s
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
S
(siin, sa'*) Xarafka 18d. oo Alifka Soomaalida. Waa shibbane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
s
m.dh (sa') Xarafka siddeed iyo tobnaad ee alifka Soomaaliga, waana shibbane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
s
(sa') m.dh Xarafka siddeed iyo tobnaad ee alifka Soomaaliga, waana shibbane.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
s
-da: (n) eighteenth [18th] letter of the Somali alphabet, according the to style used by this dictionary, it is a consonant, pronounced as [sa' or siin], like [summer] ~ shibbane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
s
-(sa'): xarafka sideed iyo tobnaad ee Alifba'da Farsoomaaliga ahna shibbane u qorma: S, s.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
A
a: (a')
Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabburan
Aabur la saaray; la daboolay; furaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabburid
(Aabburid-da)
Weel dabool saarid; daboolid; furayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aad
aad: 1. (⁰) Dhab; si daran.
2. Adigu.
-aad: Tiraab lagu dabakaro tirada oo muujiya jagada tiradaasi ku abbaaran tahay, saddex-aad (3d.); shan-aad (5d.); sagaal-aad (9d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadid
(Aadid-da)
Meel u socosho; tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalkol
* (Aalkol-ka)
Biyabbiyood aan midab lahayn, oo ur sillan, oo daarmi og, oo baabbi'i og, oo siyaalo badan loo soo saaro, waxna loogu qabsado, (ama aalkolo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammus
(Aammus-ka)
Hadal la'aan; shib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusan
Aan hadla hayn; shib ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusnaan
(Aammusnaan-ta)
Hadlid la'aan; shib ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aas
(Aas-ka)
1. Xabaasha (dadka dhinta) iyo waxa ku saabsan; duug.
2. Iftiinka midabyada leh oo qorraxdhaca; cirguduud; cilcillow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aashaa
(aash-)
Si miyir iyo xasilloonaani ku jirto; aayar, tartiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aashuun
(Aashuun-ka)
Weel biyaha lagu shubto oo laga sameeyey dhoobo; malbo; jalxad; shaanbi; ballaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayad
(Aayad-da)
1. Suurad quraan, tixaha ay ka kooban tahay, middiiba.
2. Wax aan hor loo arki jirin oo yaab leh.
3. Mucjiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayar
Si deggan oo miyir leh; qunyar; tartiib; xasil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayo
1. (Aaya-da) (waa shedan tahay) Carruurta hooyadood maahee, oorida kale, oo aabbahood qabo.
2. (Aaya-ha) Waxtar waa danbe wax laga dheefo; ciribdanbeed; aayatiin; meecaad; liil danbe; (ama aaye).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ab
(Ab-ka)
Awooweyaashii hore oo laga soo jeedey; isir; wasiir; walcan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaajiyid
(Abaajiyid-da)
Baadi wax badan sii maqnayd, iyadoo aan la tebin; tasoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaal
(Abaal-ka)
Samafal laysu galay, xusuusta wanaagsan iyo mahadda laysaga hayo; lib; gallad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaalgud
(Abaalgud-ka)
Wanaag iyo samafal laysu galay oo wanaag kale lagu gudo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaalhayn
(Abaalhayn-ta)
Samaan laysu falay, mahad iyo xusuus wanaagsan u hayn.