.dh eeg damradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) libaaxbadeed ama wax kale, damrad ku ganid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faaradayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal aan macno lahayn ku sheekayn. Ninkani hadradayn ayuu wakhtigiisa ku dilaa. Dh: kaftamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel godan, kaabad u samayn; buundo u samayn oo dhisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof muruq qabtay, shey kulul saarsaarid. Dh: diirdiirin, solid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabarrayn
m.f.dh eeg nabarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawacyo badan gaadhsiin. Dh: qoonqoomid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saaradiin
-ka: (n) sardine (saa-diin); name of a fish ~ magac kalluun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaalays
-ka: (magac, lab, keli) sabaalayn; sasabid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sabaradda
pince.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbadays
-ka: (magac, lab, keli) sabbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqaday
(fal) sadaqad u bixi; maal sako ka bixi, sadaqay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sagaal ka dhigid, tiro sagaal gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraayayn
m.f.dh eeg saraayee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale colaadin iyo ibtilayn.
saraayayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax fayow cudur iyo wixii la mid ah qaadsiin. Dh: sadhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargadayn
m.f.dh eeg sargadee. la-mid: sergedeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhengadayn; sargad la dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) suuq geyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) suuradin; suuradays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabaalayn
(Tabaalayn-ta)
Tabo u helid; farsamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaalayn
m.f.dh eeg tabaalee. la-mid: tabaalayo, tabaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhibaataynta; silcinta waxyeello iyo kadeed la gaadhsiiyo, noole. Dh: tabaalays, dhibaataynta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaad isku ekeysiin. Wadaadayn wadaad lagumo noqdo. Dh: wadaadays. Li: waranlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabbadayn
(Xabbadayn-ta)
Xabbado la dhicid, ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbadayn
m.f.dh eeg xabbadee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabbadayn
vl. n. shooting, fusillade, strafing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xabbado la dhicid; rasaas ku ridid. Dh: rasaasayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabbadayn
de: shooting, fusillade, strafing
initial: x
lx: xabbadayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: xabbadayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaraday
(fal) cid kale xasarad kula kac. Aaddaday baa isoo yidhi: dadka wada xasaraday, ka ku dilaa dad kuma jiro, kaad dishaana dayid ma leh. Dh: xasaradee, alyadee, maag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadayn
m.dh la-mid: badbaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabagabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl la hayay dhammayn. Dh: dhammaystirid, dabayaaqayn, gunaanadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadagadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid wax diiddan oo hadba wax kale ku dhaqaaqda. Dh: marmarsiiyo, xeeladaysi, diidid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labalabayn
-ta: (n) hesitation (hezeteeyshin); doubt (dhaawf); wavering (weey-varing); skepticism- shaki-ga, laballaboow -ga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadayn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasacadayn
m.f.dh eeg qasacadee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qasacadayn
Canning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasacadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) moolgarayn oo qasacado ku cabbayn. Qasacadaynta wershado ayaa sameeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabshadayn
(Rabshadayn-ta)
Rabshad gaarsiin, ku kicin.