saahidid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saahidid
m.f.dh eeg saahid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saahidid
-da: (magac, dhedig, keli) adduunyo ka tegid oo cibaado u bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saacidid
m.f.dh eeg saacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saacidid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; caawinid; garabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqidid
m.f.dh eeg saaqid³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqidid
-da: (magac, dhedig, keli) waxbarasho gudbi waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayidid
(Saayidid-da)
Saayid noqosho; kordhid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayidid
m.f.dh eeg saayid². la-mid: saa'idid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayidid
-da: (magac, dhedig, keli) saayid noqosho; badasho; kordhid.
saayidid -da: (magac, dhedig, keli) siyaado ku darid, dheeri ku darid. Saayididdu beeggu waa belaayo xijaab. Dh: korodh, badasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saahidaad
-da: (magac, dhedig, keli) adduunyo ka fogaad, cibaado ku ekaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaaxidid
-da: (magac, dhedig, keli) wax duban oo qallalan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahiidid
m.f.dh eeg shahiid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shahiidid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg shahiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhici doona astaamahooga ka sii sheegid; mala'awaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saahid
saahid¹: m.l (-diin, m.dh) Qof cabsida Ilaah u go'ay.
saahid²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Cabsi Ilaah u go'id. 2. Ka s.: wax la caadaystay joojin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saahid
m.l (-diin, m.dh) Qof cabsida Ilaah u go'ay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saahid
m. n. ascetic
saahid [inchoative] v. become an ascetic
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saahid
name-m ascetic person (Arb)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saahid
(fal) ka tag oo daa adduunyada. Ka saahid wixii xun.
saahid -ka: (magac, lab, keli) qof cibaado u baxa oo adduunka ka fogaada. Wadaadku waa saahid cidlo joog ah.
saahid: magac loo baxsho wiil la rajaynayo in uu noqdo mid Alle'ka'cabsi badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shidid
(Shidid-da)
Dab hurin, bixin, noolayn, ololin; daarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shidid
m.f.dh eeg shid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidid
-da: (magac, dhedig, keli) dab shidid, hurin, ololin, noolayn, shidis.
shidid -da: (magac, dhedig, keli) nal, tiriig iyo wixii la mid ah, daarid, ifin, shidis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saa'idi
-yey / say: (v) make greater or larger; increase (in-kiriis)-, expand; add more
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayidi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax tiradooda kordhin. la-mid: saa'idi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saayidi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax tiradooda kordhin. m.f.dh, saayidin. la-mid: saa'idi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saayidi
v. increase, add more; cause to exceed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saayidi
de: increase, add more; cause to exceed
initial: s
lx: saayidi
pd: (saayidiyey)
ps: v2a=tr
key: saayidi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahiid
shahiid¹: m.l 1. Sh. ah: qof dadaal badan oo aad isu tiilaya. 2. (-dyo/-diin, m.dh) Qof fidinta diinta u dhintay.
shahiid²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Wax si aad ah ugu dadaalid. 2. Jahaad ku dhimasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shahiid
shahiid¹: m.l 1. Sh. ah: qof dadaal badan oo aad isu tiilaya. 2. (-dyo/-diin, m.dh) Qof fidinta diinta u dhintay.
shahiid²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Wax si aad ah ugu dadaalid. 2. Jahaad ku dhimasho. m.f.dh, shahiidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shahiid
m. n. martyr
shahiid v. be a martyr, choose martyrdom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shahiid
-ka / da: (n) martyr (maar-ter); one who dies for his religious principles ~ shihiid —shahiid -ay / shahiidday: (v) suffer death for religious principles; become a martyr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shahiid
-ka: (magac, lab, keli) qof dar Alle u dhinta; naftiihure.
shahiid -ka: (magac, lab, keli) dar Alle u dhimasho; shahiidid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shahiid
شهید
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bąalidid
m.f.dh eeg bąalid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalidid
-da: (magac, dhedig, keli) curinta gabayga oo laga raago ama laga maago.
baalidid -da: (magac, dhedig, keli) weel aan bilo waxba lagu shuban ama lagu ridan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabidid
m.f.dh eeg caabid². la-mid: caabudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahirid
(Daahirid-da)
Soo bixid; muuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahirid
m.f.dh eeg daahir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahirid
-da: (magac, dhedig, keli) (soo ~) soo muuqasho oo soo bixid. Soo daahiridda waxyaa- baha cusubi waxay innooga baahan yihiin talo iyo tusaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'idid
m.dh la-mid: faa'iidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'idid
-da: (magac, dhedig, keli) ganacsi ka macaashid; ribix helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaqidid
(Faaqidid-da)
Wax la waayey ama lumay doondoonid; baarid; raadin; fatashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaqidid
m.f.dh eeg faaqid². la-mid: faaqid¹, faaqidaad (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaqidid
-da: (magac, dhedig, keli) xog ama aragti, wax ka sheeg. Dh: faaqidaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaridid
m.f.dh eeg raarid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaridid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cid kale wax ka dhaadhicin oo si wanaagsan u fahansiin.
raaridid-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ka soo dhaadhicin oo ka soo shalwid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saa'idin
-ta: (magac, dhedig, keli) intii la rabay wax ku sii darid, kordhin. Dh: siyaadin, kordhin.
saa'idin -ta: (magac, dhedig, keli) marka shay in dheeraad ah lagu daro. Dh: kordhin. Li: raajicin. saa'iraad-da: (magac, dhedig, keli) ka dhimid ama u fududayn. Dh: jabin. Li: qaaliyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabilid
m.f.dh eeg saabil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafirid
(Saafirid-da)
Meel safar u aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafirid
m.f.dh eeg saafir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafirid
-da: (magac, dhedig, keli) safar aadid, meel u kicid. Dh: socdaalid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saahid_1
bw: Arabic
de: ascetic
hm: 1
initial: s
lx: saahid
pd: (-ka Pl: saahidiin (ta))
ps: n8-m
key: saahid_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saahid_2
de: become an ascetic
hm: 2
initial: s
lx: saahid
pd: (saahiday)
ps: v1=inch
key: saahid_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamixid
(Saamixid-da)
Cafiyid; denbidhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamixid
m.f.dh eeg saamax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamixid
-da: (magac, dhedig, keli) cafiyid; u denbidhaafid; saamaxaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamiyid
m.f.dh eeg saami². la-mid: saanyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamiyid
-da: (magac, dhedig, keli) saami yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqidad
m.dh (-do, m.l) Naag liidata oo aan meelna ku wanaagsanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqidad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh waxbarashadii ku guuldarraysatay, oo ka diba iska dhaaftay; mid liidata oo aan waxba ku wanaagsanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayidin
(Saayidin-ta)
Saayid ka dhigid; kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayidin
m.f.dh eeg saayidi. la-mid: saa'idin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayidin
-ta: (magac, dhedig, keli) saayid ka dhigid. Saayidin saliidda igu dar. Dh: kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayirid
(Saayirid-da)
U turid; dhaqaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayirid
m.f.dh eeg saayir². la-mid: saayiraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayirid
-da: (magac, dhedig, keli) «la u tudhid: dhaqaalayn. Saayirid iyo sicir jaban safarka wax kaga libi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakhirid
-da: (magac, dhedig, keli) fudaydin; dhib yarayn. Sakhiridda Eebbe ayaan ku soconnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallidid
m.f.dh eeg sallid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallidid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) dhib kaga dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaridid
m.f.dh eeg waarid³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaridid
-da: (magac, dhedig, keli) dibed ka keeid; alaab ganacsi soo dejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasidid
-da: (magac, dhedig, keli) xasad samayn; xaasid ahaan; u quudhid la'aan oo wanaagga cidda kale ka xumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istaahilid
(Istaahilid-da)
U cuntamid; galabsasho; mutaysasho; u qalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaahilid
m.f.dh eeg istaahil². la-mid: istaahil¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mujaahidid
m.f.dh eeg muujaahid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mujaahidid
-da: (magac, dhedig, keli) xaq u diririd; jihaad sharci ahaan bannaan ku jirid. Jihaadiddu fiqhi iyo asluub ayay u baahan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaahiyid
(Abaahiyid-da)
(awr) kudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaahiyid
m.f.dh la-mid: abaahi¹, abaahin, abaahis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaahiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg abaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashirid
m.f.dh eeg baashir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashirid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baashiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahiilid
m.dh la-mid: diihaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabshidid
-da: (magac, dhedig, keli) dab aan hore loo shidin ololin. Dh: hurin, noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'iidid
m.f.dh eeg faa'iid. la-mid: faa'idid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaahiirid
m.f.dh eeg gaahiir².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaah Idil
Full Radiation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masabidid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aanu qabin dusha ka saarid; been ka sheegid. Dh: harid, masabidis, nabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raarridid
m.f.dh eeg raarrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saa'idaad
-da: (magac, dhedig, keli) intii la rabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saacidaad
-da: (magac, dhedig, keli) taageero; saacidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saaxiibid
(Saaxiibid-da)
Saaxiib noqosho; rafiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaxiibid
m.f.dh eeg saaxiib³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxiibid
-da: (magac, dhedig, keli) saaxiib la noqasho; la jaalid. Dh: rafiiqid.
saaxiibid-da: (magac, dhedig, keli) «lacid kale xidhiidh wanaagsan oo dhow la yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayidaad
-da: (magac, dhedig, keli) wax dheeri ah, in dheeraad ah. Saayidaad baan weydiistay. waana uu diiday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakatiyid
(Sakatiyid-da)
Baqdin yari gelid, iska garasho; keyrkeyrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakatiyid
m.f.dh eeg sakati². la-mid: sakatin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakatiyid
-da: (magac, dhedig, keli) joogsi bagdin yari ay sababtay.
sakatiyid -da: (magac, dhedig, keli) baqdin yar dareemid; wax ka biqid; kayrkayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saldhigid
(Saldhigid-da)
Salka meel dhigid; joogsasho; fariisasho; xasilid; degid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saldhigid
-da: (magac, dhedig, keli) «u hadal iyo wixii la mid ah ka baaraandegid.Dh: xasilid, dagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarakicid
(Sarakicid-da)
Jiif ama fadhi ka kicid; sarajoogsasho; istaagid; kicid.