saamixid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamixid
(Saamixid-da)
Cafiyid; denbidhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamixid
m.f.dh eeg saamax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamixid
-da: (magac, dhedig, keli) cafiyid; u denbidhaafid; saamaxaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamaxid
-da: (magac, dhedig, keli) ruux gef galay cafiyid. Saamaxiddii madaxweynahaa lagu soo daayey maxaabiis badan. Dh: denbidhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamiyid
m.f.dh eeg saami². la-mid: saanyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamiyid
-da: (magac, dhedig, keli) saami yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaamixid
(Masaamixid-da)
Denbidhaafid; cafiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaamixid
m.f.dh eeg masaamax². la-mid: masaabax¹, masaabixid, masaamax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaamixid
-da: (magac, dhedig, keli) saamixidoo dembi hore ka dhaafid. Dh: cafin, saamixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cafiyid
(Cafiyid-da)
(qof) eedsiiskii uu mutaystay, ka dhaafid: saamixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafid
(Dhaafid-da)
1. Gudbid; ka dheerayn; ka hormarid; ka tegid.
2. Iska deyn; dan u gelid la'aan; cafiyid; saamixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saamax
saamax¹: m.l Dhaafidda laga dhaafo dembi ama deyn cid qabtay. la-mid: saamaxaad.
saamax²: f.g1 (-xay, -xday; -mixi) Wax xun oo cid fashay ama loo haystay ciqaabtii ay mutaystay ka cafin. m.f.dh, saamixid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
condone
/condhoon/ (v) 1. saamixid (cafiyid) (v) 2. u cududdaarid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
remit
/rimit/ (v) 1. cafin (saamixid) 2. dirid lacageed (boosto ama bangi lugu diro) 3. ka khafiifin (yarayn muddo xabsi oo qof lugu xukumay).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
graziare
v.tr. - cafiyad, saamixid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
perdonare
v.tr. - saamixid, cafiyid.
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
forgive (v)
afisaal
saamixid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurdhaaf
-ka: (magac, lab, keli) cashuur la qaadi lahaa, iska dayn; canshuur waajibtay, saamixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudurdaarid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale, gef uu sameeyay, sabab lagu dhaafo u raadin; qof gef sameeyay, saamixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambidhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) saamixid oo qalad la galay iska cafin. Dembidhaafid Eebbaa laga sugaa. Dh: dembidhaafis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafis
-ta: (magac, dhedig, keli) ka badin oo xagga hore ka marid. Dh: dhaafid.
dhaafis-ta: (magac, lab, keli) saamixid oo qalad la geystay iska deyn. Dh: saamixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulqaad
-ka: (magac, lab, keli) awoodda degganaashaha kolka dhibi timaad iyo samirka. dulqaadad -ka: (magac, lab, keli) akaysad oo dhib ama xadgudub iska saamixid. Dh: dhabar'adaygid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulqaadbadni
-da: (magac, dhedig, keli) adkaysi badnaan oo dulmi ama xadgudub kale iska saamixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarid
-da: (magac, dhedig, keli) ka dhaafid; ka saamixid; ka maaris. Qirashada dembiga ayaa maaridda keentay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dhaafitaan; saamixidtaan. Ninka dil ku kacay maaritaan xaq uma leh. Dh: maarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxariisasho
-da: (magac, dhedig, keli) uu danbi dhaafid; raxmad ku soo dejin. Naxariisashadi Eebbaa lagu intifaacaa.
naxariisasho -da: (magac, dhedig, keli) u tudhid gef uu galay ka saamixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caambixid
m.f.dh eeg caambax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caambixid
-da: (magac, dhedig, keli) caan noqosho: magac yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaambixid
m.dh la-mid: qaanbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabixid
m.dh la-mid: daabaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarixid
(Faarixid-da)
Farxid; reyrreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarixid
m.dh la-mid: farxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarixid
-da: (magac, dhedig, keli) mid faraxsan ahaan; farxad qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaagixid
m.dh la-mid: gaaggixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaamilid
m.f.dh eeg kaamil². la-mid: kammilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaamilid
-da: (magac, dhedig, keli) dhammaystirid. Dh: ebyid, dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naajixid
m.f.dh eeg naajax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naajixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg naajax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabilid
m.f.dh eeg saabil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saacidid
m.f.dh eeg saacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saacidid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; caawinid; garabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafirid
(Saafirid-da)
Meel safar u aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafirid
m.f.dh eeg saafir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafirid
-da: (magac, dhedig, keli) safar aadid, meel u kicid. Dh: socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saahidid
m.f.dh eeg saahid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saahidid
-da: (magac, dhedig, keli) adduunyo ka tegid oo cibaado u bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqidid
m.f.dh eeg saaqid³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqidid
-da: (magac, dhedig, keli) waxbarasho gudbi waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayidid
(Saayidid-da)
Saayid noqosho; kordhid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayidid
m.f.dh eeg saayid². la-mid: saa'idid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayidid
-da: (magac, dhedig, keli) saayid noqosho; badasho; kordhid.
saayidid -da: (magac, dhedig, keli) siyaado ku darid, dheeri ku darid. Saayididdu beeggu waa belaayo xijaab. Dh: korodh, badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayirid
(Saayirid-da)
U turid; dhaqaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayirid
m.f.dh eeg saayir². la-mid: saayiraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayirid
-da: (magac, dhedig, keli) «la u tudhid: dhaqaalayn. Saayirid iyo sicir jaban safarka wax kaga libi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sallixid
(Sallixid-da)
Hagaajin; farsamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallixid
m.f.dh eeg sallax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallixid
-da: (magac, dhedig, keli) diyaarin oo hagaajin. Dh: diyaaris, farsamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sammiyid
(Sammiyid-da)
Qof la jecel yahay magaciis, ilmo dhashay u bixin, magac uga dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sammiyid
m.f.dh eeg sammi³. la-mid: sammin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sammiyid
-da: (magac, dhedig, keli) qof la jecel yahay magaciisa; ilmo dhashay u bixin, magac uguddar. Dh: sammi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxiixid
(Saxiixid-da)
Saxiix u yeelid, ku dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxiixid
m.f.dh eeg saxiix².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiixid
-da: (magac, dhedig, keli) saxeex u yeelid, ku dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharixid
m.dh la-mid: sharxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharixid
-da: (magac, dhedig, keli) sharax u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaarixid
m.f.dh la-mid: banaaxiyid, insaarixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
insaarixid
m.f.dh eeg insaarax². la-mid: ansaa-rixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaabixid
m.dh la-mid: masaamixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaabixid
-da: (magac, dhedig, keli) saamixid oo dembi uu galay ka dhaafid. Dh: cafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaamaxid
-da: (magac, dhedig, keli) saamixid cid gef gashay. Walaalkay wuu masaamixid badan yahay. Dh: saamixid, cafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamisugid
-da: (magac, dhedig, keli) saamisuge noqod. Saamisugid buu Saalax ku jiraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacbixid
m.f.dh eeg shaacbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adaadixid
m.f.dh eeg adaadax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaalixid
m.f.dh eeg alaalax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barabixid
-da: (magac, dhedig, keli) goobtii aad degganayd ka tegid.
barabixid -da: (magac, dhedig, keli) culayska dareeraha ay guuriso walax badhsalalaysa ama tu degtay oo muquursan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caadbixid
(Caadbixid-da)
Dibad ama bannaan u soo bixid; wixii uurka ku jirey sheegid; qarsoodi ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadbixid
m.f.dh eeg caadbax². la-mid: caadbax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadbixid
-da: (magac, dhedig, keli) dibed ama banaan u soo bixid.
caadbixid -da: (magac, dhedig, keli) wixii uurka ku jirey sheegid; wax qarsi la'aan. Sheekadiisa wuxuu uga jeeday caadbixid. Dh: xogwaramid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanbixid
-da: (magac, dhedig, keli) noqoshada mid caan ah; magac yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagabixid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaatada ay dhagaxdu u keento ciddiyaha xoolaha aan dhulka buuraleyda aqoon. Dh: cagaagid, cagabixid.
cagabixid -da: (magac, dhedig, keli) cagaag ku socosho darteed oo cagta inteeda cad ee hoose uu dubku googo'o.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faambiyid
m.f.dh eeg faambi². la-mid: faambi¹, faambin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faambiyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax u cunitaan oo u boobid si aan quruxsnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabixid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta ka bixid. Dh: edebdarri, farkabixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaggixid
(Gaaggixid-da)
Godolkii ku baabbi'id, wax la qoonsaday darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaggixid
m.f.dh eeg gaaggax². la-mid: gaagax¹, gaaggax¹, gaagixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaggixid
-da: (magac, dhedig, keli) neef godladay oo haddana caanaha ceshada isaga oo aan laga lisin ama laga nuugin, ama wax ay ka naxday aragtay ama maqashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaambiyid
m.f.dh eeg kaambi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaambiyid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhinac u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaamilmid
m.f.dh eeg kaamilan¹. la-mid: kammilmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabixid
-da: (magac, dhedig, keli) caano, fud iyo faar noqosho. Dh: kalagu'id.
kalabixid-da: (magac, dhedig, keli) labo walxood oo isku jiray, kala dhillasho ama kala furasho.
kalabixid-da: (magac, dhedig, keli) arrin la isku khilaafsanaa oo la isku haystay, go'aan ka gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanbixid
(Qaanbixid-da)
Qaan laysku lahaa iska bixin, dhiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanbixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaanbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamajiid
saamajiid¹: m.l Si caajis iyo itaaldarro ku jirto oo loo socdo.
saamajiid²: f.mg1 (-day, -dday) Si caajis iyo itaaldarro ku jirto u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamaxaad
m.dh la-mid: saamax¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saamaxaad
-da: (n) forgiveness (feer-giv-nes); absolution (ab-su-lushin); the act of forgiving, excusing or pardoning ~ cafis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamaxaad
-da: (magac, dhedig, keli) qof denbi falay ka dhaafid. Saamaxaad baa loo fidiyay maxaabiistii oo dhan ciidda awgeed. Dh: cafid, saamaxid, denbidhaaf, cafiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saameelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhiil cana ah dhiiqid. Saameelid mooyee dhimid laguma yaqaanno hashan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saaxiibid
(Saaxiibid-da)
Saaxiib noqosho; rafiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaxiibid
m.f.dh eeg saaxiib³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxiibid
-da: (magac, dhedig, keli) saaxiib la noqasho; la jaalid. Dh: rafiiqid.
saaxiibid-da: (magac, dhedig, keli) «lacid kale xidhiidh wanaagsan oo dhow la yeelasho.