roobsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roobsad
(Roobsad-ka)
Roobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobsad
m.l la-mid: roobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobsad
-ka: (magac, lab, keli) roob helid: roob ku di'id. Dh: roobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogobsad
m.l la-mid: rogobsasho, rogob, roqob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roqobsad
m.l la-mid: rogobsasho, roqob, roqobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobsad
(Hoobsad-ka)
Hoobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobsad
m.l la-mid: hoobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobsad
-ka: (magac, lab, keli) heemaarsiga wax la cabbayo ama la dhamayo; hab caanaha la lisayo loo dhamo oo kolkii weelku buuxsamo ba la qurquriyo oo la dhimo, si haddana loogu sii liso. Dh: hoobsi, hoobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roorsad
(Roorsad-ka)
Roorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roorsad
m.l la-mid: roorsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roorsad
-ka: (magac, lab, keli) roorsasho wax la roorsado. Awrku roorsad buu hal ku dhoodaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroorsad
-ka: (magac, lab, keli) xoolahaaga, iskaa ceelka biyaha u geysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cosobsad
-ka: (magac, lab, keli) daaq cosob ah cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godobsad
m.l la-mid: godobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godobsad
-ka: (magac, lab, keli) godob ama aano ka gal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogobsad
-ka: (magac, lab, keli) xobkisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goosad
(Goosad-ka)
Goosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosad
m.l 1. Koox ari ah oo lumay. 2. la-mid: goosasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goosad
vl. n. cutting for oneself; secession
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goosad
-ka: (magac, lab, keli) wax meel ku dhegsan, ka soo rujisad.
goosad -ka: (magac, lab, keli) jarasho wax mar hore lagugu dhuftay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goosad
de: cutting for oneself; secession
lx: goosad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: goosad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobad
(Hoobad-ka)
Meel laga degto oo dululub ah; hoos u degad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobad
m.l (-dyo, m.dh) 1. (-dyo, m.dh) Meel degaandeg ah. 2. la-mid: hoobasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoobad
m.l (-dyo, m.dh) 1. (-dyo, m.dh) Meel degaandeg ah. 2. la-mid: hoobasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoobad
vl. n. sliding, going down ~ descending; act of dying, death
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoobad
-ka: (n) an inclined surface: slope (isloop); slant (islaant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobad
-ka: (magac, keli) meel sare ka soo dhicid. Dh: hoobasho.
hoobad -ka: (magac, lab, keli) meel dhaadhac ah, hoos uga daadegid. Dh: hoobasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoobad
a: hoobasho (/da) [vn-f]
de: sliding, going down ~ descending; [fig.] act of dying, death
lx: hoobad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: hoobad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hoosad
Officina
Workshop
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogsad
-ka: (magac, lab, keli) isku kicid oo buuqid oo iswada taagid. Dh: oogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoobad
(Qoobad-da)
Qaafiri qori ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoobad
m.dh (-do, m.l) Hooy, xero iyo wixi lamida oo aad ciriiri u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoobad
f. n. small wooden water-vessel ~ drinking cup
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoobad
-da: (magac, dhedig, keli) baaquli qori laga sameeyey. Dh: baaquli.
qoobad -da: (magac, dhedig, keli) dhismo yar oo kelidii ah. Qoobad ayuu meel cidla ah ku dhistay. Dh: qol, qoolad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoobad
cf: qaafiri
de: small wooden water-vessel ~ drinking cup
lx: qoobad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qoobad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobso
f.mg3 (-saday, -satay) Roob helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
roobso
f.mg3 (-saday, -satay) Roob helid. m.f.dh, roobsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roobso
v. receive rain; get rich
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobso
(fal) cir dhulka maasheeya hel; roob ha kugu da'o.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roobso
de: receive rain; [fig.] get rich
lx: roobso
nt: roobsad (ka) [vn-m], roobsasho (/da) [vn-f]
pd: (roobsaday)
ps: v3a=intr
key: roobso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roomad
(Roomad-da)
Qoryaha wax lagu dhiso, kuwooda dheerdheer oo aan sarabka ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roomad
m.dh (-do, m.l) Ul dheer, dhumuc weyn oo guryaha miyiga iyo carshaanta lagu dhiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roomad
f. n. main posts for building a nomadic hut
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roomad
cf: aqal
de: main posts for building a nomadic hut
lx: roomad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: roomad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toobad
(Toobad-da)
Baryo ama cibaado kale oo qof gefey ama denbi falay la yimaado, si Ilaah u cafiyo; Ilaah u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toobad
m.dh U noqosho Ilaahay addeciddiisa loo noqdo. la-mid: tawbad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toobad
m.dh U noqosho Ilaahay addeciddiisa loo noqdo. la-mid: tawbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toobad
f. n. repentance, penitence, contrition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toobad
-da: (n) repentance (ri-peen-tansi); contrition (kon-tara-shin); penitence (pena-tansi) ~ tawbad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toobad
-da: (magac, dhedig, keli) baryo ama cibaado kale oo qof gefey ama denbi falay la yimaaddo, oo rabbi ku weyddiisto maqfiro iyo cafis, eebbe u noqosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toobad
a: tawbad
bw: Arabic
de: repentance, penitence, contrition
initial: t
lx: toobad
pd: (-da)
ps: n-f
key: toobad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroosad
m.dh Haweenay ku jirta toddobaadkii ugu horreeyey aqalgalkeeda. la-mid: caruusad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aroosad
m.dh Haweenay ku jirta toddobaadkii ugu horreeyey aqalgalkeeda. la-mid: caruusad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aroosad
f. n. bride
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aroosad
-da: (n) bride (baraaydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroosad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh aan ka bixin ayaamihii arooska. Dh: caruusad, caroosad.
aroosad -ka: (magac, lab, keli) guursadka gabadh; aqalgelis. Dh: aroosasho, guursasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aroosad
bw: Arabic
de: bride
lx: aroosad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: aroosad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogsad
(Doogsad-ka)
Doogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogsad
m.l la-mid: doogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogsad
-ka: (magac, lab, keli) ka soo rayn oo dhib horay loogu jiray ka soo kabasho. Dh: roonaan.
doogsad -ka: (magac, lab, keli) dhul naq helay, doog yeelasho.
doogsad -ka: (magac, lab, keli) gocasho oo hoosta ka soo bukoonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorsad
(Doorsad-ka)
Doorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsad
m.l la-mid: doorasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorsad
vl. n. exchange (as of money); healing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsad
-ka: (magac, lab, keli) shey aad haysatay, wax kale ku beddelasho. Dh: doorsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorsad
a: doorsasho [vn6-f]
de: exchange (as of money); healing
lx: doorsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: doorsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foofsad
m.l la-mid: foofsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoorsad
(Hoorsad-ka)
Hoorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorsad
m.l la-mid: hoorsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorsad
-ka: (magac, lab, keli) wax da'aya ama shubmaya weel ama sacabka u dhigasho. Dh: hoorsasho, hoorsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joogsad
(Joogsad-ka)
Joogsi; joogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogsad
m.l la-mid: joogsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joogsad
vl. n. stop, act of stopping; period {punctuation}; bus ~ taxi stop
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
joogsad
-ka: (n) 1. punctuation mark [.], full stop; period (piiriyad). 2. the act of stopping ~ joogsasho, joogsi. 3. stop sign
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogsad
-ka: (magac, lab, keli) kor isu taagid oo fadhi ka kicid.
joogsad -ka: (magac, lab, keli) socod dabadii, istaagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joogsad
a: joogsi
de: stop, act of stopping; period {punctuation}; bus ~ taxi stop
lx: joogsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: joogsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobaad
m.l la-mid: koowaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolsad
m.l la-mid: loolsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoonsad
m.l la-mid: qoonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoonsad
-ka: (magac, lab, keli) hadal ama fal ka xumaansho oo niyadda ka nicid. Dh: qoonsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobban
f.mg4 (-naa, -nayd) Dhul wax roob helay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roobban
der. [adjective] having received rain (of a specific area, people, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobban
(tilmaame) meel roob leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roobban
de: having received rain (of a specific area, people, etc.)
lx: roobban
pd: (roobbanaa)
ps: adj-der
key: roobban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofsad
m.l la-mid: foofsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofsad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo aad leedahay foofsad. Dh: daaqsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooxsad
-ka: (magac, lab, keli) ku talagelida hawl inaad keligaa qabsato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodsad
m.l la-mid: xoodsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogsad
-ka: (magac, lab, keli) shaqaysad muruga la maalo. Xiniinyoolihii kula sinnaa xoogsad buu tegaye. Dh: shaqaysad, tabcad, xoogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xooxsad
(Xooxsad-ka)
Xooxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xooxsad
m.l la-mid: xooxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xooxsad
-ka: (magac, lab, keli) xoox ka lisad oo godolka hortii ka maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoobsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Dad ama xoolo meel tuuran ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yoobsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Dad ama xoolo meel tuuran ahaansho. m.f.dh, yoobsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoobsan
(tilmaame) cidhiidhi ah. Meel yoobsan baan fadhiyaa.
yoobsan: (tilmaame) meel ku kaydsan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroogsad
m.l la-mid: marooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marooqsad
m.l la-mid: marooqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsad
-ka: (magac, lab, keli) hanti dadweyne xoog ama xeelad ku qaadasho oo suuqa madaw u weecsasho. Maroorsadka hanti lagugu aaminay xisaab ayaa ka dambaysa. Dh: leexsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Morooqsad
(Morooqsad-ka)
Marooqsasho,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rommogsad
-ka: (magac, lab, keli) xobkinta gudunta afkeeda lagu xoqo ee lagu xobkisto rommogga saaran lafta ee maydhaxda ka hooseeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rooblada'
-da: (magac, dhedig, keli) noole yar oo kudkudaha u eg oo midabkeedu casaan yahay oo roobku markuu qaado la arko oon nolosheedu sii dheeraan. Dh: roobdoon.