ruqsaysasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqsaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) shaqo ama hawl dad loo hayey ka tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaysasho
m.f.dh eeg rasayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax rasaysan ka dhigasho; taallaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rumaysasho
(Rumaysasha-da)
Run moodid, u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rumaysasho
m.f.dh eeg rumayso. la-mid: rumaysad, rumaysi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rumaysasho
-rumaysashada: (n) 1. the act of believing (biliiv-ing) or trusting (tarasting). 2. realization (ri-yal-seey-shin) ~ xaqiiqsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) run u qaadasho. Dh: aamminid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rummaysasho
m.f.dh eeg rummayso. la-mid: rummaysad, rummaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruqaansasho
(Ruqaansasha-da)
(xoolo) wax iyagoo fadhiya kor isu qaada ama sida wax hinqanaya ama kici doona u kuurkuursada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqaansasho
m.f.dh eeg ruqaanso. la-mid: ruqaansad, ruqaansi, ruuqaansad, ruuqansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ruqaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rushaysasho
m.f.dh eeg rushayso.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
quit
/kwit/ (v) 1. joojin (iska deyn) 2. ka tegid (shaqo ka tegid, ka ruqsaysasho).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
licenziarsi
v.rifl. - ruqsaysasho, helid shahaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg ruqaansi.
ruqsi -ga: (magac, lab, keli) wax meel ku yaalla ka fuqsasho.
ruqsi -ga: (magac, lab, keli) ruqsaysasho wax la ruqsaysto. Ruqsi u raadso soo gelinta bunka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuqaansasho
m.dh la-mid: ruqaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuqaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ruqaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raysasho
(Raysasha-da)
1. Sidii hore si ka roon oo dhaanta noqosho.
2. Fayoobi helid; bogsasho; doorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raysasho
m.f.dh eeg rayso. la-mid: raysad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raysasho
-da: (n) recovery (ri-ka-vari) ~ ladnaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ka soo kabasho; dhib ama xanuun ku hayey ka soo roonaansho. Dh: raysad, bogsasho, doorsasho..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruqsasho
(Ruqsasha-da)
(qof) iski u rujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqsasho
m.f.dh eeg ruqso².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) fasax qaadasho. Dh: ruqsaysi.
ruqsasho-da: (magac, dhedig, keli) qof wax iskiis u rujin.
ruqsasho-da: (magac, dhedig, keli) ruqo noqod.
ruqsasho-da: (magac, dhedig, keli) wada fujisad oo wada qaadasho. Ruqsasho ayuu ku wada gurtay beertii. Dh: ruqsi.
ruqsasho-da: (magac, dhedig, keli) eeg ruqaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqsayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof shaqo ka tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ruqsayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof shaqo ka tegid. m.f.dh, ruqsaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruqsayso
-ruqsaysatay I ruqsaysatay: (v) leave a job or employment; quit (kuwit); resign (ri-zeeyn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqsayso
(fal) fasax qaado; idan qaado. Inta aanad dhoofin alaabta aad keeni doonto sii ruqsayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumayasho
-da: (magac, dhedig, keli) cadayasho oo ilkaha rumay ama caday ku nadiifsasho. Rumayasho waxa lagu helaa raalli ahaansho Rabbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax uf ah ka dhigasho; wax qadhmuun ka dhigasho. Dh: ufaysad, ufaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaysasho
m.f.dh eeg bunayso. la-mid: bunaysad, bunaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) bunaysadka markaad jus dhammayso. Bunaysasho ardada ninkii ku dhowoow soo badi bunka.
bunaysasho -da: (magac, dhedig, keli) bun subag ama saliid lagu dubay ku xafladayn: bun ku ducaysasho oo ku subkasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ducaysasho
-da; (n) the act of praying (pareey-ing) ~ Ilaah baryid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaysasho
m.f.dh eeg furayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel kaa dalooshay, awdasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasaysasho
m.f.dh eeg gasayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufaysasho
m.f.dh eeg gufayso. la-mid: gufaysad, gufaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuraysasho
(Kuraysasha-da)
Kur samaysasho; sagaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuraysasho
m.f.dh eeg kurayso. la-mid: kuraysad, kuraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) kur samaysasho; kuraysad; kuraysi; taraaraysasho; sagaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xaq u yeelasho. Dh: galabsad, galabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqaysasho
m.f.dh eeg naqayso. la-mid: naqaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan oo isku dhex jira inta fiican ka xulasho ama laba nooc kaad doonaysad ka doorasho. Dh: miidhad, doorasho, xulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qubaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigaysasho
m.f.dh eeg rigayso. la-mid: rigaysad, rigaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rummayasho
m.f.dh eeg rummayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rummayasho
-da: (magac, dhedig, keli) rummay ilkaha ku nadiifsasho; cadayasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ubxaysasho
m.f.dh la-mid: ubaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ubxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) geed ama geedo, ubax yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uuraysasho
m.f.dh eeg uurayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) uur yeelad. Dh: uuraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasaysasho
m.f.dh eeg baasayso. la-mid: baasaysad, baasaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ka dhigashada wax baas leh oo belo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumraysasho
m.f.dh eeg cumrayso. la-mid: cimraysad, cimraysasho, cimraysi, cumraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cumraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cibaadada cumrada soo gudasho; cimraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslaysasho
m.f.dh eeg cuslayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) guul helid; libin gaadhid; imtixaan helis. Li: guuldaraysasho, jab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamaysasho
m.f.dh eeg raamayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaxaysasho
(Raaxaysasha-da)
Raaxo ku dhex noolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxaysasho
m.f.dh eeg raaxayso. la-mid: raaxaysad, raaxaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) raaxaysi jrid; raaxo ku dhex noolaansho. Huteellada waa loo galaa raaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaysasho
m.f.dh eeg rabbayso. la-mid: rab-baysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax rabbaysan ka dhigasho. Dh: rabbaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunnaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) sunnaysad; sunnaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusacsasho
m.dh la-mid: suusucsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tusmaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) nidaam degsiimo ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax xadxadid, fara dheeri aad ku qaado waxaanad lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weesaysasho
(Weesaysasha-da)
Weeso qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) weysaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weysaysasho
m.f.dh eeg weysayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg weysaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xaas ama reer dhisasho; guursasho oo islaan iyo carruur yeelasho. Dh: xaasaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruuraysasho
m.f.dh eeg daruurayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruuraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) fad iyo daruuro yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuqmeysasho
m.f.dh dhuqmeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududaysasho
m.f.dh eeg fududayso. la-mid: fudaydsad, fudaydsasho, fudaydsi, fududaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) sahlasashada wax adayg laga filanayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galshaysasho
m.f.dh eeg galshayso. la-mid: galshaysad, galshaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galshaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) galshaysi, dhoobamiirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogaasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ugaas ka yeelasho; ugaasnimo u caleemasaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorshaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax ad leedahay tabaabulsho iyo agaasin fiican u samaysasho. Dh: habaysasho, agaasimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumayaysasho
m.dh la-mid: qumanyaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacdaysasho
m.f.dh eeg raacdayso. la-mid: raacdaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rubisaarasho
m.f.dh eeg rubisaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rubisaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) faa'iido aan sharci ahayn lacag duldhigasho. Rubisaarasho ribxi ma keento. Dh: dulsaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqafaysasho
m.f.dh eeg saqafeyso. la-mid: saqafaysad, saqafaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uduufaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) uduufo wax ka dhigasho, wax liita ka dhigasho. Dh: uduufaysad, uduufaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ugaas yeelasho; ugaas samaysasho. Dh: ugaasaysad, ugaasaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruqsanaansho
m.l/dh la-mid: durugsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqlaysnaansho
m.l/dh Wax muqlaysan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqlaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax shilini hayso ahaan; shiinsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rushaysnaansho
m.l/dh la-mid: rushaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuqsasho
(Fuqsasha-da)
Wax meel ku dhegsan xoog u soo goosasho; ruqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuqsasho
m.f.dh eeg fuqso. la-mid: fujisasho, fuqsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) walax, meel ka soo fuqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haysasho
(Haysasha-da)
Wax lihi ah ama aan ahayn, qof u joogid, gacan ugu jirid; lahaansho; qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haysasho
m.f.dh eeg hayso. la-mid: haysad, haysi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haysasho
-haysashada: (n) possession (pozashen). Ex: waxaa lagu xiray haysasho hanti la soo xaday; he was arrested for possession of stolen property
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haysasho
-da: (magac, dhedig, keli) hanti iyo wixii la mid ah, gacanta ku jirid, lahaansho. Dh: qabid, mulkiyid, haysad, lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laysasho
(Laysasha-da)
Wada idlaysasho; Dhammaysasho.