saamisuge
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamisuge
(Saamisuga-ha)
Qofka saamigiisa keliya uun suga oo aan qalalabta hore wax boobin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamisuge
m.l (-gayaal, m.l/dh) 1. Qof meel xoolo lagu saanyanayo yimid oo in wax la siiyo sugaya. 2. Qof mashaqayste ah oo mar walba in wax la taro sugaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saamisuge
m. n., [compound] person who is content with his share
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamisuge
-ha: (magac, lab, keli) qofka samigiisa keliya uun suga oo aan hawlgalka wax lagu boobayo, marka hore, ka qaybqaadan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saamisuge
de: person who is content with his share
initial: s
lx: saamisuge
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: saamisuge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamisugid
-da: (magac, dhedig, keli) saamisuge noqod. Saamisugid buu Saalax ku jiraa.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Partner
Saamile, Saamisuge
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamile
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dad badan wax ka dhexeeya saami ku leh. la-mid: sahmile.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saamile
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dad badan wax ka dhexeeya saami ku leh. la-mid: sahmile.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saamile
m. n. sharer; shareholder, stock holder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saamile
-saamilaha: (n) shareholder (sheer hoo-ldhar); stockholder (istaak-hool-dhar) ~ shariig
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saamile
Azionista
Shareholder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamile
-ha: (magac, lab, keli) shirkad qof ku leh saami, wax la qaybsanayo qof ku leh qayb. Waa shan saamileyda shirkaddu.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saamile
de: sharer; [ext.] shareholder, stock holder
initial: s
lx: saamile
pd: (/ha Pl: saamiley (da))
ps: n5b-m
key: saamile
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Waasuge
name-m dawn-waiter. Lit: he who born at dawn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Waasuge
magac loo bixiyo wiil fooshiisii dheeraatay oo subaxii dhashay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Absuge
name-m lineage corrector
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haamis
-ka: (magac, lab, keli) feker iyo talo laabta ku hayn. Dh: haamin.
haamis: -ta: (magac, dhedig, keli) caleen ama caws majo ama haame ku jarjarid. Dh: haamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maamis
m.l la-mid: maamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maamin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
misuse
/misyuus/ (v) si xun u isticmaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabis
m.l la-mid: saabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabis
-ka: (magac, lab, keli) saab u samayn; saabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saadis
m.l la-mid: saadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadis
-ka: (magac, lab, keli) wax dhiciddooda awaalis; hadal saad ah ku hadlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafis
-ta: (magac, dhedig, keli) 'hilib'saafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Wax raad ku reebid. 2. Wax cid khuseyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saamee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Wax raad ku reebid. 2. Wax cid khuseyn. m.f.dh, saamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saamee
v. produce an effect, make an impression; afflict; influence, affect, have something to do with, pertain to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saamee
-yey I saameysay: (v) affect (a-fakt) influence (in-fulu-wans); impress (im-parees); leave an impression; have influence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamee
(fal) saamays ku yeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saamee
de: produce an effect, make an impression; afflict; influence, affect, have s.t. to do with, pertain to
initial: s
lx: saamee
pd: (saameeyey)
ps: v2b=tr
key: saamee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) 'ur' meel kufid. Saaqista gaaska ayaannu dareennay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahmis
m.l la-mid: sahamin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
saisie
saisie, n.f. - marka maxkamada in qof wixiisa ka wareejiso xaarashto
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shamis
name-f sun, sunlight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamis
-ta: (magac, dhedig. keli) meeraha cadceedda loo yaqaan. Dh: cadceed, qorrax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taamis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ama arrin ku naallood oo niyadda ku hayn. Dh: taamid, naallood,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaamis
(tilmaame) aan iidaan lahayn. Carruurta cunto yaamis ah ha siin. L: iidaaman
yaamis-ka: (magac, lab, keli) cunto aan daan lahayn. Dh: yaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baamiye
m.l Qudaar dhuudhuuban oo yare xoodan ee maraqa lagu dhireeyo, oo dhadhan wanaagsanna ku kordhisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baamiye
m.l Qudaar dhuudhuuban oo yare xoodan ee maraqa lagu dhireeyo, oo dhadhan wanaagsanna ku kordhisa.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAAMIYE
(Bamie) S Abelmoschus esculentus (L) Moench. Malvaceae.
S Abelmoschus ficulneus (L) Wight & Arn. Malvaceae.
S Hibiscus furcatus Willd. Malvaceae.
S Moringa longituba Engl. Moringaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baamiye
-ha: (magac, lab, keli) jaad khudradda ka mid ah. Sariibadda tag oo baamiye noo soo gad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baanise
(Baanisa-ha)
Hadal ama dood, qoran ama aan qorrayn oo meel madal ah laga yiraahdo; khudbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baanise
m.l 1. la-mid: baaniso. Hadal ama dood qoran ama aan qornayn oo meel madal ah laga yiraahdo; khudbo. 2. la-mid: baane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baanise
m.l 1. la-mid: baaniso. Hadal ama dood qoran ama aan qornayn oo meel madal ah laga yiraahdo; khudbo. 2. la-mid: baane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baanise
m. n. discourse, speech, eulogy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanise
-ha: (magac, lab, keli) hadal iyo dood meel fagaara ah laga yidhaahdo. Baanise badan beerkaa kugu daala. Dh: khudbad, garta, dacwad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baanise
de: discourse, speech, eulogy
lx: baanise
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: khudbo
key: baanise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caamiye
-ha: (magac, lab, keli) aan waxba indhihiisu arag: indhoolle.
caamiye -ha: (magac, lab, keli) aan wax ba qorin wax na akhrin. Buux waa caamiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garsuge
m.l (-gayaal, m.l/dh) Nin xabsi ku jira oo aan xukunayn; rumaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garsuge
m.l (-gayaal, m.l/dh) Nin xabsi ku jira oo aan xukunayn; rumaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garsuge
m. n., [compound] one who is awaiting a decision ~ judgement about his case
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garsuge
-ha: (magac, lab, keli) qof eedaysane ah; maxbuus aan weli maxkamad la hor geyn; xukun suge.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garsuge
de: one who is awaiting a decision ~ judgement about his case
lx: garsuge
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: garsuge
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAALIGE
(Malige) S, C Maerua triphylla A.Rich. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maamule
m.l la-mid: maammule.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Maamule
Direttore
Director
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamule
-ha: (magac, lab, keli) qof meel maareeya oo maammulkeeda haya. Maamule fiican ayuu iskuulku leeyahay. Dh: maareeye, guddoomiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saami_1
cf: saanyo
de: share (e.g., of booty or spoils of war)
hm: 1
initial: s
lx: saami
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: saami_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saami_2
de: draw lots in order to divide up s.t.
hm: 2
initial: s
lx: saami
pd: (saamiyey)
ps: v2a=tr
key: saami_2
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saamiya
name-f exalted, elevated, lofty; to hear; listener
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sadique
sadique, adj. - qofka ka hela ama ku farxa in uu dadka cadaadiyo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sadisme
sadisme, n.m. - jacaylka wax cadaadiska ama xanuujinta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahamis
m.l la-mid: sahamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahamis
-ka: (magac, lab, keli) sahamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahmile
m.l la-mid: saamile.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Samirre
magac loo baxsho wiil lagu samray ama gooradanbays ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sausage
/soosij/ (n) hilib ridqan oo inta la geedeeyo xuub dhuub ah lagu duubo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
surmise
/sarmays/ (v), u malayn (citiqaadid, ka soo qaadid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaa'isee
(fal) cid kale, abaalmarin sii. Li: ciqaab.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
laminage
laminage, n.m. - Balaadhin (Marki aad laba xoog iska hoor imaanaya aad dhex dhigto shey, markaas ay qaabki sii hore badasho oo u balaadho.)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maammule
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof hawl agaasinkeeda madax ka ah. 2. Qof dugsi madax ka ah. la-mid: maamule.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maammule
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof hawl agaasinkeeda madax ka ah. 2. Qof dugsi madax ka ah. la-mid: maamule.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maammule
m. n. administrator, principal of a school
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maammule
-maammulaha: (n) [Pl. maammuleyaal] principal (piriin-sipal); headmaster (heed-mastar); manager (maan ajar)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maammule
de: administrator, principal of a school Alt sp: maamule
lx: maammule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maammule
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saafi-ga
1) propreté, propre, 2) clarté, clair.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saameele
-ha: (magac, lab, keli) qofk wax ku leh dhibbato dhacaysa, qof saami ku leh dhib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saamigal
m. n., [compound] proportion
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saamigal
de: proportion
initial: s
lx: saamigal
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: saamigal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamiley
m.dh Naag wax dad badan ka dhexeeya saami ku leh.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saamiley
Azionisti
Shareholders
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamiley
-da: (magac, dhedig, keli) qof saami meel ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamixid
(Saamixid-da)
Cafiyid; denbidhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamixid
m.f.dh eeg saamax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamixid
-da: (magac, dhedig, keli) cafiyid; u denbidhaafid; saamaxaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamiyid
m.f.dh eeg saami². la-mid: saanyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamiyid
-da: (magac, dhedig, keli) saami yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxisii
(fal) saaxi ka dhiq qof, xiskii u soo celin Saaxisii bukaha oo dabiib haddii aad karaysid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahamiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof meel loo diro si uu u soo arko oo uga war keeno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sahamiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof meel loo diro si uu u soo arko oo uga war keeno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahamiye
m. n. scout, explorer; prospector; surveyor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sahamiye
-sahamiyaha: (n) explorer (ikis-poloorer), pioneer (paayaniir) ~ horseede
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sahamiye
de: scout, explorer; prospector; surveyor
initial: s
lx: sahamiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: sahamiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sambuugo
-da: (magac, dhedig, keli) sanka intiisa hore oo jilicsan. Dh: sandal, sanburuq, sanbuuq, sanbuugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sambuuse
m.l la-mid: sambuusi.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shamuuke
nickname-m fatty and friendly person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shamuuke
magac loo baxsho wiil saaxiibtinimo leh.