saaqidid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqidid
m.f.dh eeg saaqid³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqidid
-da: (magac, dhedig, keli) waxbarasho gudbi waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaqidid
(Faaqidid-da)
Wax la waayey ama lumay doondoonid; baarid; raadin; fatashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaqidid
m.f.dh eeg faaqid². la-mid: faaqid¹, faaqidaad (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaqidid
-da: (magac, dhedig, keli) xog ama aragti, wax ka sheeg. Dh: faaqidaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saacidid
m.f.dh eeg saacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saacidid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; caawinid; garabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saahidid
m.f.dh eeg saahid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saahidid
-da: (magac, dhedig, keli) adduunyo ka tegid oo cibaado u bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqidad
m.dh (-do, m.l) Naag liidata oo aan meelna ku wanaagsanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqidad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh waxbarashadii ku guuldarraysatay, oo ka diba iska dhaaftay; mid liidata oo aan waxba ku wanaagsanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayidid
(Saayidid-da)
Saayid noqosho; kordhid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayidid
m.f.dh eeg saayid². la-mid: saa'idid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayidid
-da: (magac, dhedig, keli) saayid noqosho; badasho; kordhid.
saayidid -da: (magac, dhedig, keli) siyaado ku darid, dheeri ku darid. Saayididdu beeggu waa belaayo xijaab. Dh: korodh, badasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drop out
/drop awt/ (v) 1. iskuul ka saaqidid (n) 2. qofka iskuul ka saaqida.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flunk out
/flank awt/ (infl.)(v) ka saaqidid ama ka cayrin iskuul. e.g. He flunked out of university and went to work as a cashier.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaasaq
-a: (magac, lab, keli) xusuusta oo isku darsanta, gabow ama xanuun dartii.
asaasaq-a: (magac, lab, dhedig) loofaritaan iyo saaqidid. Inna haddaan la barin ubadku way kaa anbanayaane, edeb iyo xishood ma leh hadduu kaa asaasaqo e.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bibjirid
-da: (magac, dhedig, keli) dibjir noqosho; saaqidid oo suuqa barasho. Waa in carruurta dibjiridda lagala dagaallamo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
faillir
faillir, v. - dhicid; saaqidid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
manquer
manquer, v. - dhicid; saaqidid; la'aan; aan haysan; aan ku filnayn; helid la'aan; seegid.
ne pas manquer de faire - ha dayn in aad samayso.
manquer une occasion - maqnaan waqti haboon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaaxidid
-da: (magac, dhedig, keli) wax duban oo qallalan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhici doona astaamahooga ka sii sheegid; mala'awaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saaqid
(Saaqid-da)
Ur faafay dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqid
saaqid¹: m.l (-dyo/-diin, m.dh) 1. Nin liita oo aan meelna ku wanaagsanayn. 2. Arday waxbarasho la socon waayey.
saaqid²: m.f.dh eeg saaq².
saaqid³: f.mg1 (-day, -dday) 1. Nin liita oo aan meelna ku wanaagsanayn noqosho. 2. Qof imtaxaan ku dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saaqid
m.l (-dyo/-diin, m.dh) 1. Nin liita oo aan meelna ku wanaagsanayn. 2. Arday waxbarasho la socon waayey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqid
(fal) 'waxbarasho, tijaabin iyo wixii la mid ah, ku dhac: ha gudbin.
saaqid -da: (magac, dhedig, keli) ur faaftay dareemid, wada gaadhsiin. Dh: saagis.
saaqid -da: (magac, dhedig, keli) xanuun iyo wixi la mid ah, oogada wada gaadhid.
saaqid -ka: (magac, lab, keli) qof ka dhacay dugsigii oo dhaafi waayey imtixaan. Saaqid sadar ma xafido. Dh: damiin.
saaqid -da: (magac, dhedig, keli) yalaaluge dareemid; jidhka oo dhan laaqid oo si wax matag hayo ka dhigid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saa'idi
-yey / say: (v) make greater or larger; increase (in-kiriis)-, expand; add more
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqmid
m.f.dh eeg saaqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax oogada wada gaaray noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayidi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax tiradooda kordhin. la-mid: saa'idi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saayidi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax tiradooda kordhin. m.f.dh, saayidin. la-mid: saa'idi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saayidi
v. increase, add more; cause to exceed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saayidi
de: increase, add more; cause to exceed
initial: s
lx: saayidi
pd: (saayidiyey)
ps: v2a=tr
key: saayidi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bąalidid
m.f.dh eeg bąalid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalidid
-da: (magac, dhedig, keli) curinta gabayga oo laga raago ama laga maago.
baalidid -da: (magac, dhedig, keli) weel aan bilo waxba lagu shuban ama lagu ridan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabidid
m.f.dh eeg caabid². la-mid: caabudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'idid
m.dh la-mid: faa'iidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'idid
-da: (magac, dhedig, keli) ganacsi ka macaashid; ribix helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaqisid
m.dh la-mid: naaqusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqisid
-da: (magac, dhediq, keli) wax buuxay, in ka dhimid. Dh: naaqusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaridid
m.f.dh eeg raarid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaridid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cid kale wax ka dhaadhicin oo si wanaagsan u fahansiin.
raaridid-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ka soo dhaadhicin oo ka soo shalwid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saa'idin
-ta: (magac, dhedig, keli) intii la rabay wax ku sii darid, kordhin. Dh: siyaadin, kordhin.
saa'idin -ta: (magac, dhedig, keli) marka shay in dheeraad ah lagu daro. Dh: kordhin. Li: raajicin. saa'iraad-da: (magac, dhedig, keli) ka dhimid ama u fududayn. Dh: jabin. Li: qaaliyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabilid
m.f.dh eeg saabil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafirid
(Saafirid-da)
Meel safar u aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafirid
m.f.dh eeg saafir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafirid
-da: (magac, dhedig, keli) safar aadid, meel u kicid. Dh: socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamixid
(Saamixid-da)
Cafiyid; denbidhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamixid
m.f.dh eeg saamax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamixid
-da: (magac, dhedig, keli) cafiyid; u denbidhaafid; saamaxaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamiyid
m.f.dh eeg saami². la-mid: saanyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamiyid
-da: (magac, dhedig, keli) saami yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqiyad
-da: (magac, dhedig, keli) far yar oo biyaha loo jeexo. Saaqiyadda beerta saxartir si daadku beerta u soo galo. Dh: kali, iliil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayidin
(Saayidin-ta)
Saayid ka dhigid; kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayidin
m.f.dh eeg saayidi. la-mid: saa'idin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayidin
-ta: (magac, dhedig, keli) saayid ka dhigid. Saayidin saliidda igu dar. Dh: kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayirid
(Saayirid-da)
U turid; dhaqaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayirid
m.f.dh eeg saayir². la-mid: saayiraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayirid
-da: (magac, dhedig, keli) «la u tudhid: dhaqaalayn. Saayirid iyo sicir jaban safarka wax kaga libi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallidid
m.f.dh eeg sallid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallidid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) dhib kaga dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaridid
m.f.dh eeg waarid³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaridid
-da: (magac, dhedig, keli) dibed ka keeid; alaab ganacsi soo dejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasidid
-da: (magac, dhedig, keli) xasad samayn; xaasid ahaan; u quudhid la'aan oo wanaagga cidda kale ka xumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saanqaadid
(Saanqaadid-da)
(ilmo yar) socod barasho bilaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanqaadid
m.f.dh eeg saanqaad². la-mid: saanqaad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) 'ilmo yar' socod bilaabid socodbarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'iidid
m.f.dh eeg faa'iid. la-mid: faa'idid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaqidaad
(Faaqidaad-da)
Faaqidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaqidaad
m.dh 1. Faallo. 2. la-mid: faaqidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faaqidaad
m.dh Faallo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaqidaad
f. n. search, survey, examination, inspection; control, monitoring, supervision; review, comment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faaqidaad
-da: (n) commentary (kam men tari); monitoring ~ faallo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Faaqidaad
Perquisizione; indagine; analisi
Search; inquiry; analysis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaqidaad
-da: (magac, dhedig, keli) falanqayn oo dhinac walba ka eegid. Gartii weeye wuxuu faaqidaa guudcaddaadiguye. Dh: falanqayn
faaqidaad -da: (magac, dhedig, keli) kala faandigid oo kala qulubaageddiyid. Dh: fatishad.
faaqidaad-da: (magac, dhedig, keli) kala dhigdhigidda wararka ama doodaha iyo aragtiyada. Dh: taxliil, falanqayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faaqidaad
bw: Arabic
de: search, survey, examination, inspection; control, monitoring, supervision; review, comment
lx: faaqidaad
pd: (-da)
ps: n1-f, n2a-f
key: faaqidaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masabidid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aanu qabin dusha ka saarid; been ka sheegid. Dh: harid, masabidis, nabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaqishid
m.f.dh eeg naaqish.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqishid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin ama talo falanqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raarridid
m.f.dh eeg raarrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saa'idaad
-da: (magac, dhedig, keli) intii la rabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saacidaad
-da: (magac, dhedig, keli) taageero; saacidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saahidaad
-da: (magac, dhedig, keli) adduunyo ka fogaad, cibaado ku ekaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saaxiibid
(Saaxiibid-da)
Saaxiib noqosho; rafiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaxiibid
m.f.dh eeg saaxiib³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxiibid
-da: (magac, dhedig, keli) saaxiib la noqasho; la jaalid. Dh: rafiiqid.
saaxiibid-da: (magac, dhedig, keli) «lacid kale xidhiidh wanaagsan oo dhow la yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayidaad
-da: (magac, dhedig, keli) wax dheeri ah, in dheeraad ah. Saayidaad baan weydiistay. waana uu diiday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakatiyid
(Sakatiyid-da)
Baqdin yari gelid, iska garasho; keyrkeyrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakatiyid
m.f.dh eeg sakati². la-mid: sakatin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakatiyid
-da: (magac, dhedig, keli) joogsi bagdin yari ay sababtay.
sakatiyid -da: (magac, dhedig, keli) baqdin yar dareemid; wax ka biqid; kayrkayrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) sangadh samayn. Dh: shanqadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarakicid
(Sarakicid-da)
Jiif ama fadhi ka kicid; sarajoogsasho; istaagid; kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarakicid
m.f.dh eeg sarakac². la-mid: sarakac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarakicid
-da: (magac, dhedig, keli) jiif ama fadhi ka kicid. Dh: sarajoogsasho, istaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaafiyid
(Shaafiyid-da)
Qof bukey caafimaad siin; ladnaysiin; biskoodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaafiyid
m.f.dh eeg shaafi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaafiyid
-da: (magac, dhedig, keli) qof bukay ladnaysiin, bogsiin, caafimaadsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaaqiyad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh cid ushaqaysa oo mushqaayad qaadata. Shaaqiyadiibaa dharka maydhaysa. Dh: jaariyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaariqid
m.f.dh eeg shaaraq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaawirid
-da: (magac, dhedig, keli) xaajo rogrogiddeeda iyo faallaynteeda.