rorogso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rorogso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: roogso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roogso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Qof fadhiyey istaagid. 2. Qof socda joogsasho. la-mid: rorogso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
roogso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Qof fadhiyey istaagid. 2. Qof socda joogsasho. m.f.dh, roogsasho. la-mid: rorogso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rorogsi
m.l la-mid: roogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rommogso
(fal) rommog mullaax ka hooseeya xobkiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogso
(fal) dab shido oo olol dheer bixi. Golaha oogso oo xasiidda ku dubo.
oogso: (fal) halacso oo dagaal iyo balaayo u xamaan qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rorog
rorog¹: m.l Istaag. la-mid: rogrogid.
rorog²: f.mg1 (-rgay, -rogtay; -rgi) Taagnaan ku sugan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rorog
v. stand (up)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rorog
-a: (n) standing (istaandhing); the act of standing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rorog
de: stand (up)
lx: rorog
pd: (rorogay)
ps: v1=intr
syn: istaag
key: rorog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Roob iyo barwaaqo helid. 2. Xoolo biyo la doonid. 3. Ka d.: nabar, dhibaato iyo wixi lamida ka bogsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doogso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Roob iyo barwaaqo helid. 2. Xoolo biyo la doonid. 3. Ka d.: nabar, dhibaato iyo wixi lamida ka bogsasho. m.f.dh, doogsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doogso
v. receive abundant rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogso
(fal) eeg doogo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doogso
de: receive abundant rain
lx: doogso
nt: doogsad (ka) [vn2-m], doogsasho (/da) [vn6-f]
pd: (doogsaday)
ps: v3a=
key: doogso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dorogo
-da: (magac, dhedig, keli) wax kasta oo isticmaalkiisu uu maanka dooriyo. Dh: daroogo, maandooriye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Socod joojin. 2. Fadhi ka istaagid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
joogso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Socod joojin. 2. Fadhi ka istaagid. m.f.dh, joogsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joogso
v. stop (oneself), halt, cease, come to a stop; stand up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
joogso
-joogsaday I joogsatay: (v) stop (istaap), cease (sns); halt (hoolt) ~ istaag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogso
(fal) kor u kac oo fadhiga ama jiifka ka toos.
joogso: (fal) socod ama orod ka joogso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joogso
de: stop (oneself), halt, cease, come to a stop; stand up
lx: joogso
pd: (joogsaday)
ps: v3a=intr
xe: No stopping / No standing (traffic sign)
xv: jooji 'stop' [tr]
key: joogso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobso
f.mg3 (-saday, -satay) Roob helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
roobso
f.mg3 (-saday, -satay) Roob helid. m.f.dh, roobsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roobso
v. receive rain; get rich
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobso
(fal) cir dhulka maasheeya hel; roob ha kugu da'o.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roobso
de: receive rain; [fig.] get rich
lx: roobso
nt: roobsad (ka) [vn-m], roobsasho (/da) [vn-f]
pd: (roobsaday)
ps: v3a=intr
key: roobso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roogsi
m.l la-mid: roogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roorso
f.g3 (-saday, -satay) Rati qooqan hal cayrsasho si uu u abaahiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roorso
v. run after a female camel (of male camel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roorso
(fal) eryo oo daba carar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roorso
de: run after a female camel (of male camel)
lx: roorso
nt: roorsad (ka) [vn-m], roorsasho (/da) [vn-f], roorsi (ga) [vn-m]
pd: (roorsaday)
ps: v3a=
key: roorso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogso
f.g3 (-saday, -satay) Wax tacbasho; shaqaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoogso
f.g3 (-saday, -satay) Wax tacbasho; shaqaysasho. m.f.dh, xoogsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoogso
v. work; use someone for one's work, take on someone as a helper
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoogso
-xoogsaday / xoogsatay: (v) work to accomplish something; do a physical job
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogso
(fal) naftaada u shaqayso. Intaad yartahay xoogso. Dh: tabco, hedlo, shaqayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoogso
de: work; use s.o. for one's work, take on s.o. as a helper
initial: x
lx: xoogso
pd: (xoogsaday)
ps: v3a=tr
key: xoogso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kororso
f.g3 (-saday, -satay) Wax kororsiimo ku darsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kororso
f.g3 (-saday, -satay) Wax kororsiimo ku darsasho. m.f.dh, kororsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kororso
v. increase (for ~ by oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kororso
-kororsaday / kororsatay: (v) increase or expand by yourself ~ siyaadso, badso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kororso
(fal) wax badso; siyaadso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kororso
de: increase (for ~ by oneself)
lx: kororso
pd: (kororsaday)
ps: v3a=
key: kororso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogobso
f.g3 (-saday, -satay) Harag rogob ka gurasho. la-mid: roqobso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogobso
(fal) muuqa maydhaxda muudso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogrogo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Lacag yar ku mushtarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rogrogo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Lacag yar ku mushtarid. m.f.dh, rogrogasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rogrogo
v. trade, exchange
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogrogo
(fal) hadba dhinac u geddiso
rogrogo: (fal) badeecad aan badnayn ka baayacmushtaro. Lacag yar amaaho oo rogrogo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rogrogo
de: trade, exchange
lx: rogrogo
nt: rogrogad (ka) [vn-m], rogrogasho (/da) [vn-f]
pd: (rogrogtay)
ps: v3b=pl
key: rogrogo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roqobso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: rogobso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rorogid
m.f.dh eeg rorog². la-mid: rogrog¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rogrogasho
(Rogrogasha-da)
Alaabo ama wax kale ganacsasho; gedgeddisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogrogasho
m.f.dh eeg rogrogo. la-mid: rog-rogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rorogsasho
m.dh la-mid: roogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horjoogso
f.g3 (-saday, -satay) Cid wax ka hor istaagid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horjoogso
f.g3 (-saday, -satay) Cid wax ka hor istaagid. m.f.dh, horjoogsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horjoogso
v. oppose, obstruct, stop
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horjoogso
(fal) u diid inuu dhaqaaqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horjoogso
de: oppose, obstruct, stop
lx: horjoogso
pd: (horjoogsaday)
ps: v3a=tr
key: horjoogso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foororso
f.mg3 (-saday, -satay) Iyadoo la taaganyahay qaarka sare hoos u laallaadsasho. la-mid: foorarso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foororso
f.mg3 (-saday, -satay) Iyadoo la taaganyahay qaarka sare hoos u laallaadsasho. m.f.dh, foororsasho. la-mid: foorarso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foororso
v. bend over, stoop, bow; be depressed, cast-down
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foororso
see [eeg] foorarso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foororso
(fal) adiga oo qaarka hoose ka taagan, qaarka kore xagga dhulka u qoox, u foorori.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foororso
a: foorarso
de: bend over, stoop, bow; be depressed, cast-down
lx: foororso
pd: (foororsaday)
ps: v3a=
key: foororso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorodgoo
f.g2 (-gooyay, -goysay) Wax madax ka jarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorodgoo
(fal) madaxa ka jar oo ka goo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorogoro
-da: (magac, dhedig, keli) xooluhu marka ay jiilaalka ka soo doogaan ee roobna da'o dhulkuna aanu lahay waxay cunaan ee ay gaajada iyo qoyaanka la yaacyaacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroogso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: marooqso.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
orològio
s.m. - saacad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
proroger
proroger, v. - dib u dhigid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rogrogad
(Rogrogad-ka)
Rogrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogrogad
m.l la-mid: rogrogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogrogad
-ka: (magac, lab, keli) alaabo ama wax laga ganacsado ka shaqaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogrogan
(tilmaame) kolba dhan u maroorsan ah; waxyaalo badan oo wada gembisan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rogrogid
(Rogrogid-da)
1. Hadba dhinac u geddiyid, u rogid.
2. Geddis iyo ganacsi gelin, ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogrogid
m.f.dh eeg rogrog².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogrogid
-da: (magac, dhedig, keli) ka baayac mushtarid.
rogrogid -da: (magac, dhedig, keli) hadba dhinac u geddiyid, u rogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rommogsi
-ga: (magac, lab, keli) rommogsad samayn oo qayacato xobkisasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
rumoróso
agg. - buuq badan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodrogasho
m.f.dh eeg oodrogo. la-mid: oodgeddisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodrogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg oodrogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oogo
(Ooga-da)
1. Wadajirka xubnaha nafleyda (madax, gacno, lugo, ...); jir; kor.
2. Dhul korreeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oogo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Jirka sare ee nafleyda. 2. Dhulka meeshiisa aan cadduun iyo dooxo ahayn. 3. Wax dushood sare. Tusaale: “Buurta oogadeeda”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oogo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Jirka sare ee nafleyda. 2. Dhulka meeshiisa aan cadduun iyo dooxo ahayn. 3. Wax dushood sare. Tusaale: Buurta oogadeeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oogo
f. n. body; external ~ outer surface of something
oogo [feminine] n., loc. highlands, upland area of northeast Somalia
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oogo
-oogada: (n) 1. surface (seer-fas). 2. body (baadhi). 3. highland (haay-laandh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogo
-da: (magac, dhedig, keli) dhul sare oo taag ah. Haddii oogo daaq laga waayo guban ayaa loo dhaadhacaa. Dh: dul, kor.
oogo -da: (magac, dhedig, keli) jidhka korkiisa sare. Ninna oogadii biyo kama hagrado.
oogo-da: (magac, dhedig, keli) afarta jiho mid ka mid ah; koonfur. Afarta jiho waa bari iyo galbeed dacal iyo oogo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
órso
s.m. - madaxkuti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogo
f.g3 (-gtay, -gatay) 1. Wax dhiniciisa sarreeya hoos marsasho. 2. Qof la legday oo laga sarreeyo qofkii legday geddisasho. 3. Ka r.: alaab gaadiid saaran ka degsasho. 4. Ku r.: wax, wax qarin karo ku gambisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rogo
f.g3 (-gtay, -gatay) 1. Wax dhiniciisa sarreeya hoos marsasho. 2. Qof la legday oo laga sarreeyo qofkii legday geddisasho. 3. Ka r.: alaab gaadiid saaran ka degsasho. 4. Ku r.: wax, wax qarin karo ku gambisasho. m.f.dh, rogasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rogo
v. turn something ~ someone around for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogo
(fal) wax meel yaal dhanka kale u geddiso. Dh: qallibo, gembiyo.
rogo: (fal) dejiso oo wax gaadiid saaran ama meel ku jiro faaruqiso. Raashinka ka rogo baabuurka.
rogo: (fal) wax af ku qoran tarjumo oo af ad garanayso ku qoro. Dh: turjumo.
rogo: (fal) beer inta aad shinniyayn qodo oo carrageddi ku samayso.
rogo: (fal) dib u cesho oo halkaad ka keentay gee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rogo
de: turn s.t. ~ s.o. around for oneself
lx: rogo
pd: (rogtay)
ps: v3b=tr
key: rogo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
roog
-ga: (n) carpet (kaar-pit) ~ kaarbid, kadiifad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roog
-ga: (magac, lab, keli) gogol jilicsan oo guryaha lagu qurxiyo oo dhulka la dhigo. Dh: ruumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax caafimaaday noqosho. la-mid: bogsoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bogso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax caafimaaday noqosho. m.f.dh, bogsasho. la-mid: bogsoo.