ruuqaansasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuqaansasho
m.dh la-mid: ruqaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuqaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ruqaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruqaansasho
(Ruqaansasha-da)
(xoolo) wax iyagoo fadhiya kor isu qaada ama sida wax hinqanaya ama kici doona u kuurkuursada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqaansasho
m.f.dh eeg ruqaanso. la-mid: ruqaansad, ruqaansi, ruuqaansad, ruuqansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ruqaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuqaanso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: ruqaanso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruuqaanso
v. adjust oneself for balance ~ equilibrium
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuqaanso
(fal) hingo oo dhan u yar dhaqaaq ama dhan usingo. Iga yara ruuqaanso aan ku dhaafee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruuqaanso
de: adjust oneself for balance ~ equilibrium (e.g., of a camel rising or a person ducking under a tree limb)
lx: ruuqaanso
pd: (ruuqaansaday)
ps: v3a=
key: ruuqaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuqaansad
m.l la-mid: ruqaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuqaansad
-ka: (magac, lab, keli) hingsho iyo dhaqaaq uu sameeyo noole fadhiya. Dh: rugaansad, ruqaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqsaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) shaqo ama hawl dad loo hayey ka tegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tukaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbaansasho
m.f.dh eeg qurbaanso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) qurbaan samaysasho. Dh: ducaysasho, qurbaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shukaansasho
(Shukaansasha-da)
Xodxodasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaansasho
m.f.dh eeg shukaanso. la-mid: shukaansasd, shukaansi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shukaansasho
-shukaansashada: (n) the act of courting or wooing to gain love or affection; seduction (se-dhak-shin) xodxodasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) xodxodasho: koodiin: shukaansad.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shukaansasho
تَغَزَلتَحَبُّب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baansasho
(Baansasha-da)
Baan helid; baan, ku ladnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baansasho
m.f.dh eeg baanso. la-mid: baansad, baansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baansasho
-da: (magac, dhedig, keli) baan ku raysasho. Baansashadu bukaankan way ka muugataa.
baansasho -da: (magac, dhedig, keli) qof buka, dhakhtar, wadaad ama cid kale oo wax dawaysa u geysasho. Dh: baansad, baansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuqsasho
(Fuuqsasha-da)
Kabbo weyn oo jiidan biyo ama wax kale oo meel ku jira ku marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuqsasho
m.f.dh eeg fuuqso. la-mid: fuuqsad, fuuqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fuuqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raabsasho
(Raabsasha-da)
Baryaqaadid; calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raabsasho
m.f.dh eeg raabso. la-mid: raabsi, raamsasho, raamsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raabsasho
f. n. act of chewing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax afka ku jira calalsasho. Dh: raamsasho, raabsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raabsasho
de: act of chewing
lx: raabsasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: raabsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ku darsasho, ku biirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadsasho
m.f.dh eeg raadso. la-mid: raadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax magan ama loo baahan yahay raadcaysasho. Wax gacanta saaxiibkaa ku jiraa raadsasho uma baahna. Dh: raadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raagsasho
(Raagsasha-da)
Wax raagey la noqosho; daahsasho; dhererid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagsasho
m.f.dh eeg raagso. la-mid: raagsad, raagsi, raagsiino, raagsiinyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raagsasho
vl. n. impatience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dherersasho oo sugiddiisa ka daalid. Wax gacan la hubo ku jiraa raagsasho ma leh. Dh: daahsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raagsasho
de: impatience
lx: raagsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: raagso
key: raagsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamsasho
m.dh la-mid: raabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax afka ku jira in badan gawsaha ku ridgid. Dh: calaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqaansad
m.l la-mid: ruqaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqaansad
-ka: (magac, lab, keli) hingsho iyo dhaqaaq uu sameeyo noole fadhiya. Dh: ruqaansi, ruqaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuqaansi
m.l la-mid: ruqaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuqaansi
-ga: (magac, lab, keli) hinqad iyo dhaqaaq uu sameeyo noole fadhiya. Dh: ruqaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuunsasho
m.f.dh eeg tuunso. la-mid: tuunsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax tuunsan ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuuqsasho
m.f.dh eeg tuuqso. la-mid: tuuqsad, tuuqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaansasho
m.f.dh eeg ayaanso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) ayaan iyo nasiib ka dayid; ku nasiibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaansasho
(Dhaansasha-da)
Rati ama wax kale oo weel biyood saaran yahay, ceel ama webi ama meel kaloo biyo ku jiraan geyn oo biyo ku soo qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansasho
m.f.dh eeg dhaanso. la-mid: dhaansad, dhaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo u aroorid oo soo dhaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raransasho
m.f.dh eeg raranso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raransasho
-da: (magac, dhedig, keli) raran ku samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rudnaansho
m.l/dh la-mid: rudnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rumaysasho
(Rumaysasha-da)
Run moodid, u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rumaysasho
m.f.dh eeg rumayso. la-mid: rumaysad, rumaysi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rumaysasho
-rumaysashada: (n) 1. the act of believing (biliiv-ing) or trusting (tarasting). 2. realization (ri-yal-seey-shin) ~ xaqiiqsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) run u qaadasho. Dh: aamminid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruxnaansho
m.l/dh la-mid: ruxnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuqnaasho
-ha: (magac, lab, keli) kala jiidnaansho, dheeraan oo dhuubnaan. Suuqnaanshuhu waa foolxumo badan tahay. Dh: miiqnaansho, suuqni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaarsasho
m.dh eeg ugaarso. la-mid: ugaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaarsasho
vl. n. hunting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugaarsasho
-ugaarsashada: (n) hunting (han-tin-ing)-, the act of hunting ~ ugaarasho, ugaarsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ugaadh soo qabasho ama dabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaarsasho
de: hunting
initial: u
lx: ugaarsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: ugaarsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uuraysasho
m.f.dh eeg uurayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) uur yeelad. Dh: uuraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaansasho
m.f.dh eeg abbaanso. la-mid: abbaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaansasho
-ha: (magac, lab, keli) cid kale wakiil ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaansasho
m.f.dh eeg ammaanso. la-mid: ammaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) ammaano ahaan u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaansasho
m.f.dh eeg cawaanso. la-mid: cawaansad, cawaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cawaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curdansasho
m.f.dh eeg curdanso. la-mid: curdansad, curdansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaansasho
m.f.dh eeg dawaanso. la-mid: dawaansad, dawaansi, tawaansad, tawaansasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulqaadasho
(Dulqaadasha-da)
Dhibaatada iyo xumaanta oo aan mid le'eg lagu gudin ee dhabarka loo rito oo dul loo yeesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulqaadasho
m.f.dh eeg dulqaado. la-mid: dulqaadad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulqaadasho
vl. n. patience, forebearance, pardon, forgiveness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) kolka qofku ximmilaad muujiyo oo dhibaatooyinka u adkaysto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulqaadasho
a: dulqaadad (ka) [vn-m]
de: patience, forebearance, pardon, forgiveness
lx: dulqaadasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: dulqaadasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furaadsasho
(Furaadsasha-da)
Furaad ku xanbaarasho; sida furaadka loo qaatoo kale, u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaadsasho
m.f.dh eeg furaadso. la-mid: furaadsad, furaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) furaad ku xanbaarasho; sida furaadka loo qaato oo kale, u qaadasho. Dh: furaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'aansasho
m.f.dh eeg go'aanso. la-mid: go'aansad, go'aansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'aansasho
-da: (magac, dhedig, keli) go'aan gaadhis; qaraar qaadasho. Go'aansasho ayey arrintu u baahan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) guul helid; libin gaadhid; imtixaan helis. Li: guuldaraysasho, jab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamaansasho
(Hamaansasha-da)
Afka kala jiidid, aan inta badan loo karin, neef badanna xagga sanbabbada loo diro, kolkii la iska dareemo daal ama hurdo ama wax la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaansasho
m.f.dh eeg hamaanso. la-mid: Hamaansi; hamaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) daal aawadii ama caajis, afka kala qaadid. Dh: hamaansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, hoggaan ku wadasho. Dh: hogaansad, hogaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubqaadasho
m.dh Diyaar garowga iyo qalab uruursiga cid dagaal geli rabta ay samayso. la-mid: hubqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) qalabka lagu dagaallamo qaadasho; gaashaanqaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humaagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si araggeegu cidhiidhi yahay, wax ugu fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaansasho
m.f.dh eeg iimaanso. la-mid: iimaansad, iimaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irmaansasho
m.f.dh eeg irmaanso. la-mid: irmaansad, irmaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaansasho
(Macaansasha-da)
Macaan ka dhigasho; jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaansasho
m.f.dh eeg macaanso. la-mid: macaansad, macaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg macaansad.