rum
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rum
/raam/ (n) khamri saamays kulul oo laga sameeyo dheecaanka sonkorta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aamminid
(Aamminid-da)
Kalsooni u qabid; rumaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beenin
(Beenin-ta)
Been ka dhigid; rumayn la'aan; asaraarid; beenayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caday
(Caday-ga)
Geed-abaareed leh miro la cuno oo biir leh, laamihiisa iyo xididdadiisana ilkaha lagu nadiifiyo; rummay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caqiido
(Caqiida-da)
Rumaysnaanta mabda' ahaan loo rumaysan yahay arrimo badan oo diinta ku soo arooray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daliil
(Daliil-ka)
1. Wax wax lagu rumaysto; marag; markhaati.
2. Xun; liid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ictiqaad
(Ictiqaad-ka)
Rumaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iimaan
(Iimaan-ka)
1. (diin) Ilaah, malaa'ig, nebiyo, kd., jiriddooda rumaysasho.
2. Wixii la helo, in kasta ha le'ekaadeene, oo lagu laabsamaado ee aan la saluugin; qaneeco.
3. Ugaas, Islaan, Wabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishtiraaki
(Ishtiraaki-ga)
Qof ishtiraakiyada rumaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaafir
(Kaafir-ka)
(qof) aan Ilaah rumaysnayn; gaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufri
(Kufri-ga)
(dad, qof) aan Ilaah jiriddiisa rumaysnayn; Gaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabid
(Qabid-da)
1. Lahaansho; haysasho.
2. (guur) u dhixid.
3. La ahaansho; rumaysnaan; moodid.
4. (cudur, kd.) ku dhicid; hayn; qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qancid
(Qancid-da)
Wax laysu sheegay oo lays dhacsiiyey, u qaadasho, rumaysasho, deeqid; fillaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qirid
(Qirid-da)
1. Runtii sheegid, furid; caddayn.
2. Rumayn; markhaatikicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rumayn
(Rumayn-ta)
Run u qirid; rumaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rumaysad
(Rumaysad-ka)
Rumaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rumaysasho
(Rumaysasha-da)
Run moodid, u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rumaysnaan
(Rumaysnaan-ta)
(qof) Rumaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rummaan
1. (Rummaan-ka) Geed la beero iyo miro wanaagsan oo la cuno oo ka baxa.
2. (Rummaan-ta) Maro midabyo badan oo la huwado ama garbasaar laga dhigto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rummasan
(Rummasan-ka, Rummasan-ta)
Geed aan qodxo lahayn oo ur udgoon iyo miro aan kuwa haylka laga aqoon leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rummay
(Rummay-ga)
Qori caday ama geed kale ah oo bul loo yeelo, ama buraash ilkaha lagu nadiifiyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drum
/dram/ (n) 1. durbaan (v) 2. durbaan tumid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
drum
n., durbaan, -ki.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rhum
rhum, n.m. - khamriga laga sameeyo dheecaanka sonkorta
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rump
/ramp/ (n) bari (barida xayawaanka ama xoolaha).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rump
(see croup).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruum
m.l Nooc khamrada ka mid ah oo aalkolku ku badan yahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruum
-ka: (magac, lab, keli) meel la dego. Dh: jabad, berrin, ruun, rug.
ruum -ka: (magac, lab, keli) nooc khamrada ka mid ah oo aalkolku ku badan yahay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bum
/bam/ (n) darbi-jiif (qof kharaab ah)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bum
n., (the buttocks) sal, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dum
(fal) dad abaabul oo soo ururi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gum
/gam/ (n) 1. cirrid (n) 2. xanjo (n) 3. xabag.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gum
n., (the hard, fleshy substance covering the jaws and investing the teeth) cirid, -ki; (the vegetable secretion of trees and plants) xabag, -ti; black gum, baxbax, -i; a kind of gum, xanjo, -adi; liquid gum, duxsin, -ti; take the liquid gum, duxso; a gum tree, mudhayo or murayo, -adi.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hum
Jac-jac
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hum
Hadhaa didib
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hum
v.., (buzz) xiin, guux.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mum
/mam/ (n) hooyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ram
/raam/ (n) 1. wan (wanka sumalka ah ee idaha loo hayo) (v) 2. ku dhicid (xoog u hardiyid).
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Ram
(I) Montone;
(S) ALEN (S. c. m.; Alén); WAN (S. g.: Uàn)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ram
n., wan, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rim
/rim/ (n) qar (daan, qarka ama geeska shay ama meel).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rim
n., (margin) girgir or jirjir, -ki; rim of a glass, qarqar, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rub
/rab/ (v) marmarin (ku rugid, ku tirtirid, masaxid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rub
v.tr., duug, mari; rub off the skin, xago, xagxago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rud
f.g1 (-day, -dday) Nafley hal mar ilkaha cunto ku goosasho. la-mid: rudh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rud
inch. v. take a bite ~ mouthful of something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rud
-ay/rudday: (v) have a mouthful bite; have a good taste ~ cantuug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rud
-ka: (magac, lab, keli) in mar ilkaha lagu goosto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rud
a: rudh
de: take a bite ~ mouthful of s.t.
lx: rud
pd: (ruday)
ps: v1=inch
syn: hudh
key: rud
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rue
/ruu/ (v) ka shallaayid (ka xumaan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rue
rue, n.f. - waddo; jid; dariiq; suuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rug
(Rug-ta)
Meesha qof deggan yahay; degmo; guri; ruun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rug
rug: m.dh (-go, m.l) 1. Meel la deggan yahay; guri. 2. Xarun.
rųg¹: m.dh.sh.r Erey tilmaamaya wax dhacay dhawaaqiisa.
rųg²: f.g1 (-gay, -gtay) Wax, wasakh dusha kaga dheggan ka xoqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rug
m.dh (-go, m.l) 1. Meel la deggan yahay; guri. 2. Xarun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rug
f. n. settlement, village; home, habitat; place, parcel, site, location, position
rug: v. rub, polish, scrub
rug: [feminine] n. thud, thump, sound of a heavy object's fall
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rug
/rag/ (n) 1. sajaayad yar (katii-fad) 2. buste.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rug
-ta: (n) home (hoom); station (isteey-shin); place (paleeys); base (beeys); habitat (haba-taat) ~ xarun-ta, degaan
rug -ay/tay: (v) mop (maap); wash with a mop; clean by rubbing; polish (poo-lish); rub against; scour (iskaar); scrub (iska-raab)~ dhaq
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Rug
Sede
Head office
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rug
-ta: (magac, dhedig, keli) meel xafiisyo ama goobo la deggen yahay ay ku yaalliin. Rugta aad ku nooshahay, muddo badan ku riiqmaye... Dh: raas, saldhig, goob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Run
(Run-ta)
1. Wax walba oo loo sheego sida ay yihiin oo aan been lagu darin.
2. Wax jira, wax dhab ah, wax sugan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
run
m.dh Wax xaqiiqo ah oo la hubo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
run
m.dh Wax xaqiiqo ah oo la hubo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
run
f. n., [abstract] (adj.): truth, essence, reality; true, real
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
run
/ran/ (v) 1. ordid (cararid) (n) 2. orod.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
run
-ta: (n) truth (turuuth); reality (ri-yaalati); realness (ri-yal-nes); fact (faakt); veracity (va-raa-sati) ~ xaqiiq. Ex: runta ii sheeg! tell me the truth!
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Run
Verità
Truth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
run
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jira oo si cad u muuqda; dhacdo sugan. Dh: dhab. Li: khiyaal.
run -ta: (magac, dhedig, keli) odhaah cid ka soo baxda iyo dhacdo laga hadlayo oo is tega: hadalka oo la mid noqda waxa jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
run
de: truth, essence, reality; [atr.] true, real Opp: been
lx: run
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: run
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
run
صِدْقٍ، حَقِيقَة، حَقٌّ
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
run
v.i., carar, orod, roor; whither do you run so fast, xaggaad dhaqsaha ugu ordaysaa? he ran upon me, igu so cararay; run to his help, orod oo u hiili; the river runs by the mountain, durdurku buurtuu soo maraa; time runs insensibly, waqtigu qun yar buu socdaa; his tongue runs perpetually, goor iyo galab afka isku dari maayo; run away, ka carar, yaaca; run after, ka daba tag, raadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruq
ruq¹: m.dh R. ah: neef xoolo ah oo caato la kici waayay. la-mid: ruqo¹.
ruq²: f.mg1 (-qay, -qday) Geed wax xididdadiisu dhulka ka soo wada fuqeen noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ruq
ruq¹: m.dh R. ah: neef xoolo ah oo caato la kici waayay. la-mid: ruqo.
ruq²: f.mg1 (-qay, -qday) Geed wax xididdadiisu dhulka ka soo wada fuqeen noqosho. m.f.dh, ruqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruq
inch. v. be uprooted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruq
-ay / day: (v) uproot (ap-ruut); pull up from the ground
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruq
(fal) fuq oo meel aad ku naban tahay ka go'. Dh: fuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruq
de: be uprooted
lx: ruq
pd: (ruqay)
ps: v1=inch
key: ruq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rux
f.g1 (-xay, -xday) 1. Haan caano ku jiraan lulid si subag looga dhaliyo. 2. Wax gilgilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rux
f.g1 (-xay, -xday) 1. Haan caano ku jiraan lulid si subag looga dhaliyo. 2. Wax gilgilid. m.f.dh, ruxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rux
v. shake, wave; loosen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rux
-ay -day: (v) shake (sheeyk); agitate (a-ji-teeyt) ~ lul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rux
(fal) xoog u wadhaami oo kolba dhan u dhaqaaji. Saabuun caagadda ku rux. Dh: lul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rux
de: shake, wave; loosen
lx: rux
pd: (ruxay)
ps: v1=
key: rux
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sum
Wadar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sum
/sam/ (n) 1. xisaab lacageed (qadar lacag ah) (n) 2. wadar (isu-geyn) (n) 3. xisaab-fallo (sida kudarta, ka-goyda iwm).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sum
n., xisaab, -ti, tiro, -adi; sum given monthly to the Somali chiefs, miri, -di.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrum
(fal) neef geela oo sarajooga fadhiisi. Amminkii la barqo maali jirey, ma arrumaayaane. Dh: tu'i, fadhiisi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
brume
brume, n.f. - ciiryaamo; marka iftiinku yaraado
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
crumb
/kramb/ (n) cad (go,' jab, siiba jab rooti iwm ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
forum
/fooram/ (n) fagaare, gole, madal
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
forum
forum, n.m. - aqoon-is-weydaarin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
grumo
s.m. - xinjir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rudmo
(Rudma-da)
1. Cad yar oo mar ilkaha lagu goosto.
2. Goosashada lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rudmo
m.dh (-ooyin, m.l) In cunto ah oo hal mar ilkaha lagu goosto. la-mid: rudhmo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rudmo
m.dh (-ooyin, m.l) In cunto ah oo hal mar ilkaha lagu goosto. la-mid: rudhmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rudmo
f. n. bite, mouthful; act of biting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rudmo
-da: (magac, dhedig, keli) goosashada lafteeda. Dh: hudhmo.
rudmo-da: (magac, dhedig, keli) cad yar oo mar ilkaha lagu goosto. Dh: rudhmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rudmo
de: bite, mouthful; act of biting
lx: rudmo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: luqmad
key: rudmo
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RUMAY
(Rumai) All. Som. Salvadora persica L. Salvadoraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumay
(fal) caday Ilkaha ku xuruud oo huurada kaga nadiifi. Dh: caday.
rumay -ga: (magac, lab, keli) wax ilkaha lagu cadayo. Dh: caday.