ruubis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruubis
(Ruubis-ta)
Ruubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruubis
m.dh la-mid: ruubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruubis
-ta: (magac, dhedig, keli) ruubin wax meel jilicsan sida danbas la ruubiyo. Ruubista xuladka ha illoobin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruubi
f.lg2 (-iyay, -isay) la-mid: ruub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruubi
(fal) ku dhexlibdhi; xuluuli. Xuladu dambaska ruumi. Dh: dhexgeli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubis
m.l la-mid: buubin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg buubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duubis
(Duubis-ta)
Duubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duubis
m.dh la-mid: duubid¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duubis
vl. n. act of folding, winding; wrapping; putting a turban on someone, crowning king
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duubis
-ta: (n) 1. the act of rolling. 2. the act of recording (ri-koording)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duubis
-ta: (magac, dhedig, keli) isku laablaabka walax fidsanayd. Li: fidin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duubis
de: act of folding, winding; wrapping; putting a turban on s.o., crowning king
lx: duubis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: duubis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
duubis
لف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guubis
m.l la-mid: guumis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guubis
m. n. firstborn male camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guubis
-ka: (magac, lab, keli) awrka ay qaalinta ugubi ku curato, awrtana ka xoog badan. Guubis iyo sidii baarqab bay, golongol dhuubteene.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guubis
de: firstborn male camel
lx: guubis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: guumis
key: guubis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruubid
(Ruubid-da)
(wax) ciid jilicsan ama wax kale oo la mid ah, dhex gelin, ku librin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruubid
m.f.dh eeg ruub². la-mid: ruubin, ruubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruubid
-da: (magac, dhedig, keli) dhexgelin oo ku libdhin, xuluulin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Ruubid
Mudid, wareemid, turqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruubin
m.dh la-mid: ruubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruubin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ruubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ruuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubis
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo dheeri ah oo qofkii wax loo cabbiro ama loo miisaamo loo raacsho oo lagu sii raalliggeliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubis
-ka: (magac, lab, keli) eeg xuubin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuubis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yuubid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruub_2
de: plunge s.o.~ s.t. into soft sand ~ similar substance
hm: 2
lx: ruub
nt: ruubid (da) [vn-f], ruubis (ta) [vn-f]
pd: (ruubay)
ps: v1=tr
key: ruub_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruubid
-da: (magac, dhedig, keli) milidda dareere wax lagu qaso. Dh: walaaqid, qassid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruuris
m.dh la-mid: aruurin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rubbish
/rabish/ (n) 1. qashin 2. macna- daro (hadal qurun ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rubbish
n., qushaash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suubbis
(Suubbis-ka)
1. Wax yar oo dheeri ah oo qofkii wax loo cabbiro ama loo miisaamo loo raacsho oo lagu sii raalli geliyo.
2. Suubbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suubbis
m.l 1. Wax yar oo dheeri ah oo qof wax loo cabbirayo loo raacsho si loogu raali geliyo. 2. la-mid: suubbin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suubbis
m.l 1. Wax yar oo dheeri ah oo qof wax loo cabbirayo loo raacsho si loogu raali geliyo. 2. la-mid: suubbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suubbis
m. n. extra amount ~ thing given to a customer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suubbis
-ah: (adj) bonus (boo-nes); something given to a customer as bonus after he or she has made a purchase
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Suubbis
Abbuono
Bonus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubbis
-ka: (magac, lab, keli) wanaajin oo aad u hagaajin. Dh: wanaajis.
suubbis-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo dheeri ah oo qofkii wax loo cabbiro ama loo miisaamo loo raacsho oo lagu sii raalli geliyo.
suubbis-ka: (magac, lab, keli) 'wax' suubbin, wax falid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suubbis
de: extra amount ~ thing given to a customer
initial: s
lx: suubbis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: suubbis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uruuris
m.l la-mid: aruurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuunbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg yuunbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rubi
(Rubi-ga)
Wax afar meelood loo dhigay meeshood; waax, (ama rubuc).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rubi
m.l.t Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybshay meeshood; rubuc; waax. Tusaale: “Waa sagaalkii iyo r.”; “R. kiilo bariis ah”. la-mid: rubac, rubuc.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rubi
m.l.t Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybshay meeshood; rubuc; waax. Tusaale: Waa sagaalkii iyo rubi. Rubi kiilo bariis ah. la-mid: rubac, rubuc.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rubi
num: quarter, fourth part
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rubi
-ga: (magac, lab, keli) eeg rubac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rubi
de: quarter, fourth part
lx: rubi
pd: (-ga)
ps: num-m, n2a-m
syn: rubac {S}
key: rubi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruub
(Ruub-ta)
Ciid jilicsan oo cagtu gasho; ruubad; bacaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruub
ruub¹: m.dh 1. Bir yar, dhuuban, daab leh oo saanta kabaha laga tolo lagu dalooliyo. 2. Dhul bacaad badan oo marka lagu socdo cagta hoos u gasha.
ruub²: f.lg1 (-bay, -btay) Wax meel bacaad, dambas iyo wixi lamida dhexgelin. la-mid: ruubi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruub
f. n., (mass n.): soft sand
ruub v. plunge someone~ something into soft sand ~ similar substance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruub
-ay / tay: (v) stick into (istik intu); insert (in-seert); put into ~ dhex gali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruub
(fal) ciid, dambas iyo wixii la mid ah xulul oo dhexgeli. Xuladka dambaska ruub hadhaw an dabka ka hursannee. Dh: xuluuli.
ruub -ka: (magac, lab, keli) daqiiq inta la qallajiyo dambas la geliyo oo lagu bisleeyo.
ruub-ta: (magac, dhedig, keli) ciid jilicsan cagtu gasho. Ruub ruuxna kuma dul socon karo Dh: ruubad, bacaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruus
m.l R. ah: fadhiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruus
hadal dhalliil ah oo lagu yidhaa wax aan si wanaagsan u korin.
ruus-ka: (magac, lab, keli) wax aan si wanaagsan u korin oo korsiintii hori ka xumaato. Dh: calaan, hagaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley ceyrin. 2. Wax duulin. 3. Ku b.: wax, wax kale ku kor firdhin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buubi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley ceyrin. 2. Wax duulin. 3. Ku b.: wax, wax kale ku kor firdhin. m.f.dh, buubin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buubi
v. chase away; speed; make run ~ fly; spray water on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buubi
-yey / say: (n) cause to fly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubi
(fal) neef geel ah ka cabsii oo baqdin geli. awrka buubi. Dh: cabsii, baji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buubi
de: chase away; speed; make run ~ fly; spray water on
lx: buubi
pd: (buubiyey)
ps: v2a=
key: buubi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cubis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cubid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dubis
-ta: (n) the act of baking, roasting, broiling or grilling ~ solid, dubid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubis
-ta: (magac, dhedig, keli) dab dushii wax ku solis. Dubistaa ka xumaatay hilibka ee ku celiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duubi
(Duubi-ga)
1. Qof la duubay oo waayeel laga dhigtay.
2. Lugta xoolaha xubin kamid ah oo u dhexaysa bowdada iyo dhudhunka majinta; shansho.
3. (xarig, kd.) Xirmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duubi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Lafta shanshada iyo hilibkeeda oo goonni loo gooyey. 2. Nin tol boqorraday. 3. Galoolid; ku marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duubi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Lafta shanshada iyo hilibkeeda oo goonni loo gooyey. 2. Nin tol boqorraday. 3. Galoolid; ku marid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duubi
v. tie up, bandage, wind, roll up, wrap
duubi m. n. leader, chief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duubi
-ga: (magac, lab, keli) muruqa ku yaalla lafaha dhaadheer ee daboola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gubis
(Gubis-ta)
Gubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gubis
m.dh la-mid: gubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubis
vl. n. act of burning ~ setting fire to, arson
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubis
-ta: (magac, dhedig, keli) dab saarid oo wax ku yeelid; wax gubtey ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gubis
de: act of burning ~ setting fire to, arson
lx: gubis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: gubis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guubi
f.mg2 (-iyay, -isay) Hal dhalaysa guube keenid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuubi
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar beereleydu ciyaari jireen oo jinka lagu saaro oo lagu qaado ereyo Nebi-ammaan ah qalabka lagu tumo waxa ka mid ah labo durbaan oo Jabuu la yidhaaho, qoryo lagu garaaco iyo sharaq.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
pubis
(n) the area over the public bone, below the abdomen.
gumaar (m)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rubbi
-ga: (magac, lab, keli) hal rodol rubuci; rodol afar meelood loo qaybshey meel ka mid ah. Dh: rubuc.
rubbi-ga: (magac, lab, keli) jaad dhagaxda qaaliga ah, ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rudis
m.dh la-mid: rudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rujis
m.l la-mid: rujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rujis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruube
-ha: (magac, lab, keli) cudur xoolaha ku dhaca. Ruube ayaa xoolihii reerka galay.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Ruube
Birta maroorsan oo leh garbo birta jeeba iyo toggaga mirqinku soo dhex mooso ee birta lagu duleeliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruubo
f.mg3 (-btay, -batay) Ciid jilicsan iyo wixi lamida dhexgelid, ku dhex librid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruubo
v. plow one's way through soft sand ~ something similar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruubo
(fal) dhexgal oo ku libidh. Caddaadka ruubo oo biyo ka raadi. Dh: dhexgal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruubo
de: plow one's way through soft sand ~ s.t. similar
lx: ruubo
nt: ruubad (ka) [vn-m], ruubasho (/da) [vn-f]
pd: (ruubtay)
ps: v3b=
key: ruubo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruumi
m.l Nooc gogosha guryaha dhulkooda lagu fidsado ka mid ah oo qurxan, adag oo dhogor leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruumi
m. n., (mass n.): wool, kind of woolen clothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruumi
-ga: (magac, lab, keli) gogol laga sameeyey dun ama wax kale oo guryaha lagu goglado, qurux ahaana loo adeegsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruumi
de: wool, kind of woolen clothing
lx: ruumi
pd: (-ga)
ps: n-m-mass
key: ruumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax gaboobay xannaaneyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuxi
ruuxi¹: m.l.kh Waxyaalaha qarsoon ee dadku aaminsan yihiin jiritaankooda.
ruuxi²: f.g2 (-iyay, -isay) Nafley dhimanaysa naf ka dhawrid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ruuxi
m.l.kh Waxyaalaha qarsoon ee dadku aaminsan yihiin jiritaankooda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruuxi
m. n. (adj.): one who has spiritual power; relating to the spirit