saabuun-dhuleed
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAABUUN-DHULEED
(Sabun-duled) May Momordica spinosa (Gilg) Chiov. Cucurbitaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaab-dhuleed
m.l (-bab ..., m.l) (jooloji) Erey mararka qaarkood lagu isticmaalo in lagu muujiyo qaabka dhulka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaab dhuleed
Geoid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taag-dhuleed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Laab-ka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taag-dhuleed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Laabka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhuun dhuleed
Tunnel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbir-dhuleed
m.l (juqraafi) Sayniska cabbiraadda qaabka iyo xajmiga dhulka oo ay ku jiraan miisaankiisa, cufnaantiisa iyo wixi lamida, iyo isla markaas sahaminta qaybaha waaweyn ee dhulka dushiisa ah si loo garawsado xoodnaanta dhulka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo-dhuleed
m.l (-dyo, m.dh) (jooloji) Biyaha ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya ay hoos ugu dusayaan carrada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyo-dhuleed
m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Biyaha ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya ay hoos ugu dusayaan carrada.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Taag dhuleed
Geoanticline
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabbirdhuleed
m.l (juqraafi) Sayniska cabbiraadda qaabka iyo xajmiga dhulka oo ay ku jiraan miisaankiisa, cufnaantiisa iyo wixi lamida, iyo isla markaas sahaminta qaybaha waaweyn ee dhulka dushiisa ah si loo garawsado xoodnaanta dhulka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharcidhuleed
-ka: (magac, lab, keli) sharci gooni u ah dhulka, oo dadka lagu kala maamulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waarigdhuleed
-da: (magac, dhedig, keli) waarigta teeda aan la cunin ee ka baxda meelaha aan dundumooyinka ahayn oo booga dhayaha la bah ah. Waarigdhuleedda waa lagu balaloodaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacuun-calooleed
m.l la-mid: daacuun¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacuuncalooleed
-ka: (magac, lab, keli) xanuun dilaa ah oo shuban badan iyo madag leh oo nadaafadxumada iyo gaajada ka dhasha. Xeryaha qaxootiga ayuu daacuuncalooleed ka dillaacay. Dh: shuban, kalloore, daacuun.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaalin dhuxuleed
Coaling station
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biyo dhuleed
Groundwater
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulin-duleed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Noole dulin ah oo soorihiisa dusha kaga nool. Tusaale: “Injirta”.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SALBUKO-GEED
(Salbuko-ged) S Cajanus cajan (L) Millsp. Papilionaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ubac dhuleed
Centrosphere
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf dhuleed
Ground frost, Land-ice
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuxuldhuleed
m.l la-mid: dhuxuldhagaxeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuunqubays
-ta: (magac, dhedig, keli) saabun lagu qubaysto; saabuun lagu maydho jidhka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruur-buureed
m.l (-ryo ..., m.dh) (c.cimi.) Daruur ka samaysanta dhinaca dugaalka ah ee buurta ama figta gunburta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhidib-dhuleed
m.l (-byo ..., m.dh) (c.fal.) Xarriiq la mala awaalay oo isku xira cidhifka woqooyi iyo kan koonfureed, marana bartamaha dunida oo dhulku isku rogo hal mar afar iyo labaatankii saacadood. Dh. dh.ku wuxuu la leeyahay janjeer ah 66° 30 sallaxa majiiraha dhulka.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LUUBAAN-DUUREED
(luban-dured) S, C Aspilia mossambicensis (Oliv) Willd. Composotae.