rundudsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundudsi
m.l la-mid: rundudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundudso
f.mg3 (-saday, -satay) Ciil iyo murugo darteed gorodda la laallaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundudsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, wax runduda ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundud
rundud¹: m.l la-mid: hundhur¹.
rundud²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: hundud²; la-mid: hundhur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rundud
-ka: (magac, lab, keli) fadhi aan qurux badnayn oo gorod laalaadin ah. Rundudka ka kac oo kac xoogso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ududsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg udubsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududsi
-ga: (magac, lab, keli) si kuduud ah u fadhiisasho. Dh: yaxoobsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundudid
m.f.dh eeg rundud². la-mid: hundudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rundudid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi rundud ah fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhursi
m.l la-mid: hundhursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundusdad
m.l la-mid: rundudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudhsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg yumbudhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundudsasho
m.f.dh eeg rundudso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duudsi
(Duudsi-ga)
Mag ama gar kale oo qof lahaa oo aan wax laga soo qaadin ee ogaal iyo kas loo seejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsi
duudsi¹: m.l Xaq ama gar qof leeyahay oo la seejiyo.
duudsi²: m.l la-mid: duudsasho.
duudsi³: f.lg1 (-iyay, -iday; -iyi) Xaq qof lahaa seejin. la-mid: duudsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duudsi
duudsi¹: m.l Xaq ama gar qof leeyahay oo la seejiyo.
duudsi³: f.lg1 (-iyay, -iday; -iyi) Xaq qof lahaa seejin. m.dh, duudsiyid. la-mid: duudsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duudsi
v. deny, refute
duudsi vl. n. denial, refutation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duudsi
-ga: (n) injustice (in-jastis); violation of one's rights ~ caddaalad-daro
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Duudsi
Senza compenso
Forefeiture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duudsi
(fal) xaq qof uu lahaa weysii ama muran ka geli. Dh: dulmi.
duudsi -ga: (magac, lab, keli) cid waxay leedahay loo diido hadal qof yidhi oo uu iska diido. Dh: dafiraadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudsi
m.l la-mid: fuudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundud
-ka: (magac, lab, keli) foorar wax aad loogu mashquulsan yahay oo murugo shaqo, wadatashi ama wax la mid ah lagu fooraro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundud
f.mg1 (-day, -dday) Cid hoos u foorarid. la-mid: rundud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hundud
v. bend, put one's head down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hundud
(fal) jilayc oo kala daado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hundud
de: bend, put one's head down
lx: hundud
pd: (hunduday)
ps: v1=intr
key: hundud
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muudsi
vl. n. act of sucking on something, dissolving in the mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudsi
-ga: (magac, lab, keli) wax macaan muudsasho oo muuqa ku jira ka nuugid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muudsi
de: act of sucking on s.t., dissolving in the mouth
lx: muudsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: muudsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudsi
m.l la-mid: quudsasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sundus
name-f silk brocade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuudsi
m.l la-mid: tuudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ududso
(fal) arrin, dan ama wax la mid ah, maarayso adiga oo aan cid kale ku talo galin; talo abaabulo ama maamulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunnusi
(fal) orodsii orod tukubo ah. Bunnusi islaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuududi
f.g2 (-iyay, -isay) Si foolxun u fariisin. la-mid: kawdiidi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuududi
v. cause someone to sit crouched ~ huddled up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududi
(fal) si kuduud ah u fadhiisi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuududi
de: cause s.o. to sit crouched ~ huddled up
lx: kuududi
pd: (kuududiyey)
ps: v2a=tr
key: kuududi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudursi
m.l la-mid: murudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundudid
m.f.dh eeg hundud. la-mid: rundudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hundudid
-da: (magac, dhedig, keli) dabacsanaan iyo kala daadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunyucsi
m.l la-mid: hunyucsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruudsi
-ga: (magac, lab, keli) huruud marsasho. Dh: huruudaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuudadsi
-ga: (magac, lab, keli) fadhi foolxun yoxoobsi. Dh: kamandhuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qummudsi
m.l la-mid: qommodsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rujuucsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg rujuucsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbursi
-ga: (magac, lab, keli) yunbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudmuudsi
-ga: (magac, dhedig, keli) wax muud leh carrabka iyo faruuryaha ku nuugnuugid Dh: muudmuudsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdudumsi
m.l la-mid: qurdudumsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhunkuxsi
m.l la-mid: dhunkuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududaysi
m.l la-mid: fududaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg fududaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhurso
f.mg3 (-saday, -satay) Ciil murugo darteed madaxa hoos u foorarin (qof).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuududshe
(Kuududsha-ha)
Cudur dadka iyo duunyadaba ku dhaca oo lala kici waayo; (ama kuududiye).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuududshe
m.l Cudur dadka iyo duunyadaba ku dhaca oo addimadu soo laabmaan, dhaqdhaqaaqana u diida. la-mid: kuududiye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuududshe
m.l Cudur dadka iyo duunyadaba ku dhaca oo addimadu soo laabmaan, dhaqdhaqaaqana u diida. la-mid: kuududiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuududshe
m. n., [collective] fatal disease affecting humans and animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududshe
-ha: (magac, lab, keli) cudur dadka iyo xoolaha ku dhaca oo lala kici waayo. Dh: kuudadiye. Wa: kuudadshayaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuududshe
a: kuududiye (/ha) [n-m-col]
de: fatal disease affecting humans and animals
lx: kuududshe
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: kuududshe
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rendurcir
rendurcir, v. - adkayn; qalafin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuntuunsi
-ga: (magac, lab, keli) wax ku mintidid; ku fara'adayg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbudhsi
-ga: (magac, lab, keli) kambadhuudhsi Meel aanad joogayn yumbudhsigeedaa la nacay. Dh: yumbudhsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudhso
(fal) si kuudad iyo kadalloob u dhexaysa u fadhiiso, kadalloobso. Yunbudhso dabka dushiisa. Dh: yuxduudso, kumbudhso.