saafirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafirid
(Saafirid-da)
Meel safar u aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafirid
m.f.dh eeg saafir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafirid
-da: (magac, dhedig, keli) safar aadid, meel u kicid. Dh: socdaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafirin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof meel ka safarin, qasab kaga socdaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayirid
(Saayirid-da)
U turid; dhaqaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayirid
m.f.dh eeg saayir². la-mid: saayiraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayirid
-da: (magac, dhedig, keli) «la u tudhid: dhaqaalayn. Saayirid iyo sicir jaban safarka wax kaga libi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaafirid
(Masaafirid-da)
Meel fog aadid, u bixid; socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafirid
m.f.dh eeg masaafir². la-mid: masaafurid, musaafurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafirid
-da: (magac, dhedig, keli) safar dheer u bixid; meel fog socoto ku aadid. Dh: socdaalid, musaafurid, safrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaafiyid
(Shaafiyid-da)
Qof bukey caafimaad siin; ladnaysiin; biskoodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaafiyid
m.f.dh eeg shaafi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaafiyid
-da: (magac, dhedig, keli) qof bukay ladnaysiin, bogsiin, caafimaadsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaawirid
-da: (magac, dhedig, keli) xaajo rogrogiddeeda iyo faallaynteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafid
(Saafid-da)
Burunji hilib ama wax la mid ah, mindi ku dildillaacin taniyo intuu ka noqdo wax ballaaran oo xalleefsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafid
m.f.dh eeg saaf². la-mid: saaf¹ (2).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saafid
Analysis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib jiidh ah iyo wax la mid ah, mindi ku dildilaacin ilaa uu noqonayo wax goglan ama bagafsan. Habartu wa ku ba'as tahay saafidda hilibka.
saafid-da: (magac, dhedig, keli) hadal iyo wax la mid ah, kala qalqalid, kala cadcaddayn, kala macnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafir
f.mg1 (-ray, -rtay) Meel safar u aadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saafir
f.mg1 (-ray, -rtay) Meel safar u aadid. m.f.dh, saafirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saafir
v. travel, voyage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saafir
de: travel, voyage
initial: s
lx: saafir
pd: (saafiray)
ps: v1=
key: saafir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saarid
(Saarid-da)
1. Wax meel hoose yaal meel kore dhigid.
2. (wax) wax sarreeya dushiisa dhigid.
3. (gaadiid, kd.) ku rarid.
4. Dibad u bixin.
5. (soo saarid) soo bixin, keenid; dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saarid
m.f.dh eeg saar².
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
saarid
disqualifies tion
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saarid
vl. n. placing, putting (on top)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sarreeya dushiisa dhigid, wax meel hoose yaallay meel sare dhigid. Dh: saaris, fuushiin. Li: dejin, dhaadhicin.
saarid -da: (magac, dhedig, keli) gaadiid ku rarid.
saarid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan jirin cid ku nabid. Dh: masabbidid.
saarid -da: (magac, dhedig, keli) cillaan, gacmaha ama cagaha ku samaysad. Li: saaris.
saarid -da: (magac, dhedig, keli) (soo ~) soo bixin; soo saaris; dibad u soo bixin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saarid
de: placing, putting (on top)
initial: s
lx: saarid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: saarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safrid
(Safrid-da)
Safar aadid, tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safrid
m.f.dh eeg safar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safrid
-da: (magac, dhedig, keli) safar u kicid; safar aadid. Safrid buu u diyaar yahay. Dh: socdaalid, dhoofid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daafiri
m.l baaquli; maddiibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dafirid
(Dafirid-da)
Inkirid; asaraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafirid
m.f.dh eeg dafir². la-mid: dafir¹, dafiraad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dafirid
Negare
To deny
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax jira, mugdi iyo madow gelin. Dafirid buu nagala hor yimid Dh: asaraarid, inkirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaafiri
(Qaafiri-ga)
Baaquli; Maddiibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaafiri
m.l (qaafiri/-iyo, m.dh) Baaquli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaafiri
m. n. water jar; bowl
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaafiri
-ga: (n) bowl (bool); used for holding food or liquids ~ xeero, baaquli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafiri
-da: (magac, dhedig, keli) weel wax lagu shubto ama lagu rito. Qaafiri maraq ah ayuu dhammeeyey. Dh: madeebad, baaquli, fijaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaafiri
cf: baaquli, maddiibad, qoobad {C}
de: water jar; bowl
lx: qaafiri
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: qaafiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawirid
m.f.dh eeg sawir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawirid
-da: (magac, dhedig, keli) sawir samayn: wax u ekaysiin; masawirid: taswiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayirid
m.f.dh eeg baayir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayirid
-da: (magac, dhedig, keli) naaxitaan iyo cayilid. Dh: baayiris, baayiritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaficid
(Daaficid-da)
Wax iska celin ama cid kale ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaficid
m.f.dh eeg daafac². la-mid: daafac¹, difaac¹, difaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaficid
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax dhibaya ka horjoogsasho oo hoo iyo hiilba la garab joog- sasho. Daaficidda dacwadaha waxa u xilsaaran afookaaga. Dh: daaficis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahirid
(Daahirid-da)
Soo bixid; muuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahirid
m.f.dh eeg daahir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahirid
-da: (magac, dhedig, keli) (soo ~) soo muuqasho oo soo bixid. Soo daahiridda waxyaa- baha cusubi waxay innooga baahan yihiin talo iyo tusaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daakirid
m.f.dh eeg daakir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daakirid
-da: (magac, dhedig, keli) dikri iyo duco eedaanka subaxa horteed akhrin oo dadka salaada xasuusin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaasirid
m.f.dh eeg gaasir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasirid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhibaatayn ama si waxtarla'aan ah ula dhaqmid. Dh: gabid.
gaasirid -da: (magac, dhedig, keli) yarayn wax laga dhimo; shay intiisii wax laga gaabiyo.
gaasirid -da: (magac, dhedig, keli) yaraysi ama quudhsi lagula kaco cid kale. Dh: xaqiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haajirid
(Haajirid-da)
Dal durugsan aadid; dalaabid; (ama haayirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haajirid
m.f.dh eeg haajir². la-mid: haajir¹ (2), haayir¹ (3), haayirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haajirid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka socosho oo meel kale u guurid. Shimbiruhu waxa ay sameeyaan haajirid xilliyada ku salaysan. Dh: qaxid, dalandoolid, guurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haayirid
(Haayirid-da)
Dal fog aadid; dalaabid; (ama haajirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haayirid
m.dh la-mid: haajirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haayirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulkaagii ka qaxid oo meel kaa fog u dalandoolid. Dh: haajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaafirad
m.dh (-do, m.l) (dii.) Haweenay aan diinta Islaamka rumeysnayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaafirad
f. n. female infidel, nonbeliever
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaafirad
bw: Arabic
de: female infidel, nonbeliever
lx: kaafirad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kaafirad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaafiyid
(Kaafiyid-da)
Ku fillaansho; wada gaarid; deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaafiyid
m.f.dh eeg kaafi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaafiyid
-da: (magac, dhedig, keli) daboolitaanka baahida uu wax leeyahay; dhammaystirka baahida uu wax qabo. Dh: gaadhis, deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabilid
m.f.dh eeg saabil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saacidid
m.f.dh eeg saacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saacidid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; caawinid; garabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saahidid
m.f.dh eeg saahid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saahidid
-da: (magac, dhedig, keli) adduunyo ka tegid oo cibaado u bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamixid
(Saamixid-da)
Cafiyid; denbidhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamixid
m.f.dh eeg saamax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamixid
-da: (magac, dhedig, keli) cafiyid; u denbidhaafid; saamaxaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamiyid
m.f.dh eeg saami². la-mid: saanyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamiyid
-da: (magac, dhedig, keli) saami yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqidid
m.f.dh eeg saaqid³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqidid
-da: (magac, dhedig, keli) waxbarasho gudbi waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaxirad
m.dh (-do, m.l) Naag sixirka taqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaxirad
f. n. female magician, witch
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saaxirad
-da: (n) witch (wij); sorceress (soor-saras); wise woman ~ sixiroolad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxirad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo sixirka taqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaxirad
de: female magician, witch
initial: s
lx: saaxirad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: saaxirad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayidid
(Saayidid-da)
Saayid noqosho; kordhid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayidid
m.f.dh eeg saayid². la-mid: saa'idid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayidid
-da: (magac, dhedig, keli) saayid noqosho; badasho; kordhid.
saayidid -da: (magac, dhedig, keli) siyaado ku darid, dheeri ku darid. Saayididdu beeggu waa belaayo xijaab. Dh: korodh, badasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakhirid
-da: (magac, dhedig, keli) fudaydin; dhib yarayn. Sakhiridda Eebbe ayaan ku soconnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saqiirid
(Saqiirid-da)
Carruurnimo ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqiirid
m.f.dh eeg saqiir². la-mid: siqiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqiirid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dhimashada yaraan: carruurnimo ku hoyo. Saqiirid carruureed waa sed aakhiro ee samir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taajirid
(Taajirid-da)
Taajir noqosho; hodmid; tanaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taajirid
m.f.dh eeg taajir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taajirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof hanti badan yeeshay, taajir noqod. Dh: hodmid, tanaadid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waafiqid
-da: (n) conformity (kon-foor-matiy, agreement (agrii-ment); accord (a-koodh); harmony (haar-ma-ni) ~ waafaqsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadirid
m.f.dh eeg xaadir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadirid
-da: (magac, dhedig, keli) xaadir ahaan; u joogid. Dh: xaadiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaafirin
(Masaafirin-ta)
Qof, eedsiin darteed, meeshuu degganaa ka wadid oo meel kale oo fog oo uusan rabin xoog ku geyn oo ku xayirid; fogeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafirin
m.f.dh eeg masaafiri. la-mid: masaafiris, masaafurin, masaafuris, musaafurin.