saangamnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saangamnaan
m.f.dh la-mid: saangannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saangannaan
m.f.dh eeg saangan². la-mid: saangamnaan, saangaamnaansho, saangannaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saangaman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) la-mid: saangan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saangamnaansho
m.l/dh la-mid: saangamnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangaabnaan
m.f.dh eeg maangaaban. la-mid: maangaabnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maangaabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax garaadkiisu yar yahay ahaan; kasmo yaraan, caqli yaraan; fiiro yaraan. Maangaabnaantu waa Alla u dhalin. Dh: maangaabni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaankaxnaan
m.f.dh eeg shaankaxan. la-mid: shaankaxnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
angarnaan
m.f.dh eeg angaran². la-mid: angarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
angarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid laga tegay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sancanaan
(Sancanaan-ta)
Wax wax ku sancan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sancanaan
m.f.dh eeg sancan. la-mid: sancanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sancanaan
f. n., [abstract] blessedness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sancanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wax u sancan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sancanaan
de: blessedness
initial: s
lx: sancanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: sancanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caagganaan
(Caagganaan-ta)
Ku (wax ka) caaggan ahaan; wax ka reebbanaan; geyid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caagganaan
m.f.dh eeg caaggan. la-mid: caagganaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caagganaan
f. n., [abstract] abstention from a certain kind of food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caagganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ka reebbanaan; wax ka caaggan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caagganaan
de: abstention from a certain kind of food
lx: caagganaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: caagganaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caagganaan
إمساك، امْتِنَاعٌ عَن بَعْضِ الْمَآكِلِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faansanaan
m.f.dh eeg faansanaan. la-mid: faansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid la faaniyay ahaan; mid la amaanay ahaan. faansanaansho -ha: (magac, lab, keli) faan iyo amaan qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangarnaan
m.f.dh eeg fangaran. la-mid: fangarnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaannanaan
(Gaannanaan-ta)
1. Gaan ahaan; xoog iyo waxtar badnaan.
2. Dihnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaannanaan
m.f.dh eeg gaannan. la-mid: gaannanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaannanaan
f. n. full growth, full strength
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaannanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) neef dihin oo aan la lisin ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaannanaan
cf: xoog
de: full growth, full strength
lx: gaannanaan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: gaannanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hangalan ahaan. Dh: hengelnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maagganaan
m.f.dh eeg maaggan. la-mid: maagganaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maagganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) niyadda ku hayn. Maaganaanta dhaaf oo wax muuqda ha lagaa arko. Dh: damacsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanacnaan
m.f.dh eeg maanacan. la-mid: maanacnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mamnuuc ahaan; wax la maanacay oon la oggolayn ahaan. Maanacnaanta qaadku muddo kooban ayay hirgashy. Dh: mamnuucnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saabsanaan
(Saabsanaan-ta)
Wax saabsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabsanaan
m.f.dh eeg saabsan. la-mid: saabsanaansho, saabnaan, saabnaansho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saabsanaan
f. n., [abstract] condition of having to do with ~ being connected with
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saabsan ahaan.
saabsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) la xidhiidha, ku qotomid, saabsan ahaan, wax ujeedid, wax ka hadlid. Dh: salaysnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saabsanaan
de: condition of having to do with ~ being connected with
initial: s
lx: saabsanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: saabsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqsanaan
m.dh la-mid: saaqnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saaqsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sandahnaan
m.f.dh egg sandahnaan. la-mid: sandahnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waansanaan
m.f.dh eeg waansan. la-mid: waansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) waano qabid oo talada wanaagsan qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wangarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) nafley wanqaran ahaan. Dh: wanqarnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaango'naan
m.f.dh la-mid: jaango'naansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saandambayn
m.f.dh eeg saandambee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saandambayn
-ta: (magac, dhedig, keli) saaddanbe ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahansanaan
m.f.dh eeg sahansan. la-mid: sahansanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saangannaansho
m.l/dh la-mid: saangannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaandarnaan
m.f.dh eeg ayaandaran. la-mid: ayaandarnaansho, ayaandarri, ayaandarro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaandarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) nasiibdarro iyo aayaxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaashaamnaan
m.f.dh eeg gaashaaman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaansaarnaan
m.f.dh eeg jaansaaran. la-mid: jaansaarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaansaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kab la jaansaaray oo la karkaray ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raandaysnaan
m.f.dh eeg raandaysan. la-mid: raandaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saarsaarnaan
m.f.dh eeg saarsaaran. la-mid: saarsaarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarsaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saarsaaran ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xaalad joogta oo xilligaa ifafaalaheega la dareemayo ahaan. In dhowaydba gabaygii ma tirin aawanaan jiraye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) geeddi iyo safar midna aan ku jirin oo iska deggan ahaan. Dh: degganaan.
daganaan-ta: (magac, dhedig, keli) kacsanaan iyo buuq midna aan la hayn oo iska niyad san.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maannaan
(pronoun plus negative) we ... not. Ex: maannaan arag; we didn't see ~ maannu
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaangaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabnaan
m.f.dh eeg saaban. la-mid: saab-naansho, saabsanaan, saabsanaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saab leh ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafnaan
(Saafnaan-ta)
Wax saafan ama la saafay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafnaan
m.f.dh eeg saafan³. la-mid: saafnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saafnaan
f. n., [abstract] state of being sliced thin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saafan ahaan; wax la saafay ahaan. Dh: xalluufsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saafnaan
de: state of being sliced thin
initial: s
lx: saafnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: saafnaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saansaan
f. n., pl. characteristics, symptoms, indications; tracks, traces
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saansaan
-ta: (n) nature (neey-jar); sign (saaynis); characteristics (kar-ak-tiris-tikis); feature (fii-jaris); symptom (sim-tam)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saansaan
-ka: (magac, lab, keli) qaabka wax u egyihiin ama u socdaan, sida ay u muuqato; siday u eg tahay ama u aloosantahay; ishay leedahay arrini. Saansaan colaadeed baa iga muuqata sabada ceelka saaka.
saansaan-ka: (magac, lab, keli) aad ugu ekaansho qof kale, qaab wax leeeyahay oo lagu soo sooci karo wax kale. Saansaankii aabbihii waa leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saansaan
de: characteristics, symptoms, indications; tracks, traces
initial: s
lx: saansaan
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
see: saan (ta) 'footstep; trace'
key: saansaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqnaan
m.f.dh eeg saaqan². la-mid: saaqnaansho, saaqsanaan, saaqsanaan-sho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saaqan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saarnaan
m.f.dh eeg saaran. la-mid: saar-naansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel saaran ahaan, meel sare yaal ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taagnaan
(Taagnaan-ta)
Wax taagan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagnaan
m.f.dh eeg taagan. la-mid: taag-naansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taagnaan
f. n., [abstract] standing, being upright, erect ~ raised
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taagnaan
-ta: (n) the act of tanding ~ taagnaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagnaan
(tilmaame) wax taagan ahaan.
taagnaan-ta: (magac, dhedig, keli) dherernaanta, joogitaanka mudo la sare joogo. Dh: dherernaanta, dhidbanaan, turuqnaan, lignaanta, quturnaanta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taagnaan
de: standing, being upright, erect ~ raised
initial: t
lx: taagnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: taagnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaddanaan
(Aaddanaan-ta)
Ku abbaarnaan; toosnaan; ekaan; beegnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaddanaan
m.f.dh eeg aaddan³. la-mid: aaddanaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aaddanaan
Correspondence
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aaddanaan
f. n., [abstract] alignment, parallelism; opposite; the fact of falling on a certain day, being due at a certain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka sii~> qof ama wax kale oo meel u sii jeeda ahaan.
aaddanaan-ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) (isku ~) ku beegnaanta iyo ku abbaarnaanta qof ama meel. Liiska isku aadanaanta kooxuhu wuu soo baxay. Dh: beegnaan, abbaarnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aaddanaan
de: alignment, parallelism; opposite; the fact of falling on a certain day, being due at a certain time
lx: aaddanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: aaddanaan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aag amaan
Trust territory
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargalaan
m.l (-nno, m.dh) Weel siin ah, dheg leh oo wax lagu cabbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aargalaan
m.l (-nno, m.dh) Weel siin ah, dheg leh oo wax lagu cabbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aargalaan
m. n. large cup ~ glass; metal cup with a handle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aargalaan
-ka: (n) a large metal cup for drinking ~ kalax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargalaan
-ka: (magac, lab, keli) kalax dheg leh oo biyaha lagu cabbo, hadhudhka iyo wixii la mid ah lagu cabbiro. Aargalaan shaah laguma cabbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aargalaan
de: large cup ~ glass; metal cup with a handle
lx: aargalaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: aargalaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanamaal
(fal) xoolaha caanaha ka lis.
caanamaal -ka: (magac, lab, keli) maalinta, labada jeer ee xoolaha la maalo midkood. Labo caanamaal ayaan soconnay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caayanaan
m.f.dh eeg caayan. la-mid: caayanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dansanaan
m.f.dh eeg dansan. la-mid: dansanaansho, densanaan, densanaan -sho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dab, laydh ama wax la mid ah bakhtiisan ahaan. Dh: densanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaamnaan
m.f.dh eeg dhaaman. la-mid: dhaamnaansho.