run sugid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
run sugid
m.dh Awood ka xoroobidda qof kale aad jeceshahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruugid
(Ruugid-da)
Wax aan la liqi karin oo dhacaanka keliya laga nuugayo, calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruugid
m.f.dh eeg ruug².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruugid
-da: (n) chewing; crunching; masticating ~ see also [eeg] ruug¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruugid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ad'adag in badan calalin oo ilkaha ku daqiijin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Ruugid
Birta aan afaysnayn waxa looga shaqaynayo way ruugtaa. Birhaylaha, qardhabada, birjaraha, qodobjaraha middida raandada iwm. waxa looga shaqaynayo way ruugaan haddayna si habboon u afaysnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundudid
m.f.dh eeg rundud². la-mid: hundudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rundudid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi rundud ah fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sunsumid
(Sunsumid-da)
Wax badan oo aan ishu tirin karin oo wadajir aayar u socona haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sunsumid
m.f.dh eeg sunsun. la-mid: sulsulid, susumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunsumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan oo aan ishu tirin karin oo wadajir iyo aayar u soconaya, is daba socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
runsheegid
m.dh Sheegidda xaqiiqada. la-mid: runsheeg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
runsheegid
m.dh Sheegidda xaqiiqada. la-mid: runsheeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duugid
(Duugid-da)
1. Suun ama wax la mid ah oo la jilciyo inta suunduuge ama qalab kale wax lagaga qabto.
2. (qof) tuujin: daliigid.
3. Dhulka dhexdiisa ku qarin; xabaalid; aasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugid
m.f.dh eeg duug³. la-mid: duug² (2), duugis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugid
-da: (magac, dhedig, keli) faraha si farsamo iyo khibradi ku jirto jidhka ugu jijibin oo xididdada iyo muruqyada ku furfurid.
duugid -da: (magac, dhedig, keli) qof dhintay, qabri ku aasid. Duugidda maydka laguma raago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungid
m.dh la-mid: hongid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax laga doonto, oo wixii laga waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuugid
(Nuugid-da)
1. Naas caano ku yaalliin afka ku jaqid.
2. Biyo iyo wax la mid ah, dhuun ku cabbid, ku soo jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuugid
nuugid¹: m.f.dh eeg nuug. la-mid: nuugmo.
nuugid²: m.dh (cilmiga naflayda) Nuugidda soohyadu nuugaan biyaha iyo walaxda kale ee jirku u bahanyahay. Cunnada nafaqadeeda waxa laga nuugaa xubnaha dheefshiidka waxayna raacdaa dhiigga iyo liinfada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuugid
m.dh (cilmiga naflayda) Nuugidda soohyadu nuugaan biyaha iyo walaxda kale ee jirku u bahanyahay. Cunnada nafaqadeeda waxa laga nuugaa xubnaha dheefshiidka waxayna raacdaa dhiigga iyo liinfada.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Nuugid
Absorption
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuugid
vl. n. act of sucking; absorption {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuugid
-da: (n) the act of absorbing or sucking; absorption (ab soorp-shin) nuugitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuugid
-da: (magac, dhedig, keli) jiidasho dhuun iyo wixii la mid ah lagu soo juto wax meel ku jira iyadoo nakhas la adeegsanayo.
nuugid-da: (magac, dhedig, keli) jaqid oo caano naas ku jira carrabka iyo faruuryaha ku muudsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuugid
de: act of sucking; [ext.] absorption {chemistry}
lx: nuugid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: nuugid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
nuugid
رضاعة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundud
rundud¹: m.l la-mid: hundhur¹.
rundud²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: hundud²; la-mid: hundhur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rundud
-ka: (magac, lab, keli) fadhi aan qurux badnayn oo gorod laalaadin ah. Rundudka ka kac oo kac xoogso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruubid
(Ruubid-da)
(wax) ciid jilicsan ama wax kale oo la mid ah, dhex gelin, ku librin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruubid
m.f.dh eeg ruub². la-mid: ruubin, ruubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruubid
-da: (magac, dhedig, keli) dhexgelin oo ku libdhin, xuluulin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Ruubid
Mudid, wareemid, turqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruufid
-da: (magac, dhedig, keli) si xun u eegid. Dh: huruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruuqid
(Ruuqid-da)
Cunno qoyan oo jilicsan, afka ku cunid, ku bashuuqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuqid
m.f.dh eeg ruuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuqid
-da: (magac, dhedig, keli) cunno qoyan oo jilicsan, afka ku cunid.
ruuqid: -da: (magac, dhedig, keli) danbas iyo wixii la mid ah, qori noolays ah dhexgelin. Dh: ruugis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuugid
(Tuugid-da)
Wax weyddiisasho kulul; baryid; yaboohsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuugid
m.f.dh eeg tuug². la-mid: tuugmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax weyddiisasho kulul; baryid; yaboohsasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
unsaid
/ansedh/ (adj) aan la sheegin (aan la oran).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
junubid
m.dh la-mid: jinaabid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kul sid
Heat content
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rukumid
(Rukumid-da)
Rukun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rukumid
m.f.dh eeg rukun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rukumid
-da: (magac, dhedig, keli) joogtayn; rukun ka dhigid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
run out
/ran awt/ (v) dhammaaday (wax kaa kala go'a, oo aad horay u haysatey).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
susumid
m.f.dh eeg sunsumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
susumid
-da: (magac, dhedig, keli) adhi iyo wixii la mid ah isdaba galid oo is daba socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuncunid
(Cuncunid-da)
Meel oogada kamid ah oo cuncunta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuncunid
m.f.dh eeg cuncun³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuncunid
vl. n. itching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuncunid
-da: (magac, dhedig, keli) meel oogada ka mid ah, xajiin darteed xoqniin doonid. Dh: cuncunis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuncunid
de: itching
lx: cuncunid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: cuncunid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuskugid
(Cuskugid-da)
Meel yuururid; fadhiyid; yoxoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuskugid
m.f.dh eeg cuskug². la-mid: cuskug¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuskugid
-da: (magac, dhedig, keli) meel yuurur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dundumid
m.dh la-mid: diddimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dundumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhisnaa oo taagnaa, burburid oo kolba in ka dumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsugid
farsugid: m.f.dh eeg farsug.
farsųgid: m.f.dh eeg farsųg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsugid
-da: (magac, dhedig, keli) hubinta in ay gacantu si sax ah wax u qorayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunrogid
m.f.dh eeg gunrog².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunuusid
m.dh la-mid: gunuunucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huluugid
-da: (magac, dhedig, keli) si debecsan oo kala fogfog, u tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunbulid
(Hunbulid-da)
Wax hunbulan ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbulid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ama qaab hunbulan ama kuusan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundudid
m.f.dh eeg hundud. la-mid: rundudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hundudid
-da: (magac, dhedig, keli) dabacsanaan iyo kala daadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isnuugid
(Isnuugid-da)
Xoolaha irmaan oo caanaha candhadooda ku jira, iyagu nuuga; isjaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
junuubid
m.dh la-mid: jinaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
junuunid
m.dh la-mid: jinaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku sugan
adj., [expression] in a (certain) condition
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ku tumid
to spike
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunfulid
m.dh la-mid: qafilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rukuucid
(Rukuucid-da)
Salaadda dhexdeeda, rukuuc la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rukuucid
m.f.dh eeg rukuuc². la-mid: rakuucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rukuucid
-da: (magac, dhedig, keli) rukuuc samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqruqid
-da: (magac, dhedig, keli) daadasho oo soo fuqfugid. Dh: fuqfugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruquusid
m.dh la-mid: raquus¹, raquusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruquusid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka ku camcamin. Dh: ruquushid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruxruxid
(Ruxruxid-da)
In badan ruxid; gilgilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruxruxid
-da: (magac, dhedig, keli) si is dabajoog ah u dhaqdhaqaajin. Dh: Lullulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulsulid
m.dh la-mid: sunsumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suusucid
(Suusucid-da)
Suusuc noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusucid
m.f.dh eeg suusuc². la-mid: suusacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suusucid
-da: (magac, dhedig, keli) suusuc noqosho. Suusicid ku ma wanaagsana caanaha lo'du. Dh: dhanaanid. Li: dhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suusumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax tira badan oo ishu aanay tirin karin oo iyagoo is cidhiidhyanaya qunyar soconaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cantuugid
(Cantuugid-da)
(cunno) kol afka buuxin; afka muggi ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantuugid
m.f.dh eeg cantuug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantuugid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto, sharaab iyo wixii la mid ah, kol keliya afka gelin; afka muggii ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhursugid
(Dhursugid-da)
Dhur danbe ama aayatiin wanaagsan oo la filana hayo, sugid; dhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhursugid
m.f.dh eeg dhursug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhursugid
-da: (magac, dhedig, keli) «ka wax ama war sugid oo rajayn. Li: quus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gundhigid
(Gundhigid-da)
Gundhig u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundhigid
m.f.dh eeg gundhig².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhurid
m.f.dh eeg hundhur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mansuugid
-da: (magac, dhedig, keli) ku bakhaylid. Wax ad hayn ku mansuugiddisu waa qalad. Dh: bakhaylid, mansuugis.
mansuugid-da: (magac, dhedig, keli) saluugid oo biiro doonid. Dh: saluugid. Li: bismillaysi.