rubbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rubbi
-ga: (magac, lab, keli) hal rodol rubuci; rodol afar meelood loo qaybshey meel ka mid ah. Dh: rubuc.
rubbi-ga: (magac, lab, keli) jaad dhagaxda qaaliga ah, ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rubi
(Rubi-ga)
Wax afar meelood loo dhigay meeshood; waax, (ama rubuc).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rubi
m.l.t Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybshay meeshood; rubuc; waax. Tusaale: “Waa sagaalkii iyo r.”; “R. kiilo bariis ah”. la-mid: rubac, rubuc.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rubi
m.l.t Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybshay meeshood; rubuc; waax. Tusaale: Waa sagaalkii iyo rubi. Rubi kiilo bariis ah. la-mid: rubac, rubuc.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rubi
num: quarter, fourth part
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rubi
-ga: (magac, lab, keli) eeg rubac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rubi
de: quarter, fourth part
lx: rubi
pd: (-ga)
ps: num-m, n2a-m
syn: rubac {S}
key: rubi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jubbi
-ga: (magac, lab, keli) gooshaan aad u af-dhuuban oo daab gaaban leh oo lagu qoro koorta geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lubbi
(Lubbi-ga)
Kal; laab; qalbi; niyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lubbi
m.l Qalbi; kal; laab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lubbi
m. n., [collective] core (of), heart; desire, good feelings; intelligence
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Lubbi
name-fheart, core; desire, good feelings; intelligence (Arb)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lubbi
-da: (magac, dhedig, keli) gaajo iyo daranyo.
lubbi-da: (magac, dhedig, keli) wixii jidiinka mara oo dhan.
lubbi -ga: (magac, lab, keli) meesha wax laga dareemo ee naca iyo jacaylku ka dhasho, Dh: niyad, maan, lubbo, kal, laab, niyo, qalbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lubbi
bw: Arabic
cf: kal iyo laab, qalbi, niyo
de: core (of), heart; [ext.] desire, good feelings; intelligence
lx: lubbi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: lubbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabbi
(Rabbi-ga)
Ilaah; Eebbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Rabbi
m.l Weynaha dunida iyo waxa ku dul nool oo dhan abuuray; Alle; Eebbe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rabbi
m.l Weynaha dunida iyo waxa ku dul nool oo dhan abuuray; Alle; Eebbe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Rabbi
m. n. Master, the Lord, God
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rabbi
/raabay/ (n) wadaadka yuhuudda - (caalimka diinta yuhuudda meel sare ka jooga).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Rabbi
-ga: (n) God (gaadh); creator ~ Eebbe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbi
Ilaah xaq lagu caabudo. Nimaan Rabbi agoon, nimaan run aqoon iyo nimaan rag agoon midna la lama saaxiibo. Dh: Ilaah, Eebbe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Rabbi
de: Master, the Lord, God
lx: Rabbi
pd: (-ga)
ps: n0-m
xe: our Lord
xv: Arabic
key: Rabbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruubi
f.lg2 (-iyay, -isay) la-mid: ruub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruubi
(fal) ku dhexlibdhi; xuluuli. Xuladu dambaska ruumi. Dh: dhexgeli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xubbi
(Xubbi-ga)
1. Rabitin; jacayl; kalgacal.
2. Rugta jacaylka; laab; qalbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xubbi
m.l Jacayl.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xubbi
m.l Jacayl.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xubbi
m. n., [abstract] love
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xubbi
name-flove (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xubbi
-ga: (n) love (laav); like (laayk); affection (a fak-shin), devotion (di voow shin), fondness (foonnes), infatuation (infaaju-weey-shin); endearment (in-diyar-ment) ~ jacayl, jecayl, caashaq, cishqi-ga,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xubbi
-ga: (magac, lab, keli) jacayl xoog ah. Dh: kalgacal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xubbi
bw: Arabic
de: love
initial: x
lx: xubbi
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: xubbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bawlad
m.dh (-do, m.l) Lacag sarrif ah oo waa hore la isticmaali jiray oo qiimaheedu u dhigmo rubbiyad afar meel loo dhigay meesheed. la-mid: bawlo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beesad
m.dh (-do, m.l) Lacag bir ah oo ka mid ah sarrifka rubbiyadda oo u dhiganta toban senti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanad
m.dh (-ddo, m.dh) Lacag ka mid ah sarrifka rubbiyada oo qiimaheedu yahay toban senti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaq
saaq¹: m.l 1. Dhir geedaha kale ku faalasha. 2. Lacag ka mid ah sarrifka rubbiyadaha oo u dhiganta laba caanadood oo waayadii hore la isticmaali jirey.
saaq²: f.g1 (-qay, -qday) 1. Dhir geedo kale ku faalalid. 2. Xanuun, sun iyo wixi lamida jirka ku fidid. 3. Ur dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saaq
saaq¹: m.l 1. Dhir geedaha kale ku faalasha. 2. Lacag ka mid ah sarrifka rubbiyadaha oo u dhiganta laba caanadood oo waayadii hore la isticmaali jirey.
saaq²: f.g1 (-qay, -qday) 1. Dhir geedo kale ku faalalid. 2. Xanuun, sun iyo wixi lamida jirka ku fidid. 3. Ur dareemid. m.f.dh, saaqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dukaafad
f. n. garbage dump, rubbish heap, tip
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foolbaxsasho
vl. n., [compound] rubbing the ghee ~ oil from fried coffee beans on one's face and body
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskuxoqid
vl. n. friction; act of rubbing two things together
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku xoqid
f. n. friction, rubbing
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuddaafad
f. n. rubbish, trash; garbage dump
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madkee
v. light a fire by rubbing two small sticks together
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qashin
m. n. debris, rubbish, trash
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahasho
vl. n. rubbing against something
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tortor
m. n., [abstract] spoilage, ruination, putrification; rubbish, trash
tortor [inchoative] v. spoil, putrify, decompose, become rotten
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wasakh
f. n., [collective] dirt, litter, garbage, trash, refuse, rubbish
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaab
m. n., [collective] dead leaves ~ plant material; rubbish, trash
xaab m. n., [collective] internal organs, entrails, intestines; less desirable meat (from outer limbs, head, etc.)
xaab v. sweep (up), collect, gather; glean, get what food one can (of animal)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xashiish
m. n., (mass n.): hashish; drugs (in general)
xashiish m. n., [collective] rubbish, trash; sawdust
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rubbish
/rabish/ (n) 1. qashin 2. macna- daro (hadal qurun ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rubbish
n., qushaash.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dubbio
s.m. - shaki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
grubby
/grabi/ (adj) wasakh ah (uskag).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
rabbia
s.f. - xanaaq, caro; cudur dadku eeyaha ka qaado.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rabbin
rabbin, n.m. - wadaad (diinta yuhuuda)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rabbit
/raabit/ (n) bakayle.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rabbit
n., bakayla or bakayle, -ihi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rubbad
(Rubbad-da)
Rubbiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rubbad
m.dh la-mid: rubbiyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rubbad
f. n. rupee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Rubbad
-da: (magac, dhedig, keli) lacag laga adeegsado dalalka qarkood sida Hindiya iyo Baakistaan. Dh: Rubbiyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rubbad
de: rupee (currency used in India, Pakistan, Bhutan, Nepal, Bangladesh, Sri Lanka, Mauritius and Seychelles)
lx: rubbad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: rubbad
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rubber
Rabadh
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rubber
/rabar/ (n) 1. caag 2. goome (tir- tire).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Rubber
Cinjir, bambiiro
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rubble
/rabal/ (n) quruurux (dhagax badan oo yar-yar ah, siba jajab ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruubid
(Ruubid-da)
(wax) ciid jilicsan ama wax kale oo la mid ah, dhex gelin, ku librin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruubid
m.f.dh eeg ruub². la-mid: ruubin, ruubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruubid
-da: (magac, dhedig, keli) dhexgelin oo ku libdhin, xuluulin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Ruubid
Mudid, wareemid, turqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruubin
m.dh la-mid: ruubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruubin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ruubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruubis
(Ruubis-ta)
Ruubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruubis
m.dh la-mid: ruubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruubis
-ta: (magac, dhedig, keli) ruubin wax meel jilicsan sida danbas la ruubiyo. Ruubista xuladka ha illoobin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suubbi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax samayn. 2. Wax hagaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suubbi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax samayn. 2. Wax hagaajin. m.f.dh, suubbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suubbi
v. do ~ add for good measure, improve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suubbi
-yey / say: (v) do (dhuu); make (meeyk) Ex: xaggee lagu suubbiyey? where is it made?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubbi
(fal) samay; waxay; fal.
suubbi: (fal) wax fiican samee, ku kac fal suubban Suubbi wanaag xumana diid. Dh: hagaaji; wanaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suubbi
de: do ~ add for good measure, improve
initial: s
lx: suubbi
nt: suubbin (ta) [vn-f], suubbis (ka) [vn-m]
pd: (suubbiyey)
ps: v2a=tr
key: suubbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rubbiyad
(Rubbiyad-da)
Lacagta lagaga dhaqmo Hindiya iyo Pakistan; middii waxay la qiime tahay shilin iyo bar, (Sh. 1.50).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rubbiyad
m.dh (-do, m.l) (dhaq.) Lacag waddanka Hindiya iyo Baakistaan laga isticmaalo. la-mid: rubbad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rubbiyad
m.dh (-do, m.l) (dhaq.) Lacag waddanka Hindiya iyo Baakistaan laga isticmaalo. la-mid: rubbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rubbiyad
m. n. rupee (currency)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rubbiyad
de: rupee (currency)
lx: rubbiyad
pd: (-da)
ps: n1-m
see: rubbad
key: rubbiyad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rub
/rab/ (v) marmarin (ku rugid, ku tirtirid, masaxid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rub
v.tr., duug, mari; rub off the skin, xago, xagxago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax runtooda gaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hubi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax runtooda gaarid. m.f.dh, hubin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hubi
Check
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubi
v. make sure of, verify; ascertain, investigate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubi
-yey / say: (v) make certain; make sure; prove (puruuf); verify (veerifaay) ~ xaqiiji, hubso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubi
(fal) war ama arrin runteeda gaadh; shaki bixi; ka salgaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubi
de: make sure of, verify; ascertain, investigate
lx: hubi
pd: (hubiyey)
ps: v2a=tr
key: hubi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabi
f.g2 (-iyay, -isay) Bir la tumay soofeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Geed dhulka xoog uga fujin. 2. Ku r.: cid nabar xoog ugu dhufasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ruji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Geed dhulka xoog uga fujin. 2. Ku r.: cid nabar xoog ugu dhufasho. m.f.dh, rujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruji
v. uproot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruji
-yey -say: (v) uproot (ap-ruut); root out