saaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saaf
(Saaf-ka)
Si gaar ah oo hilibka la kaydinayo loo sameeyo; waxaa laga dhigaa cadad bagbagafsan oo xalxalleefsan oo dabadeed la shiilo ama si kale loo dubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaf
saaf¹: m.l 1. S. ah: hilib jiir ah oo la balballaariyey oo subag ama saliid lagu shiilay lana kaydiyey. 2. la-mid: saafid.
saaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Hilib jiir ah balballaarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saaf
m.l 1. S. ah: hilib jiir ah oo la balballaariyey oo subag ama saliid lagu shiilay lana kaydiyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaf
m. n., [collective] strips of thinly sliced meat
saaf v. slice (meat) thin ~ in strips
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saaf
-ay I tay: (n) make thin or thinner; slice (islaays)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaf
(fal) 'hadal' kala qalqal, kala cadday: kala macnay. Dh: caddee, sharrax, faahfaahi.
saaf: (fal) 'hilib' mindi ku dildillaaci oo balballaadhi, wax xalxalleefsan ka dhig, ku jeexjeex.
saaf -ka: (magac, lab, keli) hilib si gaar ah loo sameeyo oo kaydiyo. waxaa laga dhigaa cadcad xalxaleef ah oo dabadeed la shiilo ama si kale loo dubo. Doqoni saaf carro leh sad ma mooddo.
saaf -ka: (magac, lab, keli) eeg faas.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saafe
Analyser
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafi
(Saafi-da, Saafi-ga)
1. Aan wax xumi ku dhex jirin; nadiif ah; miir ah.
2. Kalluun magaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafi
m.l 1. S. ah: wax nadiif ah oo aan wasaqi ku jirin. Tusaale: “ Cali wuxuu keenay malab saafi ah”. 2. Saafinnimo. 3. Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saafi
m.l 1. S. ah: wax nadiif ah oo aan wasaqi ku jirin. Tusaale: Cali wuxuu keenay malab saafi ah. 2. Saafinnimo. 3. Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saafi
Net
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saafi
m. n. (adj.): cleanliness; purity; pure thing; clean, pure
saafi [feminine] n., [collective] fish species
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saafi
name-f cleanliness; purity, pure, clean
name-m pure, sincere, clear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saafi
-ah: (adj) 1. pure (piyuur); clear (kiliyer); clean (kiliin) 2. net (net)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Saafi
magac loo baxsho gabadh quruxdeeda aawadeed lagu metaalay sidii biyo saafi ah oo aan huubo lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafi
(tilmaame) jabka lug ama meel kale oo kolkii la kabay ka dib, sideedii hore u kabanta. Dh: hagaag, toos. Li: maroor, gunaad.
saafi: (tilmaame) shey aan wax kale ku dheehnayn, shey aan wax kale ku dhafnayn.
saafi -ga: (magac, lab, keli) aan midabkiisi mooyee midaba kale tarraxin; si wanaagsan u cad.
saafi -ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sacaf
(Sacaf-ka)
Hab timirta la kaydinayo loo sameeyo: inta lafta laga baxsho oo dhir kala jaad ah lagu daro oo la rafaaqo oo cadad laga dhigo baa subag lagu fariisiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sacaf
sacaf¹: m.l Timir lafahii iyo gobortii laga gu-ray oo la cajimay.
sacaf²: f.g1 (-cfay, -caftay; -cfi) Timir sacaf ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sacaf
m. n., (mass n.): preserved dates, date marmalade ~ jelly paste
sacaf v. make a preserve of dates
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sacaf
-ka: (magac, lab, keli) hab timirta la kaydinayo loo farsameeyo, inta lafta laga saaro oo dhir kala jaad ah lagu daro oo la rufaaqo oo cadcad laga dhigo ayaa subag lagu fadhiisiyaa. Timir macaankeed waa sacaf oo laga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sadaf
(Sadaf-ka)
Dhulmanta kuweeda labada qalbac isugu aabburan, sida kuwa luulka, lakabka cad oo dhalaala oo gudaha kaga rogan; waxyaalo badan oo badhammadu ka mid yihiin baa laga sameeyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadaf
m.l Dhulman laba qalbac ka samaysan oo badanaa badda laga helo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sadaf
m. n. mother-of-pearl, oyster
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaf
-ka (magac, lab, keli) qolofleey labo qalbac leh oo badda laga helo. Waxa uu calooshiisa ku sameeyaa oo gudihiisa laga helaa luul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sadaf
de: mother-of-pearl, oyster
initial: s
lx: sadaf
pd: (-ka)
ps: n-m
key: sadaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaf
-ka: (magac, lab, keli) bir duuban oo ilko ku leh labada dhinac oo laga daaro matoorka gaadhiga. Muftaax ku rog salafka gaadhiga.
salaf -ka: (magac, lab, keli) ur silloon oo aan la sugayn.
salaf-ta: (magac, dhedig, keli) miyirdarro aan waxba loo fiirsan oo la degdego; seef la boodnimo. Dh: bayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saqaf
1. (Saqaf-ka) Qolalka aqalka daboolka kor ka saaran.
2. (Saqaf-ta) Cad xaleefsan oo ah laf ama caag ama gees ama wax kale oo ilko leh oo timaha lagu firo; shanlo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqaf
saqaf¹: m.l (-fyo, m.dh) la-mid: saanqaaf.
saqaf²: m.dh (-fo, m.l) Qori xalleefsan, ilko leh timaha dhaadheer lagu shanleeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saqaf
m. n. roof, ceiling; deck
saqaf [feminine] n. comb; combing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saqaf
-ka: (n) roof (ruuf); top of building
saqaf -ta: (n) hair comb (koom) ~ shanlo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqaf
-ka: (magac, lab, keli) aqalka guudkiisa sare ee jiingaddu saarantahay.
saqaf -ta: (magac, dhedig, keli) walax xalleefsan oo bir, qori ama caag ka samaysan, ilko badan leh oo lagu feedho. Dh: fidhin, shanlo, gadhfeedh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaalis
(Khaalis-ka)
Aan wax kale dheehin; saafi; miir; miid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miid
(Miid-da)
1. Wax kasta oo shubma oo culus oo saafi ah oo badanaa macaan, (sida miidda malabka iyo surta iyo subagga iyo miraha bislaada ama sonkorta lagu kariyo kd.).
2. Cadka ama inta wax ugu wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafan
La saafay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafid
(Saafid-da)
Burunji hilib ama wax la mid ah, mindi ku dildillaacin taniyo intuu ka noqdo wax ballaaran oo xalleefsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafirid
(Saafirid-da)
Meel safar u aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafnaan
(Saafnaan-ta)
Wax saafan ama la saafay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wandhar
(Wandhar-ka)
Wax la qalay oo hilibkiisii sidii sar la dhisay, loo kala baxshey, loo saafay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wandharan
La wandharay; la saafay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidh-cabirid
m.dh (kiimika) Saafid-mugeed ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa roganka asiidhcabiridda. Eeg alkalicabirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqbaq
m.l 1. Xabag aan saafi ahayn oo jilif, duux iyo wixi lamida ku dhafanyihiin. 2. Dhegdhegga indhaha buka ama aan nadiifka ahayn yeeshaan; fiish, dhalxan. 3. Dalool yar oo ku yaal albaab, dariishad iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyammacee
f.g2 (-ceeyay, -ceysay) Dhar saabuun lagu dhaqay biyo saafi ah ku raacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyarraaci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax hore loo mayray biyo saafi ah oo wasakhda ka dhammeysa ku dhaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadla'aan
m.dh 1. Xasilloon ahaansho (cir). 2. Caddaan; xaqiiqo. 3. C. ah: xasilloon (cir). 4. C. ah: Wax saafi ah; wax caddaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-siimow
m.l (baayoloji) Marka milanka laga sooco mile saafi ah iyada oo loo dhaxaysiinayo xuub badh habe, miiluhu waxaa uu u gudbiyaa milanka si uu uga hortago marinka miilaha ayaa loo yaqaan c. s.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calas
calas¹: m.l.kh 1. C. ah: biyo saafi ah. 2. C. ah: maraq dufankiisu yaryahay. 3. C. ah: midab casaan xigeen ah; maarniin.
calas²: m.dh 1. Biyo ama fuud aan miir ahayn calow galay, qasan. 2. Midabyo isku laban (xoolaha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calcalyo
m.dh Biyo xareed, saafi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhay
dhay¹: m.l 1. Lega xoolaha oo la kala baray barkii. 2. Dh. ah: meel bannaan oo aan geedo lahayn. 3. Dh. ah: meel biyo qabatin leh oo beerashada ku wanaagsan. 4. la-mid: dhayid.
dhay²: m.dh 1. Dh. ah: caano markaa la lisay oo aan weli suusacin. 2. Dh. ah: badar saafi ah oo sabuulkii laga sukulay. la-mid: dhaay.
dhay³: m.l/dh Geed nagaar yar, laammo aan lahayn oo caleemo balballaaran oo xooluhu cunaan leh.
dhay⁴: f.g1 (-yay, -yday; -yi) 1. Nafley cadho qabto daweyn. 2. Boog iyo wixi lamida daawo marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falgalkeene
m.l (-nno, m.dh) (kiimika) Iskudhis la falgala mid kale (oo ah ka la danaynayo). Ereygan, f., waxa badanaaba lagu isticmaalaa kiimikallada shaybaarka ee caadiga ah sida: naatriyam haydarogsaydh, haydarokoloorig asiidh, iyo wixi lamida ee loo adeegsado tijaabada iyo saafidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gef
gef¹: m.l la-mid: gaf¹.
gef²: m.l (-faf/-fef, m.l) 1. (fiisikis) Cabbiraadda ama qiyaasta aan la hubin ee xaddi. Tusaale ahaan, kulbeeg meerkari ah badanaaba waxa suurtaggal ah in heerkulka laga akhriyo darajada ugu dhow.. (xisaab) Marka laga hadlayo saafid tireed gefafku waa laba nooc: a) g. duubid: jawab tireed aan sugnayn ee ku soo baxda xisaabinta; b) Gefaf la jare ah: waxa ay la xiriiraan xadad lagama maarmaan ah ee ku jira sugnida seeb.
gef³: f.mg1 (-fay, -ftay) la-mid: gaf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaf
m.dh.u Meel la deggenyahay ama ceel agagaarkood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aaf
m.dh.u Meel la deggenyahay ama ceel agagaarkood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaf
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac cidla' ah oo cadaw xiga; dacalka u shisheeya degmada beesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saa
1. Maxaayeelay; maxaawacay; waxay ku noqotay; sabab.
2. Kolkaas; markaas; haddaba; kaddib.
3. Armaa; billaa; sow.
saa- — (saan: saa waan, saa anigu; suu: saa wuu, saa isagu; kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saa
saa¹: fk. 1. Armaa, billaa, sow. 2. Sida tan.
saa²: xi. 1. Markaas; haddaba. 2. Maxaa-yeelay, waxay kunoqotay, sabab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saa
xi. 1. Markaas; haddaba. 2. Maxaayeelay, waxay kunoqotay, sabab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saa
n. phr., deictic: like that, thus
saa adv., time: then, at that time
saa [conjunction] because
saa inter. lo and behold!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saa
(adv) that (daat); way, such (saj) way saas, sidaa. Ex: saa miyaad rabtaa? do you want it that way?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saa
(xidhiidhiye) markaas; haddaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saf
(Saf-ka)
1. Wax badan oo is wada feer taagan; aan kalana horrayn kalana danbayn; sarac.
2. Cudur isku kol wax badan ku dhaca; safmar; tariib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saf
saf¹: m.l (-faf, m.l) Wax badan is wada barbar taagan, aan kala horreyn kalana dambayn; sarac.
saf²: f.g1 (-fay, -ftay) Wax saf gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saf
saf¹: m.l (-faf, m.l) Wax badan is wada barbar taagan, aan kala horreyn kalana dambayn; sarac.
saf²: f.g1 (-fay, -ftay) Wax saf gelin. m.f.dh, safid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saf
m. n. line, queue, row; rank
saf v. line up, arrange in a row
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saf
-ka: (n) line (laayn); queue (kiy-uu); row (roow), file (faayl)
saf -ay -tay: (v) arrange in or form a line; align (a-laayn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saf
(fal) fayl geli; layn u jooji; kiyuu geli; fiila u istaaji. Dad la safay baa safiirradii soo dhoweeyey. Dh: fayli.
saf -ka: (magac, lab, keli) cudur dad badan wada gaadha hal mar oo isku si ugu dhaca. Dh: safmar, tariib.
saf -ka: (magac, lab, keli) wax badan oo is wada barbar taagan ama isku dabafaylsan oo isku wada aaddan; dad is wada dhinac jooga oo aan ka la horraynin, ka la danbaynin oo wada siman; tire xidhiidhsan oo mid ba ta kale dabajoogo. Saf baa loo joogsaday. Dh: sarac.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saf
صف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaf
m.l (-faf, m.l) Weel weyn oo bir ah una sameysan sida saxan oo dharka lagu dhaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaf
m.l (-faf, m.l) Weel weyn oo bir ah una sameysan sida saxan oo dharka lagu dhaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaf
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah qalabka codka weyneeya, bahiyana. Baaf baa i dul yaalay oo waxba ma maqlayn, kolkaad ila hadlaysay.
baaf -ka: (magac, lab, keli) saxanka lagu dhaqo maryaha; saxniga dharka lagu maydho. Dh: tashti, saxni, sixni, saxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaf
1. (Daaf-ka) Xanuun indhaha ku dhaca; bakooro.
2. (Daaf-ta) Doc, dhinac; barbar; gees; hoobad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaf
daaf: m.dh (-fo, m.l) Doc; dinac; hareer.
dąaf¹: m.l Xanuun indhaha ku dhaca; bakooro.
dąaf²: m.l (daawo) Halamacoodka xuubka isha iyo baalasha kaasoo gaduuta oo barara soona daaya biyo ama malax.
dąaf³: f.mg1 (-fay, -ftay) Daaf ku dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaf
daaf: m.dh (-fo, m.l) Doc; dinac; hareer.
dąaf¹: m.l Xanuun indhaha ku dhaca; bakooro.
dąaf²: m.l (daaw.) Halamacoodka xuubka isha iyo baalasha kaasoo gaduuta oo barara soona daaya biyo ama malax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaf
m. n., [collective] purulent conjunctivitis (eye disease)
daaf v. have conjunctivitis
daaf [feminine] n., loc. side, corner; bottom of hill
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daaf
-ka: (n) eye disease; conjunctivitis (kon-jen-ten-veey-tis); pinkeye (pin-kaay)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaf
(fal) indhaha xanuunka daafku hakaaga dhaco. Indhihiisa markaan arkay baan ku daafay Dh: bakoorow.
daaf -ka: (magac, lab, keli) xanuun ku dhaca indhaha oo la is qabadsiiyo, baqbaq iyo xafajo badanna u keena oo wax aad qori mooddaa indhaha dhex ordo. Dh: bakooro, qoridaaf.
daaf -ta: (magac, dhedig, keli) meesha aad joogto meel dhinac ka ah. Daaf uga joogso gaadhiga yaanu ku jiidhine. Dh: doc, gees, barbar, hoobad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaf
(Faaf-ka)
Meelo badan oo la saabto; fitaax; ballaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaf
faaf¹: m.l 1. Meesha wabiyadu iyo daadadku ku fatahaan. 2. la-mid: faafid.
faaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Biyo, cudur, war iyo wixi lamida meel ku baahid. la-mid: faah², faax².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faaf
faaf¹: m.l Meesha wabiyadu iyo daadadku ku fatahaan.
faaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Biyo, cudur, war iyo wixi lamida meel ku baahid. m.f.dh, faafid. la-mid: faah, faax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaf
v. spread
faaf vl. n. spreading, being spread about
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faaf
-ka: (n) 1. outbreak (awt-breyk). 2. the act of scattering or spreading -faafis. 3.-faaf ay tay: (v) (iskaa ter); spread (ispareedh) scatter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaf
(fal) fid oo baah; meelo badan isku ballaadhi. Li: urur, kooban.
faaf -ka: (magac, lab, keli) dhul ballaadhan oo biyo fadhiisin ah; meelo badan oo la saabto. Dh: doox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaf
(Gaaf-ka)
1. Meel la hagaajiyey oo la qurxiyey oo arooska loo sameeyo oo lagu sameeyo caweys, cunno, dheelaas, cayaaro, kd.
2. Dhis kala durugsan; hadoodil.
3. Kol, kal, toogo, moog; jilays.
4. Hareer; dibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaf
gaaf¹: m.l (-faf, m.l) 1. Xaflad loo sameeyo labada is aroosay maalinta ay toddoba baxayaan. 2. Dhisme ku meelgaar ah. 3. Kaltan. 4. Dad shir u fadhiya looga arrinsanayo xaajo waxku'ool ah. 5. Hareer. 6. Dibad. 7. Meesha gorayada ku dhasho. 8. Midab geelu yeesho oo madow xigeen ah.
gaaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Wax ka dheeraan iyada oo muujinaya diidmo iyo nicitaan (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaaf
m.l (-faf, m.l) 1. Xaflad loo sameeyo labada is aroosay maalinta ay toddoba baxayaan. 2. dhisme ku meelgaar ah. 3. Kaltan. 4. Dad shir u fadhiya looga arrinsanayo xaajo waxku'ool ah. 5. Hareer. 6. Dibad. 7. Meesha gorayada ku dhasho. 8. Midab geelu yeesho oo madow xigeen ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaf
m. n. ground cleared for wedding celebrations, wedding feast; structure set up for wedding feast; occasion, party, time; yard, open space
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaaf
-ka: (n) traditional wedding party, usually in northern Somalia
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaf
(fal) «u ka qaybqaado hawlaha iyo ciyaaraha aroos.
gaaf-ka: (magac, lab, keli) wareegga guriga arooska hortiisa laga dadbo oo la qurxiyo si habeennada arooska dhallinyaradu ay ugu caweyso. Galabta ayaa gaafkii la dadbayaa. Dh: xayndaab, ardaa.
gaaf -ka: (magac, lab, keli) xaflad casuumad iyo ciyaaro iskugu jirta oo habeenka seddexaad ama toddobaad ee arooska la sameeyo.
gaaf -ka: (magac, lab, keli) hareer ama dibad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaf
de: ground cleared for wedding celebrations, wedding feast; structure set up for wedding feast; occasion, party, time; yard, open space
lx: gaaf
pd: (-ka Pl: gaafaf (ka))
ps: n4-m
key: gaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaaf
(Kaaf-ka)
Xarafka 11d oo Alifka Soomaalida magaciisa; (K).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaaf
m.l (-faf, m.l) Xarafka ka'. la-mid: k (ka').
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaaf
m.l (-faf, m.l) Xarafka ka'. la-mid: k (ka').
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaaf
m. n. K [letter of the Arabic & Somali alphabet.]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaf
-ka: (magac, lab, keli) xarafka ka, k, ka'.
kaaf -ka: (magac, lab, keli) erey la adeegsado marka la cabbirayo labo arrimood oo kala dheer oo aad u kala duwan. Waxaad noo sheegayso iyo xaqiiqdu waa kaaf iyo kala dheeri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaaf
a: ka'
bw: Arabic
de: K [letter of the Arabic & Somali alphabet]
lx: kaaf
pd: (-ka Pl: kaafaf (ka))
ps: n4-m, n2a-m
key: kaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaf
laaf¹: m.dh (-ooyin, m.l) (jooloji) Dhadhaab dhalaashan ama magma oo ka soo burqanaysa dhulka gudihiisa oo soo gaarta dhulka dushiisa, taas oo ka soo baxda karaytarka folkaanaha ama jeex-jeex dhulka dushiisa ah. Dhulka dushiisa laafadu si dhaqso leh ayay ugu adkaataa marka loo eego dhaqsaha adkaashadeeda ee dhulka gudihiisa.
laaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Ka l.: qof aan ka dhergin galmada qof kale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laaf
m.dh (-ooyin, m.l) (jool.) Dhadhaab dhalaashan ama magma oo ka soo burqanaysa dhulka gudihiisa oo soo gaarta dhulka dushiisa, taas oo ka soo baxda karaytarka folkaanaha ama jeex-jeex dhulka dushiisa ah. Dhulka dushiisa laafadu si dhaqso leh ayay ugu adkaataa marka loo eego dhaqsaha adkaashadeeda ee dhulka gudihiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaf
(fal) qof aan ka dhergin galmada qof kale ahaw.
laaf: (tilmaame) cad maro hun ah oo aad u jilicday Dh: jarqi.
laaf -ka: (magac, lab, keli) dhadhaab dhalaashan ama magma oo ka soo burqanaysa dhulka gudihiisa oo soo gaarta dhulka dushiisa, taas oo ka soo baxda karaytarka folkaanaha ama jeexjeex dhulka dushiisa ah. Dhulka dushiisa laafadu si dhaqso leh ayay ugu engegtaa marka loo eego dhaqsaha adkaashadeeda ee dhulka gudihiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaf
naaf¹: m.l (-fo, m.l) 1. Xiddig ka mid ah ururka naafo. 2. (m.w) Toddobada xiddigood oo “naafcadduhu” ugu horreeyo, “dirirkuna” ugu dambeeyo; waxay u dhexeeyaan toddobada “raqaha” iyo toddobada “daalallida”; waa xiddigo xagaa.
naaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Naafo ka dhigid; dhaawicid; curyaamin. la-mid: naafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaf
(fal) cid kale, naafo ka dhig oo curyaami. Dh: naafee.
naaf -ka: (magac, lab, keli) xiddig ka mid ah falagga oo dayaxu habeenba mid la fadhiisto oo ururka naafo ka tirsan.
naaf -ka: (magacwadareed) toddobada xiddigood oo 'naafcadduhu' ugu horreeyo, 'dirirkuna' ugu dambeeyo. Waa urur xiddigo oo u dhexeeya toddobada 'raqaha' iyo toddobada 'daalallida' oo la arko xagaaga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaf
(Qaaf-ka)
Xarafka 16d oo Alifka Soomaalida magaciisa; (q).