ruugcaddaa
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruugcaddaa
-ga: (n) wise old man, grand old man; experienced man, veteran (vetaraan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruugcaddaa
-ga: (magac, lab, keli) qof garaad iyo waaya'aragnimo uu soo maray ay ka dhigeen khabiir laga dambeeyo. Ruugcaddaa siyaasi ah baa beelaha baaq u jeediyey. Dh: ruugmaraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruugcadde
(Ruugcadda-ha)
Nin odaynnimo iyo waaya'aragnimo ka soo saareen karti iyo dhabar'adayg; ruugmaraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruugcadde
m.l (-dayaal, m.l/dh) Nin da' weyn oo karti iyo waaya-aragnimo badan leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruugcadde
m. n., [compound] wise old man who is still strong and vigorous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruugcadde
-ha: (magac, lab, keli) eeg ruugcaddaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruugcadde
a: ruugmaraar
de: wise old man who is still strong and vigorous
lx: ruugcadde
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: ruugcadde
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coomir
-ka: (magac, lab, keli) nin aad u weyn: ruugcaddaa.
coomir -ka: (magac, lab, keli) coofaadhka aadka u da'da weyn. Dh: daaxuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
markhaatixeerbeegti
(tilmaame) nin khibrad iyo waaya-argnimo dheer oo uu garaha u leeyahay darteed wax laga waydiiyo arrin ay dacwadi ka socoto. Garyaqaan ruugcaddaa ah ayaa markhaatixeerbeegti noqon kara.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
rugiada
s.f. - dharab, seyax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruugaan
m.dh Habka jiib, jaan iyo sacab isku dubbadhacsani u dhadhammaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruugnaan
m.f.dh eeg ruugan. la-mid: rug-naansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruugnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la ruugay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Circaddaa
(Circaddaa-ga)
Kolka roobku da'a hayo, oo daruuruhu iyagoo isku tirmay oo isu wada ekaaday, cirka qarshaan oo wada daboolaan, oo jahooyinka la kala aqoon waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
circaddaa
m.l Roob badan oo muddo dheer da'a; kolkuu roobku da'ayo oo daruuruhu iyagoo isku tirmay oo isu wada ekaaday cirka wada daboolaan oo jahooyinka la kala aqoon waayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
circaddaa
m.l Roob badan oo muddo dheer da'a; kolkuu roobku da'ayo oo daruuruhu iyagoo isku tirmay oo isu wada ekaaday cirka wada daboolaan oo jahooyinka la kala aqoon waayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
circaddaa
m. n., [compound] moonlight; overcast sky, solid cloud cover before rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
circaddaa
-ga: (magac, lab, keli) kolka roobku da'ayo oo ay daruuruhu cirka qarshaan oo wada daboolaan, oo jahooyinka la kala garanwaayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
circaddaa
cf: cir + cad
de: moonlight; overcast sky, solid cloud cover before rain
lx: circaddaa
pd: (-ga)
ps: n-m-cmp
key: circaddaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruugmaraar
(Ruugmaraar-ka)
Ruugcadde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruugmaraar
m.l (-rro, m.dh) Oday xooggan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruugmaraar
m. n., [compound] wise old man who is still strong and vigorous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruugmaraar
-ka: (magac, lab, keli) eeg ruugcaddaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruugmaraar
a: ruugcadde
de: wise old man who is still strong and vigorous
lx: ruugmaraar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: ruugmaraar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayncaddaa
m.l Nin da' weyn oo waaya-arag ah. la-mid: sayncadde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayncaddaa
(tilmaame) mid soo jireen ama waayo arag ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigcaddaad
m.l Dhiigga nafleyda ku jira oo intii la rabay ka yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigcaddaad
m.l Dhiigga nafleyda ku jira oo intii la rabay ka yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beercaddaad
m.l 1. Daal iyo dhibaato ay ilmuhu ka mutaan oohin badan. 2. la-mid: beercaddaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beercaddaad
vl. n., [compound] exhaustion brought about by excessive crying (of a baby)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beercaddaad
-ka: (magac, lab, keli) kalsooni wax lagu qabo. Beercaddaad ayaan Cali hawsha ugu dhiibay. Dh: beercaddi, kalsooni.
beercaddaad -ka: (magac, lab, keli) oohin aan kala joogsi lahayn oo lagu daalo. Ilmaha maxaad beer-caddaadka ugu eegeysiin aamusiiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beercaddaad
de: exhaustion brought about by excessive crying (of a baby) Lit: white liver
lx: beercaddaad
pd: (-ka)
ps: vn-m-cmp
key: beercaddaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagacaddaan
(Cagacaddaan-ta)
Kabo qabid la'aan; kabo la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagacaddaan
m.f.dh eeg cagacad. la-mid: cagacaddaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagacaddaan
f. n., [abstract] barefootedness, shoelessness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cagacaddaan
-ta: (adj) barefoot (beer-fuut); with nothing on the feet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagacaddaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kabo la'aan. Cagacaddaan ayaan ku imid guriga. Dh: cagaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagacaddaan
de: barefootedness, shoelessness
lx: cagacaddaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cagacaddaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugbadnaan
m.f.dh eeg dhugbadan. la-mid: dhugbadnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugbadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fiiro dheer iyo dhugasho fiican lahaan. Booliska waxa looga baahan yahay dhugbadnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laancaddaad
m.l (-dyo, m.dh) Xilli roobkii da'ayey gabaabsaday, geedihiina caddaadeen, irmaankii xoolaadna caana yareeyeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laancaddaad
-ka: (magac, lab, keli) xilli roobkii da'ayey gabaabsaday, geedihiina caddaadeen, irmaankii xoolaadna caana yareeyeen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiig caddaad
m. n., [abstract] anemia
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiig_caddaad
cf: dhiigdarro
de: anemia serious case
lx: dhiig caddaad
pd: (-ka)
ps: np-m-abs
key: dhiig_caddaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeegbicaddaan
-ka: (magac, lab, keli) dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena ka cad. Dh: caddaan-biyeeg.