rugrug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rugrug
m.dh.sh.r Codka uu sameeyo dhaqdhaqaaqa wadnuhu.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rugrug
f. n. rhythmic beating (of the heart)
rugrug: m. n. dregs, residue in a liquid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rugrug
(ereycodeed) lagu tilmaansado wax miisaanle oo si isdabajoog ah meel ugu dhacdhacaya. Dh: jugjug.
rugrug: (ereycodeed) codka uu sameeyo dhaqdhaqaaga wadnuhu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rugrugleyn
m.f.dh eeg rugruglee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fugfuglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rugrug iyo orod xoog badan samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riqriqasho
-da: (magac, dhedig, kell) dhaqdhaqaaaq uu wax dhagdhaqaago. Dh: rugrugaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rugruglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta codka rugrugta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rugorugo
m.l Sisin mooye lagu tumay oo inta biyo lagu daro waambaha lagu iidaan-to.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rugorugo
-ha: (magac, lab, keli) sisin mooye lagu tumay oo inta biyo lagu daro waambaha lagu iidaanto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rugrug_1
de: rhythmic beating (of the heart)
hm: 1
lx: rugrug
pd: (-ta)
ps: n-f
key: rugrug_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rugrug_2
de: dregs, residue in a liquid
hm: 2
lx: rugrug
pd: (-ga)
ps: n-m
key: rugrug_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruug
(Ruug-ga)
1. Lafaha dheerdheer oo dhuuxa leh, intooda u dhexaysa daloolka dhuuxa iyo kuraankuraha iyo kuwa xalxalleefsan qaarkood sida lafsakaarta, oo ka samaysan lafo jilicsan oo xorshosh ah oo la ruugi karo oo dufan-dhuux laga shiiqsado.
2. Jilib; low.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruug
ruug¹: m.l (-gag, m.l) 1. Meesha ay iska galaan bowdada iyo dhudhunka; jilib; low. 2. Madaxa kuusan ee laba lafood iska galaan.
ruug²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax adag calaalin. 2. Arrin si wanaagsan uga baaraandegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ruug
ruug¹: m.l (-gag, m.l) 1. Meesha ay iska galaan bowdada iyo dhudhunka; jilib; low. 2. Madaxa kuusan ee laba lafood iska galaan.
ruug²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax adag calaalin. 2. Arrin si wanaagsan uga baaraandegid. m.f.dh, ruugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruug
m. n. knee
ruug v. gnaw, chew
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruug
-ay / tay: (v) chew (Juu), masticate (maas-tikeeyt); crunch (karaanj) ~ calali
ruug -ga: (n) knee (nil) ~ jilib, low
ruug -ay / tay: (v) chew (juu); masticate (maasti-keeyt) ~ calali, calaanji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruug
(fal) wax adag ilkaha ku calali; wax aan la liqi karin, ilkaha ku daqiiji oo ku jejebi.
ruug-ga: (magac, lab, keli) halka lugta dadka laabanta ee xagasha ku toosan. Ruugga ayaa odayga wax noqday oo rafaad uma yara. Dh: jilib, law, low.
ruug-ga: (magac, lab, keli) lafaha dhaadhdheer ee dhuuxa leh intooda u dhexaysa daloolka dhuuxa iyo kuraankuraha oo ka samaysan lafo jilicsan oo xorshosh ah oo la ruugi karo oo dufan ama dhuux laga shiiqsado. Ruug lafa geel baa ah.
ruug-ga: (magac, lab, keli) lafaha daanka iyo afka hareerihiisa ku yaal.
ruug-a: labada halaad ee boqolka la bixinayo ugu danbeeya middood oo labada beelood ee boqolka kala qaadanayaa ay wada qashaan oo halkaa ay ku wada cunaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urug
m.dh Cudur dadka, xoolaha iyo shimbiraha ku dhaca oo sambabada waxyeeleeya oo xummad badan iyo qufac leh; qaaxo; feero.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
urug
m.dh Cudur dadka, xoolaha iyo shimbiraha ku dhaca oo sambabada waxyeeleeya oo xummad badan iyo qufac leh; qaaxo; feero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
urug
f. n. chest pain, any respiratory ~ abdominal disease (e.g., tuberculosis); depression
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
urug
ta: (n) resentment (ri-zant-ment); rage (reeyj); anger (aang-ger); exasperation (ig-zaas-pa-reey-shin) urugo, umal; caro, xanaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urug
-ga: (magac, lab, keli) wax is ku dhex mulaaqmay oo aan la kala saari karin.
urug-ta: (magac, dhedig, keli) walaac iyo welwel aad u weyn. Aqligaagu wuu naaqusmaa urug daraadeede. Dh: murug, murugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
urug
de: chest pain, any respiratory ~ abdominal disease (e.g., tuberculosis); [ext.] depression
initial: u
lx: urug
pd: (-ta)
ps: n-f
key: urug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durug
f.mg1 (-rkay, -rugtay; -rki) 1. Meel ka sikasho. 2. Meel ka fogaansho. la-mid: duruq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durug
f.mg1 (-rkay, -rugtay; -rki) 1. Meel ka sikasho. 2. Meel ka fogaansho. m.f.dh, durkid. la-mid: duruq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durug
v. shift position, move (oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durug
-durkay / durugtay: (v) move oneself a bit to give space to someone; move yourself a bit; shift (shift) ~ siko. Ex: iga durug; give me a space [move away from me]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durug
(fal) meel dheer teg. Dhankaa iiga durug aan fadhiistee. Dh: siko, fogow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durug
bw: siko
de: shift position, move (oneself)
lx: durug
pd: (durkay / durugtay)
ps: v1=intr
see: durki
key: durug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murug
1. (Murug-ga) a) Midab ka kooban midabyo isku darsamay; camaajiir. b) Wax wax badan isku kor laablaabma oo la kala bixbixin waayo (dun, xarig, ...).
2. (Murug-ta) Arrin xusuusteedu saamays weyn leedahay, oo laga naxo; uurkutaallo; caloolxumo; hammi; welwel; welbahaar; islahadal; (ama murugo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murug
murug¹: m.l 1. Cayayaan geedka digirta ka cuna caleenta. 2. Isku marmidda xarig, dun iyo wixi lamida ay isku milqaan.
murug²: m.dh 1. la-mid: murugo 1. Uurkutaallo; caloolxumo. 2. la-mid: murud.
murug³: f.g1 (-rgay, -rugtay; -rgi) 1. Xarig iyo wixi lamida si aad ah isku dhex gelid. 2. Arrin iyo wixi lamida wax aan la xallin karin noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murug
murug¹: m.dh 1. la-mid: murugo. Uurkutaallo; caloolxumo. 2. la-mid: murud.
murug²: f.g1 (-rgay, -rugtay; -rgi) 1. Xarig iyo wixi lamida si aad ah isku dhex gelid. 2. Arrin iyo wixi lamida wax aan la xallin karin noqosho. m.f.dh, murgid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murug
f. n. worry, anxiety, preoccupation, mental ~ emotional torment
murug v. worry, be worried ~ deeply concerned
murug m. n. mixture, tangle; multicolored pattern
murug [inchoative] v. get mixed up, become entangled, be tangled
murug: m. n., (mass n.): crumbs, remaining contents of food
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MURUG
[MURUK, MURUGH) Uvaria denhardtiana 02
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MURUG
(Morug) C Uvaria denhardtiana Engl.&Diels Annonaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murug
-ay/tay: (v) become complex; perplex (peer palaks); complicate (kom pilkeeyt)
murug -ta: (n) sorrow (soor'oo); misery (miz'ari); dejection (dijak shin) ~ walbahaar, murugo, tiiraanyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murug
(fal) isku maran oo isku gunguntan.
murug: (fal) isla jahawareer oo arrin madaxa ha la isku geliyo. Arrin aabbo weydaay murug. Dh: jahawareer, qasan.
murug -ga: (magac, lab, keli) midab ka kooban midabyo isku darsamay. Dh: camaajiir.
murug -ga: (magac, lab, keli) qasan iyo walaaq xoog ah oo arrini ay gasho oo xal iyo furdaamin midba loo waayo. Dh: jahawareer.
murug -ga: (magac, lab, keli) marmid uu xadhig si xoog ah u marmo oo uu is dhexgalo oo kor iyo hoos isku laablaabmo oo la kala bixin kari waayo.
murug -ta: (magac, dhedig, keli) welwel iyo uur ku taallo loo qabo sida wax maqan ama natiijada wax tegey ay noqon doonto. Dh: murugo, uurkutaallo, walbahaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rugue
(fal) meel shey ka daloolo ragcad yar saar oo awd. Ruguc meesha daloosha ee taayirka. Dh: ragcadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turug
m.l (-gyo, m.dh) 1. Muruq. 2. Meel taag ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turug
-ga: (magac, lab, keli) dhulka meel hara ka dheer. Dh: taag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugbug
bugbug!: eeg bambam!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugdug
(fal) socod liita soco. Dh: luud.
dugdug -ga: (magac, lab, keli) socodka qof gaboobay oo horey loo sii dhacdhaco. Dh: luud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fugfug
-ta: (magac, dhedig, keli) tantoomo iyo wax la mid ah, meel ku celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luguug
-ga: (magacwadareed) tirooyin aad u badan, lag iyo aalaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugnug
-ta: (magac, dhedig, keli) garaac uu sameeyo nabar uu dheecaan galay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigrig
rigrig¹: m.l Tolmo lagu celceliyo, la adkeeyo. la-mid: rigrigo.
rigrig²: f.g1 (-gay, -gtay) Weel rigrigo afka kaga tolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigrig
(fal) rigrig u samee.
rigrig-ga: (magac, lab, keli) tolmo tidic ah oo weel geerkii lagu sameeyo. Rigrig adag u samee afka dhiisha si daboolku u qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogrog
rogrog¹: m.l 1. Gedgeddinta wax la gedgeddiyo. 2. Caano yar oo weel la culay carka looga bi'iyo.
rogrog²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax gedgeddin. 2. Lacag yar ganacsi ku samayn. 3. Weel la culay caano yar car uga bi'in.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rogrog
rogrog¹: m.l 1. Gedgeddinta wax la gedgeddiyo. 2. Caano yar oo weel la culay carka looga bi'iyo.
rogrog²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax gedgeddin. 2. Lacag yar ganacsi ku samayn. 3. Weel la culay caano yar car uga bi'in. m.f.dh, rogrogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rogrog
v. keep on turning around ~ over; engage in trade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogrog
(fal) kolba dhan u gembi; qalqallib oo hadba dhinac u rog.
rogrog -a: (magac, lab, keli) baayacmushtar yar oo inta meel wax laga soo qaado meel kale lagu gado ama wax inta la soo iibsado wax kale lagu bedesho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rogrog
de: keep on turning around ~ over; [ext.] engage in trade
lx: rogrog
pd: (rogrogay)
ps: v1=pl
key: rogrog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqruq
(fal) daado oo meel aad ku nabnabnayd ka soo fuqfuq. Dh: fuqfuq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruxrux
v. brandish; keep on shaking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruxrux
-yey/day: (v) move to and fro; shake (sheeyk); agitate (a-ji-teeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruxrux
(fal) si is dabajoog ah u dhaqdhaqaaji u lullul. Ruxrux ilmaha si uu u gam'o. Dh: lulla.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruxrux
cf: liglig
de: brandish; keep on shaking
lx: ruxrux
pd: (ruxruxay)
ps: v1=
key: ruxrux
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yugyug
(fal) si yugyug ah oo taagdarro ka muuqato u soco. Hooyo waa habeene sii yugyug.
yugyug-ta: (magac, dhedig, keli) socod hutuqhutuq ah oo dadka dugoobay ama itaalka yari ay socdaan oo in horay loo dhacayo la moodo. Waar fadhiiso maxaad yugyugta la haysaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rugruglee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Wadne aad u dhaqdhaqaaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rugruglee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Wadne aad u dhaqdhaqaaqid. m.f.dh, rugruglayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rugruglee
v. beat rhythmically and steadily (of the heart)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rugruglee
(fal) cod rugrug ah samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rugruglee
de: beat rhythmically and steadily (of the heart)
lx: rugruglee
pd: (rugrugleeyey)
ps: v2b=intr
key: rugruglee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ragrago
(Ragraga-da)
Digasho xeel dheer oo faan ku jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragrago
ragrago¹: m.dh Digasho ismuujin iyo faan ku jiro.
ragrago²: f.mg3 (-gtay, -gatay) Ku r.: ragannimo iyo awood dheeraad ah cid ugu faanid iyada oo lagu diganayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ragrago
f. n. gloating, scorn, pleasure in another's humiliation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ragrago
de: gloating, scorn, pleasure in another's humiliation
lx: ragrago
pd: (/da)
ps: n-f
key: ragrago
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rigrigo
(Rigriga-da)
Tolmo isdhaafdhaaf ah oo weelasha afkooda ama alaabo serjigeed lagu sameeyo oo dillaaca ka dhawrta; daruur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigrigo
rigrigo¹: m.dh 1. la-mid: rigrig 1. Tolmo isdhaafdhaafsan oo weelka afkiisa lagu sameeyo si dilaaca looga ilaaliyo. 2. Dagaal weyn oo lagu hoobtay.
rigrigo²: f.g3 (-gtay, -gatay) Weel rigrig ku tolasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rigrigo
f. n. hem, bound edge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigrigo
-da: (magic, dhedig, keli) tolmo is dhaafdhaaf ah oo weelasha afkooda ama alaabo kale serjigeeda lagu sameeyo oo dilclillaacca iyo rifanka lagaga ilaasho. Dh: daruur, rigrig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rigrigo
de: hem, bound edge
lx: rigrigo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: rigrigo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogrogo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Lacag yar ku mushtarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rogrogo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Lacag yar ku mushtarid. m.f.dh, rogrogasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rogrogo
v. trade, exchange
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogrogo
(fal) hadba dhinac u geddiso
rogrogo: (fal) badeecad aan badnayn ka baayacmushtaro. Lacag yar amaaho oo rogrogo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rogrogo
de: trade, exchange
lx: rogrogo
nt: rogrogad (ka) [vn-m], rogrogasho (/da) [vn-f]
pd: (rogrogtay)
ps: v3b=pl
key: rogrogo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rougeur
rougeur, n.f. - gaduud
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rugueux
rugueux, adj. - qallafsan