saabuunmaris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuunmaris
-ta: (magac, dhedig, keli) saabuunta wax lagu maydho ee aan budada ahayn. Dh: saabuundhagax; maris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabbuunmaris
m.l Saabbuunta noocyada dharka lagu dhaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saabbuunmaris
m.l Saabbuunta noocyada dharka lagu dhaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maris
-ka: (magac, lab, keli) saabuun adag oo dharka lagu dhaqdo.
maris -ka: (magac, lab, keli) shimbir yar oo mucjisad leh; waxay si layaab leh ugu hoggaamisaa ninka herinka ah oo keliya, ugaar, habar dugaag, halaqa qaar ka mid ah, malabka shinnida iyo wixii la mid ah. Dh: waris, buli, shimbir
maris -ta: (magac, dhedig, keli) eeg marid.
maris -ta: (magac, dhedig, keli) eeg marin.
maris -ta: (magac, dhedig, keli) saabuunta dharka lagu maydho. Maris tukaanka iiga soo iibi. Dh: saabuunmaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabbuunmadow
m.dh Saabbuun dharka lagu dhaqdo oo leh midab madow buluug xigeen ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuunay
(tilmaame) saabuun ku maydh. Dh: saabuunee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabuunayn
m.dh Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saabuunayn
m.dh Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) saabuun ku maydhid. Dh: saabuunays.
saabuunayn -ta: (magac, dhedig, keli) Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh. saabuunays -ka: (magac, lab, keli) saabuunayn. saabuunayti -da: (magac, dhedig, keli) noocyada miinada mid ka mid ah oo saabuunta adagee dharka u eg. Saabuunti bay ahayd wixii saaka baabuurka ku qarxay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuuncadar
-ta: (magac, dhedig, keli) saabuunta jidhka jaad ka mid ah oo udgoon. Saabuuncadar baan ku maydhay saaka. Dh: saamuuncadar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabbuuncadar
m.dh Saabbuun udgoon oo lagu mayrto.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saabuun (Cr.)
Sapone
Soap
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saabuun qasan
Sapone liquido
Liquid soap
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuunqubays
-ta: (magac, dhedig, keli) saabun lagu qubaysto; saabuun lagu maydho jidhka.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
XISAAB HORMARIS
Anticipazione
Advance account
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuumaqas
m.l 1. Nafley bad ku nool ah oo leh jir qolof adag ku dahaarantahay, toban lugood oo labada hore u egyihiin maqas oo la cuno; koombe. 2. Nooc ka mid ah sigaarradii 40kii iyo 50kii Soomaaliya laga cabbi jirey oo dusha maqas kaga sawirnaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abuumaqas
m.l 1. Nafley bad ku nool ah oo leh jir qolof adag ku dahaarantahay, toban lugood oo labada hore u egyihiin maqas oo la cuno; koombe. 2. Nooc ka mid ah sigaarradii 40kii iyo 50kii Soomaaliya laga cabbi jirey oo dusha maqas kaga sawirnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuumaqas
-ka: (magac, lab, keli) eeg abumaqas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuunee
(fal) saabuun ku maydh. Dh: saamuunee, saabuunay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
salguuris
-ta: (n) extinction (ikis-tingk-shin)-, elimination (ili-mi-neey-shin)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaalmaris
m.l la-mid: abaalmarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalmaris
-ta: (magac, dhedig, keli) ajarka uu Ilaahay siiyo addoomihiisa wanaagsan. Dh: abaalmarin.
abaalmaris-ta: (magac, dhedig, keli) samafal iyo hawl wanaagsan uu geystay uga abaalgudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuu-maqas
(Abuu-maqas-ka)
Iskaanbe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abuu-maqas
m. n. lobster
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malabmaris
m.dh (-syo, m.dh) Shimbir dadka u hoggaamisa meesha uu malabku ku jiro; shimbir malab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabmaris
-ta: (magac, dhedig, keli) shimbir malabka sheegta. Malabmaris ayaa geedkaa ku joogta. Dh: maris.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saabuun-ta
savon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdabamaris
m.l la-mid: isdabamarin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sanguinàrio
agg. e s.m. dhiigyacab (ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaabuugays
m.l la-mid: shaabuugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdabammaris
m.l la-mid: isdabamarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdabammaris
-ka: (magac, lab, keli) sidii qummanayd, ama la isku ogaa, si aan ahayn u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamuuncadar
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg saabuuncadar.