roobladhac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roobladhac
(Roobladhac-a)
Bahal yar oo kudkudaha qaabka uga eg oo midabkiisu xariir guduudan u eg yahay, oo weligi roobka dabadiisa la arko, oo la moodo inuu cirka ka soo dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobladhac
m.l Cayayaan jurmi yar oo midab guduudan leh oo kudkudaha u eg oo la arko marka roob da'o kaddib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roobladhac
m. n., [compound] small red flying insect species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roobladhac
de: small red flying insect sp. (that appears after a rain)
lx: roobladhac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: roobladhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobladhdhac
-da: (magac, dhedig, keli) bayal yar oo sida maska u kal jiidan oo casaan ah oo roobka la da'da.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rooblada'
-da: (magac, dhedig, keli) noole yar oo kudkudaha u eg oo midabkeedu casaan yahay oo roobku markuu qaado la arko oon nolosheedu sii dheeraan. Dh: roobdoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirkasoodhac
-a: (magac, lab, keli) noole yar oo cas oo aan dub lahayn oo biyaha roobku kolkay da'ayaan la arko. Dh: roobladhac, shiilmadoober.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goobdhac
m. n. result, conclusion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobdhac
-a: (magac, lab, keli) xoolo inta ceelkii la geeyey la waayey qofkii u shubi lahaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goobdhac
de: result, conclusion
lx: goobdhac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: goobdhac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roobraac
(Roobraac-a)
Meel roob ka da'ay oo loo guuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobraac
roobraac¹: m.l U guuridda loo guuro meel roob ka da'ay.
roobraac²: f.mg1 (-cay, -cday) Nafley meel roob ka da'ay aadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
roobraac
m.l U guuridda loo guuro meel roob ka da'ay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roobraac
v., [compound] move to a place where rain has fallen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobraac
-a: (magac, lab, keli) geeddi loo guuro meel roob ka da'ay. Xoolo roobraac ah ayaa guban soo degay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roobraac
de: move to a place where rain has fallen
lx: roobraac
nt: roobraac (a) [vn-m], roobraacid (da) [vn-f]
pd: (roobraacay)
ps: v1=cmp
key: roobraac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodhac
-a: (magac, lab, keli) dhul ciiddu kor u soo kacdo oo ay dildillaacdo. Dh: fooc, foorac.
foodhac -a: (magac, lab, keli) wax dhulka ka soo baxaya oo ciidda la soo kacaya. Dh: fooc, foorac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roobsad
(Roobsad-ka)
Roobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobsad
m.l la-mid: roobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobsad
-ka: (magac, lab, keli) roob helid: roob ku di'id. Dh: roobsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soodhac
m.l (kiim.) Saxarro kaahfaleed oo ka soo dhaca atmoosfeerka marka uu qarax bu'eed dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabadhac
f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Ka d.: wax si aad u jeclaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabadhac
-a: (magac, lab, keli) waxyaabo, iska daba imaatin kolba ini timaaddo. Maaliintii oo dhan ayaa la iska soo dabadhacayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooladay
(fal) cid kale, foolad iyo xus farxadeed u samay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fooldhaq
(Fooldhaq-a)
1. Biyaha wejiga lagu mayro.
2. Mayrista wejiga lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooldhaq
fooldhaq¹: m.l 1. F. ah: biyo yar oo wejiga lagu dhaqo. 2. la-mid: fooldhiqid.
fooldhaq²: f.mg1 (-qay, -qday; -dhiqi) U f.: cid wejiga u dhaqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fooldhaq
m. n., (mass n.): water for washing the face
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooldhaq
-a: (magac, lab, keli) maydhista wejiga.
fooldhaq-a: (magac, lab, keli) in yar oo biyo ah oo wejiga lagu maydho. Dh: goror.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fooldhaq
de: water for washing the face
lx: fooldhaq
pd: (-a)
ps: n2a-m-mass
key: fooldhaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooldhaw
m.l Bun la dubay oo jirka la marsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoobraac
-a: (magac, lab, keli) orodsiin faras la fuushan yahay mid aan la fuushanayn la garab orodsiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soo dhac
m.l (kiimika) Saxarro kaahfaleed oo ka soo dhaca atmoosfeerka marka uu qarax bu'eed dhaco.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Soo dhac
Fall-out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo dhac
-ay / day: (v) fall down (faal dhaawn); drop or fall freely
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogadhay
m.l la-mid: boogadhaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbadhac
dubbadhac¹: m.l la-mid: dubbadhicid.
dubbadhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Isku d.: is abaabulid; is habayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubbadhac
f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Isku d.: is abaabulid; is habayn. m.f.dh, dubbadhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbadhac
-a: (magac, lab, keli) arrimo isku hagaagid ama isla falgalid. Dh: tubbarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbadhac
(Garbadhac-a)
Barbarkadhac; barbarro; kalaggurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbadhac
garbadhac¹: m.l Kala rayn waayidda ay kala rayn waayaan laba qof oo legdemaaya.
garbadhac²: f.g1 (-cay, -cday) Laba qof oo legdemaaya, kala rayn waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garbadhac
garbadhac¹: m.l Kala rayn waayidda ay kala rayn waayaan laba qof oo legdemaaya.
garbadhac²: f.g1 (-cay, -cday) Laba qof oo legdemaaya, kala rayn waayid. m.f.dh, garbadhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garbadhac
m. n., [compound] tie-score, draw; parity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbadhac
-a: (magac, lab, keli) barbardhac; kala adkaansho la'aan. Dh: barbardhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garbadhac
de: tie-score, draw; parity
lx: garbadhac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: garbadhac
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoosudhac
m.l (dhaq.) Xilli waddan dhaqaalihiisu uu hoos u dhaco, dhinaca wax soo saarka, beeraha, warshadaha, taaso ay keento hoos u dhac qiimaha lacagta, iyo shaqo la'aan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoosudhac
-a: (n) downfall (dhawn-fool)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosudhac
-a: (magac, lab, keli) wax meel ay taagnaayeen ka soo yaraada.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
korkadhac
outsider
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobabbaw
-ga: (magac, lab, keli) xilli roob isa soo haysto; xilli roob inuu da'o ay u egtahayoo saansaan roob ay jirto. Dh: xillirroobaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roobgaras
(Roobgaras-ka)
Roob diraaceed; amminla.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobgaras
m.l Roob xilliga diraacda ah da'a.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
roobgaras
m.l Roob xilliga diraacda ah da'a.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roobgaras
m. n., [compound] light rain falling before the main autumn rains
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobgaras
-ka: (magac, lab, keli) roob ka mid ah roobabka diraacda. Dh: roobdiraaceed, amminla'.
roobgaras -ka: (magac, lab, keli) roob xilliga diraacda ah da'a.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roobgaras
cf: Dayr
de: light rain falling before the main autumn rains
lx: roobgaras
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: roobgaras
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roobsasho
(Roobsasha-da)
Roob helid, ku di'id, u di'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobsasho
m.f.dh eeg roobso. la-mid: roobsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooskadhaw
-ga: (magac, lab, keli) gaadmo iyo ogaal la'aan wax ku eyelid. Dh: ismijaxaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoobwadaag
-ta: (magac, dhedig, keli) dad wada socda oo aan inta badan kala hadhin. Aniga iyo Suleekha waxaan nahay qoobwadaag. qoodaali: (fal) iyada oon lagu arkayn yar eeg adoo qoorta la laacaya. Aqalka qoodaali dadka ku jira. Dh: eeg, qooraansi, qoollaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobbanaan
m.f.dh eeg roobban. la-mid: roobbanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goofaadhtan
-ka: (magac, lab, keli) isrogrogid ama gagadoon. Goofaadhtanka badan waa lagu daalaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoos-u-dhac
m.l (dhaq.) Xilli waddan dhaqaalihiisu uu hoos u dhaco, dhinaca wax soo saarka, beeraha, warshadaha, taaso ay keento hoos u dhac qiimaha lacagta, iyo shaqo la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobdhaxaad
m.l R. ah: hal riman oo sidkeedii kala bar marayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobdhaxaad
-ka: (magac, lab, keli) hal riman oo sidkeedii kala bar marayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sokowkadhaw
(fal) intaa ka sokow; hadalkaa ka sokow; waxaan kuu sheegay ka sokow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolbaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan la hubin baadhbaadhid. Yoolbaadhidda naga daa. Dh: yoolbaadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolbaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yoolbaadhid.