saalay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalay
(fal) xayawaan saalo dhig. Lo' saalaysay oon baa haya. Dh: saalood, saalee
saalay: (fal) saalo dhig: saalood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xayawaan saalo dhigid.
saalayn -ta: (magac, dhedig, keli) saalo dhigid; saalood.
saalayn-ta: (magac, dhedig, keli) 'xayawaan' saalo dhigid. Saalayn lo'aad oon baa keena. Dh: saalood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalays
-ka: (magac, lab, keli) saalo dhigis xoolaad. Geel ban jooga oo yamaarug daaqay, saalays badanaa.
saalays -ka: (magac, lab, keli) eeg saalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salay
(fal) sal u yeel; wax sal leh ka dhig. Ku salay dooddaada aqoon. Dh: salee.
salay: (fal) weel iyo wax la mid ah, meel uu ku fadhiisto u yeel. Salay saxanka. Dh: meelee, salee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaalay
(ereydhawaaq) riyaha loogu yeedho oo la macne ah 'kaalay'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaalay
Kaalay!
Imaw; agtayda imaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalay
f.a (kaalaya, w) Agtayda imow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaalay
f.a (kaalaya, w) Agtayda imow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaalay
imperative v., sg. come!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaalay
(expression) come here!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalay
(fal) halkan imo; imo meeshan aan joogo. Dh: imo. Li: teg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaalay
de: come! Defective imperative form only
lx: kaalay
pd: (kaaley)
ps: v4b-imp-sg
see: imow
key: kaalay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalay
-da: (magac, dhedig, keli) meel haadaan ah; jar aad u dheer, meel qaw ah. Laandaaqa geeluba, laantii jarka u dhaw, intuu laac isleeyahay, saw laalayda kama dhaco. Dh: jar, haadaan, garbo, qaw, waraar, gebi, laalley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saakay
fk. la-mid: saaka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saakay
(adv) this morning ~ saaka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saakay
-da: (magac, dhedig, keli) subaxan hadda la joogo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saalax
name-m goodness; righteousness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saglay
(fal) orod adoo boodboodaya, orod oo boodh kici. Dh: sagalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqlay
(fal) orod gaabis ah ku ordid. Hasha nirigta u qaad ha daba saqlaysee. Dh: raqlay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shalay
(Shalay-da)
Maanta maalintii ka horreysey, dorraadna ka danbeysey; (ama shalayto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalay
m.dh.fk Maanta maalintii ka horrey-say. la-mid: shalayto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shalay
m.dh.fk Maanta maalintii ka horreysay. la-mid: shalayto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shalay
f. n., adv-time: yesterday
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shalay
hier.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalay
(falkaabe) maanta maalintii ka horraysey oo dorraatona ka soo danbaysey: shalayto, maalinta ka horraysa maanta. Dh: shalayto shalaytoole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shalay
de: yesterday Alt sp: shaley
initial: s
lx: shalay
pd: (-da)
ps: n0-f, adv-time
key: shalay
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shalay
البارحة، أَمْس
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waalay
(Waalay-ga)
Qaalin ama dibi qooqii ugu horreeyey qooqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waalay
m.l (-yo, m.dh) Qaalin, dib markii ugu horraysay qooqay; qooqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waalay
m. n. male animal coming into rut ~ heat for the first time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalay
(fal) ciyaarta waalada ciyaar.
waalay-ga: (magac, lab, keli) qaalin, dibi ama orgi aan weli adkaan oo joome noqon. Dh: geesbooc. Li: joome.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waalay
de: male animal coming into rut ~ heat for the first time
initial: w
lx: waalay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: waalay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalay
(fal) dan ka gal oo wax ka qabashada arrin jirta xil iska saar. Dh: xaallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalood
(fal) saalo dhig. Marka geelu cokanyahay buu aad u saaloodaa.
saalood -ka: (magac, lab, keli) saalo dhigid. Dh: saalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaalay
(fal) wax qof uu diidanyahay ama saluugganyahay oggalaysii; qof xanaaqsan raaligeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tusaalay
(fal) astaamee, wax lagu garto ka bixi, tusaalooyin badan ka samay.
tusaalay: (fal) cid kale, waano sii oo hogatusaalee; meelo badan wax ka tus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalay
(fal) calal ka dhig; duug ka dhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallay
(fal) arrin ama xaajo iyo wixii la mid ah falanqay oo faaqid; arrin wax ka sheeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaalayn
(Gaafayn-ta)
Diinta Muslinka ka saarid; gaal ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalayn
m.f.dh eeg gaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gaal ka dhigid; diinta Islaamka ka saarid; qof muslim ah gaal ku sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalays
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, gaal ka yeelid.
gaalays-ta: (magac, dhedig, keli) middi weyn oo af badan. Cali gaallays buu soo tuntay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalay
(fal) wax ama shaqo, korka kala soco. Dh: kormeer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaalaya
imperative v., pl. you all come!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaalaya
(expression) come here you all!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaalaya
de: you all come! Defective imperative form only
lx: kaalaya
ps: v4b-imp-pl
syn: imaada
key: kaalaya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalays
-ka: (magac, lab, keli) geed geedaha ku marma oo xooluhu cunaan. Daaraddayada laalays baa ka baxay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naallay
v., pl., -ind, simple past tense: we were (in a place)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naallay
de: we were (in a place) {N}
lx: naallay
ps: v4c-1pl-ind-past
key: naallay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaslay
-da: (magacwadareed) noolaha inta dhedigoodu naas leeyahay ee ilmoodu nuugo. Xayawaanku waa naaslay iyo ugaclay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaali ka dhigid. Dh: qaaliyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaallay
(fal) dhalanrog oo siday ahayd si ka duwan ka dhig. Wax walba qaallay ha is odhan Dh: sarguuri; salguuri.
qaallay: (fal) qalalaase iyo buuq geli. Meesha qaal- lay si laguu ogaado Dh: qalalaasay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhammaan wada gaadhid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabley
m.dh (-yo, m.l) Jirka dadka inta xudunta ka korreysa luquntana ka hoosaysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saabley
m.dh (-yo, m.l) Jirka dadka inta xudunta ka korreysa luquntana ka hoosaysa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saabley
-da: (n) rib cage (rib keeyj) ~ saableyda feeraha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabley
-da: (magac, dhedig, keli) qoorta iyo caloosha inta u dhaxaysa ee feedhaha iyo inta ay ku dahaadhan yihiin. Sambabada jidhkaygiyo saableyda feedhaha.
saabley -da: (magac, dhedig, keli) wax kasta oo saab leh, in alle intii saab leh. Weelka saableyda ah horta ha la raro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saallax
-a: (magac, lab, keli) magaca goodirka marka uu saddex yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamayn
(Saamayn-ta)
Saamays ku reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamayn
m.f.dh eeg saamee. la-mid: saamays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saamayn
-ta: (n) effect (i-fakt); impact (im-paakt)-, impression (im-paree-shin); repercussion (ri-per-ka-shen); indirect influence ~ raad; ku reebid, saamays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale, raad ku reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamays
(Saamays-ka)
1. Wax qof ama wax ku yimaada oo raad xoog leh, oo oogada iyo maanku iska gartaan oo wax ku qaybsadaan, ku reeba.
2. Karti wax kale sabab u noqon karta, ama keeni karta, ama abuuri karta ama beddeli karta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamays
m.l la-mid: saamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saamays
m. n. effect, impression
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saamays
-ka: (n) effect (i-fakt) ~ see [eeg] saamayn-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamays
-ka: (magac, lab, keli) karti wax kale u noqota sabab ku keenta isbeddel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saamays
de: effect, impression
initial: s
lx: saamays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: saamays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarray
-da: (magac, dhedig, keli) gabdha aadka u tumata sitaadka ama saarka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saawayn
m.f.dh eeg saawee. la-mid: sawayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sababay
(fal) sabab u yeel. Sababee abbaartaada, hadalkana sar weedhiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqay
(fal) sadaqo u bixi. xoolahaaga inta aad sadaqaysay baa sahay kuu ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod uu boodbood ku jiro ordid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saglays
-ka: (magac, lab, keli) eeg saglayn.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sahalan
facile.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salabay
(fal) qalabee; qalabka u dhammee.
salabay: (fal) fiiq; xaadh; salabo mari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod sagle ah samayntiisa. Saglayn buu ku yimi ceelka. Dh: raqlayn, guclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqlays
m.l (-syo, m.dh) la-mid: saqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahay
(fal) biyo karaya shaah ku dar, ranjiyey.
shaahay: (fal) shaah cab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shallay
m.l Qoomamaynta laga qoomameeyo dhacdo hore. la-mid: shallayto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shallay
m.l Qoomamaynta laga qoomameeyo dhacdo hore. la-mid: shallayto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shallay
m. n. remorse, repentance, regret
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shallay
(fal) qoomammay. Dh: shallee.
shallay -ga: (magac, lab, keli) (ka ~) ka qoomamay wax aad fashay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shallay
de: remorse, repentance, regret
initial: s
lx: shallay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: shallay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlay
(fal) timo iyo wax la mid ah, feedh; fidh. U shanlay ilmaha yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taallay
v., -ind, simple past tense: it [fem.] was (situated) there
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taallay
de: it [fem] was (situated) there
initial: t
lx: taallay
ps: v4c-3f-ind-past
key: taallay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalayn
(Xaalayn-ta)
Dan u gelid; wax ka qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalayn
m.f.dh eeg xaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xil iska saarid: ihtimaam gaar ah siin; il gaar ah ku eegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaallay
v.-ind, simple past tense: it [masc.] was (situated) there
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaallay
de: it [masc] was (situated) there
initial: y
lx: yaallay
ps: v4c-3m-ind-past
key: yaallay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saal
(falkaabe) armaa; billaa; sow.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sala
s. f. - qol weyn (shir, cayaaro, casumaad).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
slay
/sley/ slain; (v) dilid (qur-gooyn); gawricid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
slay
(see slaughter).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabay
(fal) arrin ama talo curi; arrin hindis oo taabbage-lintiisa qorshee. Talaan aabay lahaa, tusmaan gaadhsii lahaa, tilmaan abid baan lahaa. Dh: astay, aabee, qorshay, dheego.
aabay: (fal) wax u aabbayeel; tixgeli oo aabbee. Aabay waalidkaaga ajar baa ku jiree. Dh: aabee, aabbayeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafay
(fal) dhibaato iyo xumaan dad kale qabadsii oo gaadhsii. Haddii ad xanuun qabto dadka kale ha aafayn. Dh: aafee, ibtilee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalaa
Inta badan; badanaa; dhaaxa; qajeel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aalaa
fk. Inta badan, marar badan, badanaa. Tus.”Aa. ma yimaado saacadahaan”.