saajac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saajac
(Saajac-a)
Geesi; aar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saajac
m.l.kh (-cyo, m.dh) S. ah: qof dhiiran oo aan cabsan; geesi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saajac
m. n. (adj.): brave man; bold, courageous, intrepid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saajac
-a: (magac, lab, keli) aan fuley ahay. Saajacu ma cimri dheeraado. Dh: geesi. Li: fuley.
saajac-a: (magac, lab, keli) qof aad u xiiseeya wax qabashada oo ku firfircoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saajac
bw: aar
de: brave man; [atr.] bold, courageous, intrepid
initial: s
lx: saajac
pd: (-a)
ps: n2a-m
syn: geesi
key: saajac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaajac
(Shaajac-a)
Shajaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaajac
m.l (-cyo, m.dh) Nin geesi ah oo aan baqin. la-mid: shajaac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaajac
m. n. brave man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaajac
-a: (magac, lab, keli) qofka aan cabsoonin ee geesiga ah. Dh: geesi. Li: fuley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaajac
bw: shajaac
de: brave man
initial: s
lx: shaajac
pd: (-a)
ps: n2a-m
syn: geesi
key: shaajac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saanac
(Saanac-a)
Qof sanco yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanac
m.l (-cyo/-ciin, m.dh) Qof farsamo yaqaan ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saanac
m.l (-cyo/-ciin, m.dh) Qof farsamo yaqaan ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saanac
m. n. skilled person, craftsman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saanac
-a: (n) technician (tek-ni-shin)-, handy man; skilled worker; craftsman; ~ farsamayaqaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanac
-a: (magac, lab, keli) qof sanco yagaan oo wax sameeya. Dh: farsamayaqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saanac
bw: Arabic
cf: sanco
de: skilled person, craftsman
initial: s
lx: saanac
pd: (-a Pl: saanaciin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: saanac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saajacnimo
(Saajacnima-da)
Geesinnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saajacnimo
m.dh Saajac ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saajacnimo
de: bravery, courage, being intrepid
initial: s
lx: saajacnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: saajacnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafajac
(fal) la yaab; la amakaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qajajac
m.dh.sh.r Hadal badan oo aan macne lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qajajac
f. n. crackling, cracking ~ splitting sound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qajajac
-da: (magac, dhedig, keli) jabaqda wax jilicsan oo qallalan oo lagu joogsado. Dh: qarjajac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qajajac
de: crackling, cracking ~ splitting sound
lx: qajajac
pd: (-da)
ps: n-f
key: qajajac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salamac
-da: (magac, dhedig, keli) eeg salalmac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarakac
(Sarakac-a)
Jiifka ama fadhiga oo laga kaco; sarajoog; istaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarakac
sarakac¹: m.l Ka istaagidda fadhi laga istaago. la-mid: sarakicid.
sarakac²: f.mg1 (-cay, -cday; -kici) Fadhi ka istaagid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sarakac
f.mg1 (-cay, -cday; -kici) Fadhi ka istaagid. m.f.dh, sarakicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarakac
v. stand up, get up on one's feet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sarakac
-ay / day: (v) get up (get ap); stand upright; stand up ~ sarajoogso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarakac
(fal) u kor u isu taag, u sare joogso.
sarakac-a: (magac, lab, keli) sarajoog, taagni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarakac
de: stand up, get up on one's feet
initial: s
lx: sarakac
nt: sarakac (a) [vn-m], sarakicid (da) [vn-f]
pd: (sarakacay)
ps: v1=intr
key: sarakac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaarac
-a: (magac, lab, keli) meel suuq dhexdilah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shajaac
(Shajaac-a)
Geesi, (ama shaajac).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shajaac
m.l la-mid: shaajac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shajaac
m. n. brave man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shajaac
-a: (magac, lab, keli) geesi; shaajac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shajaac
a: shaajac
bw: Arabic
de: brave man
initial: s
lx: shajaac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: shajaac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saac
(Saac-a)
1. Maalinta qorraxda oo afar-iyo-labaatan meelood loo qaybshey meesheed; saacad.
2. Uraad; urshi.
3. Saacad wanaagsan oo aan naxsi ahayn; burji fiican; faal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saac
m.l 1. Maalinta oo afar iyo labaatan meelood loo qaybiyey meesheed; saacad. 2. Uraad; urshi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saac
m.l 1. Maalinta oo afar iyo labaatan meelood loo qaybiyey meesheed; saacad. 2. Uraad; urshi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saac
m. n. hour
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saac
-a: (n) [plural saacadood] 1. hour (a-war) saacad Ex: hal saac baan sugayey; I was waiting one hour 2. time (taaym) Ex: waa meeqa saac? what time is it? 3. good pasture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saac
-a: (magac, lab, keli) doog cagaar ah oo aan tamarsan, burji fiican, doog fiil ah, cosob iye ugbaad, naq aan saxal lehayn. Saac xoolo ma dhergiyo. Dh: bildhan, uraad, urshi.
saac-a: (magac, lab, keli) maalinta iyo habeenkeeda marka afar iyo laabaatan loo qaybiye meel ka mid ah. Hal saac ayaan joogay magaalada.
saac -a: (magac, lab, keli) xilli; uraad; urshi. Sa wanaagsan baa la joogaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saac
a: saacad
de: hour
initial: s
lx: saac
pd: (-a)
ps: n2a-m-time
key: saac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saaj
(Saaj-ka)
(geed) Saad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaj
m.l la-mid: sąad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaj
m. n., [collective] tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaj
-ka: (magac, lab, keli) geed aad u weynaada oo laf adag oo qoryihiisa waxna lagu dhisto, alaabana laga samaysto. Dh: saad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaj
de: tree sp.
initial: s
lx: saaj
pd: (-ka)
ps: n-m-col
see: saad
key: saaj
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abjac
m.l (-cyo, m.dh) A. ah: qof madax adag oo garmaqaate ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abjac
m.l (-cyo, m.dh) A. ah: qof madax adag oo garmaqaate ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abjac
-a: (magac, lab, keli) qof garmaqaate ah oo madax adag.
abjac: (tilmaame) qof madax adag.
abjac-a: (magac, lab, keli) dadka qofka madaxa adag ee aan garqaadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fajac
(Fajac-a)
Yaab daran; amakaag; argaggax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajac
fajac¹: m.l Amankaag; ashqaraar; yaab.
fajac²: f.mg1 (-cay, -cday; -jici) Si aad ah wax ula yaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fajac
fajac¹: m.l Amakaag; ashqaraar; yaab.
fajac²: f.mg1 (-cay, -cday; -jici) Si aad ah wax ula yaabid. m.f.dh, fajicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fajac
v. be amazed
fajac vl. n. amazement, surprise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fajac
-ay / day: (v) [with the preposition la] surprise (sarparaays) ~ la yaab. —Syn: wonder, astonish, amaze, astound, dumbfound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajac
-a: (magac, lab, keli) layaab weyn oo wax la arkay ama la maqlay lala yaabo. Dh: amakaag, anfariir, shaamareer.
fajac: (fal) yaab oo amakaag. Fajac oo ayaamahan, filinkooga ii daar. Dh: argagax, anfariir, irkig.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JAJAC
Premna resinosa 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qajac
m.l (-cyo, m.dh) Qaniis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saaka
Maalinta la joogo labadeeda gelin kan hore oo la kala baray, barkiisa hore; subaxa kolkaas la joogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaka
fk. Maalinta la joogo subaxeeda. la-mid: saakay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saaka
fk. Maalinta la joogo subaxeeda. la-mid: saakay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaka
adv., time: this morning
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saaka
ce matin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaka
-da: (magac, dhedig, keli) maalinta la joogo labadeeda gellin, kan hore; subaxa la joogo. Dh: aroor, subax. Li: galab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaka
de: this morning
initial: s
lx: saaka
pd: (saakay)
ps: adv-time
key: saaka
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saaka
هذا الصباح
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saaqa
name-f she who pervaded. Lit: the one whose mother lost her sensations after this child is delivered; she who goes unconscious at birthing. Cf: Isaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Saaqa
magac loo baxsho gabadh qurux siyaado ah leh oo ciddii aragtaa saaqanto ama hooyadeed fooshu saaqday.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saara
name-f joyful; Prophet Ibrahim's wife
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samac
-a: (magac, lab, keli) hawsha dheguhu qabtaan; kartida dheguhu wax ku dareemaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanac
(Sanac-a)
Nasiib-wanaag; buruud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanac
m.l Wax nasiib wanaagsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanac
m. n., (mass n.): good luck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanac
-a: (magac, lab, keli) nasiib wanaag. Sanac xumo ayaa lagu xantaa naagtaas. Dh: bili, buruud. Li: baas.
sanac -a: (magac, lab, keli) barako; khayr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanac
cf: barako, buruud
de: good luck
initial: s
lx: sanac
pd: (-a)
ps: n2a-m-mass
key: sanac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarac
1. (Sarac-a) a) Saf. b) () beerfal.
2. (Sarac-da) kobta laabatada ah oo bowdada iyo calooshu (uurku) iska galaan (ama sarcan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarac
sarac¹: m.l (-cyo, m.dh) 1. Mudmudidda geed la rabo in dhacaan laga keeno la mudmudo. 2. Beerfal. 3. Saf.
sarac²: m.dh (-rco, m.l) Laabatada hoose oo gumaarka (bisqanlayda) iyo bowdadu iska galaan. la-mid: sarcan¹.
sarac³: f.g1 (-rcay, -racday; -rci) 1. Wax beerid. 2. Geed qoyan si xabag u dhalo mudmudid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarac
f. n. groin
sarac m. n. cultivation; agricultural products
sarac v. plant (seed) in a row, sow in rows; line ~ set up in a row
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sarac
-a: (n) crop (karoop)-, cultivated plants ~dalag. Ex: saraca beeraha; agricultural produce [crops]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarac
(fal) beer fal; abuur beer; dalag dhul.
sarac: (fal) saf; fayli.
sarac-a: (magac, lab, keli) beer falid; beer abuurid; beer dalgid.
sarac-a: (magac, lab, keli) saf; fayl; rigo; rigood.
sarac -da: (magac, dhedig, keli) kobta laabatada ah oo bawdada iyo calooshu 'uurku' iska galaan. Dh: sarcan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaac
(Shaac-a)
Wax la wada maqlo ama aad u faafa ama caan noqda; baah; caan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaac
shaac¹: m.l.kh Sh. ah: wax la wada maqlo ama la wada arko oo caan noqda.
shaac²: f.mg1 (-cay, -cday) War iyo wixi lamida faafid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaac
f.mg1 (-cay, -cday) War iyo wixi lamida faafid. m.f.dh, shaacid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shaac
Twilight
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaac
m. n. glare, bright ~ radiant light
shaac v. glare, be glaring; become public; spread (of news)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaac
-a: (magac, lab, keli) iftiinka cadceedda, inta qorraxdu soo jeeddo. Marka shaacu madoobaada.
shaac-a: (magac, lab, keli) midabka casuusta ye caddaanka ah oo qorraxda soo baxaysa ka soo horreeya; shaaca waabberi; baah.
shaac-a: (magac, lab, keli) wax la wada maglo, aad u faafa ama caan noqda. Abidkaana goor shaacu dumay shaarac ha istaagin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wajac
(Wajac-a)
Cudur weylaha ku dhaca oo ay la jibaadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wajac
m.l 1. Xanuun yar. 2. Cudur weylaha ku dhaca oo ay la jibaadaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wajac
m.l 1. Xanuun yar. 2. Cudur weylaha ku dhaca oo ay la jibaadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wajac
m. n. slight pain, illness (generally); disease of calves
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wajac
-a: (n) bad mood (muudh);
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajac
-a: (magac, lab, keli) cudur weylaha ku dhaca oo ay la jibaadaan. Wajac baa igaga dhacay waylahaan dhaqaye. Dh: cabbudh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wajac
cf: cudur
de: slight pain, illness (generally); [ext.] disease of calves
initial: w
lx: wajac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: wajac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarac
(tilmaame) qof da' yar oo dhan waliba buuxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baayac
(Baayac-a)
Wax ganacsi u yaal oo qiimahooda la isweyddiiyo; gorgoro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayac
baayac¹: m.l la-mid: baayacid.
baayac²: f.g1 (-cay, -cday; -yici) Wax ganacsi u yaal qiimahooda weyddin; gorgorin.