rookayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rookayn
(Rookayn-ta)
Rooko ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rookayn
m.f.dh eeg rookee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rookayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mamnuucid; diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roonayn
(Roonayn-ta)
Wax roon ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roonayn
m.f.dh eeg roonee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tookayn
-ta: (magac, dhedig, keli) abaal u gelid; samafal u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yookayn
(Yookayn-ta)
Ka taagid; likayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yookayn
m.f.dh eeg yokee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yookayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kuusid oo madax fiiqan u samayn. Dh: likayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rookee
f.g2 (-keeyay, -kaysay) Wax rooko ka dhigid. m.f.dh, rookayn.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Prohibition
Rookayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhookayn
m.f.dh eeg dhookee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
olkayn
-ta: (magac, dhedig, keli) abaabulid, iskudubbaridid. Dadka qaarbaa olkaynta ku wanaagsan. Dh: ololaynta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oodayn
(Oodayn-ta)
Ood saarid; ood ku celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodayn
m.f.dh eeg oodee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodayn
-ta: (magac, dhedig, keli) oodsaarid ama ood ku meerin. Isaga ayaa loo xilsaaray oodaynta xerada. Dh: oodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofayn
m.f.dh eeg oofee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rakayn
(Rakayn-ta)
Rako ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sokayn
(Sokayn-ta)
Meel dhow ku sugnaan; dhowaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sokayn
m.f.dh eeg sokee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sokayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dhow ku sugnaan; dhowaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yookay
(fal) kor u jooji oo madax yuuban oo taagan u yeel. Caleentu kuus ha noqotee yookay. Dh: taag. yookee, kuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boodayn
(Boodayn-ta)
Bood dhar ku mayrid; aad u caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodayn
m.f.dh eeg boodee. la-mid: boorayn (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar maydhid oo aad u caddayn. Boodaynta dharkaa gaari lagu yaqaanaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogayn
m.f.dh eeg boogee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh aroosad ah gudniinkii fircooniga ahaa ka furid. Dh: reerayn. boogayn-ta: (magac, dhedig, keli) meel, nabar boog ah ka dhigid. Xoqiddu qayb libaax ayay ka ciyaartaa boogaynta finanka yaryar. Dh: nabarayn, boogays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolayn
m.f.dh eeg boolee. la-mid: boolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolayn
-ta: (magac, dhedig, keli) turub afar baadh ah haadka lagu booleeyey magacaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorayn
m.f.dh eeg booree. la-mid: boodayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) siigo ku asoorid. Dadka booraynta ka daa. Dh: boodhayn, siigayn. booraysad -ka: (magac, lab, keli) carro si sharcigu dhigay la isku marsho si salaadka loo bannaysto kolka biyo la waayo. Dh: boodhaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootayn
m.f.dh eeg bootee. la-mid: bootays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadallada kulul ee dhex mara labada isu cadhaysn. Bootaynta aayara naag walayba buulkaaga tag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobayn
-ta: (magac, dhedig, keli) doob noqosho; qaangaadhid. Wiilkayga haddeed doobayn waxba ugama hadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogayn
m.f.dh eeg doogee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul naq helay. doog yeelasho. Buurihii doogayn ayaa ka muuqata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomayn
m.f.dh eeg doomee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomayn
-ta: (magac, dhedig, keli) doomo samayn. Doomaynta waxa laga sameeyaa geed baar la yidhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goobayn
(Goobayn-ta)
Goobo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobayn
m.f.dh eeg goobee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobayn
-ta: (magac, dhedig, keli) goobo u yeelid ama goobo ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl milayayn; hawl milay la qabto u yeelid. Goorayn ayay u baahan tahay hawshan culus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) adke ama neef dareer u beddelid. Kulka badani wuxuu ka mid yahay waxayaalaha loo adeegsado hooraynta adkaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoosayn
(Hoosayn-ta)
Docda hoose xigid, jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosayn
m.f.dh eeg hoosee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xaga hoose xigid; wax laga gacan sarreeyo noqosho. Ninna hoosaynta ma jecla. Li: saran, korrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kookeyn
m.dh (daawo) Alkolooyd laga sameeyey caleenta geedka loo yaqaan kooka (erythroxylon coca) amaba shaybaarrada lagu diyaariyo, waxa loo isticmaalaa dawo suuxiso meel kooban ee jirka, sida: qalliinka isha, dhegta, sanka iyo cunaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kookeyn
m.dh (daaw.) Alkolooyd laga sameeyey caleenta geedka loo yaqaan kooka (erythroxylon coca) amaba shaybaarrada lagu diyaariyo, waxa loo isticmaalaa dawo suuxiso meel kooban ee jirka, sida: qalliinka isha, dhegta, sanka iyo cunaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koorayn
(Koorayn-ta)
Koore dusha ka saarid; koore u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koorayn
m.f.dh eeg kooree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) koore dusha ka saarid; koore u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koosayn
(Koosayn-ta)
Ordid; kadlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koosayn
m.f.dh eeg koosee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koosayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod kadlayn ah samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooxayn
m.f.dh eeg kooxee. la-mid: kooxays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kooxayn
-ta: (n) the act of making of groups; grouping (guruuping) ~ kooxo u samayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kooxo ka dhigid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
looxayn
rebounding
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moofayn
m.dh la-mid: muufayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moofayn
-ta: (magac, dhedig, keli) moofo ka dhigid; hilib ama cunto kale foorno ku bislayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo wada xiirid oo madax idiin aan timo lahayn ka dhigid. Xaajiga moolaynta ayaa u fadli badan. Dh: dhukurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moorayn
m.f.dh eeg mooree. la-mid: moorays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noocayn
m.f.dh eeg noocee. la-mid: noocyeyn, noocyeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noocayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jaadad kala duwan ka dhigid ama u kala saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Noolayn
(Noolayn-ta)
1. Naf ama nolol ku soo celin.
2. Waxtarid; dhaqaalayn.
3. (soo noolayn) kol labaad noolayn; baqti-afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noolayn
m.f.dh eeg noolee. la-mid: noolays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noolayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tayayn oo waxtar cusub u siyaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si goode ah u socosho. Dh: qoodays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorayn
-ta: (magar, chedig, keli horqabatayn xagga hore ka marid oo joojin. Qoorayn ayaa wraabe lagu qabran
qoorayn-ta: (magar, dhedig kell mucaanaqayn oo salaan laabta la isa saaro salaamid. Cidda isgoorayntu and ayay u badan tahay
qoorayn-ta: (magar, dhedig, keli) qof addoon ah xorayn oo xuquuqdi uu lahaa u soo celin Qooraynta dadka ajar badan ayaa ku jira
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roonaan
(Roonaan-ta)
Roonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roonaan
m.f.dh eeg roon. la-mid: roonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roonaan
f. n., [abstract] improvement; being better off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wanaagsanaan oo fiicnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roonaan
a: roonaansho (/ha) [vn-m-st]
de: improvement; being better off
lx: roonaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: roonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rooxaan
m.dh.u Jinniyo la aaminsan yahay inay u shaqeeyaan wadaaddada qaarkood. la-mid: ruuxaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rooxaan
m.dh.u Jinniyo la aaminsan yahay inay u shaqeeyaan wadaaddada qaarkood. la-mid: ruuxaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Rooxaan
name-f evil spirits believed to possess people and cause sickness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rooxaan
-ta: (n) spirit (ispiirit); supernatural being
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rooxaan
-ta: (magac, dhedig, keli) uumiye dhulka ku nool oo aan dadku arag: qolooyin hoose. Nin rooxaan leh baad guriga iigu keentay. Dh: jin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soofayn
(Soofayn-ta)
Soofe marmarin; ku afayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofayn
m.f.dh eeg soofee. la-mid: soofays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soofayn
-ta: (n) tha act of sharpening; filing (faayling)-, honing (hooning), rasping (raasping)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofayn
-ta: (magac, dhedig, keli) soofe marin si af loogu yeelo. Soofayn ayay u baahantahay mindidu. Dh: afayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tookays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tookaynta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toorayn
(Toorayn-ta)
Toore marid, qaadid; qoodeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toorayn
m.f.dh eeg tooree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socodka aan leexleexadka lahayn oo wado la hayo. Dh: qaadid, qoondayn, toorays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cudud ku taageerid; xoog iyo tamar ku kordhin. Xoogaynta tayada waxbarasho ayaa ah yoolka sannadkan. Dh: xoojin, xoogeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoolayn
(Xoolayn-ta)
1. Xoolo ka dhigid, u geddiyid.
2. Weel la tolay oo cusub, gocoyonnimada ka bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolayn
m.f.dh eeg xoolee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo dhaqasho oo faraqabsiin xoolo nool ah yeelasho. Dh: xoolays. dhigid.
xoolayn-ta: (magac, dhedig, keli) bar adduun con xoolo ahayn xoolo u rogid. Dahabkani xoolayn ayuu ku roon yahay: Dh: xoolays.
xoolayn -ta: (magac, dhedig, keli) weel dux xoolaad ku shubid oo cusaybka ka baabi'in; gocoyannimada ka bi'in. dhiilka cusub xoolayn la'aan ha dhigin. Dh: qaabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yookays
-ka: (magac, lab, keli) eeg yookayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garoobayn
(Garoobayn-ta)
Garoob iska yeelid; guur danbe isu golaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malookayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si mukur ku jiro u sheekayn. Malookayn dumarbaa lagu yaqaan. Dh: mukurid, malookays.
malookayn -ta: (magac, dhedig, keli) madaxa timaha ka wada xiirid oo gunta gu jarid. Dh: moolayn, malookays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroomayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shiddaaradayn ay khiyaamo ku jirin. Dh: xeeladayn, shiddaaradayn, qaroomays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yookaysan
Ka kor taagan; likaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yookaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Xoolo, wax addimada ka xiran ahaansho. 2. Xoolo wax geed lagu qabbiray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yookaysan
der. [adjective] sticking up, protruding, sprouting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yookaysan
(tilmaame) meel ama wax, ka kor likaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yookaysan
de: sticking up, protruding, sprouting
initial: y
lx: yookaysan
pd: (yookaysnaa)
ps: adj-der
key: yookaysan