ruxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruxo
f.g/mg3 (-xday, -xatay) 1. (f.g) Qof, wax hilasho. 2. (f.g) Qof, haan caano ku lulasho. 3. (f.mg) Wax iskood u lulasho ama gilgilasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ruxo
f.g/mg3 (-xday, -xatay) 1. (f.g) Qof, wax hilasho. 2. (f.g) Qof, haan caano ku lulasho. 3. (f.mg) Wax iskood u lulasho ama gilgilasho. m.f.dh,ruxasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruxo
v. shake, wobble for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruxo
(fal) wax ad hayso lul oo iskaa u wadhaami. Geedka ruxo oo midho ka soo daadso. Dh: gilgilo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruxo
de: shake, wobble for oneself
lx: ruxo
pd: (ruxday)
ps: v3b=
key: ruxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruxmo
f.mg3 (-maday, -matay) la-mid: ruxan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruxmo
v. shake oneself, wobble; be churned (of butter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruxmo
(fal) lulan oo kolba dhan u ruxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruxmo
de: shake oneself, wobble; be churned (of butter)
lx: ruxmo
pd: (ruxmaday)
ps: v3a=intr
key: ruxmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kilkil
kilkil¹: m.l Ruxidda si xoog ah wax loo ruxo.
kilkil²: f.g1 (-ilay, -ishay) Wax si xoog iyo dhakhso leh u ruxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruxasho
m.f.dh eeg ruxo. la-mid: ruxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiifow
m.l (-wyo, m.dh) 1. Geed wareegsan oo fardo qoryo ah iyo kuraas lagu fariisto leh oo carruurta lagu ciyaarsiiyo. 2. Kursi meel ka laallaada oo carruurta lagu ruxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wiifow
m.l (-wyo, m.dh) 1. Geed wareegsan oo fardo qoryo ah iyo kuraas lagu fariisto leh oo carruurta lagu ciyaarsiiyo. 2. Kursi meel ka laallaada oo carruurta lagu ruxo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
handshake
/haandh-sheyk/ (n) gacan-qaadka salaanta ee gacmaha lays ruxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
looh
(fal) weel biyo ku ruxo. Dhiisha ku looh biyo diirran. Dh: rux, loh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqluqad
-ka: (magac, lab, keli) maydhidda afkal inta biyo la kabbado lagu dhex ruxo oo la tufo. Dh: afdhaqasho, luqluqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niikis
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar raqsi ah oo jidhka la ruxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wannaanni
(fal) xarrago darteed isla rux o madaxa kolba dhan u qallooci.
wannaanni -ga: (magac, lab, keli) socod la is wadhaamiyo oo xarrago darteed madaxa lala ruxo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
balançoire
balançoire, n.f. - Leexo; loox dheer oo laba qof midba dacal kaga fariisto oo laysku ruxo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bascule
bascule, n.f. - Leexo; Loox dheer oo laba qof midba dacal kaga fariisto oo laysku ruxo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shake
shaking, n., lulin, -ti, ruxniin, -ti.
shake off, v.tr., hurguf; shake to and fro, lul, rux.
shake: v.i., ruxo, gariir; his head is shaking, madixiisaa gariiraya or ruxanaya.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
swing
n., ruxan, -ki, laalaad, -ki, ruxniin, -ti; v.tr., rux, ruxrux; v.i., ruxo, laalaad.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
toss
v.tr., (agitate) lul, rux; be tossed, lulan, ruxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rux
f.g1 (-xay, -xday) 1. Haan caano ku jiraan lulid si subag looga dhaliyo. 2. Wax gilgilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rux
f.g1 (-xay, -xday) 1. Haan caano ku jiraan lulid si subag looga dhaliyo. 2. Wax gilgilid. m.f.dh, ruxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rux
v. shake, wave; loosen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rux
-ay -day: (v) shake (sheeyk); agitate (a-ji-teeyt) ~ lul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rux
(fal) xoog u wadhaami oo kolba dhan u dhaqaaji. Saabuun caagadda ku rux. Dh: lul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rux
de: shake, wave; loosen
lx: rux
pd: (ruxay)
ps: v1=
key: rux
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rugo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Ku r.: wax ku xoqasho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rugo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Ku r.: wax ku xoqasho (nafley). m.f.dh, rugasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rugo
(fal) (ku ~) nafley wax ama meel ku xoqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruqo
(Ruqa-da)
Caato darteed oo lala kici waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqo
ruqo¹: m.dh Qof ama neef xoolaad oo aad caato u ah.
ruqo²: f.mg3 (-qday, -qatay) Qof ama neef xoolaad aad u caatoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ruqo
m.dh Qof ama neef xoolaad oo aad caato u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruqo
f. n. animal too weak to stand up
ruqo: v. be too weak to stand up (ofanimal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqo
(fal) taagdarri awgeed qarkaa uga hadh oo la kici waa.
ruqo-ha: (magac, lab, keli) wax gabaw, gaajo ama cudur la taagdarraada oo qayrkii raaci kari waaya. Laba sac oo rugo ah baa lo'dii nooga soo hadhay. Dh: ragayo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bruco
s.m. diirdiir.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bruno
agg. - midab madowga u dhow.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bruto
agg. - bahaleed.
s.m. waxash.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Buuxo
name-f fullness, the state of being full. Syn: Buux
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxo
magac loo baxsho gabadha reerka oo badhaadha ah dhalata, ama kolkii ay dhalatay aad u buurnayd.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
buxom
/baksam/ (adj) naagta jirka ah (oo buuran)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
crudo
agg. - ceerin ah, qeeriin ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duxso
f.mg3 (-saday, -satay) Laf iyo wixi lamida dux ka miirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duxso
(fal) laf ama wax kale, dux ka miiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furxo
f.g3 (-xaday, -xatay) la-mid: furux².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furxo
(fal) baqdin daraaddeed, la baxso.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
grumo
s.m. - xinjir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurxo
f.mg3 (-xaday, -xatay) Sal ku socosho (curyaan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurxo
(fal) qof curyaan ah, salka ku socosho ama gurguuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuxo
m.dh Cune; doobbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jurxo
(Jurxa-da)
Hadallo lafajebis ah, oo cid lagu yiraahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jurxo
m.dh.u Hadal lafajebis ah oo cid lagu yiraahdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jurxo
f. n. abuse, insult, abusive speech
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jurxo
-da: (magac, dhedig, keli) hadal adyad ah oo qof lagu yidhaahdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jurxo
de: abuse, insult, abusive speech
lx: jurxo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jurxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaxo
(Raaxa-da)
1. Nasasho oogada iyo maanku helaan oo u jeelaan oo ayan dhib iyo xanuun iyo naxdin iyo welwel iyo wax kale oo la qoonsado, midna arag.
2. Sida ama waxa la dareemo kolka wax jilicsan oo oogadu u bogto lagu fariisto ama lagu jiifsado ama la fuulo.
3. Nasasho; daaltirasho; bojiino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxo
m.dh 1. Nolol aan dhib lahayn. 2. la-mid: raaxayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raaxo
m.dh 1. Nolol aan dhib lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Raaxo
pr. n., [feminine] Raho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raaxo
f. n. pleasure, comfort, convenience
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Raaxo
name-f pleasure, comfort, convenience
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raaxo
-raaxada: (n) comfort (kam-foort); pleasure (palee-sher), enjoyment (in-jooy-ment); joy (jooy) luxury (lag-shari) euphoria (yuu-fooriya)
u raaxee -yey / raaxeysay: (v) entertain (enter-teeyn); give pleasure; make contented
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Raaxo
magac loo baxsho gabadh raaxo iyo wanaag leh oo aad u habboon ama laga filayo inay sidaa noqoto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaxo
-da: (magac, dhedig, keli) xaalad ay naftu dareento oo ku salaysan raalli ahaansho iyo farxad: dareen nafaxaad ah oo oogada iyo maankuba helaan wax naftu nacdanaana jirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Raaxo
de: Raho
hm: 2
lx: Raaxo
ps: name-f
key: Raaxo_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raaxo
bw: Arabic
de: pleasure, comfort, convenience
hm: 1
lx: raaxo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: raaxo_1
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
raaxo
راحة
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Raxmo
name-f kindness, mercy, mercifulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Raxmo
magac loo baxsho gabadh naxariis leh ama xilli barwaaqo dhalatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raxmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg raxmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riixo
f.g3 (-xday, -xatay) 1. Qof dhan wax u iidasho. 2. Wax dilindilleysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riixo
f.g3 (-xday, -xatay) 1. Qof dhan wax u iidasho. 2. Wax dilindilleysasho. m.f.dh, riixasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riixo
v. push forward for one's own benefit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riixo
(fal) wax inta aad gadaal xoog ka saarto horay u wado ama xaggaaga u dhawayso.
riixo: ciyaar ay ciyaaraan wiilal iyo hablo oo laga ciyaaro galbeedka Soomaalida, labo saf ayaa iska soo horjeesta oo raggaa bilaaba habluhuna way ka rogaan ka dibna hablaha mid baa soo baxda oo ragga dhexgasha dabadeed waxa la isla helaa halmar jiib iyo jaan inantu kolkay ku soo laabato goobtii ay ka baxday ee hablaha dhexdooda raggu waxay dib u bilaabaan guux waxayna ka soo dhawaadaan goobtii hore ee ay joogeen sidaa awaadeed ayaa loogu bixiyey riixo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riixo
de: push forward for one's own benefit
lx: riixo
pd: (riixday)
ps: v3b=tr
key: riixo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rooxo
(Rooxa-da)
Geed-saar dhirta korkeeda isku waaba oo miro sida yaanyada waaweyn u bislaada, oo u eg, oo la cuno leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rooxo
m.dh Geedsaar leh caleemo balballaaran, miro kuwa yaanyada waa-weyn u eg oo la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rooxo
f. n., [collective] climbing plant species, with edible fruit
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ROOXO
(Roho) C Coccinia grandis (L) Voigt. Cucurbitaceae.
C,N Opilia campestris Engl. Opiliaceae.
NFD Berchemia discolor (Kl.) Hemsl. Rhamnaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Rooxo
name-f climbing plant sp., with edible fruit. Lit: sweet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Rooxo
magac loo bixiyo gabadh cas oo qurux badan oo leh midabka midhaha rooxada ee la cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rooxo
-da: (magac, dhedig, keli) geedsaar dhirta korkeeda isku waabta oo midho sida yaanyada waaweyn u bislaada oo u eg oo la cuno leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rooxo
de: climbing plant sp., with edible fruit
lx: rooxo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: rooxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rudmo
(Rudma-da)
1. Cad yar oo mar ilkaha lagu goosto.
2. Goosashada lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rudmo
m.dh (-ooyin, m.l) In cunto ah oo hal mar ilkaha lagu goosto. la-mid: rudhmo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rudmo
m.dh (-ooyin, m.l) In cunto ah oo hal mar ilkaha lagu goosto. la-mid: rudhmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rudmo
f. n. bite, mouthful; act of biting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rudmo
-da: (magac, dhedig, keli) goosashada lafteeda. Dh: hudhmo.
rudmo-da: (magac, dhedig, keli) cad yar oo mar ilkaha lagu goosto. Dh: rudhmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rudmo
de: bite, mouthful; act of biting
lx: rudmo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: luqmad
key: rudmo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rumor
/ruumar/ (ame) rumuor (bre); (n) kutiri-kuteen (war aan rasmi ahayn oo dadku isla-dhex maro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rumow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Hadal run noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rumow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Hadal run noqosho. m.f.dh, rummoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumow
(fal) waxla filayay ama xog la sheegay, run noqo.
rumow-ga: (magac, lab, keli) run noqosho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ruòlo
s.m. - kaalin, dawr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruqso
(Ruqsa-da)
1. Wax hor u reebnaa ama la isu diidey oo la isu oggolaado.
2. Qof hawl hayey oo hawsha laga saaro, laga sii daayo, laga eryo.
3. Fasax; idan; (ama rukhso).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqso
ruqso¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Idan; fasax. 2. Shaqo ka fariisin qof hawshii uu hayey laga fariisiyo. 3. Warqad ay ku qorantahay oggolaasho wax reebban. la-mid: ruqsad.
ruqso²: f.g3 (-saday, -satay) Geed si xoog leh dhul uga siibasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ruqso
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Idan; fasax. 2. Shaqo ka fariisin qof hawshii uu hayey laga fariisiyo. 3. Warqad ay ku qorantahay oggolaasho wax reebban. la-mid: ruqsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruqso
f. n. permission; holiday, leave, vacation
ruqso v. uproot for oneself