saansaanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saansaanyo
-da: (magac, dhedig. keli) eeg saansaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saansaan
f. n., pl. characteristics, symptoms, indications; tracks, traces
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saansaan
-ta: (n) nature (neey-jar); sign (saaynis); characteristics (kar-ak-tiris-tikis); feature (fii-jaris); symptom (sim-tam)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saansaan
-ka: (magac, lab, keli) qaabka wax u egyihiin ama u socdaan, sida ay u muuqato; siday u eg tahay ama u aloosantahay; ishay leedahay arrini. Saansaan colaadeed baa iga muuqata sabada ceelka saaka.
saansaan-ka: (magac, lab, keli) aad ugu ekaansho qof kale, qaab wax leeeyahay oo lagu soo sooci karo wax kale. Saansaankii aabbihii waa leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saansaan
de: characteristics, symptoms, indications; tracks, traces
initial: s
lx: saansaan
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
see: saan (ta) 'footstep; trace'
key: saansaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Colhaye
magac loo baxsho wiil kolkii uu dhashay aamusnaan badnaa oo saansaanyo colaadeed lahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaar
(fal) toos wax u beegso; meel cayiman ku hagaag.
abbaar -ta: (magac, dhedig, keli) qiyaasta; in ku dhow; sida loo malayn karo.
abbaar -ta: (magac, dhedig, keli) ujeeddada iyo yoolka la rabo in la gaadho.
abbaar -ta: (magac, dhedig, keli) awaalaha iyo waayaha. Abbaartu waxa ay sheegaysaa saansaanyo nabadeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iddidiilo
-da: (magac, dhedig, keli) rajo iyo saansaanyo wanaag la rajaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sansaan
(Sansaan-ka)
Falaad; baxaalli; dhaqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sansaan
m.l Baxaalli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sansaan
m.l Baxaalli.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sansaan
Form
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sansaan
m. n., (mass n.): symptom, characteristics, behavior
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sansaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sida wax u muuqdaan, wax dhici doona sida uu noqon doono. Sansaan colaadeed baa muuqata saaka. Dh: baxaalli, saansaan, ifafaale, saadaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sansaan
cf: baxaalli, dhaqan, falaad
de: symptom, characteristics, behavior
initial: s
lx: sansaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: sansaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaanyo
m.dh la-mid: cadanyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canaanyo
f. n. itching; skin irritation
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
CANAANYO
[ANAIYO] Tragia ?hildebrandtii 01
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canaanyo
-canaanyada: (n) intense irritation and itching of skin; an allergic reaction; allergy (al-lerji) ~ cadanyo, xajiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cadanyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canaanyo
de: itching; skin irritation
lx: canaanyo
pd: (/da)
ps: n-f
key: canaanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samaanyo
(Samaanya-ha)
(waayadii hore) xoolo wiilka dhasha laga bixiyo oo dad gaar ah (yibir, caadaqaate) la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaanyo
m.l/dh (Waayadii hore) xoolo wiilka dhasha laga bixiyo oo la siiyo dad gaar ah (yibir, caadaqaate).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
samaanyo
m.l/dh (Waayadii hore) xoolo wiilka dhasha laga bixiyo oo la siiyo dad gaar ah (yibir, caadaqaate).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samaanyo
m. n. gift traditionally given to a member of the Yibir caste, in return for his blessing on a newborn child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) waagii hore, xoolo la siiyo caadaqaate oo laga bixiyo wiilka dhasha lana siin jiray Yibraha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samaanyo
cf: xamfaley, Yibir
de: gift traditionally given to a member of the Yibir caste, in return for his blessing on a newborn child
initial: s
lx: samaanyo
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: samaanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carsaanyo
(Carsaanya-da)
Nafley kalluunka qolofta ku jira lagu tirsho; waxay leedahay afar lugood iyo labo birqaab oo ay wax ku qabato; hor iyo dibba waa u oroddaa; - qabaanqab; suulalgoys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carsaanyo
m.dh Naflay badda ku nool oo leh sideed lugood iyo labo birqaab oo ay wax ku qabato, hor iyo dibba waa u oroddaa; suulogoys; suulalgoys. la-mid: carcarsaanyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carsaanyo
m.dh Naflay badda ku nool oo leh sideed lugood iyo labo birqaab oo ay wax ku qabato, hor iyo dibba waa u oroddaa; suulogoys; suulalgoys. la-mid: carcarsaanyo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carsaanyo
Lobster
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carsaanyo
f. n. crab
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carsaanyo
-carsaanyada: (n) crab (karaab)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carsaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) nafley qolofleyda badda ka mid ah oo xeebaha dhow lagu arko. Waxay leedahay siddeed lugood iyo labo farood, oo birqaab oo kale u eg. Waxay awood u leedahay in ay hore iyo dib ba u ordi karto. Carsaanyada sideedii, hadba gees u cararee... Dh: qabaanab, suulalgoys.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carsaanyo
de: crab
lx: carsaanyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: carsaanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) iin faraha ku dhacda oo qaarkood ay la qalloocsamaan ama go'aan. Faadaanyo faraha kuma goyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaansaaro
(fal) kabaha iska bixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salxaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) wejiga labada meelood ee fooddu u dhexayso ee timuhu xaydan yihiin ama dib u ceshan yihiin; marka qofka bidaari soo galayso ee ay timuhu ka durkaan wejiga. Dh: salxo, saalaxyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saynsaabo
f.g3 (-btay, -batay) Wax saynsaab u samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinsaaryo
(Sinsaarya-da)
Tabaha legdanka mid ka mid ah; (ama sinsaaro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinsaaryo
m.dh Nooc ka mid ah tabaha legdanka oo qofka inta sinta la saaro la legdo. la-mid: sinsaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sinsaaryo
f. n., [compound] hoisting one's opponent onto one's hip (in wrestling)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinsaaryo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sinsaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sinsaaryo
de: hoisting one's opponent onto one's hip (in wrestling)
initial: s
lx: sinsaaryo
pd: (/da)
ps: n-f-cmp
key: sinsaaryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaanso
f.g3 (-sady, -satay) Si bareer ah qof u maagid; faduulin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daandaanso
f.g3 (-sady, -satay) Si bareer ah qof u maagid; faduulin. m.f.dh, daandaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandaanso
v. provoke, go looking for trouble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daandaanso
-day / tay: (v) provoke (poro-vowk)-, excite (ek-saayt)-, incite (in-saayt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaanso
(fal) si badheedh ah dagaal iyo cadho uga raadi. Dh: gardarrayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandaanso
de: provoke, go looking for trouble
lx: daandaanso
pd: (daandaansaday)
ps: v3a=
key: daandaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaankaanso
f.mg3 (-saday, -satay) U k.: wax fadhiya dhaqdhaqaaq yar sameyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaankaanso
v. prepare ~ get ready to stand up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaankaanso
(fal) kicid isu diyaari; ruqaanso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaankaanso
de: prepare ~ get ready to stand up
lx: kaankaanso
nt: kaankaansi (ga) [vn-m]
pd: (kaankaansaday)
ps: v3a=
key: kaankaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carcarsaanyo
m.dh la-mid: carsaanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraddaanyo
(Faraddaanya-da)
Iin faraha gasha oo u yeesha qaabkii lagu yiqiin mid ka duwan; faraha qaarkood oo aan sidii la rabey u korin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraddaanyo
m.dh la-mid: faratoonyo. Faraha lugaha oo iin gaartey awgeed korka iska fuula.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraddaanyo
f. n. deformity of the fingers
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraddaanyo
de: deformity of the fingers
lx: faraddaanyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: faraddaanyo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabarmaanyo
- gabarmaanyada: (n) mermaid (meer meeydh) ~ gabareey-maanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habarmaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg geelmaanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagardaanyo
m.dh la-mid: hagardaamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagardaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) luggooyo; hagardaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaamaanyo
m.dh Nafley aan nooc wada ahayn oo wada jirta. la-mid: qalamaanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabnaansho
m.l/dh la-mid: saabnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la saabay ahaansho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saadsanayya
s'attendre à
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafnaansho
m.l/dh la-mid: saafnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la saafay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqnaansho
m.l/dh la-mid: saaqnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la saaqay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saarnaansho
m.l/dh la-mid: saarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarnaansho
-ha: (magac, lab, keli) mid kor saaran ahaansho; meel sare ku sugnaansho. Dh: saarni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabansabdho
(Sabansabdha-da)
1. Geed weynaada oo laf adag oo wax lagu dhiso.
2. Wax yar oo la isku sabo; callaal; sandareerto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabansabdho
m.dh 1. Geed weyn, xoog badan oo wax lagu dhiso. 2. Wax yar oo nafley lagu sasabo sandareerto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabansabdho
f. n. large tree species, with hard wood good for construction
sabansabdho [feminine] n. bribe, small gift to cut red tape
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabansabdho
-da: (magac, dhedig, keli) geed ka mid ah godaxleyda oo weyn oo laftiisu si dhakhso leh u gubato sidii oo uu gaas leeyahay.
sabansabdho-da: (magac, dhedig, keli) wax yar oo cid lagu sabo. Dh: callaal, sandareero, sandareerto.
sabansabdho -da: (magac, dhedig, keli) socod ay cadho ku jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faansanaansho
m.l/dh la-mid: faansanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabsanaansho
m.l/dh la-mid: saabsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la saabay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqsanaansho
m.l/dh la-mid: saaqsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax saaqsan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safaysnaansho
m.l/dh la-mid: sifaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la safeeyey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagaashaneeyo
m.dh.t la-mid: sagaashameeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaysnaansho
m.l/dh la-mid: salaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax sal loo yeelay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaysnaansho
m.l/dh la-mid: samaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax suubsan ahaansho; waxaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waansanaansho
m.l/dh la-mid: waansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waansanaansho
-ha: (magac, lab, keli) qof talada wanaagsan qaata ahaansho; waano qabitaan.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BAANSAY
Erythrochlamys spectabilis
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAANSAY
(Bansai) C Erythrochlamys spectabilis Guerke. Labiatae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caansan
der. [adjective] famous; popular; notorious
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caansan
de: famous; popular; notorious
lx: caansan
pd: (caansanaa)
ps: adj-der
key: caansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaano
f.g3 (-ntay, -natay) Cid canaan u jeedin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaano
f.g3 (-ntay, -natay) Cid canaan u jeedin. m.f.dh, canaanasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canaano
v. scold, rebuke, reprimand, reprove; criticize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canaano
-canaantay / canaanatay: (v) admonish (adh-moo-nish)', rebuke (ri-biyuuk) reprove (ri-puruuf)', reprimand (rep-ra-mend)', reproach (ri-porowj)-, criticize (kriti-zaays)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaano
(fal) cid kale, si haaraamid iyo guulguul ah ula hadal.