roorsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roorsasho
(Roorsasha-da)
(xoolo) awr qooqan oo neef dheddig eryooda oo kufsada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roorsasho
m.f.dh eeg roorso. la-mid: roorsad, roorsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roorsasho
-da: (magac, dhedig, keli) awr qooqqan hal dhedig eryasho oo abaahid. Dh: roorsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroorsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ceel iyo meel biyo leh geysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorsasho
(Doorsasha-da)
1. Wax wax kale dhaafsasho.
2. Bogsasho; caafimaadid; fayoobi helid; ladnaansho; raysasho.
3. (lacag) sarrifasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsasho
m.f.dh eeg doorso. la-mid: doorsad, doorsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsasho
-da: (magac, dhedig, keli) shey, mid kale kale ku beddelesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoorsasho
(Hoorsasha-da)
Wax da'a haya ama la shuba hayo, weel ama sacab u dhigasho; hoorsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorsasho
m.f.dh eeg hoorso. la-mid: hoorsad, hoorsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax da'aya ama shubmaya weel ama sacabka u dhigasho. Dh: hoorsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorsasho
m.f.dh eeg qoorso. la-mid: qoorsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roobsasho
(Roobsasha-da)
Roob helid, ku di'id, u di'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobsasho
m.f.dh eeg roobso. la-mid: roobsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roogsasho
m.f.dh eeg roogso. la-mid: roogsi, rorogsasho, rorogsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorsasho
m.f.dh eeg baroorso. la-mid: baroorsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorsasho
m.dh la-mid: marooqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hanti aanad lahayn weecsasho oo suuga madaw u duwid. Dh: leexsasho.
maroorsasho-da: (magac, dhedig, keli) walax soo leexsasho; shay dhankaaga u soo qalloocisasho. Birtu maroorsasho kama maarmayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gororsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareere yar oo ku hadhay weel guntii, ka shubasho. Dh: hoorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kororsasho
(Kororsasha-da)
Wax badsasho; kordhisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kororsasho
m.f.dh eeg kororso. la-mid: kororsad, kororsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kororsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax badsasho. Dh: kordhisasho, kororsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moqorsasho
m.f.dh eeg moqorso. la-mid: maqoorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moqorsasho
-da: (magac, dhedig, keli) moqor biyo ka cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogobsasho
m.f.dh eeg rogobso. la-mid: rogob-sad, rogobsi, roqobsad, roqobsasho, ro-qobsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogobsasho
-da: (magac, dhedig. keli) muuqa maydhaxda muudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roqobsasho
m.dh la-mid: rogobsasho, roqobsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rorogsasho
m.dh la-mid: roogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roorsad
(Roorsad-ka)
Roorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roorsi
(Roorsi-ga)
Roorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roorsad
m.l la-mid: roorsasho.

roorsi
m.l la-mid: roorsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roorsad
-ka: (magac, lab, keli) roorsasho wax la roorsado. Awrku roorsad buu hal ku dhoodaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roorsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg roorsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roorso
de: run after a female camel (of male camel)
lx: roorso
nt: roorsad (ka) [vn-m], roorsasho (/da) [vn-f], roorsi (ga) [vn-m]
pd: (roorsaday)
ps: v3a=
key: roorso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg boodhaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorasho
(Doorasha-da)
Dad ama waxyaalo badan ama arrimo kale, kan ama kuwa ugu fiican oo u doorroon kala bixid; ka togasho; ka xulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorasho
m.f.dh eeg dooro². la-mid: doorad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorasho
vl. n. choosing, choice; nomination; election, [pl.] elections
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doorasho
-doorashada: (n) election (ilek-shan), vote (vowt); (jooys) food, ka xulasho choice
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Doorasho
Elezione; selezione
Election; selection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad rabtid, kuwo kale ka bidid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorasho
a: doorad (ka) [vn2-m]
de: choosing, choice; nomination; election, [pl] elections
lx: doorasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: doorasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
doorasho
انْتِحَابِ اخْتِيَارِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goosasho
(Goosasha-da)
1. Goyn, qof isaga darti wax u goynayo; goosad.
2. Mutaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosasho
m.f.dh eeg gooso. la-mid: goosad (2), goosi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goosasho
vl. n. secession; cutting for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goosasho
-goosashada: (n) the act of seceding; secession (se sash en)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goosasho
de: secession; cutting for oneself
lx: goosasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: goosasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
goosasho
إِنْشِقَاقِ انسلاخ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korsasho
(Korsasha-da)
Dad ama xoolo (badanaa yaryar) dhaqaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korsasho
m.f.dh eeg korso. la-mid: korsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo da' yar barbaarsasho. Dh: korsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moosasho
m.f.dh eeg mooso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moosasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciid tiirsasho oo daad ama wax kale u teedin; daad iska weecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofsasho
m.f.dh eeg oofso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg oogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoorasho
(Qoorasha-da)
Qoorato u dhigid; bogdooxid; qooratayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorasho
m.f.dh eeg qooro². la-mid: qoorad, qooratayn, qoorato (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoorasho
vl. n. act of cutting in on a running person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorasho
-da: (magar, dhedig, keli) xagga hore ka marid oo joojin. Dh: horgabatayn, qooratayn. qooratay: (fal) hagga hore ka mar oo jooji. Dh: horgabatee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoorasho
a: qoorad (ka) [vn-m]
de: act of cutting in on a running person
lx: qoorasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: qooro
key: qoorasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toorasho
m.f.dh eeg tooro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroosasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aroosad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogsasho
(Doogsasha-da)
Roob badan helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogsasho
m.f.dh eeg doogso. la-mid: doogsad, doogsimaad, doogsimo, doogsin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg doogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foofsasho
m.f.dh eeg foofso. la-mid: foofsad, foofsi, soofsad, soofsasho, soofsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobsasho
(Hoobsasha-da)
(caano) si hoobsi ah u dhamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobsasho
m.f.dh eeg hoobso. la-mid: hoobsad, hoobsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hab caanaha la lisayo loo dhamo oo kolkii weelku buuxsamo ba la qurquriyo oo la dhimo, si haddana loogu sii liso. Dh: hoobsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joogsasho
(Joogsasha-da)
1. Sida loo socona hayo, istaagid.
2. Sida loo fadhiyo, kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogsasho
m.f.dh eeg joogso. la-mid: joogsad, joogsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joogsasho
vl. n. act of stopping ~ coming to a halt; standing up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) socod ama orod dabadii, istaagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joogsasho
de: act of stopping ~ coming to a halt; standing up
lx: joogsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: joogsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolsasho
m.f.dh eeg loolso. la-mid: loolsad, loolsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moodsasho
m.f.dh eeg moodso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodsasho
-da: (magac, dhedig, keli) sida ay tahay maahee si kale moodis oo u haysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoonsasho
(Qoonsasha-da)
Kahasho; nebcaysasho; gensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoonsasho
m.f.dh eeg qoonso. la-mid: qoonsad, qoonsi, qoonsimaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoonsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qoonsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofsasho
m.dh la-mid: foofsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo daaq gaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toocsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax xoog u eryasho. Toocsashada ka daa xoolaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tooxsasho
(Tooxsasha-da)
(nin tooxsasho) hawl, kd., keli u wadasho, u qabsasho, isugu hawlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooxsasho
m.f.dh eeg tooxso. la-mid: tooxsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hawl iyo wixii la mid ah, keli u qabsasho. Dh: tooxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodsasho
m.f.dh eeg xoodso. la-mid: xoodsad, xoodsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogsasho
m.f.dh eeg xoogso. la-mid: xoogsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) iskaa shaqaysasho. Dh: tabcasho, hedlasho, xoogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xooxsasho
(Xooxsasha-da)
Xoox ka maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xooxsasho
m.f.dh eeg xooxso. la-mid: xooxsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xooxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoox ka lisasho. Dh: xooxsad, xooxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoobsasho
m.f.dh eeg yoobso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoobsasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku kaydsasho. Yoobsasho cidi kuu diidi mayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirroorsasho
(Jirroorsasha-da)
Muruqyada oogada oo la uruursho oo la xoojiyo si aan xanuun loo dareemin; gowsaha isku qabsasho; adkaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booraysasho
(Booraysasha-da)
Ciid boor leh ku weesaysasho, biyo la'aan ama sabab kale darteed; goggobeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booraysasho
m.f.dh eeg boorayso. la-mid: booraysad, booraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) siigo ku tayamumid. Haddii biyo la waayo booraysashadu way bannaan tahay. Dh: boodhaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorarsasho
m.dh la-mid: foororsasho.