ruqruqid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqruqid
-da: (magac, dhedig, keli) daadasho oo soo fuqfugid. Dh: fuqfugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqruq
(fal) daado oo meel aad ku nabnabnayd ka soo fuqfuq. Dh: fuqfuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruuqid
(Ruuqid-da)
Cunno qoyan oo jilicsan, afka ku cunid, ku bashuuqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuqid
m.f.dh eeg ruuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuqid
-da: (magac, dhedig, keli) cunno qoyan oo jilicsan, afka ku cunid.
ruuqid: -da: (magac, dhedig, keli) danbas iyo wixii la mid ah, qori noolays ah dhexgelin. Dh: ruugis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durruqid
m.f.dh eeg durruq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqluqid
(Luqluqid-da)
Biyo luqluq ah afka gudihiisa ku mayrid, ku nadiifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqluqid
m.f.dh eeg luqluq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqluqid
-da: (magac, dhedig, keli) «u ~» cid kale biyo kabbisiin oo afka kolba dhinac ugu ruxid si loo nadiifiyo. Dh: luqluqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruquusid
m.dh la-mid: raquus¹, raquusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruquusid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka ku camcamin. Dh: ruquushid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruxruxid
(Ruxruxid-da)
In badan ruxid; gilgilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruxruxid
-da: (magac, dhedig, keli) si is dabajoog ah u dhaqdhaqaajin. Dh: Lullulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruquushid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka ku camcamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruqid
(Ruqid-da)
(wax xididdo u aasnaayeen oo xoog kor loogu soo dhuftay) soo bixid, soo go'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqid
m.f.dh eeg ruq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqid
-da: (magac, dhedig, keli) fuqid oo meeshii uu ku nabnaa ka soo qu'id. Dh: fuqid, rugis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuqid
(Buuqid-da)
Si buuq ah u hadlid; bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuqid
m.f.dh eeg buuq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuqid
-da: (magac, dhedig, keli) si guux iyo buuq ah u hadlid. Buugid looma baahna waxqabad la kaalaya. Dh: bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curqid
(Curqid-da)
Muruqyada curuq ka garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curqid
m.f.dh eeg curuq². la-mid: curuq¹ (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curqid
vl. n. muscle stiffness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curqid
-da: (magac, dhedig, keli) isgelidda muruqyada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curqid
de: muscle stiffness rw: curuq
lx: curqid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: curqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durqid
m.dh la-mid: durkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuqid
m.f.dh eeg fuuq³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuqid
m.f.dh eeg juuq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruubid
(Ruubid-da)
(wax) ciid jilicsan ama wax kale oo la mid ah, dhex gelin, ku librin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruubid
m.f.dh eeg ruub². la-mid: ruubin, ruubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruubid
-da: (magac, dhedig, keli) dhexgelin oo ku libdhin, xuluulin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Ruubid
Mudid, wareemid, turqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruufid
-da: (magac, dhedig, keli) si xun u eegid. Dh: huruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruugid
(Ruugid-da)
Wax aan la liqi karin oo dhacaanka keliya laga nuugayo, calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruugid
m.f.dh eeg ruug².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruugid
-da: (n) chewing; crunching; masticating ~ see also [eeg] ruug¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruugid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ad'adag in badan calalin oo ilkaha ku daqiijin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Ruugid
Birta aan afaysnayn waxa looga shaqaynayo way ruugtaa. Birhaylaha, qardhabada, birjaraha, qodobjaraha middida raandada iwm. waxa looga shaqaynayo way ruugaan haddayna si habboon u afaysnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ruuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuqid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u dhuubid. Gaajada ayaa suuqidda ugu wacan. Dh: miigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turqid
m.f.dh eeg turuq². la-mid: turuq¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax af fiiqan leht ku mudid. Dh: mudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ururid
(Ururid-da)
Meel isugu imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ururid
m.f.dh eeg urur³. la-mid: aruurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ururid
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama wax tiro leh, meel isugu imaad. Ururid baa ka wacan ka la filiqsanaan. Dh: kulmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuuqid
m.f.dh eeg yuuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bururid
(Bururid-da)
1. Burur qabasho; jidbood.
2. Burburid; jajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bururid
m.dh eeg burur². la-mid: burur¹; burburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bururid
-da: (magac, dhedig, keli) adke jilicsan kala hohobid oo huubo iyo budo noqosho. Dhaqax nuuradeedaka bururidda ayaa lagu gartaa.
bururid -da: (magac, dhedig, keli) kala bashaaqid oo muuq iyo dheecayn sii dayn. Isha bururidda ka ilaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquwid
-ka: (magac, lab, keli) ninka jaadka loo dhiibo ee dadka ka kala iibiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rukumid
(Rukumid-da)
Rukun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rukumid
m.f.dh eeg rukun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rukumid
-da: (magac, dhedig, keli) joogtayn; rukun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaruqid
m.f.dh eeg faaruq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faquuqid
(Faquuqid-da)
Gooni u saarid, u eryid, u goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faquuqid
m.f.dh eeg faquuq². la-mid: faquuq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faquuqid
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama neef inta kale ka dhex saarid. Dh: takoorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haquuqid
m.dh la-mid: habuuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huluuqid
(Huluuqid-da)
Si debecsan oo kala fogfog, u tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huluuqid
m.f.dh eeg huluuq². la-mid: huluuq¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqluqad
(Luqluqad-ka)
Luqluqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqluqad
m.l la-mid: luqluqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqluqad
-ka: (magac, lab, keli) maydhidda afkal inta biyo la kabbado lagu dhex ruxo oo la tufo. Dh: afdhaqasho, luqluqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaruqid
m.f.dh eeg maaruq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaruqid
-da: (magac, dhedig, keli) dacaayadayn been ah; ceebaal aan la la xishoon fidin. Qof maaruqid badan lama jecla. Dh: ceebayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquufid
m.f.dh eeg muquuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquufid
-da: (magac, dhedig, keli) faras xakame afka ka gelin oo muquufka ku aasid. Dh: xakamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquurid
m.dh la-mid: maquurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquurid
-da: (magac, dhedig, keli) cid meel biya ah quusin oo ku dhex qarin. Dh: muquuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquusid
m.f.dh eeg muquus². la-mid: maquus¹, maquusid, muquus¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquusid
-da: (magac, dhedig, keli) meel biyo ah quusid oo dhex muquurasho. Dh: muquurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raquusid
m.f.dh eeg raquus². la-mid: ruquusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rukuucid
(Rukuucid-da)
Salaadda dhexdeeda, rukuuc la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rukuucid
m.f.dh eeg rukuuc². la-mid: rakuucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rukuucid
-da: (magac, dhedig, keli) rukuuc samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundudid
m.f.dh eeg rundud². la-mid: hundudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rundudid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi rundud ah fariisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruxruxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ruxruxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suquurid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo gataatidhac ah seexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaquuqid
(Xaquuqid-da)
Wax xaquuqan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaquuqid
m.f.dh eeg xaquuq². la-mid: xaquuq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaquuqid
-da: (magac, dhedig, keli) dushaka oo renji ama wax kale oo dusha ka marsanla daadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuururid
(Yuururid-da)
Fadhiyid; yoxoobid; kuududid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuururid
m.f.dh eeg yuurur². la-mid: yuurur¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuururid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi yuurar ah fadhiyid oo ku raagid. Yuururiddu xal kuu noqon maysee Alle u samir. Dh: gandoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Juuqjuuqid
(Juuqjuuqid-da)
Daandaansasho; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuqjuuqid
m.f.dh eeg juuqjuuq². la-mid: juuqjuuq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juuqjuuqid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal sii socda oo aan la goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaqraaqid
m.f.dh eeg raaqraaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqbuqood
m.l la-mid: buqbuqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqood
-ka: (magac, lab, keli) dhay iyo ciir la isku daray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durruqiso
-da: (magac, dhedig, keli) gabadha mudda dadka buka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durruqsad
m.l la-mid: durruqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duurxulid
(Duurxulid-da)
1. Duur isu soo dhexmarid oo isugu soo dhuumasho.
2. Hadal isu sarbeebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duurxulid
m.f.dh eeg duurxul². la-mid: duurxul¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duurxulid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal sareeb ah oo ujeeddo qarsoon wata cid u sheegid.
duurxulid -da: (magac, dhedig, keli) duurka iyo kaymaha dhex galid. Dh: mushaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
run sugid
m.dh Awood ka xoroobidda qof kale aad jeceshahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqruqaansi
-ga: (magar, lab, keli) dhawr jeer kolba dhan u hingasho oo u ruqaansasho.