rugorugo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rugorugo
m.l Sisin mooye lagu tumay oo inta biyo lagu daro waambaha lagu iidaan-to.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rugorugo
-ha: (magac, lab, keli) sisin mooye lagu tumay oo inta biyo lagu daro waambaha lagu iidaanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rugrug
m.dh.sh.r Codka uu sameeyo dhaqdhaqaaqa wadnuhu.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rugrug
f. n. rhythmic beating (of the heart)
rugrug: m. n. dregs, residue in a liquid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rugrug
(ereycodeed) lagu tilmaansado wax miisaanle oo si isdabajoog ah meel ugu dhacdhacaya. Dh: jugjug.
rugrug: (ereycodeed) codka uu sameeyo dhaqdhaqaaga wadnuhu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Urugo
(Uruga-da)
1. Arrin lala murgo; caloolxumo; uurkutaallo.
2. Cudur feeraha ku dhaca; feero; qaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urugo
m.dh Uurkutaallo; tiiraanyo; caloolxumo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
urugo
m.dh Uurkutaallo; tiiraanyo; caloolxumo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
urugo
f. n., [collective] worry, grief, depression, deep-seated emotion
urugo [feminine] n. tuberculosis, pneumonia, lung disorder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
urugo
-urugada: (n) resentment (ri-zant-ment); rage (reeyj) ~ see [eeg] umal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urugo
-da: (magac, dhedig, keli) dhacdo hore oo laga murugoodo. Urugo iyo ciil buu la madaw yahay agoonka aabbihii la dilay. Dh: uurkutaallo, caloolxumo, murugo.
urugo -da: (magac, dhedig, keli) cudur feedhaha ku dhaca. Dh: feedho, qaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murugo
(Muruga-da)
Wax saamays daran leh oo maanku la murgo; caloolxumo; (ama murug).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugo
murugo¹: m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: murug² (1).
murugo²: m.dh (c.naf.) Xaalad maskaxeed oo qofku aad u qalbi xunyahay. Dhaqdhaqaaqu wuxuu noqon karaa mid kacsan oo aan xasillooneyn ama mid gaabiya oo an firfircooneyn. Dabeecadda qofka waxa ka muuqata rajobeel iyo beelosheeg. Hurdada, cuntada iyo fakarkaba oo xumaada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murugo
m.dh (c.naf.) Xaalad maskaxeed oo qofku aad u qalbi xunyahay. Dhaqdhaqaaqu wuxuu noqon karaa mid kacsan oo aan xasillooneyn ama mid gaabiya oo an firfircooneyn. Dabeecadda qofka waxa ka muuqata rajobeel iyo beelosheeg. Hurdada, cuntada iyo fakarkaba oo xumaada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murugo
f. n. anxiety, worry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murugo
-murugada: (n) sorrow (soor oo); misery (miz 'ari); dejection (dijak-shiri); gloom (gluum) ~ murug, tiiraanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugo
-da: (magac, dhedig, keli) welwel iyo uurkutaallo; caloolyaw lala mashquulo oo naftu walbahaar joogto ah ku jirto. Dh: murug, uurkutaallo, walbahaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murugo
de: anxiety, worry
lx: murugo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: murug
key: murugo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
murugo
حزن
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ragrago
(Ragraga-da)
Digasho xeel dheer oo faan ku jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragrago
ragrago¹: m.dh Digasho ismuujin iyo faan ku jiro.
ragrago²: f.mg3 (-gtay, -gatay) Ku r.: ragannimo iyo awood dheeraad ah cid ugu faanid iyada oo lagu diganayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ragrago
f. n. gloating, scorn, pleasure in another's humiliation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ragrago
de: gloating, scorn, pleasure in another's humiliation
lx: ragrago
pd: (/da)
ps: n-f
key: ragrago
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rigrigo
(Rigriga-da)
Tolmo isdhaafdhaaf ah oo weelasha afkooda ama alaabo serjigeed lagu sameeyo oo dillaaca ka dhawrta; daruur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigrigo
rigrigo¹: m.dh 1. la-mid: rigrig 1. Tolmo isdhaafdhaafsan oo weelka afkiisa lagu sameeyo si dilaaca looga ilaaliyo. 2. Dagaal weyn oo lagu hoobtay.
rigrigo²: f.g3 (-gtay, -gatay) Weel rigrig ku tolasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rigrigo
f. n. hem, bound edge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigrigo
-da: (magic, dhedig, keli) tolmo is dhaafdhaaf ah oo weelasha afkooda ama alaabo kale serjigeeda lagu sameeyo oo dilclillaacca iyo rifanka lagaga ilaasho. Dh: daruur, rigrig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rigrigo
de: hem, bound edge
lx: rigrigo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: rigrigo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogrogo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Lacag yar ku mushtarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rogrogo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Lacag yar ku mushtarid. m.f.dh, rogrogasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rogrogo
v. trade, exchange
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogrogo
(fal) hadba dhinac u geddiso
rogrogo: (fal) badeecad aan badnayn ka baayacmushtaro. Lacag yar amaaho oo rogrogo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rogrogo
de: trade, exchange
lx: rogrogo
nt: rogrogad (ka) [vn-m], rogrogasho (/da) [vn-f]
pd: (rogrogtay)
ps: v3b=pl
key: rogrogo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rugrug_1
de: rhythmic beating (of the heart)
hm: 1
lx: rugrug
pd: (-ta)
ps: n-f
key: rugrug_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rugrug_2
de: dregs, residue in a liquid
hm: 2
lx: rugrug
pd: (-ga)
ps: n-m
key: rugrug_2
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
rumoróso
agg. - buuq badan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rugruglee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Wadne aad u dhaqdhaqaaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rugruglee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Wadne aad u dhaqdhaqaaqid. m.f.dh, rugruglayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rugruglee
v. beat rhythmically and steadily (of the heart)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rugruglee
(fal) cod rugrug ah samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rugruglee
de: beat rhythmically and steadily (of the heart)
lx: rugruglee
pd: (rugrugleeyey)
ps: v2b=intr
key: rugruglee