saalloon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalloon
(tilmaame) mid hagaasan oo qumman ama miyir qaba. Xilliyada wax saareenka iyo saacadaha reeban, sabada iyo rugtay joogtay, gabadh timid ma saalloona. Dh: fayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaloon
-ka: (magac, lab, keli) qolka fadhiga ee aqalka, qolka nasashada. Saaloonka aqalku waa waasac. Dh: bersed, fadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birikinnaasid
-da: (magac, dhedig, keli) yabaaqid ilmo birikinnaasid laga waayay ma saalloona. birimageydo -da: (magac, dhedig, keli) geedaha aanay bannaanayn in la gooyo sida kuwa la hadhsado, kuwa midhaha la cuno bixiya iyo geed kaste oo leh manaafacaad la wadaago. Dh: birmagaydey. lamataabtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Geel, ari iyo ugaarta qaarkeed saalo dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saaloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Geel, ari iyo ugaarta qaarkeed saalo dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaloo
(fal) saalo dhig.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
saloon
/saluun/ (n) 1. saalo (fadhi dadku fariisto oo ku nasto sida kuwa maraakiibta), 2. qol ama meel khamriga lagu gado.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
balloon
/balluun/balloons, ballooning, ballooned;(n) caag ama bambiiro laga buuxsho neef (biibiile). e.g. They blew up balloons for the party.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
balloon
/balluun/ (n) buufing.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ka f.: wax faallo ka bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faalloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ka f.: wax faallo ka bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalloo
(fal) «ka~ » arrin ama wax kale, wax ka sheeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naalloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: naallee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naalloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku n.: 1. Farax iyo guul ku jirid. 2. Wax rajo ku eegid. m.f.dh, naallood. la-mid: naallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naalloo
(fal) «kuku raaxayso barwaaqo iyo wanaag. Nabadi dhalatee samo ku naalloo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saalood
(Saalood-ka)
Saalo dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saalood
m.f.l eeg saloo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saalood
m.f.l eeg saloo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saalood
v. defecate, excrete dung (of animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalood
(fal) saalo dhig. Marka geelu cokanyahay buu aad u saaloodaa.
saalood -ka: (magac, lab, keli) saalo dhigid. Dh: saalayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saalood
de: defecate, excrete dung (of animal)
initial: s
lx: saalood
nt: saalood (ka) [vn-m]
pd: (saalooday)
ps: v3a=
key: saalood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayloon
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto dheeli tiran oo ku jirta caagad oo biyo aad mooddo oo macaan iyo qadhadhba leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silloon
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhaqan iyo dabci aan fiicnayn leh ahaansho. la-mid: sillan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
silloon
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhaqan iyo dabci aan fiicnayn leh ahaansho. m.f.dh, silloonaan. la-mid: sillan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
silloon
[adjective] strange, odd, weird, different
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
silloon
-aa / ayd: (adj) weird (wiy-adh); unusual; strange, peculiar, odd, queer ~ cajiib ah,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silloon
(tilmaame) sillan; si ah; sillan. Dh: sawaaban. Li: saxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
silloon
a: sillan
de: strange, odd, weird, different
initial: s
lx: silloon
pd: (silloonaa)
ps: adj
key: silloon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baallood
(fal) hareeraha day, baallahaaga eeg. Markaan baallooday baan buugga arkay
baallood -ka: (magac, lab, keli) daymo hareeraha ah. Anigaaba baalloonayee baarax baa dhacaye. Dh: jeelaalo, jalleeco, daymood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faallood
m.f.l eeg faalloo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faallood
m.f.l eeg faalloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallood
-ka: (magac, lab, keli) «ka arrin ama wax kale, wax ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlloon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: hawllan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlloon
(tilmaame) eeg hawllan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naallood
(Naallood-ka)
Naallo helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naallood
m.l la-mid: naallayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naallood
m.l eeg naalloo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naallood
v.pat: be happy ~ lucky
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naallood
-ka: (magac, lab, keli) (ku ~) xaalad farxadeed, wanaag iyo barwaaqo ku raaxaysi. Nin nabad ku soo toosay quudka maalintaana haya naallood kama maqna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naallood
de: be happy ~ lucky
lx: naallood
nt: naallood (ka) [vn-m]
pd: (naallooday)
ps: v1=pat
key: naallood
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stallion
/staalyan/ (n) faras (gammaanka kiisa lab, oo waliba fil weyn).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalloonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sax ahaan, aan wax dhib ah qabin. Saalloonaan baan kaga imi ee dabaday baa la helay. Dh: fayoobaan, qummanaansho, hagaagsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaabboon
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan dembi ama xumaan samayn ahaansho (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaabboon
(fal) noqo mid aan qalad lahayn; noqo mid habboon oo sharaf leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadalloob
(Kadalloob-ka)
Fadhi aan salka dhulka lagu hayn oo kubabka iyo cagaha lagu fadhiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalloob
kadalloob¹: m.l 1. Fadhi aan salka dhulka lagu hayn oo cagaha keliya lagu fadhiyo. 2. la-mid: kadalloobid.
kadalloob²: f.mg1 (-bay, -btay) Fadhi aan salka dhulka lagu hayn fadhiyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kadalloob
m.l 1. Fadhi aan salka dhulka lagu hayn oo cagaha keliya lagu fadhiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadalloob
m. n. squatting position
kadalloob v. squat, be in a squatting position
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadalloob
-ka: (magac, lab, keli) fadhi aan salka dhulka lagu hayn oo jilbaha oo laaban cagaha la isu taago. Kadalloobidda badan waa lagu daalaa oradna waa lagu hiiqaa. Dh: kambadhuudhsi, kuudad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maallooti
-ga: (magac, lab, keli) geesi aan la loodin karin; halyay dagaal yahan ah. Dh: geesi, dagaalyahan. Li: fule.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalood
-ka: (magac, lab, keli) muddo sagaal cisho ah. Sagaaloodkii duco ayay noo ahayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaddoon
m.l (-nno, m.dh) Nin beel madax u ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
samaddoon
m.l (-nno, m.dh) Nin beel madax u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samaddoon
m. n. goodwill, goodness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
samaddoon
-ka: (n) 1. peacemaker (piis-meeker) 2. peacemonger (piis-mang-ger) ~ nabaddoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaddoon
-ka: (magac lab keli) qof samada iyo wanaagga ka taliya, raadiya, jecel. Dh: nabaddoon.
samaddoon -ka: (magac, lab, keli) nabaddoonka beesha kan ku xiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samaddoon
de: goodwill, goodness
initial: s
lx: samaddoon
pd: (-ka)
ps: n2-m
xe: Goodwill Mission
xv: Ergo Samaddoon
key: samaddoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaylool
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar ulo lagu ciyaaro oo loo riddaaleeyo sida waran si dhoogta loogu barto iyo riddada, ciyaar samay lagu looltamo oo waran ku dagaalanka lagu barto. Waa lagu riddo bartaa samayloolka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasilloon
Xasillan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasilloon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: xasillan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasilloon
der. [adjective] quiet, stable, calm
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasilloon
de: quiet, stable, calm Opp: looyaan
initial: x
lx: xasilloon
pd: (xasilloonaa)
ps: adj-der
key: xasilloon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalloobin
m.f.dh eeg kadalloobi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aallo
v., sg., opt. form: let me be (in a place)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aallo
de: let me be (in a place)
lx: aallo
ps: v4c-1sg-opt
key: aallo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saalo
(Saala-da)
Saxaro engegan oo iniino ah oo xoolaha iyo nafleyda kale qaarkeed dhigaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saalo
m.dh Saxaro kuuskuusan oo geela, ariga iyo ugaarta qaarkeed dhigaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saalo
m.dh Saxaro kuuskuusan oo geela, ariga iyo ugaarta qaarkeed dhigaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saalo
f. n., (mass n.): dung (of animals)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saalo
-saalada: (n) dung (doong); manure (ma-nuur); muck (mak) ~ digo
saalo -saalada: (n) salon (sa-luun); a room or hall for receptions ~ qolka soo dhaweynta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalo
-da: (magac, dhedig, keli) xaar adag oo malmalaasan oo adhiga, geela iyo ugaadha lagu yaqaanno. Saalo geel baa surinkan daadsan. Dh: digo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saalo
cf: digo, saxaro, xaar
de: dung (of animals)
initial: s
lx: saalo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: saalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sallo
(Salla-da)
Rako fidsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallo
m.dh (-ooyin, m.l) Rako fidsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sallo
f. n. platform
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallo
-da: (magac, dhedig, keli) rako fidsan, meel la is ku taago, laba laamood dhexdood. Dh: rako, raar, saldho
sallo-da: (magac, dhedig, keli) meelo la is taago oo loo sameeyo ceelasha biyaha. Ceelka sallo fiican u yeel. Dh: rako.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sallo
cf: rako
de: platform
initial: s
lx: sallo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sallo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
salon
/saalon/ (n) rugta qurxinta (siiba qurxinta timaha).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
salon
salon, n.m. - qol markabka kamid ah oo dadweynaha ka dhexeeya; qolka martida la geeyo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aayoon
m. n. ion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aayoon
-ka: (n) [chemistry] ion (aayoon)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aayoon
de: ion
lx: aayoon
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: aayoon
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ballon
ballon, n.m. - Caag laga buuxsho nagas neef.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faallo
(Faalla-da)
Arrin dhacday ama la qoray ama afka laga sheegay oo laga hadlo, in la sii caddeeyo, ama wax looga sheego oo xumaanteeda ama samaanteeda la muujiyo darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faallo
m.dh (-ooyin, m.l) Faahfaahin lagaga hadlayo dhacdo, meel, wax iyo wixi lamida. la-mid: faalle.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faallo
m.dh (-ooyin, m.l) Faahfaahin lagaga hadlayo dhacdo, meel, wax iyo wixi lamida. la-mid: faalle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faallo
f. n. commentary, exegesis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faallo
-da / faallada: (n) editorial (edi-tooriyal); editorial comment; commentary; remark ~ tacliiq, faaqidaad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Faallo
Commento
Commentary
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallo
-da: (magac, dhedig, keli) arrin dhacay ama la qoray ama afka laga sheegay oo wax sii caddaynaya laga sheego. Dh: faaqidaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faallo
de: commentary, exegesis
lx: faallo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: faallo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
faallo
تعليق
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gallon
/gaalan/ (n) galaan (cabbirka dareeraha, oo la mid ah 3.78 litir).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gallon
gallon, n.m. - darajo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoon
-ta: (magac, dhedig, keli) dhiil caanaha lagu shubo. Galoon badhaxa uma dhaamin karo, geeddantada jaane.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
halloo
int., car! car! war! war hoy!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maallo
-da: (magac, dhedig, keli) buuraha dushooda meelaha dhagaxdu ku urursan yihiin ee loo yaqaan taallooyinka. Dh: taallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naallo
(Naalla-da)
1. Wax wanaagsan; khayr.
2. Caloolsami; farax.
3. War lagu farxo; bishaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naallo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Ladnaan xag dhaqaalo iyo caafimaad. 2. Yididdiilo wanaagsan.