saayidcalayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayidcalayn
m.f.dh eeg saayidcalee. la-mid: saa'idcalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayidcalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax siyaadsan, siyaado kusii darid,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayidcalayn
(fal) qofka kolka abaalkiisa laga waraabiyo, ee hagaag loo jilciyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saa'idcalayn
m.f.dh la-mid: saayidcalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saa'idcalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) maanka iyo miyirka ka qaadid; wax aanu sameeyeen haddii uu miyir qabo, ka keen; ka xanaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayidcalee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Ka s.: cid ka gacan sarreyn. la-mid: saa'idcalee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saayidcalee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Ka s.: cid ka gacan sarreyn. m.f.dh, saayidcalayn. la-mid: saa'idcalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayidcalee
(fal) saayidcalayn ku samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayidaad
-da: (magac, dhedig, keli) wax dheeri ah, in dheeraad ah. Saayidaad baan weydiistay. waana uu diiday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saa'idcalee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) la-mid: saayidcalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saa'idcalee
(fal) (ka ~) maanka iyo miyirka ka qaad; ka xanaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saawiyadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) saawiyad saarid gidaar ama wax kale oo la simayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, su'aal dadban ku xujayn; halxidhaale ku xidhid. Dh: halxidhaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caayitaan
-ka: (magac, lab, keli) hadal xun ku dhihitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'idayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faa'ido soo kordhin. Dh: faa'iidays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayidnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel kuu cabbiran oo inaad qabato ad doonayso ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saa'idaad
-da: (magac, dhedig, keli) intii la rabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saacidaad
-da: (magac, dhedig, keli) taageero; saacidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saadaalin
m.f.dh eeg saadaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) 'wax aan weli dhicin' sii sheegis, sii malayn. Dh: mala'awaalid, saadin, saadaalis.
saadaalin -ta: (magac, dhedig, keli) wax dhici doona sii sheegid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saadaalin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafitaan
-ka: (magac, lab, keli) kala qalqalidda kala cadcaddayn.
saafitaan-ka: (magac, lab, keli) saafidda lafteed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saahidaad
-da: (magac, dhedig, keli) adduunyo ka fogaad, cibaado ku ekaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) wada gaadhsiin, saaqidda lafteeda. Dh: saaqniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaritaan
-ka: (magac, lab, keli) saaridda lafteeda.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saayid-ka
excès.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayiraad
m.dh 1. Macaamil wanaagsan, wax isdhaafsi leh oo cid dhexmara. 2. la-mid: saayirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayiraad
(magac, dhedig, keli) tudhaale u gelid cid, qiimihii wax joogay in ka dhimid jimic dartii. Saayiraad ii ma samaynin dukaanku in kasta oo aan macmiil u ahaa muddo dheer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaalayn
-ta: (magac, dhadig, keli) cid sabaale ku wadid, sasab ku qancin. Sabaalayn buu qoys ku dhaqmaa. Dh: sasabaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddaqayn
m.dh la-mid: sadaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sagaal ka dhigid, tiro sagaal gaadhsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dhiidhi ah marba dhinac ujeedsasho.
saliidayn-ta: (magac, dhedig, keli) saliid ku darid; saliid ku shubid; saliidays, saliid marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) suuq geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shayddaan
(Shayddaan-ka)
Ibliis; jinni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shayddaan
m.l 1. Uun aan muuqan oo dadka xumaha ku boorriya. 2. (-nno/-mmo,mdh) Qof xumaha ka taliya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shayddaan
m.l 1. Uun aan muuqan oo dadka xumaha ku boorriya. 2. (-nno/-mmo/-yaaddiin, mdh) Qof xumaha ka taliya. m.dh.w, shayaaddiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shayddaan
name: Satan (the Devil)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shayddaan
Common N. devil, demon; evil person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shayddaan
-ka: (n) devil (dhe-val); Satan (saay-taan) Lucifer (luu-sefer); wicked person; evil person ~ sheyddaan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waayitaan
-ka: (n) the act of not finding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayitaan
-ka: (magac, lab, keli) heli waayitaan oo ka quusasho.
waayitaan -ka: (magac, lab, keli) keli) dhicid oo dallici waayid. Li: helitaan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan dhalan
(adj) unborn (an boon). Ex: ilma aan dhalan; an unborn child
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayidsanaan
m.f.dh eeg ayidsan. la-mid: ayidsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayidsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fikir iyo talo taageersanaan ama raalli ka ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaddahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka ilmaha yar socodka la baroyo, tallaabada sida loo qaado la tusayo.
daaddahayn -ta: (magac, dhedig, keli) hawl koox lagu wado, hoggaaminteed. Daaddahaynta shirka waxa wada shirguddoomiyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataalayn
m.dh la-mid: faataadhugleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si islaweyni ah u dhaqmid. Dh: faataadhuglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydaarayn
m.f.dh eeg haydaaree. la-mid: haydaarays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaajaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal aan milgo iyo macno lahayn ku hadlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafdhalay
-ga: (magac, lab, keli) awr didmo badan oo dadka cuna ama qof dagaal badan.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saaqidayya
tomber.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saawiyaday
(fal) gidaar ama meel kale oo la is ku simayo, saawiyad saar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandullayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si sandulle ah u khasbid; sandullays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqaalayn
-ta: (n) hiring (haayar-ing); recruiting (rikruuting); employing (im-polooying) ~ shaqaalaysiin, shaqo u qorid, shaqoqorid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo qorid: shaqo siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadi-ahayn
np, neg. abnormal, irregular
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaawiyadayn
(Kaawiyadayn-ta)
Kaawiyad marmarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaawiyadayn
m.f.dh eeg kaawiyadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaawiyadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sigibtirka dharka oo loo adeegsado kaawiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaligarayn
m.f.dh eeg qaaligaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaligarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qiimaha uu joogo biirin oo mid ka sarreeya ku iibin; sicirkii hore mid ka badan ku gadid: qaali ka dhigid. Qaaligarayntu waxay ku xidhan tahay hadba qiimaha suuqu sida uu yahay: Dh: qaaligarays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saabcaarayn
(Saabcaarayn-ta)
Saabcaaro u yeelid, ku samayn, ku awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabcaarayn
m.f.dh eeg saabcaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabcaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) saabcaaro u samayn ama u yeelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saandambayn
m.f.dh eeg saandambee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saandambayn
-ta: (magac, dhedig, keli) saaddanbe ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayiritaan
-ka: (magac, lab, keli) la saayiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaydhalay
(tilmaame) wax xalay dhashay oo cusub ah.
xalaydhalay -da: (magac, dhedig, keli) hoshiis ku saabsan godob dhiig oo horay loo kala qabey oo lagu heshiiyo in la isa saamaxo oo laga soo qaado sidii wax aan dhicinba. Dh: xaladhaley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadihallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale khatal.doc jidka ka lamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabasaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) 'carruur' qof wax uu doonayo illowsiin. Dh: sabid; sasabid; sabaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhadhaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jilicsan oo meel si ciriiri ah uga soo baxaya shanqadha uu sameeyo oo is dabajoog ah. Badhadhaqlayn badanaa ma danbar geel buu dhamay! Dh: badhbadhlayn, baqbaqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaalays
-ka: (magac, lab, keli) hadallo sarbeeb ah isku xidhid oo ku tartamid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saddexagalayn
Triangulation