roorin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roorin
(Roorin-ta)
1. Xarig il leh ama wax kale oo la mid ah dhifasho, xoog u jiidid, si ishu u xiranto oo wax u qabato; sirqin.
2. Ka ordisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roorin
m.f.dh eeg roori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roorin
-ta: (magac, dhedig, keli) surgin jiidid: xadhig il leh ama wax kale oo la mid ah dhufasho oo xoog u jiidid si surgintu u xidhanto oo wax u qabato. Dh: sirqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aroorin
(Aroorin-ta)
1. Biyo la doonid; ceel u kaxayn.
2. Hoos u dhigid, u dejin, ku fogeyn.
3. Qof hurda riyo wax ku tusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroorin
m.f.dh eeg aroori. la-mid: arooris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroorin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo la doonid; ceel u kaxayn. Dh: arooris.
aroorin -ta: (magac, dhedig, keli) qof hurda, riyo wax ku tusid. Dh: dheelmin, suulin, arooris.
aroorin -ta: (magac, dhedig, keli) meel hoose ku fogayn. Aroorinta sabaradda ka ilaali, waa intaas oo ay jabtee. Dh: arooris.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Aroorin
Dhidbin, xaluulin, turqid, mudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roori
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xarig siriq leh xoog u dhufasho si uu u guntamo. 2. Cinjir, xarig, iyo wixi lamida isku ururin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
roori
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xarig siriq leh xoog u dhufasho si uu u guntamo. 2. Cinjir, xarig, iyo wixi lamida isku ururin. m.f.dh, roorin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roori
v. stampede, cause to run
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roori
(fal) surgin jäid. Surginta roori.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roori
de: stampede, cause to run
lx: roori
pd: (rooriyey)
ps: v2a=tr
key: roori
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorin
(Doorin-ta)
1. Siduu ahaa maahee si kale ka dhigid; wax wax dhaafin; beddelid.
2. (Lacag) sarrifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorin
m.f.dh eeg doori². la-mid: dooris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dǫorin
m.f.dh eeg dǫori. la-mid: dooris.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Doorin
Cambio
Change
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorin
-ta: (magac, dhedig, keli) sidii uu ahaa si ka duwan ka dhigid ama wax aan la mid ahayn ku beddelid. Dh: beddelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorin
m.dh la-mid: fooryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorin
-ta: (magac, dhedig, keli) foodhi samayn; foodhyid; fiijin; foodhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoorin
(Hoorin-ta)
1. Wax da'a haya ama shubma haya, weel u dhigid.
2. Quraanka ama xubnaha heesaha dhammaadkooda, wadajir u wada qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorin
m.f.dh eeg hoori. la-mid: hooris.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HOORIN
(Horin) S Enteropogon macrostachyus (A. Rich.) Benth. Gramineae.
S Enteropogon rupestris (Schmidt.) A. Chev. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorin
-ta: (magac, keli) aayadaha Quraanka dhammaadkooda ama dhextaallada heesaha wadajir islula wada qaaditaan. Dh: hooris.
hoorin-ta: (magac, dhedig, keli) wax da'aya ama shubmaya weel u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koorin
(Koorin-ta)
Koor ka dhawaajin; koordhebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koorin
m.f.dh eeg koori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koorin
-ta: (magac, dhedig, keli) koor ka dhawaajin. Dh: koordhebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roobin
(Roobin-ta)
Roobdoon akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobin
m.f.dh eeg roobi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobin
-ta: (magac, dhedig, keli) roobdoon akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roorid
(Roorid-da)
Ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roorid
m.f.dh eeg roor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roorid
-da: (magac, dhedig, keli) ordid; caymadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rooris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg roorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorin
-ka: (magac, lab, keli) qori dhuuban oo hasha la tolayo sanka lagaga mudo.
toorin-ta: (magac, dhedig, keli) eeg toorinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoorin
(Xoorin-ta)
(caano, ...) xoor yeelasho; xunbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoorin
m.f.dh eeg xoori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoorin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoor u yee xumbo kicin. Darandooriga ayaa xoorinta badan keena. Dh: xunbayn, xooris.
xoorin-ta: (magac, dhedig, keli) dhogorta ama dirka sare ka rifid. Xoorinta digaagga bare Dh: xoodhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilayn
(Ilayn-ta)
1. Il ama siriq samayn, waxayn; siriq ku roorin.
2. (senen) Dhugasho wax ku yeelid; dhabataysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax fidsan isku soo roorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorin
m.f.dh eeg baroori. la-mid: baroorsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroorin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale ka oohin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garoorin
(Garoorin-ta)
Garoor ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoorin
m.f.dh eeg garoori. la-mid: garooris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garoorin
-ta: (magac, dhedig, keli) caano, gadhoodh ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorin
m.f.dh eeg maroori.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroorin
vl. n. twisting, wringing; unclasping of hands
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax toosan oo saani ah qalloocin oo dhan kale u weecin. Dh: xoodin, qalloocin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maroorin
de: twisting, wringing; unclasping of hands
lx: maroorin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: maroorin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roorsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka ordisiin. Dh: roorsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aroorid
(Aroorid-da)
1. Biyo raadin; biyo doonid.
2. Hoos u dhigid; wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroorid
m.f.dh eeg aroor². la-mid: aroor¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroorid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo raadin; soo dhaamin; biyo doonid.
aroorid-da: (magac, dhedig, keli) erey ama weedh macno leh oo meel kale laga soo xiganayo.
aroorid -da: (magac, dhedig, keli) qof hurda, riyo wax ku arkid.
aroorid -da: (magac, dhedig, keli) meel hoose ku fogaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arooris
m.l la-mid: aroorin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arooris
-ka: (magac, lab, keli) eeg aroorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroosin
m.f.dh eeg aroosi. la-mid: aqalgelin, aroosgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boorrin
(Boorrin-ta)
Geesinnimo gelin; dhiirrin; tirtirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorrin
m.f.dh eeg boorri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boorrin
vl. n. boldness, courage, encouragement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boorrin
-ta: (n) inspiration (inis pa reeyshin); motivation (moo ti veey shin); encouragement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorrin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin mudnaan gaar ah leh gudashadeeda ruux ku adkayn oo ku dhiirrigelin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boorrin
de: boldness, courage, encouragement
lx: boorrin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: boorrin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
boorrin
تَشْجِيع
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
botorin
-ta: (magac, dhedig, keli) cagaha dhulka la dhicid, boodh kaga kicin. Botorinta iyo boodboodka nala dhaafa dibadda ku dibbiradhacsada. Dh: botoris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorbin
m. n. binoculars
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doorbin
-ka: (n) 1. binoculars (banaa-kileris)~xoqad, 2. compass (kampas) ~ diirad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorbin
a: dooribeyn
de: binoculars
lx: doorbin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: doorbin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gororin
(Gororin-ta)
Goror ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gororin
m.f.dh eeg gorori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gororin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dareere ah meel ku shubid oo ku tiftifqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roorsii
(fal) eryo oo xoog u caymadsii. Dh: cararsii.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rootiin
Routine
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oori
(Oori-da)
Haweeney la qabo; afo; arad; maranti; marwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oori
m.dh (-iyo, m.l) Haweeney la qabo; afo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oori
m.dh (-iyo, m.l) Haweeney la qabo; afo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oori
f. n. wife
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oori
-da: (n) wife (waayf) ~ afo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oori
-da: (magac, dhedig, keli) marwo la qabo. Dh: afo, xaas, arad, maranti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oori
cf: afo, arad, maranti, naag
de: wife
lx: oori
pd: (-da)
ps: n2-f
key: oori
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Orin
(Orin-ta)
Or qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orin
m.f.dh eeg ori. la-mid: oris, orrin, orris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orin
-ta: (magac, dhedig, keli) sawaxan hees iyo socod isla socda ah samayn.
orin -ta: (magac, dhedig, keli) ku qaylin oo cid ka xishoodsiin. Orinta ka daaya shirka oo dhegaysta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roon
1. Weyn aan dhabse u weyneyn.
2. Iska wanaagsan, fiican; aan liidan; wax kale dhaama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roon
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid aan dhibaato qabin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
roon
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid aan dhibaato qabin ahaansho. m.f.dh, roonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roon
[adjective] better (off ~ than); good, excellent, superior (to)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Roon
bon.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Roon
name-f better (off~ than); good, excellent, superior
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
roon
-aa / ayd: (adj) 1. feeling better. Ex: iska waran?, waan roon-nahay; how are you? lam feeling better. 2. mild (maayldh); normal (noormal); clement (kala-ment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roon
(tilmaame) san oo wanaagsan. wixii roon Rabbi baa og.
roon: (tilmaame) weyn oo inta kale ka muddakarsan. Wiilka roon magaciisa ii sheeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roon
de: better (off ~ than); good, excellent, superior (to) With prepositions ka (than, to) ~ u (off)
lx: roon
pd: (roonaa)
ps: adj
key: roon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roor
(Roor-ka)
1. Si socodka ka dheeraysa oo talaabooyinka loo qaado; orod.
2. Geel-dhugeeye; jirjirroole.
3. Cudur xooluhu la cararaan; bayr; shinbir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roor
roor¹: m.l 1. Orod. 2. Jirjiroole. 3. Cudur maskaxeed geela ku dhaca oo la rumaysanyahay in uu ka qaado qaniinyada jirjirroolaha.
roor²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Orod samayn. 2. Cinjir, xarig iyo wixi lamida isku soo ururid. 3. La r.: nin naag uu guur ka rabo la baxsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
roor
roor¹: m.l 1. Orod. 2. Jirjiroole. 3. Cudur maskaxeed geela ku dhaca oo la rumaysanyahay in uu ka qaado qaniinyada jirjirroolaha.
roor²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Orod samayn. 2. Cinjir, xarig iyo wixi lamida isku soo ururid. 3. La r.: nin naag uu guur ka rabo la baxsasho. m.f.dh, roorid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roor
v. run (away), rush, stampede
roor: m. n. disease which makes livestock rush about
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
roor
-ay -tay: (v) run (ran) ~ carar, orad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roor
(fal) aad u orod: cagaha wax ka day, taw dheh. Roor aabbo raggu yaanay ku soo gaadhine. Dh: orod, carar
roor -ka: (magac, lab, keli) cudur xooluhu la carcararaan. Dh: bayr, shinbir
roor-ka: (magac, lab, keli) noole kolba meesha uu joogo isu ekaysiiya. Dh: odayjirjirroole, maskax-geelkalabbax, geeldhugeeye, jirjirroole.
roor-ka: (magac, lab, keli) orodka xoogga ah. Roor buu gaadhiga ku soo koray: Dh: orod
roor-ka: (magac, lab, keli) gaadiid dad iyo bucshurad badan qaada oo ka kooban buudhiyaal badan oo isku xidhiidhsan oo matoor keli ahi jildo oo mara dhabbo laba birood oo isgarab yaal ah. Dh: tareen; qidaar, xadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doori
(Doori-ga)
Weylaha yaryar, kd., kolka aan habartood laga reebine lagu daro oo ay iska nuugaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doori
doori¹: m.l Ilmo yar, lo' ah oo aan hooyadii lala nuugin.
doori²: f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ilmo yar oo lo'aad hooyadii siduu doono u nuugid. 2. Wax si xun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dǫori
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Siduu ahaa maahee si kale ka dhigid; wax wax kale dhaafin; beddelid. 3. Sarrifid (lacag).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doori
dǫori: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Siduu ahaa maahee si kale ka dhigid; wax wax kale dhaafin; beddelid. 3. Sarrifid (lacag). m.f.dh, dǫorin.