saabuunqubays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuunqubays
-ta: (magac, dhedig, keli) saabun lagu qubaysto; saabuun lagu maydho jidhka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabuunayn
m.dh Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saabuunayn
m.dh Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) saabuun ku maydhid. Dh: saabuunays.
saabuunayn -ta: (magac, dhedig, keli) Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh. saabuunays -ka: (magac, lab, keli) saabuunayn. saabuunayti -da: (magac, dhedig, keli) noocyada miinada mid ka mid ah oo saabuunta adagee dharka u eg. Saabuunti bay ahayd wixii saaka baabuurka ku qarxay.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saabuun-ta
savon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaabuugays
m.l la-mid: shaabuugayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabasaabays
-ka: (magac, lab, keli) qof kale, waxa uu rabo illowsiin. Saabasaabays baa reer lagu wadaa. Dh: sasabid, saabasaabayn, sabaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuuncadar
-ta: (magac, dhedig, keli) saabuunta jidhka jaad ka mid ah oo udgoon. Saabuuncadar baan ku maydhay saaka. Dh: saamuuncadar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuunmaris
-ta: (magac, dhedig, keli) saabuunta wax lagu maydho ee aan budada ahayn. Dh: saabuundhagax; maris.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saabuun qasan
Sapone liquido
Liquid soap
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanuunaday
(fal) iidaan ama suugo ku dar Sanuunadee bariiska. Dh: suugee, soosee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaabuugay
(fal) la dhac shaabuug. Dh: karbaash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabaqadays
-ka: (magac, lab, keli) sumad inta kale lagaga soo sooco u yeelid. Daabaqadays u samee ahminka intaanad kaxaynin. Dh: daabaqadayn. daabaqadaysan: (tilmaame) neef calaamadaysan ama suntan. Adhi daabaqadaysan baa gaadhiga saaran. Dh: calaamadaysan, sumadaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabbuuneyn
m.f.dh eeg saabbuunee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanuunadayn
(Sanuunadayn-ta)
Sanuunad ka dhigid ama u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanuunadayn
m.f.dh eeg sanuunadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanuunadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sanuunad ka dhigid ama ka samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaabuugayn
m.f.dh eeg shaabuugee. la-mid: shaabuugays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaabuugayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaabuug la dhicid. Dh: karbaashid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaabuugeys
-ka: (magac, lab, keli) shaabuugayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabaraabays
-ka: (magac, lab, keli) shaqada raabaraabaynta lafteeda.
raabaraabays-ta: (magac, dhedig, keli) qaygaybin oo kooxkoox ka dhigid. Dh: kooxokooxays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabasaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) 'carruur' qof wax uu doonayo illowsiin. Dh: sabid; sasabid; sabaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamuuncadar
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg saabuuncadar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabbuuncadar
m.dh Saabbuun udgoon oo lagu mayrto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabbuunmaris
m.l Saabbuunta noocyada dharka lagu dhaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saabbuunmaris
m.l Saabbuunta noocyada dharka lagu dhaqo.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saabuun (Cr.)
Sapone
Soap
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saabuun budo ah
Detersivo
Detergent
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAABUUN-DHULEED
(Sabun-duled) May Momordica spinosa (Gilg) Chiov. Cucurbitaceae.