saacufay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saacufay
(fal) aad u gaboobay, daranyana qaba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saacuf
(tilmaame) aad u gabawsan. Beryahan saacuf la i mood. Dh: odhodhosh. Dh: odhodhoshay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuunay
(tilmaame) saabuun ku maydh. Dh: saabuunee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafay
(fal) dhibaato iyo xumaan dad kale qabadsii oo gaadhsii. Haddii ad xanuun qabto dadka kale ha aafayn. Dh: aafee, ibtilee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufay
(fal) meel daloosha, gufay; gufee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safay
(fal) saafi ka dhig, wixii ku jiray ka saar oo ka dhig saafi. Safay biyaha inta aanad cabin. Dh: nadiifi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacuf
m.dh Timo ama dhogor dheer, si xun u baxay ama aan la habeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daacuf
f. n., (mass n.): hair, fur (of an animal); unkempt beard ~ hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacuf
-ta: (magac, dhedig, keli) nin timihiisu aanay isku habaysnayn, gaar ahaan gadhka.
daacuf -ta: (magac, dhedig, keli) shaash iyo timo badan oo madaxa ku soo rogmada. Aar daacuf leh ayaa duudda ku jira. Dh: halab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daacuf
de: hair, fur (of an animal); [fig.] unkempt beard ~ hair
lx: daacuf
pd: (-ta)
ps: n2a-f-mass
key: daacuf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saacad
(Saacad-da)
1. Qalab kasta oo waqtiga lagu cabbiro oo saacadaha sheega, siiba kan leh weji wareegsan oo lambarro ku yaalliin iyo labo irbadood oo kala dheer oo midi saacadaha sheegto midina daqiiqadaha oo uurka ku leh biro iyo siligyo isku qoofalan oo hadba la buuxiyo.
2. Hal saac ama 60 daqiiqadood.
3. Uraad; urshi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saacad
m.dh (-do, m.l) 1. Qalab waqtiga lagu cabbiro oo leh meel wareegsan oo lambaro ku yaalliin iyo laba irbadood oo kala dheer oo mid saacadda muujiso midda kalena daqiiqadaha muujiso. 2. Maalinta oo 24 meelood loo qaybiyey meesheed. 3. Wakhti.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saacad
m.dh (-do, m.l) 1. Qalab waqtiga lagu cabbiro oo leh meel wareegsan oo lambaro ku yaalliin iyo laba irbadood oo kala dheer oo mid saacadda muujiso midda kalena daqiiqadaha muujiso. 2. Maalinta oo 24 meelood loo qaybiyey meesheed. 3. Wakhti.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saacad
Hour; Watch
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saacad
f. n. hour; time; clock, watch
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saacad
-da: (n) 1. watch (waaj), clock (kalaak); wristwatch; alarm clock. 2. hour (a-war); time (taaym) Ex: saacadda ma ii sheegi kartaa? can you tell me the time?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saacad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab kasta co wakhtiga lagu cabbiro oo saacadaha sheega, siiba kan leh weji wareegsan oo lanbarro tilmaama saacadda, minitku iyo ilbidhiqsiga ay ku yaalliin ka muuqdaan; qalab wareegsan oo leh qory yaryar oo irbado mooddid oo mid ilbidhigsiga tilaamo oo ka ugu socodka badan uguna dheer midna miridhidhka oo kann hore ka gaaban midna saacadda tilmaamo oo ah kann ugu gaaban uguna socodka yar ugu gaaban. Siciidow saacaddu meeqa saac bay sheegaysaa. Dh: goorsheeg.
saacad -da: (magac, dhedig, keli) waqti le'eg maalin iyo habeenkeed oo afar iyo labaatan meelood loo qaybiyay; waqti dhan lixdan daqiiqo. Nimaanad saacad ku baran sannad kuma baratid. Wa: saacado.
saacad -da: (magac, dhedig, keli) dharaarta adduunyadu rogman doonto. Saacaddu markay dhacdo cidna salaad, soon iyo wixii la mid ah laga aqbali maayo. Dh: qiyaame, joogdheer, rogmad.
saacad -da: (magac, dhedig, keli) qalabka korontada lagaga shaqeeyo mid ka mid ah oo xiiska, xiisadda, caabbiska, iyo wixii la mid ah, lagu cabbiro. Saacadda korontadu lacag badan bay bishan soo qortay tii biyahana weli maba eegine.
saacad -da: (magac, dhedig, keli) midab gaar ah oo cunnada iyo daaqu yeeshaan. Dh: uraad, urshi, saac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saacad
de: hour; time; clock, watch
initial: s
lx: saacad
pd: (-da)
ps: n1-f-time
xe: Arabic
xv: daqiiqad ~ daqiiqo 'minute'
key: saacad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saacad
ستُونَ دَقِيقَة، آلَةً يُعْرَفُ بِهَا الْوَقْتُ سَاعَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafan
La saafay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafan
saafan¹: m.dh Nooc kalluun ka mid ah.
saafan²: f.mg1 (-fmay, -fantay; fmi) Hilib wax saaf laga dhigay noqosho.
saafan³: f.mg4 (-fnaa, -fnayd) Hilib wax saaf laga dhigay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saafan
der. [adjective] sliced thin ~ in strips
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafan
(tilmaame) la saafay, mindi lagu dildillaaciyay ilaa laga dhigayay wax bagafsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saakay
fk. la-mid: saaka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saakay
(adv) this morning ~ saaka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saakay
-da: (magac, dhedig, keli) subaxan hadda la joogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalay
(fal) xayawaan saalo dhig. Lo' saalaysay oon baa haya. Dh: saalood, saalee
saalay: (fal) saalo dhig: saalood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sancay
(fal) sanco ku samay wax xumaaday. Dh: sancee. Li: xumee, xumay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shufay
(fal) shufto noqo; shuftow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarray
-da: (magac, dhedig, keli) gabdha aadka u tumata sitaadka ama saarka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacufle
m.l Qof ama neef daacuf ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daacufle
m. n. person with untidy hair; animal with messy fur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacufle
-ha: (magac, lab, keli) magac ka mid ah kuwa loo yaqaan libaaxa. Daacuflaha ka soo baxso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daacufle
de: person with untidy hair; animal with messy fur
lx: daacufle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: daacufle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadifay
(fal) gaashaanka u darruur oo iska moos. Arrinta iska daadifee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarumay
(fal) lugaha kala saar oo si wanaagsan u joogso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanifad
m.dh la-mid: saniifad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saanifad
f. n. decorative border ~ edging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanifad
-da: (magac, dhedig, keli) calaamo maryaha dacalkooda loo yeelo. Saanifad baa loo yeelaa shalmadaha. Dh: saniifad, aarad, darxad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saanifad
a: saniifad
de: decorative border ~ edging
initial: s
lx: saanifad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: saanifad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakulay
(fal) cid kale, caawi oo u gargaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabuunayn
m.dh Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saabuunayn
m.dh Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) saabuun ku maydhid. Dh: saabuunays.
saabuunayn -ta: (magac, dhedig, keli) Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh. saabuunays -ka: (magac, lab, keli) saabuunayn. saabuunayti -da: (magac, dhedig, keli) noocyada miinada mid ka mid ah oo saabuunta adagee dharka u eg. Saabuunti bay ahayd wixii saaka baabuurka ku qarxay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaabuugay
(fal) la dhac shaabuug. Dh: karbaash.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaacbaxay
(v) become popular, public or celebrity ~ caan noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacirayn
m.f.dh eeg shaaciree. la-mid: shaa-cirays, shactirayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacirays
m.l la-mid: shaacirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal la islaha xumayn; cid kale aflegaadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadguray
(fal) ka qaad dad ama wax kale halkii uu degganaa ama uu yaallay oo meel kale u rar. Ka daadguree dadka goobta dagaalka. Dh: diqdiqee, daabbul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaruqayn
m.f.dh eeg daaruqee. la-mid: daaruqays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaruqays
m.l la-mid: daaruqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadhumay
(fal) lugaha kala saar oo si wanaagsan u joogso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarumayn
(Faarumayn-ta)
(geel) (u faarumayn) hasha la lisa hayo, lugaha dib ugu bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarumayn
m.f.dh eeg faarumee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) 'geel' si fiican u joojin oo lugaha kala bixin. Dh: faadhumayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farakuhay
v., [compound] grasp, control; practice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farakuhay
-ey / say: (n) do or perform something habitually or repeatedly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farakuhay
de: grasp, control; practice
lx: farakuhay
pd: (farakuhayey)
ps: v2a=cmp
key: farakuhay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxumay
(fal) gabadh kufso; gabadh xoog iyo khasab ugu galmoo; ceebaal gabadh u geyso oo qasab ugu galmoo. Dh: kufso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaa'ifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jaa'ifo, dhaawac ama waxyeello gaadhsiin; afxumo gaadhsii.
jaa'ifayn-ta: (magac, dhedig, keli) lacagsiinta cid guri kiro ah lagaga jiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maanafaay
magac loo bixiyo gabadh laga filayo maskax iyo xasuus gaar ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saacidaad
-da: (magac, dhedig, keli) taageero; saacidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saad-haye
-ha: (magac, lab, keli) qof mas'ul ka ah haynta saadka; ninka ciidan saadka u haya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqaday
(fal) sadaqad u bixi; maal sako ka bixi, sadaqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salfudayd
m.l Dabeecad salfudayd iyo samir la'aan leh. la-mid: salfududaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salfudayd
m.l Dabeecad salfudayd iyo samir la'aan leh. la-mid: salfududaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salfudayd
-ka: (magac, lab, keli) degdeg, fiirsi la'aan ama samir darraan oo wax lagu qabto. Salfudaydka hooggiisa, bal sallaankan fuul laalan. Li degganaansho, hubsiimo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sanctuary
/saak juweri/ (n) 1. meel barakaysan 2. meel la magan-galo (meel lugu nabad galo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandullay
(fal) qof khasab wax ku yeelsii; khasab wax kaga dhig, ku ajbur. Dh: sandullee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaambaay
m.dh la-mid: shaambi¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaandhay
(fal) waxyaabo isku dhexjira, shaandho ku kala safay.
shaandhay: (fal) turubka isdhexgeli; baandhay; bawis.
shaandhay: (fal) (isku ~) 'dawlad' xubnaha dawladda isku bedbeddel.
shaandhay: (fal) 'arrin' waxa ku dheeriga ah ka saar, si fiican uga baaraandeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactiray
(fal) cid kale, ka qoslisii; maadee; shactiray, majaajillay. Dh: maadey, dhactiree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taakulayn
(Taakulayn-ta)
Waxtarid; kaalmayn; taageerid; gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taakulayn
m.dh la-mid: taakulid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taakulayn
-ta: (n) 1. logistics (logistiksis). 2. support (sa-poort); the act of supporting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kaalmo iyo taageero u fidin. Dh: caawimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakulays
-ka: (magac, lab, keli) eeg taakulayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufiye
-ha: (magac, lab, keli) wax wixii yaalba qaada oo meesha uu maro xaaluf ka dhiga. Dh: xaadhe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanculays
-ka: (magac, lab, keli) dhaqso yaraan; degdeg yaraan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saab rofayt
Saprophyte
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saabcaarayn
(Saabcaarayn-ta)
Saabcaaro u yeelid, ku samayn, ku awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabcaarayn
m.f.dh eeg saabcaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabcaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) saabcaaro u samayn ama u yeelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaabuugayn
m.f.dh eeg shaabuugee. la-mid: shaabuugays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaabuugayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaabuug la dhicid. Dh: karbaashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaabuugays
m.l la-mid: shaabuugayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacidaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax loo ictiqaadiyo in hoodo laga helo.