saafirin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafirin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof meel ka safarin, qasab kaga socdaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafirid
(Saafirid-da)
Meel safar u aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafirid
m.f.dh eeg saafir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafirid
-da: (magac, dhedig, keli) safar aadid, meel u kicid. Dh: socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaafirin
(Masaafirin-ta)
Qof, eedsiin darteed, meeshuu degganaa ka wadid oo meel kale oo fog oo uusan rabin xoog ku geyn oo ku xayirid; fogeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafirin
m.f.dh eeg masaafiri. la-mid: masaafiris, masaafurin, masaafuris, musaafurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafirin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid safar ayna dooran safarsiin oo qasab ku dhoofin. Masaafirintu xeer bay leedahay. Dh: masaafurin, musaafurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaafiriin
m.dh.w eeg kaafir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaafiriin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad aan Ilaah rumaysnayn. Dh: gaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafir
f.mg1 (-ray, -rtay) Meel safar u aadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saafir
f.mg1 (-ray, -rtay) Meel safar u aadid. m.f.dh, saafirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saafir
v. travel, voyage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saafir
de: travel, voyage
initial: s
lx: saafir
pd: (saafiray)
ps: v1=
key: saafir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safrin
m.f.dh eeg safri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safrin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad ama wax kale safar u dirid.
safrin -ta: (magac, dhedig, keli) dad cunno, xoolo ama wax kale ay ku safraan siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daafiri
m.l baaquli; maddiibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaafiri
(Qaafiri-ga)
Baaquli; Maddiibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaafiri
m.l (qaafiri/-iyo, m.dh) Baaquli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaafiri
m. n. water jar; bowl
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaafiri
-ga: (n) bowl (bool); used for holding food or liquids ~ xeero, baaquli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafiri
-da: (magac, dhedig, keli) weel wax lagu shubto ama lagu rito. Qaafiri maraq ah ayuu dhammeeyey. Dh: madeebad, baaquli, fijaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaafiri
cf: baaquli, maddiibad, qoobad {C}
de: water jar; bowl
lx: qaafiri
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: qaafiri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaftin
-ta: (magac, dhedig, keli) hilbo si dadban qof loo siiyay. Doqoni saaftin carro loogu riday gallad ma mooddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahirin
(Daahirin-ta)
Nadiif ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahirin
m.f.dh eeg daahiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahirin
-ta: (magac, dhedig, keli) uskag iyo wasakh ka maydhid, nijaas ka dhaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saa'idin
-ta: (magac, dhedig, keli) intii la rabay wax ku sii darid, kordhin. Dh: siyaadin, kordhin.
saa'idin -ta: (magac, dhedig, keli) marka shay in dheeraad ah lagu daro. Dh: kordhin. Li: raajicin. saa'iraad-da: (magac, dhedig, keli) ka dhimid ama u fududayn. Dh: jabin. Li: qaaliyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayidin
(Saayidin-ta)
Saayid ka dhigid; kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayidin
m.f.dh eeg saayidi. la-mid: saa'idin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayidin
-ta: (magac, dhedig, keli) saayid ka dhigid. Saayidin saliidda igu dar. Dh: kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayirid
(Saayirid-da)
U turid; dhaqaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayirid
m.f.dh eeg saayir². la-mid: saayiraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayirid
-da: (magac, dhedig, keli) «la u tudhid: dhaqaalayn. Saayirid iyo sicir jaban safarka wax kaga libi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaafiin
m.dh la-mid: shaafii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadirin
m.f.dh eeg xaadiri. la-mid: xaadiiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadirin
-ta: (magac, dhedig, keli) yeedhin oo mid mid inuu joogo u hubin. Dh: yeedhin, xaadirin.
xaadirin -ta: (magac, dhedig, keli) u yeedhid oo goobta soo joojin. Dh: keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaafirid
(Masaafirid-da)
Meel fog aadid, u bixid; socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafirid
m.f.dh eeg masaafir². la-mid: masaafurid, musaafurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafirid
-da: (magac, dhedig, keli) safar dheer u bixid; meel fog socoto ku aadid. Dh: socdaalid, musaafurid, safrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaafiris
(Masaafiris-ka)
Masaafirinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafiris
m.l la-mid: masaafirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafiris
-ka: (magac, lab, keli) eeg masaafirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafurin
m.dh la-mid: masaafirin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaafurin
-ta: (n) deportation (dii-poorteey-shin); expatriation (ekispeeytriyeey-shin); repatriation (ri-peeytriyeeyshin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafurin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid safar ayna dooran safarsiin oo qasab ku dhoofin. Dh: masaafurin, musaafurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musaafiris
-ta: (magac, dhedig, keli) cid si xoog ah dal uga qaadid oo meel kale u safrin. Dad badan oo reer Falastiin ah ayaa dalkooda musaafuris kaga maqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musaafurin
m.dh la-mid: masaafirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musaafurin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid safar ayna dooran safarsiin oo qasab ku dhoofin. Musaafurintu xeer bay leedahay. Dh: masaafurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxariirin
(Saxariirin-ta)
Saxariir tusid, badid; silcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxariirin
m.f.dh eeg saxariiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxariirin
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u dhibaatayn, rafaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafiri
f.g2 (-iyay, -isay) Dalkiisa ama degaankiisa khasab kaga dhoofin (qof). la-mid: masaafuri, musaafiri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masaafiri
f.g2 (-iyay, -isay) Dalkiisa ama degaankiisa khasab kaga dhoofin (qof). m.f.dh, masaafirin. la-mid: masaafuri, musaafiri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaafiri
v. exile, deport, expel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaafiri
-yey I say: (v) send into exile (eg 'saayl); banish (baanish); deport (dipoort); expatriate (ekis-peey-triyeeyt) ~ tarxiil, masaafuri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafiri
(fal) cid safar ayna dooran safarsii oo qasab ku dhoofi. Ninkaan dalka sharci ku joogin masaafiri. Dh: masaafuri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaafiri
de: exile, deport, expel
lx: masaafiri
nt: masaafirin (ta) [vn-f], masaafiris (ka) [vn-m]
pd: (masaafiriyey)
ps: v2a=tr
key: masaafiri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafinimo
-da: (magac, dhedig, keli) saafi ahaan. saafir-ka: (magac, lab, keli) qofka meel u safraaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafitaan
-ka: (magac, lab, keli) kala qalqalidda kala cadcaddayn.
saafitaan-ka: (magac, lab, keli) saafidda lafteed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxiibin
-ta: (magac, dhedig, keli) saaxiibbo ka dhigid labo qof. Saaxiibintoodaa ka roon colaadsiintooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) baraarujin xis ahaan; saaxi ka dhigid. Dawo saaxisiin ah, ha la siiyo sii uu u kaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakabixin
-ta: (magac, dhedig, keli) sakada waajibtay. bixin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaafiyid
(Shaafiyid-da)
Qof bukey caafimaad siin; ladnaysiin; biskoodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaafiyid
m.f.dh eeg shaafi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaafiyid
-da: (magac, dhedig, keli) qof bukay ladnaysiin, bogsiin, caafimaadsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaawirid
-da: (magac, dhedig, keli) xaajo rogrogiddeeda iyo faallaynteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaxidin
m.f.dh eeg shaaxidi. la-mid: shaaxidis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaaxidin
-ta: (magac, dhedig, keli) bisayl ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof dalkiisa laga masaafiriyey ahaansho. la-mid: masaafursan, musaafursan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaafirsan
der. [adjective] deported, exiled, expelled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafirsan
(tilmaame) masaafursan oo qasab lagu masaafuriyay ah. Nin masaafirsan ayaa garoonka Jabuuti laga soo dejiyay. Dh: masaafursan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaafirsan
de: deported, exiled, expelled
lx: masaafirsan
pd: (masaafirsanaa)
ps: adj-der
key: masaafirsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayiritaan
-ka: (magac, lab, keli) la saayiritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firin
(Firin-ka)
1. Qori yar oo dhuuban oo ilig keliya ama ilko yar leh iyo dabo la qabto oo badanaa xardhan oo timaha lagu firo.
2. Saqaf, shanlo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firin
m.l (-nno, m.dh) Qori yar oo dhuuban oo ilig ama ka badan leh, badi ahaanna xardhan oo timaha lagu feero. la-mid: fire.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firin
m. n. comb
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Firin
name-m thin. Lit: a Somali comb made of one stick only and very common in Djibouti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Firin
ama Fidhin, magac loo baxsho wiil dhuuban ama sida fidhinka u qurux badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firin
-ka: (magac, lab, keli) eeg fidhin.
firin -ta: (magac, dhedig, keli) wax aan jirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firin
de: comb
lx: firin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: firin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafi
(Saafi-da, Saafi-ga)
1. Aan wax xumi ku dhex jirin; nadiif ah; miir ah.
2. Kalluun magaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafi
m.l 1. S. ah: wax nadiif ah oo aan wasaqi ku jirin. Tusaale: “ Cali wuxuu keenay malab saafi ah”. 2. Saafinnimo. 3. Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saafi
m.l 1. S. ah: wax nadiif ah oo aan wasaqi ku jirin. Tusaale: Cali wuxuu keenay malab saafi ah. 2. Saafinnimo. 3. Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saafi
Net
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saafi
m. n. (adj.): cleanliness; purity; pure thing; clean, pure
saafi [feminine] n., [collective] fish species
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saafi
name-f cleanliness; purity, pure, clean
name-m pure, sincere, clear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saafi
-ah: (adj) 1. pure (piyuur); clear (kiliyer); clean (kiliin) 2. net (net)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Saafi
magac loo baxsho gabadh quruxdeeda aawadeed lagu metaalay sidii biyo saafi ah oo aan huubo lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafi
(tilmaame) jabka lug ama meel kale oo kolkii la kabay ka dib, sideedii hore u kabanta. Dh: hagaag, toos. Li: maroor, gunaad.
saafi: (tilmaame) shey aan wax kale ku dheehnayn, shey aan wax kale ku dhafnayn.
saafi -ga: (magac, lab, keli) aan midabkiisi mooyee midaba kale tarraxin; si wanaagsan u cad.
saafi -ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saari
* (Saari-da)
Maro badanaa xariir ah oo dheer oo dumarka Hindigu qaataan oo guntiino iyo hagoogba u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saari
m.dh Maro badanaa xariir ah oo dumarka Hindidu qaataan oo guntiino iyo hagoogba u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saari
m. n. sari, Indian women's wrap-around cloth ~ dress
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saari
-ga: (n) sari (saa-ri) ~ diric
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saari
-ga: (fal) eeg saadhi.
saari -ga: (magac, lab, keli) ulo ka samaysan duur iyo wixii la mid ah oo dhigaha la dul saaro. Dh: lool, mar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saari
de: sari, Indian woman's wrap-around cloth ~ dress {Hindi}
initial: s
lx: saari
pd: (-ga)
ps: n2a-
key: saari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safri
f.g2 (-iyay, -isay) Badeeco meel fog u iibgeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
safri
f.g2 (-iyay, -isay) Badeeco meel fog u iibgeyn. m.f.dh, safrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safri
v. send (off); forward (merchandise); cause to go on a journey
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safri
de: send (off); forward (merchandise); cause s.o. to go on a journey rw: safar
initial: s
lx: safri
pd: (safriyey)
ps: v2a=tr
key: safri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarin
m.l Geed faalala oo laamo dhaadheer iyo caleemo yaryar leh oo geelu daaqo.